Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Qoysas barakac ah oo isku-dul-nool markii la dhimay gargaar ay heli jireen

Jibril Osman by Jibril Osman
July 26, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Qoysas gargaarku ku yaraaday oo ku nool xerada Qurdubay Gedo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysas waayay waxay ku shitaan dabka ildhaqaalana aan laheyn, kuna ceyrtoobay abaaro soo maray ayaa dantu ku qasabtay inay dulsaar ku noqdaan qoysas kale oo kula nool xerada Qurdubay ee degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Waa xaalad muujineysa heerka cunno yarida iyo hubanti la’aanta nololeed ee ay wajahayaan danyartan ku dhibban halkii ay soo maciin bideen. Muxumed Maxamed Sahal waxaa dabka u shida reer kale oo xerada kula nool. Cunto hal waqti ah oo aan ku filneyn ayay helaan maalinkii. Waa kaalmo wax weyn u tartay, hase yeeshee kama dhigna in baahidooda ay dabooshay.

Qoyska taakuleeya ayaa gargaar kooban bishii ka hela hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP. Waa lacag $55 ah oo loo billaabay bishii May ee sanadkan, iyadoo socon doonta muddo lix bilood ah.

Muxumed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoyskan aysan ehel aheyn, balse duruufta haysata markii uu u bandhigay ay ka aqbaleen in bishii ay ku caawiyaan 15 kiilo oo ah bur, bariis, baasto iyo hal liitar oo ah saliidda lagu karsado cuntada.

“Raashinki wax lagu darayo malaha oo khudaar malaho oo iidaan kale malaho.  Hal waqti oo bariiskaas ah ayay ciyaalku cunayaan xaaladdu aad ayay nooga xuntahay.”

Muxumed ayaa intaas ku daray in taakuladan aysan dabka u shidi Karin wax ka badan toban beri. Waxay dantu ku riixday in maalin kasta uu magaalada u shaxaad tago.

Raashiin ceyriin, mid bisil iyo lacag, hadba wuxuu helo ayuu reerka kula soo noqdaa. siduu sheegay uma helo Joogto oo isagoo faro maran ayuu soo laabtaa maalmaha qaar.

Nikan oo ah aabbaha lix carruur ah ayaa sheegay in xaaladan ka hor uu marna heli jiray gargaar, marna ahaa xoogsade ka shaqeeya dhismaha guryaha.

Shaqadaas oo uu ka dabari jiray nolosha qoyskiisa ayuu xusay inuusan helin muddo toddobo bilood ah. sababta wuxuu ku sheegay fursadda oo aan jirin. Wuxuu intaas ku daray inuusan laheyn xirfad kale oo uu ku shaqeysto.

Gargaarka oo isna kabi jiray nolosha reerkiisa ayuu sheegay inay ugu dambeysay sanadkii 2023, markaas oo ay ka istaagtay kaalmo $85 ah oo muddo sannad ah ay siin jirtay hay’adda WFP.

“Shaqadi waxay u istaagtay marki hore dhaq-dhaqaaq ayaa jira. Haddase maya. Meel ay wax ka jiraan garan mayo. Ilaahayga weyn unbaan sugeynaa.”

Muxumed oo 75 jir ah ayaa tilmaamay in marxaladda ay ku jiraan hadda aysan horay u soo marin. Walaaca uu qabo ayaa ah inuusan xal hayn, dibna ugu noqon Karin isagoo faro maran miyiga deegaanka Yeed ee gobolka Bakool oo uu ka soo baracay sanadkii 2022, markii abaar ay uga dhammaadeen ari 62 ah iyo 11 geel ah oo uu dhaqanayay.

“Habeenkii dhaxan ayaan wajahnaa, maalinkiina qurax oo bacdaas guriga saaran ayaa nagu dhalaaleysa. Ganacsatada xeradan oo markii hore oo aan shaqeyn jiray deymaha ka sii qaadan jiray hadda deymihii way ii diideen, wax la’aanta awgeed.”

Xerada Qurdubey ee magaalada Doolow waxaa ku nool siddeed kun oo qoys, balse waxaa gargaar qaata 700 qoys. Maamulka xerada ayaa xusay in qoysaskan lagu xushay duruufo gaar ah.

Dadkaas waxaa ka mid ah Sahro Cumar Cabdi. Waxa kaliya ee hadda qoyskeedu ku tiirsan yahay ayaa ah lacag $55 oo bishii ugu soo dhacda kaar ay siisay hay’adda WFP.

Waxay xustay inay ku soo iibsato raashiin gaaraya 55 kiilo oo ah bariis, bur, sonkor, kartoon baasto ah iyo saddex liiter oo saliid ah. Labo qoys oo dariskeeda ah ayay tilmaantay inay wax ka siiso raashiinkaas.

