Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Baydhabo: Mootooyin shaqo la’aan dhigay rag ku xoogsada gaari-dameerrada

Jibril Osman by Jibril Osman
July 30, 2025
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Mootooyin shaqo la’aan dhigay rag ku xoogsada gaari-dameerrada
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)-Barre Hilowle Maxamed waxay qoyskiisa oo siddeed qof ah wajahayaan nolol xumo badday in ay deriskooda dawarsadaan. Arrintaas ayaa ka dhalatay markii bishii May ay ka istaagtay shaqo xoogsi ah oo uu kaga shaqaynayay gudaha magaalada Baydhabo.

Wuxuu ka mid yahay boqollaal rag ah oo ka soo jeeda qoysas barakac iyo danyar iskugu jira oo gaari-dameerro kaga xamaalan jiray suuqa magaalada, kuwaas oo shaqadoodda ay la wareegeen mootooyinka dusha sare ka furan ee lagu qaado rarka fudud.

Ninkan oo reerkiisa keligiis u shaqaynayay ayaa xusay inay baagamuudanimada ku riixdo in ay qoykiisu hal waqti xitaa dabka si joogto ah u shidan waayaan.

“Dadka deriska ah ee naga itaalka roon ayaa marmar nagu caawiya inay dabka noo shidaan, habeenkii dabkeena oo madoow markay arkaan ayay nagu kaalmeeyaan oo na dhahaan idinkana caawa intaas karsada, waxaas ayaan ku nool nahay. Maalintiiba xabado roooti ah haddaan helno intaas ayaan ku seexananaa.”

Barre ayaa sheegay in shaqada gaari-dameerka uu bilaabay sanadkii 2023 xilligaas oo uu ka soo barakacay deeganka Ooflow 90 km u jira magaalada Baydhabo, markii abaar jirtay darteed ay nacfi meeshay beer saddex hektar ah oo uu halkaas ku leeyahay.

Wuxuu xusay in shaqadiisa uu maalintii ka helayay ugu yaraan $5 faa’iido ah marka uu bixiyo kirada dameerka iyo raashinkiisa oo $4 ahayd oo xitaa bixin waayay, taas oo ku qasabtay inuu iska joojiyo.

Ninkan oo ah 64 jir noloshiisa oo dhan ku soo qaatay beera-falashada ayaa sheegay in xaaladdan ay aad u taabatay. Wuxuu tilmaamay inuusan lahayn xirfad kale oo uu suuqa kaga shaqaysto reerkana uu kaligiis ku tiirsan yahay taas oo ku haysa welwel joogto ah.

“Culayska ugu daran ee na haysta waa shaqo la’aan. Meeshii aan ka shaqaynaynay sidaas ayay naga noqotay, gaaridameeradii dadkaan ka soo kiraynay iyagii ayaa xitaa noodiiday. Wax aan ku shaqaynanno ma haysanno.”

Barre wuxuu sheegay in qoyskiisa cunno xumada ay u dheer tahay biyo-yari. Ceel ku yaalla xerada Mubaarak oo ay deggan yihiin ayuu sheegay in halkii jirgaan laga siiyo shan kun oo shillin Soomaali ah asna uusan awooodin.

Wuxuu tilmaamay in halka caag ay haystaan illaa labo maalin oo ay cabid keliya u adeegsadaan. Xilligii hore wuxuu sheegay inuu biyaha soo daynsan jiray mararka uu lacag waayo balse markii ay isku gaartay illaa $50 ayuu sheegya in loo diiday.

Arrintan ayuu shegay inay ku soo aadday xilli ay ka joogsaday gargaar ay hay’adaha ka heli jireen. Wuxu tilmamay in uusan hayn qorshe uu qoyskiisa kaga saaro xaaladdaan.

Nolol xumadda ka dhalatay shaqo yaridaan ayaa ah mid ay ka siman yihiin dhamaan ragga ku shaqaysanayay gaari-dameerrada. Mursal Xasan Ibraahim wuuxu cunno hal waqti ah u awoodi la’ yahay qoyskiisa oo sagaal qof ah.

“Welwelka hadda nahayo waxa weyaan hadii nolosheena sidan ay ku sii socoto,oo carruurtii aan waxbarasho helin anagana shaqo aan weyno xaafadiina dumarley joogaan waxn ka cabsi qabaa in nolosheena ay sii adkaan doonto dhibaato nasoo wajihi doonto ayaan dareemayaa.”

Mursal ayaa sheegay in magaalada uu ku lahaa macaamiil badan oo uu rarka u qaaddo kuwaas oo uu ku helayay maalintii $5-$7, balse dadkaas ayaa halmar ka wareegay markii ay soo bateen mootooyinka.

Wuxuu sheegay in sababta loogu guuray mootooyinka ay tahay inay si dhaqse leh ku gaynayaan rarka meel kasta ayna ku shaqaynayaan qiimo ka jaaban gaari-dameerrada maaddaama ay maalintii qaban karaan shaqo aad u badan.

Ninkan oo qoyskiisa si buuxda ugu filnaa biilkooda ayaa hadda fara-maran. Wuxuu sheegay in muddo labo bil ah ay ku tiirsan yihiin raashin bisil oo ay marmar ku caawiyaan qoysas kula nool xerada Buula-nuuriyo.

Wuxuu sheegay in dhaqaale xumada haysata ay u dheer tahay daymo iskugu gaaray oo dhan $260. Wuxuu xusay sababbay in dukaannaddii uu adeegga ka qaadanayay ay ka joojiyaan markii ay ogaadeen inuusan shaqo hayn.  Sidoo kale dadkii lahaa dameerka uu ku shaqaysanay ayuu sheegay inay ku leeyihiin dhawr bil oo kiro ah.

Mursal wuxuu sheegay in subax kasta uu u kallaho magaalada isaga oo shaqo cusub raadinaya balse ma soo helo. wuxuu u sababaynayaa arrintaas inuusan lahayn xifad suuqa looga baahan yahay iyo inuusan dad caawiya ka aqoon magaalada.

Qoyska ninkan ayaa ka soo barakacay deeganka Ufurow oo magaalada Baydhabo u jira 30 km sanadkii 2023. Waxaa xilligaas dhaafay tiro ari ah oo ay dhaqanayeen. Wuxuu tilmaamay in tan iyo xilligaas ay hadda ku jiraan nolol xumadi ugu liidatay ee abid soo marta.

Nolol xumada ka jirta xeryaha ayaa sii kordhaysa marba marka ka danbaysa sida uu sheegay Cali Isaaq Daahir oo ah guddomiyaha  guddi ay ku midaysan yihiin ilaa 101 xero oo ku taalla magaalada Baydhabo

Wuxuu tilmaamay in xaaladdaas ay keentay markii ay isku beegmeen shaqooyinkii dadkaas ay qaban jireen oo yaraaday iyo hay’addihii gargaarka siin jiray oo iyaguna dhimay deeqdii ay bixin jireen.  

Cali ayaa sheegay in dadka xeryaha deggan oo ku tiirsanaa caawinta ay isisiiyaan ay xilliggaan is caawin waayeen maaddaama ay ku jiraan duruuf isku mid ah. Wuxuu ka dayriyay sida ay xaaladoodo sii ahaan karto haddii aysan helin caawinaad degdeg ah.

“Dadka waxay isku caawin jireen ninka gaari dameerka wata manta hadii uu soo shaqeesto waxn sameyn jirney meel allaale meeshii dhibaato markaas taalo oo xeryaha dhexdooda ah umada wey is tabar dhantaa dadkaas ayey dabka u shidayeen .caawintii iska dhaaf asaga ayaaba dhibaato hor leh soo saameysey.”

Qoysaska xaaladdaan nolol xumadda ah wajahaya ee ku jira xeryaha ayuu sheegay in ay gaarayaan illaa 300 oo qoys. Wuxuu tilmaammay in ka guddi ahaan ay maamulka Koonfur -galbeed iyo hay’adaha samafalkaba u gudbiyeen xaaladad dadka balse aysan weLi helin jawaaab.

Iyada oo dadkii horay ugu jiray xeryaha ay xaaladdaas wajahayaan ayaa haddana waxaa maalin kasta xeryaha soo gaaraya qoysas kale oo hor leh kuwaas oo ka so barakacaya colaaddo iyo roob yari. Arrintaas ayaa u muuqata mid xaaladda sii adkayn karta.

Previous Post

Reer-guuraa hore oo qayb ka ah dhismaha wadooyinka Gaalkacyo oo il-dhaqaale u noqday

Next Post

Cayayaan noociisa aan la garan oo baabi’iyay dalag ay beerteen beeralayda Galgaduud

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Cayayaan noociisa aan la garan oo baabi’iyay dalag ay beerteen beeralayda Galgaduud

Cayayaan noociisa aan la garan oo baabi’iyay dalag ay beerteen beeralayda Galgaduud

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo