Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Reer-guuraa hore oo qayb ka ah dhismaha wadooyinka Gaalkacyo oo il-dhaqaale u noqday

Jibril Osman by Jibril Osman
July 28, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Reer-guuraa hore oo qayb ka ah dhismaha wadooyinka Gaalkacyo oo il-dhaqaale u noqday

Faysal oo simaya waddada si interlock-ka loo saaro/Maxamed Cabdulqaadir Dacar/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamuud Cali Axmed wuxuu qoyskiisa oo 7 qof ah markii ugu horrayay ka saaray nolol xumo ay wajahayeen saddexddii sano ee la soo dhaafay. Waxaa arrintaas u sahashay dhaqo xoogsii ah oo uu helay bishii Abriil ee sanadkan.

Wuxuu ka mid noqday boqolaal rag ah oo loo qaatay in ay ka shaqeeyaan dhismaha waddooyin iyo suuqyo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ganacsato iyo maamulka oo iskaashanaya ay saarayaan Interlock.

Muddo labo bil ah oo uu shqadaas hayo wuxuu tilmaamay in uu si joogto ah uga helin lacag u dhaxaysa $10 illaa $15 oo ku xiran hadba sida ay u shaqeeyaan.

Ninkan oo horay u ahaa baagamuuddo ayaa hadda sheegay in qoyskiisa ay ka bexeen cunno xumo daran oo haysatay.

“Bakhaarka biilka ah reerku saran yahay laba bilood bil waa iska bixiyey bil waa igu harsan tahay deymo kaloo yaryaroo waa iska baxshay jajab ah wax weyn bay iga tartay shaqadan.”

Qoyska Maxamuud ayaa barakac ku soo gaaray magaalada bishii Oktoobar ee sanadkii hore xilligaas oo 130 ari ah oo ay ku dhaqanayeen gobolka Doollo ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ku dhaafeen abaar soo jirtay labo sano oo xiriir ah.

Waxay xilligaas dantu ku qasabtay in ay dulsaar ku noqdaan qoysas ay qaaraabo yihiin oo magaaada deggan. Wuxuu sheegay in ay  ku caawin jireen cunto aan joogto ahayn iyo hoygooda oo ay la degeen balse aan wada qaadin.

Maxamuud ayaa sheegay in xilliyada ay wax ka waayaan qoysaska ay la noolaayeen oo qudhoodu danyar ahaa  ay qatooyo mudan jireen. Wuxuu intaas ku daray in muddo dheer ay ku qaadatay in uu shaqo helo maaddaama uusan aqoon u lahayn magaalada.

“Duruuftu wax walba waa kula galaysaa. Hadda shaqada magaalada laamiyaasha oo dhan baa lagu fidinayaa baa la yiri marka waxaan rajayn inay sii socoto waana filayaa inaan shaqaale joogtaa noqdo.”

Maxamuud in uu reerkiisa hadda ka saaray cunno xumada waxaa u dheer in uu sidoo kale markii ugu horraysay bishaan u kireeyay guri labo qol ah oo ay kaga maarmeen dadkii ay dulsaarta ku ahaayeen. Wuxuu bil kasta ka dhiibyaa lacag dhan $80 oo aan hadda culays ku hayn.

Waxaa intaas u dheer in uu waxbarashada ku daray bishii May 4 carruurtiisa ah oo gaaray da’da waxbarashada. Wuxuu geeyay dugsi hoose iyo dhexe isaga oo ka dhiibaya isku dar bishii $40. Arrintaas ayuu tilmamay in ay ahayd rajo uu ku taamayay balse u rumowday.

Maxamuud oo hadda qaabilsan keenkeenista iyo soo rarista agabka loo adeegsanayo dhismaha ayaa sheegay in uu qorshaynayo in uu barto xirfadda dhismaha bilaha soo socdo. Wuxuu u jeedkiisu yahay in uu barto cilmi uu ku shaqaysan karo mustaqbalka danbe.

Wuxuu xusay in hadda uu qorshaynayo in uu dhaqaalaha uu helayo uu qaar ka mid ah kaydiyo si uu ugu samaysto il dhaqaale haddii ay shaqadu soo idlaato. Wuxuu aaminsan yahay in hadda uu magaalada faham fiican ka helay inta uu joogay oo haddii uu lacag kaydsado uu xitaa naawilayo in uu ganacsi furto.

Dhismaha waddooyinka oo soo billaabatay bishii Maarso ee sanadkaan markaas oo maamulka degmada ay ku amreen dadka ganacsiyada iyo guryaha ku leh waddooyinka waawayn ee magaalada ayaa il dhaqaale u noqday dad badan oo horay shaqo la’aan u ahaa.