“Waa qof baahan. Diinteena ma sheegeyso inaad adiga dab shidato, qofkii walaalkaana uu baahnaado, xataa bani’aadamnimada ka mid maaha inaad qof baahan iska indho tirto.”

Sahro ayaa sheegtay in guriga ay u joogaan toddobo carruur ah oo waxbarasho ay u awoodi wayday. Hadda oo ay kaalmo qaataan ayay xustay inaysan helin cunto ku filan.

Taakulada ay ku tiirsan yihiin waa mid joogsaneysa dhammaadka bisha October ama saddex bil ka dib. Xaaladaas oo ay la socoto ayay xustay inaysan hayn waxay uga sii baaraan degto.

“Wixii nala siiyay waxbay noo tareen, laakiin wali faanoole fari kama qodna waxaa jira xeradii haddii boqol ruux konton la caawiyo, inta kale way baahantahay, waxbay tabanayaan, marka sidaas darteed ayaan ugu baahanahay in naloo gargaaro.”

Sahro oo 41 jir ah ayaa nolosha qoyskeeda ka maareyn jirtay iibinta qaad ay ku dhex gadi jirtay xerada. Shaqadaas ayaa ka istaagtay bishii December ee sanadkii hore, markii qaadka oo deyn ay ku qaadan jirtay loo sheegay inay hor mariso lacagta, taasna ay awoodi waysay.

Ganacsigan waxaa ka horeeyay mid kale oo ay ku laheyd deegaanka Quracle oo hoos taga degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool.

Wuxuu ahaa dukaan ay ku gadi jirtay raashiin iyo dhar. Sanadkii 2022 ayuu ka xirmay ganacsigaas, markii xoolo dhaqato macaamiisheeda ahaa ay deegaanka uga guureen abaar iyo biyo yari iyadoo ku leh deyn ka badan $2000. Sababtaas ayay sheegtay inay ku riixday in xeradan ay soo degto sanadkii 2022.

Kummanaanka qoys ee ku nool xerada Qurdubay ayaa inta badan kaalmo raashiin ama lacag ah ka heli jiray hay’adaha gargaarka. Taakuladaas ayaa meesha ka baxday saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Gargaarka istaagay dadka ku tiirsanaa ee uu saameeyay waxaa ka mid ah Cabdullaahi Maxamed Jire. Waxay cunaan ayuu u waayay lix carruur ah. Danta ayaa ku qasabtay in bishii Maarso uu carruurtiisa u kala dhiibo qoysas ay qaraabo yihiin oo miyiga Doolow deggan.

 “Marka ilmo ciyaal oo naf hayso oo hanti loo gado lahayn, aabbahoodna xoog lahayn see buu ku joogi karaa marka. Yaa tol ah baan dhahay midba meel ayaa loola cararay. Anigana gaari waayay.”

Cabdullaahi ayaa naafo ka ah labada lugood oo uusan ku socon Karin. Kaligiis ayuu aqal cooshad ah ka deggan yahay xerada Qurdubay oo uu ku nool yahay tan iyo sanadkii 2023. Wuxuu sheegay inuusan haysan wuxuu dabka ku shito. Dariskiisa ayaa ku caawiya wixii ay awoodaan oo raashiin bisil ah.

 “Anigana xoog malihi oo meelaha ma ordi karo oo masoo shaqeysan karo. Marka dhibkaas ayaa jira. Reerka ayaan ku dul noolaha, iyagaan waxba haysanin. Meeshan wax waan ku arkay illaah hanaga bixiyo.”

Ninkan oo 74 jir ah ayaa xusay in halkan uu soo maciin biday markii abaar ay dhaafisay ari boqol ah oo uu ku dhaqanayay miyiga degmada Baarey, gobolka Afdheer ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Qoysaska halkan ku nool waxay u badan yihiin xoolo dhaqato iyo beeraley ay saameeyeen abaaro iyo colaado, kuwaas oo nolosha asaasiga ah ay u sal dhigan la’dahay, iyadoo xaaladda barakacu ay tahay mid ku sii daba dheeraanaysa.

Previous Post

Banaadir: Cunno yari ka dhalatay boqollaal ganacsi oo uu saameeyay roobka xagaaga

Next Post

Reer-guuraa hore oo qayb ka ah dhismaha wadooyinka Gaalkacyo oo il-dhaqaale u noqday

Related Posts

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed
Wararkii u Danbeeyay

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed

March 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 9, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Next Post
Reer-guuraa hore oo qayb ka ah dhismaha wadooyinka Gaalkacyo oo il-dhaqaale u noqday

Reer-guuraa hore oo qayb ka ah dhismaha wadooyinka Gaalkacyo oo il-dhaqaale u noqday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-MAR-2026

IDAACADDA 13-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAR-2026
March 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAR-2026
March 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAR-2026
March 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAR-2026
March 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-MAR-2026
March 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo