Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Banaadir: Cunno yari ka dhalatay boqollaal ganacsi oo uu saameeyay roobka xagaaga

Jibril Osman by Jibril Osman
July 25, 2025
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Banaadir: Cunno yari ka dhalatay boqollaal ganacsi oo uu saameeyay roobka xagaaga

Khadiijo Maxamed Xasan oo dhex fadhiga buulkeeda/Rijaal Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Guryaha deriskeeda ah waxaa laga karinayaa qureec balse Khadiijo Maxamed Xasan waxaa dansan dabkeeda, xilli ay ag fadhiyaan carruurteeda oo toban ah, kuwaas oo ka sugaya quud. Waxay hubanti la’aan ku wajahayaan xerada Hilaac-wanaag ee degmada Garas-baalay.

Haweeneydan waxay ka mid tahay boqollaal barakac ah oo ay saamayn ba’an ku yeesheen ganacsiyadoodii roobabka xaggaaga oo maalmahan si xooggan uga da’ayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Khadiijo ayaa xustay carruurteeda ay ka quudin jirtay miis sanbuus iyo khudaar ay saaran, kaas oo  ay ka heli jirtay labo doolar oo u goyn jirtay cunno laba xilli ay karsadaan balse ay hadda ku kulmeen gaajo iyo qabow. 

Waxay awoodi wayday inay waddada miiskeeda dhigato markii ay noqotay biyo-fariisad iyo dhiiqo. Sidoo kale waxaa sii saameeyay dadkii wax ka gadan jiray oo guryaha ku negaaday ama aan soo gaarin karin.

“Saameynta roobabka igu yeesheen waxaa ka mid ah wixii aan soo sameysto markii aan banaanka keeno si layga iibsado waxa ay noqonayaan eber, wixii way is bixin wayeen markii dhowr jeer uu yimid roob waana ba’een wixii dhammaa, waxaa dhacday in markii ugu dambeysay wixii lafaha ahaa aan dib u cuno sidaasna aan meel cidlo ah ugu soo dhacno.”

Khadiijo ayaa sheegtay in shan ka mid ah carruurteeda ay agoon yihiin halkan shanta kale oo ka ugu yar uu jiro saddex bil uusan aabbahood haynin wax shaqo ah. Ganacsigan oo ay ku bilowday $200 lagu caawiyay ayaa u ahaa isha keliya ee ay ku tiirsan yihiin.

Waxay maalinle uga heli jirtay dakhli u dhexeeya $8-9, kaas oo kala filnaa baahiyaha nolosha. Khadiijo waxay xustay in hadda qoyskeeda uu wajahayo cunno yari galisay rajo beel ah.

“Habeenkii oo Kaliyah Ayaan wax karsanaa, waa hal waqti oo ciriir ah, qofkii ilmaha baahi qabato inta habeenka laga gaarayo waxaan ku dhahaa tuubada biyaha ka caba, markii hore dabka xilli walba waan shidan jirnay, waan is kaalmeysan jirnay inta uusan imaan roobka, laakiin hadda xaalka ayaa nagu adag.”

Marka laga soo tago cunno xumada, Khadiijo waxay wajahaysaa caqabado kale oo qalbi jab ah, gaar ahaan dhanka waxbarashada carruurteeda oo ay awoodi weyday inay bixiso lacagtii iskuulka iyo dugsiga Qur’aanka oo ahayd $15 bishii.

“Markii aan lacagtii bixin waayay ilmaha macalinka wuu soo ceyriyay. ilmihii kuwa dariskooda ah lacagtii waa laga bixiyay, iyaganaa qalbiga ayaa jabaya haddii ay guriga jooggaan marka waxaa qasab ah in aan manta oo dhan macalinka ku celceliyo.”

Khadiijo waxay horey uga soo barakacday deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose sanadkii 2019. Waxay halkaas ku lahayd beer laba hektar ah,taas oo meesha ka baxday markii muran dhuleed ka dhashay lagu dilay saygeedii, markaas oo ay ka fursan wayday inay carruurta la soo barakacdo.

Dhibaatada ka dhalatay roobabka ayaa wada saamaysay dadka soo barakacay ee ku nool xeryaha barakaca balse qoysaska ayaa u sii kala nugul waxyeellada. Xabiibo Cali Maxamuud waxay ka murugaysan tahay cunno xumada ay ku sugan yihiin qoyskeeda oo siddeed ah. Waxaa daadadka uga burburay ganacsi sanbuus ah oo ay ku billowday $100 ah oo ugu deeqay nin samofale ah.

Saygeeda ayay sheegtay inuu yahay waayeel naafo ka ah lug iyo gacan oo aan qaban karin shaqooyinka xoogsiga. Cunnada waxa ay ku tiirsan yihiin deriska, kuwaas oo hal waqti maalintii wax siiya. Qasaaraha ka soo gaaray roobabka kuma kooban ganacsi. Waxaa ka kala daatay buulkoodii, iyo musqul kala dhaxaysay qoysas deris la ah.

“Musqushii ayaa naga duntay, guryihii ayaa naga dumay. Habeenkii banaanka ayaan seexannaa. Musqul la’aantu waa caqabad weyn oo nagu heysta, maadaama aan nahay haween aanan habeenkii banaanka aadin karin. Rafaad badan ayaa meeshaan nagu heysta.”

Haweeneydan ayaa sheegtay inay carruurteeda aysan gaarin da’dii ay u xoogsi tagi lahaayeen. Waxay intaas ku dartay in noloshooda oo dhan ay ku taagnayd ganacsiga ka qasaaray, taas oo ku reebay inay ka quusatay dib u hawl gelintiisa dhaqaale la’aan darteed.

“Maalin ayaan sanbuus sameeyay, ka dibna roob ayaa iiga da’ay, sidaas ayaan ku khasaaray oo suuqii uga joogsaday. Hoos dhac weyn ayaa nagu yimid. Qofkii maalinkii sameyn jiray 500 oo xabo oo sanbuus ah, hadda 100 xabo lama iibsanayo. Saameyn weyn ayay roobabku nagu yeesheen.”

Caruurteeda ayay sheegtay inay hadda ku seexanayaan qatooyo, taas oo ku haysta walaac joogto ah oo ay xal u hayn. Qoyska Xabiibo ayaa colaad uga soo barakacay Degmada Mahaday ee gobolka Shabeellaha Dhexe 2023. Ganacsigan ayay ka lahaayeen rajo ah inay kaga baxaan nolosha barakaca balse maanta way ka himilo dhigeen.

Qoysaska dadka soo barakacay qaarkood ayaa la dhibtoonaya daymo ay ka qaateen dukaamada deegaanka oo ay ganacsiga ku furteen balse ay bixin waayeen markii ay burbureen.

Maryan Maxamed Xasan oo korsata lix caruur ah waxaa culeys ku haya dayn ku gashay ganacsiyo kala duwan intii ay deganeyd xerada Hilaacw-wadaag. Waxaa u danbaysay Jallaato ay wareejin jirtay.

Waxa ay sheegtay in hadda ay wajaheyso sanadkii ugu xumaa sabab la xiriirta roobabka iyo jawigii cimilada oo qabow isku beddelay taas oo keentay inay suuq la’aan ku dhacdo.

“Roobabkii bishaan waxay noo geysteen dhibaato weyn. Jalaatadii haddii aan qaado, wax soo gadmaya ma jiraan. Waxa aan hadda wado waa biyo aan hunguriga uga raadinayo. Markii hore jalaatada ayaan ka biili jiray, laakiin hadda waxba uma hayo. Biyo ayaan u kululeeyaa si ay u cabbaan. Dariska ayaa hal waqti noo keena, iyaguna way la yaabeen xaaladdeenna.”

Dukaamadii ay jaallada kasoo qaadi jiray ayaa looga yeeshay $200 ka dibna waxaa loo diiday in la siiyo. Waxaa u dheer lacago kale oo biil ahaan ay ku gashay. Ma hayso si ay isaga bixin karto.

Haweeneydan oo xeryaha barakaca ku noolayd tan iyo 2016 markii abaartii Sima ay uga le’deen 94 oo ari ah oo ay ku dhaqan jireen degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Afar boqol oo haween ah ayaa ganacsiyadooda ku waayay ama ay waxyeello gaartay sida uu sheegay Maxamed Nuur Maxamed oo ah gudoomiyaha xerada. Ninkan ayaa tilmaamay qoysaska haweenkaas ay wajayaan xaalad nololeed oo adag. Wuxuu xusay in ay isku dayeen inay caawiyaan balse ay awoodi waayeen inay dhaqaale ku kabaan.

“Dadkaan badankood waxay horey u haysteen ganacsiyo yar yar, balse markii ay wax kale waayeen, dib ayay u cuneen wixii ay haysteen. Maanta biyaha ma iska bixin karaan, korontada ma iska bixin karaan, cuntadana ma awoodayaan. Waxa ay wajahaan xaalad aad u adag.”

Qoysaskan oo horay ugu guulaystay iyaga oo barakac ah inay abuurtaan ganacsiyo yaryar oo ay biilka maalinlaha ah ka helaan ayaa hadda sheegaya inay waqti qaadanayso inay dib u dhisaan ilahoodii dhaqaale ee sal-djigga u ahaa noloshooda.

Previous Post

Mudug: Qoysas ku tiirsan miraha geedka Yicibta oo ay suuq-geeyaan

Next Post

Gedo: Qoysas barakac ah oo isku-dul-nool markii la dhimay gargaar ay heli jireen

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
blank

Gedo: Qoysas barakac ah oo isku-dul-nool markii la dhimay gargaar ay heli jireen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo