Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Nugaal: Bacaad qasaare iyo nolol xumo galiyay beeralayda Godobjiiraan

Jibril Osman by Jibril Osman
July 31, 2025
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Nugaal: Bacaad qasaare iyo nolol xumo galiyay beeralayda Godobjiiraan

Ganacsato bakhaarradooda hortooda ka guraya bacaad xiray/ Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) –  Maxamed Shire Aadan wuxuu maarayn la’ yahay nolosha qoyskiisa oo 12 qof ah tan iyo bishii May ee sandkan. Arrintaas ayaa ka dhalatay markii ay ka qasaartay beer saddex hektar ah oo ay u saarnaayeen dalagyo iskugu jiray khudaar iyo raashin.

Wuxuu ka mid yahay beeralay 38 qoys ah oo ku nool degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal oo beerahooda uu saameeyay bacaad halkaas ka dhacayay saddexdii bil ee la soo dhaafay. Waxaa ka aasmay dalag ay ku beerteen roob ka gu’ga oo deegaanka si fiican uga da’ay.

Maxamed wuxuu sheegay in uu qorshaynayay in dalagga saarnaa beerta uu iibgeeyo bishii juun oo uu ku beegnaa goosigiisa, balse uu qalalay ka hor markii badaadku dulmaray. Xaaladdaas ayuu tilmaamay in qoyskiisa ay u horseedday nolol-xumo.

“Markii hore barwaaqaan ku qabnay beerta saddexda wakhtiba waa la karsan jiray ciyaalka dugsi iyo waxbarasho iigu qabeen dhanka waxbarashada xaga maadiga waan fasaxay lacag la’aan awgeed baan u fasaxay xaga quraanka wadaadku wuu dhigaa laakiin waxaan iri waxbaan heli doonaaye iigu dhig ciyaalka.”  

Maxamed wuxuu sheeegay in beertiisa uu bacaadku ku sikanayay saddexdii sano ee la soo dhaafay balse xagaagaan uu aad u kordhay. Wuxuu u sababaynayaa in dhirta deegaanka ay aad u yaraatay roob yarida soo laalaabatay darteed.

Qasaaraha soo gaaray waxaa u dheeer dayn gaaraysa $1,200 oo uu galiyay abuurka iyo falista beerta. Waxaa lacagtaas ku leh ganacsato uu ku qanciyay inuu gudi doonno markay beertu soo go’do. Wuxuu xusay inay hadda soo waydiiyaan maaddaama la dhaafay muddadii ay ku ballameen uusanna hayn qaab uu ku bixin karo.

Dalagga ka ba’ay wuxuu ku qiyaasayay in haddii uu iibgayn lahaa uu ka heli karay ugu yaraan $3,000. Wuxuu lahaa macaamiil oo kala jooga magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo kuwaas oo uu kula heshiiyay inay qaab jumlo ah ugala wareegaan.

Kiishka digirta ayuu xusay in looga iibsan jiray $80 halka qaraha looga jumlaysan jiray $2 ilaa $3, dhaqaalahan ayuu sheegay in reerka ay ugu filnaa. Xaaladaahaas isku biiraday ayuu sheegay in ay ku hayso welwel joogto ah.

Maxamed wuxuu sheegay in sanadkaan ay qoyskiisu ku jiraan nolol xumadii ugu liidatay ee ay mutaan muddo 8 sano ah oo uu beertaan lahaa. Wuxuu xusay inay u ahayd isha kelya ee dhaqaale.

Wuxuu tilmaamay in hadda uu ka rajo dhigan inuu dib u dayactiro beerta maaddaama uu bacaadku wada aasay xitaa ooddii saarnayd oo uu maalin kasta sii kordhayo.

Beeralayda deegaanka oo waxa kaliya ee noloshooda ay ku tiirsanayd ay ahayd wax-soo-saarka beerahoodda ayaa ka siman nolol xumada. Diiriye Cabdiraxmaan Axmed waxaa dhamaan ka qasaaray dalag khudaar u badnaa oo uu beertiisa oo labo hektar ah ku buuray bishii Maarso ee sanadkan.

Qoyskiisa oo 10 qof ah ayuu sheegay in hadda ay hal waqti dabka saartaan raashin min 12 kiilo oo bur bariis iyo sonkor ah oo ay ku caawiyeen dad ay qaraabo yihiin oo ka war helay xaaladdiisa. Hadda oo uu gabaabsi ka sii yahay ayuu sheegay in uu ka welwelsan yahay haddii uu ka dhamaado.

“Nolosha reerkeena hadda aadbay u adkaatay mar waxaa la helaa qado iyo casho marna hal wakhti awal hore beertaan ku tiirsanaayeen beertiina bacaad baa saameeyey dalagii lagu beero waxba ka soo bixi mayo beertii buuro buuruu ka samaystay awoodeedana mahayo cid kale oo wax ka qabanayana magaranayo, aad iyo aadbay noo saamaysay awal hantiilaan ahaa hadda ceyr bay iga dhigtay.”

Diiriye wuxuu sheegay in qasaaraha soo gaaray beertiisa ay u dheer tahay daymo isku gaaray oo ilaa iyo hadda uu bixin la’yahay kuwaas dhan $230. Lacagtaas waxaa ku leh baqaarro ku yaalla deegaanka oo uu raashin reerka uga qaadanayay muddadii uu beerta tacbayay. Waxaa u raaca $800 oo uu geliyay beerta.

Ganacsatadaas ayuu sheegay  in hadda ay ka goosteen in ay dayn hor leh siiyaan ayna ku cadaadinayaan inuu bixiyo midda lagu leeyahay. Ninkan oo beertu ay u ahayd halka il ee ay qoyskiisu ku tirsan yihiin wuxu sheegay inuusan hayn qaab kale oo uu ku debaro noloshooda.

Diiriye ayaa beeralayda deegaanka ku soo biiray sanadkii 2017 xilligaas oo abaar jirtay ay ku dhaafeen 200 oo arri ah iyoo 10 geel ah oo uu ku dhaqanayay miyiga deegaanka. Waxaa xilligaas kula taliyay dad ay qaraabo yihiin oo horay meero u lahaa.

Waxay sidoo kale ka caawiyeeen barista qaabka wax loo beerro iyo dhulka uu degay intaba. Wuxuu tilmaamay in sanooyinkaas ay nolosha qoyskiisa aad u wanaagsanayd maaddaama uu beertiisa ka helayay dhaqaaale fiican oo u sahlay inuu dhisto guri afar qol ah oo ay hadda degan yihiin.

Diiriye wuxuu xusay in hadda uu quus ka joogo beertiisa maddaama bacaadku si xawli ah ugu dhacayo. Wuxuu qorshaynayaa in uu samaysto beer kale balse uuusan hayn weli dhaqaalihii uu ku hirgelin lahaa maaddaama falliinka iyo tacabkaba ay uga baxayso ugu yaraan $3,000.

Dhamaan beeralayda deegaanka ee ay arrintaan saamaysay ayaa wajahaya xaalad isku mid ah. maaddaama beeeraha oo dhan uu wada gaaray bacadka aysanna jirin cid wax soo saaratay sanadkan, sida uu sheegay Aadan Jaamac Qasaal oo ah guddoomiyaha iskaashadata beeeralayda ay ku midaysan yihiin.

Wuxuu tilmaamay in bacaadka oo si xawli ah fidaya ay xittaa awooodi waayeen inay xakameeyaan.  Waxay ku guuldaraysteen dhiraayn iyo guris ay wadeen muddo labo sanpo ah.

Wuxuu xusay in bacaadku uu ku daboolay dhul cabirkkiisu dhan yahay 10 km ooo isku wareeg ah taas oo muujinaysa inuuu ka sareeyo heer wax laga qaban karo. Wuxuu intaas ku daray in ay cabasho u gudbiyeen wasaaradda beeeraha Puntland iyaga oo ka dalbaday qalab ay iskaga difaacan walow aysan ka helin.

“Waxaa loola tacaali karaa cagafta wadooyinka hanti aan ku gadan karno oo hal mar noosoo boodaa ma jidho, kan gobolkaan la wadaagnay kan degmadaan la wadaagnay waa wax la wada og yahay wax waxqabad ah kuma qabno Puntland.”

Saamaynta ka dhalatay isbeddelka cimilada sida abaaraha oo keenay nadaab guurka dhirta ayaa sanad kasta saamayn xooggan u gaysta kumanaan qoys oo xoolodhaqato iyo beeralay ah kuwaas oo ay ku adkaato inay ka soo kabtaan maaddaama ay ku burburaan ilahoodda dhaqaalaha.

Previous Post

Cayayaan noociisa aan la garan oo baabi’iyay dalag ay beerteen beeralayda Galgaduud

Next Post

Haween qaxooti ah oo dhibaato gargaar iyo shaqo la’aan ay ku haysa Dhadhaab

Related Posts

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed
Wararkii u Danbeeyay

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed

March 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 9, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Next Post
Haween qaxooti ah oo dhibaato gargaar iyo shaqo la’aan ay ku haysa Dhadhaab

Haween qaxooti ah oo dhibaato gargaar iyo shaqo la’aan ay ku haysa Dhadhaab

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-MAR-2026

IDAACADDA 13-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAR-2026
March 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAR-2026
March 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo