(ERGO) – Qoyska Cali Daahir Xaashi oo 10 qof ka kooban waxay awoodi la’ayihiin inay helaan cunto hal waqti ah, markii beer 3 hiktar ah oo ay ugu beernaayeen digir, yaanyo, Koosto, basbaas iyo qare uu ka baabi’iyay cayayaan bishii Abriil ee sanadkan.
Wuxuu ka mid yahay in ka badan 150 beeraley ah oo ku nool degmooyinka Cabudwaaq, Baxdo iyo deegaanka Faragoy oo hoos taga Dhusamareeb, kuwaas oo wajahay dhaqaale darro iyo tacab la’aan ka dhalatay cayayaanka oo ay beeraleydu sheegeen inuu yahay nooc ku cusub oo aysan horay u arag.
Cali waxay xaaladan dhaxalsiisay inuu maareyn waayo nolosha qoyskiisa. Cuntada yar ee ay heleen waxaa ku caawiya qaraabo uu u dan sheegtay.
“Labo waqti ayaan karsan jirnay. Hadda halkii mar ayaa si dhib ah ku helna. Aa d iyo aad bey xaalada noogu xuntahay oo beerihii wayahanba aan ku tiirsaneyn cayayan baa dhulka geeyay, haba yaraate meel kale oo ay wax naga soo galan majirto illahey dhankiisa mooye.”
Cali ayaa tilmaamay in beertu aheyd isha kaliya dhaqaale ee uu ku tiirsanaa. Wuxuu sheegay inuu awoodi waayay in mar kale uu dib u tacbo, dhaqaale yari darteed. Wuxuu xusay inuusan laheyn xirfad kale oo uu ku shaqeysto.
Warwarka ay ku hayso cunno yarida ay wajahayaan ee ka dhalatay dhaqaale burburka ayuu xusay inay u dheertahay waxbarasho la’aanta 4 carruur ah oo u dhiganayay dugsiga dhexe.
Markii uu awoodi waayay inuu ka bixiyo lacagta bishii laga rabo oo ah $24 ayuu xusay in laga soo eryay iskuulka, ayna sidaas uga hareen imtixaanka sanad dugsiyeedka oo la qaaday bishii Juun ee sanadkan.
Ninkan oo 52 jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in halkii uu faa’ido ka sugayay ay natiijadu noqotay in loo qabsado deyn $700 oo uu galiyay beerta, taas oo ah abuur, daawooyinkii uu kala tacaalay cayayaanka iyo shaqaale.
“Ka hor inta uusan cayayaanka naga galin beeraha suuq fiican ayaan u heli jiray dallagyada noo soo go’a oo khudaarta aan safarsano si fiican bey noogu gadmi jirtay wax dhibato ahna kuma qabin, laakiin hadda wixiiba meesha waa ka baxeen. Hal nooc oo u badna cayayaan Dure la iigu sheegay baa ugu darnaa oo dhanka Waqooyiga naga soo galay.”
Cali oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa sheegay in tacabka beeraha uu billaabay sanadkii 2022, markaas oo ari 70 ah oo uu ku dhaqanayay miyiga ay badi abaartu ka laysay.
Soddon neef oo u soo haray, islamarkaana uu ku iibsaday lacag $900 ayuu ku billaabay beertiisa oo ku taalla deegaanka Faragoy oo 20 km u jira magaalada Dhuusamareeb.
Lacagtaas qeyb ka mid ah ayuu ku sii dabarayay reerka inta uu uga soo go’ayay tacabkii ugu horeeyay.
Rajo xumo ayuu tilmaamay inuu la hor fadhiyo beertiisa oo waraab uu uga heli karo ceel biyood afar sano ka hor ay u qoday hay’adda NRC, isaga iyo beeraleyda kale ee deegaanka.
Beeraleyda oo aan laheyn keyd dhaqaale oo muddo ay ku sii tiirsanaan karaan. Waa sababta keentay inaysan u adkeysan karin xaaladda soo wajahday.
Asli Xashi Cabdi ayaa xustay in nolol hubanti la’aan ah oo ay wajahaan tan iyo bishii Abriil ay ka warwareyso inay ku sii daba dheeraato, maaddama cayayaankii saameeyay beertii isha dhaqaale u aheyd aan maaro loo helin.
Qoyskeeda oo ka kooban 7 carruur ah, seygeeda iyo iyada ayay tilmaantay inuusan laheyn ildhaqaale oo baahidooda dabooli karta. Isku filnaasho la’aanta ayay sheegtay inay ku riixday raadinta deyn iyo gacan hoorsiga dad kale.
Seygeeda ayay xustay inuu billaabay shaqo xoogsi ah oo aan joogto aheyn, markii ay ka quusteen tacabka. Dhaqaalaha uu ka helo maalinka uu shaqeeyo oo ah ugu badnaan saddex Doollar xal uma noqon caqabadda cunno yarida ee ay wajahaayan.
“Noolasha qoyska waa adagtahay hal waqti haddaan wax karsano labada kale ma helno. Halkaas mar ayaan mar ba si ku helna oo ah mar odeyga reerka uu xamaal so hela. Noolasha noocas ah ayaan ku jirna.”
Beerteeda oo labo hektar ah ayay tilmaantay in joogto ay uga goran jirtay dalagyo ku baxa saddex bilood oo kala ah batiiq, barbarooni, basbaas iyo yaanyo. Cayayaanka ayay sheegtay inuu dabar jaray markii ugu dambeysay, xilli ay ku dhow yihiin gurashada.
Waxay intaas ku dartay in xaaladan ay ku soo beegantay iyadoo beerta dib ugu celisay $500 oo ay ku qarash gareysay soo iibinta abuur, dawooyin iyo siligi ay ku wareejisay.
Waxay xustay inuu ahaa keydkeedii ugu danbeayay. Waxay filashadeedu aheyd in lacag ka badan $600 ay ka heli doonto dalagyada u beernaa marka ay u iib geyso magaalada Dhuusamareeb.
“Hoos u dhac baan la kulanay. Hadda wax cusub aan ku beernayna malahan. Cayayaanka mar markan ka sii hooreysa ayuu beerta cunay markale oo dib u beernayna waa naga cunay sidaas ayayna wax nacfi ah u laheyn.”
Asli ayaa beeraley noqotay sanadkiii 2023, markaas oo ay ka mid noqotay dad abuur iyo agabka beeraha ka helay hay’aadda NRC. Xilligaas ka hor waxay aheyd xoolo dhaqato, balse abaarta ayaa dhaafisay 10 neef oo geel ah iyo 40 ari ah.
Duraan Cabdi Nuur oo ka mid ah beeraleyda degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa Radio Ergo u sheegay in cayayaanku maalmo kooban uu ku cunayo caleenta iyo miraha, geedkana uu jiridda ka dilayo, kadibna uu qallalayo.
Wuxuu tilmaamay in sidaas uu ku waayay dalagyo uu ku beertay beertiisa oo ah shan hiktar bishii Maarso ee sanadkan, kuwaas oo kala ah galay, masago, bocor iyo babay.
Tan iyo markii ay xaaladan soo wajahday ayuu sheegay inuu ku qasbanaaday inuu raadiyo deyn, si qoysku ay dabka u shitaan. Deyntaas oo uu ku tiirsan yahay muddo saddex bil ah ayuu xusay inay gaartay $300.
Lacagtaas oo looga leeyahay dukaamo ku yaala degmada Baxdo, haddii uusan bixin waxay caqabad ku tahay inuu helo deyn kale.
“Beerta sideedaba lix bil baa la beera lixda kalana waa la gura marka ay gurida ku garto ayaa lacag fiican oo ila $2.300, laakiin hadda beerihii wax weyn laguma hayo.”
Qoyska Duraan oo xoola dhaqato ahaa ayaa tacabka beeraha billaabay sanadkii 2024, markaas oo ay ka soo guureen miyiga degmada Baxdo, kadib markii ay ka la’deen 30 neef oo ari ah iyo laba geel ah oo daaq iyo biyo ku filan waayay.