Waxaa ka mid ah Faysal Xasan Faarax oo saddex bil oo uu shqaynayo u helay cunno saddex waqti ah   qoysikiisa oo 4 qof ah. waxay ka soo kabteen nolol xumo badday in ay kaalmo waydiistaan dadka magaalada. 

Shaqadaan oo ah middii ugu horraysay ee uu helay muddo 7 bil ah oo uu barakac ku yahay  Gaalkacyo ayuu xisay in uu si maalin leh ah uga helo lacag gaaraysa ugu yaraan $10.

“Shaqo maanba heli jirin magaalada maan kala aqoon. Wax shaqo ahna kumaan haysan caawimaad inaan ka helo qof qaraabada ah maahane si kale wax u helo maysan jirin, marna reerka dabka waa u shidnaa marna waa ka dansanaa xaalad noocaas ah lagu noolaa. Maalinkii waxaa lagayaabaa reerka in hal gelin wax loo shido oo wakhtiyada kale la iska waayo.”

Qoyska Faysal ayaa magaalada ku soo barakacay bidhii Diseembar ee sanadkii hore. waxaa xilligaas oo ay daaq yari darteed ka martay 220 arri ah oo ay ku dhaqanayeen deegaanka Xerojaale ee Gobolka Mudug. wuxuu xusay in xilligaan qoyskiisu ay ku jiraan noloshii ugu wanaagsaneed muddo saddex sano ah oo roob yari soo jirtay.

Wuxuu tilmaamay in hadda dhaqaalaha soo gala uu u suura geliyay in uu ka guuro qoys ay qaraabo ahaayeen oo ay dulsaar ku ahaayeen. Wuxuu kiraystay qol ku yaalla beel bannaanka ka ah magaalada kaas oo bishii laga qado lacag dhan $30. Wuxuu hadda qorshaynayaa in daqliga uu helo uu il dhaqaale ugu abuuro qoyskiisa.

“Lacagta aan ku shaqeeyo barna meel baan dhigtaa, waxna waan isticmaalaa, waxna meel waanka dhigtay waxaan ka caawiyey reerahii aan ka dhashay miyi ku nool xoolo dhaqatada ahaa baa wax uga diray bisha. Hadda ugu dambaysay raashinkoodii iyo masaariiftoodii kuli anigaa qaaday ilaa lacag $150 waa gaaraysa waa ugu adeegay.”

Faysal aya sheegay in helista shaqadaan ay soo celisay rajada  qoyskiisa. Wuxuu tilmaamay in uu quus ka joogay ku noolaanshaha magaalada oo markii hore uu islahaa waxaad ka helaysa nolol dhaanta.

Wuxuu ku fekerayay in uu ku biiro xeryo marakac si uu u helo gargaarka hay’adaha, balse wuxuu ku soo beegmay xilli uu joogsaday gargaarka. Wuxuu aaminsan yahay in haddii uusan shaqadaan heli lahayn ay geli lahaayeen xaalad qatar ah.

Dhamaan shaqaalaha loo qaatay shismaha waddiiyinkaan oo qiyaastii 250 ah sida uu sheegay Maxamed Cabdi Axmed oo ka mid ah injineerada dhisaya waddooyinka ayaa ka siman in ay beddeleen nolosha qoysaskooda.

Wuxuu tilmamay in  qof walba oo shaqada ku jira uu helayo dhaqaale fiiican walow ay usii kala mushaar badan yihiin sida ay u kala fahamsan yihiin hawsha. Maxamed ayaa xusay in ay raggaan ay u shaqaalaysiiyeen si ay uga saaraan nolol xumada maaddaama ay ka war hayeen xaaladdooda.

Maxamed ayaa sheegay in xoogsatadaan dhaqaalaha ay ka heleen waddada ee ay noloshooda ku dabarayaan xilligaan ay u dheertahay xirfadda ay ka baranayaan taas oo anfacaysa mustaqbalkooda danbe.

Inta badan dadka ku barakaca magaalooyinka ma helaan fursad ay ku shaqaysan karaan maaddaama aysan lahayn faham ku saabsan xirfadaha looga baahan yahay magaalooyinka. Arrintaan ayaa u muuqata fursad ka caawin karta in ay magaalada kula qabsadaan.

Previous Post

Gedo: Qoysas barakac ah oo isku-dul-nool markii la dhimay gargaar ay heli jireen

Next Post

Baydhabo: Mootooyin shaqo la’aan dhigay rag ku xoogsada gaari-dameerrada

Related Posts

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed
Wararkii u Danbeeyay

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed

March 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 9, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Next Post
Baydhabo: Mootooyin shaqo la’aan dhigay rag ku xoogsada gaari-dameerrada

Baydhabo: Mootooyin shaqo la’aan dhigay rag ku xoogsada gaari-dameerrada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-MAR-2026

IDAACADDA 13-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAR-2026
March 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAR-2026
March 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo