Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku tiirsan miraha geedka Yicibta oo ay suuq-geeyaan

Jibril Osman by Jibril Osman
July 23, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Abdikadir Ali, founder of Daarasalaam Cooperative, weighing Yeheb seeds he buys from displaced and drought-affected pastoralists/

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cali Xuseen Cabdi wuxuu awood u yeeshay inuu qoyskiisa oo 12 ah uu u helo cunno ku filan oo saddexda wakhti ah, markii uu shaqo ka helay iibinta miraha Yicibta oo uu ka soo guro miyiga deegaanka Daarisalaam ee gobolka Mudug.

Shaqadan oo uu labadii bilood ee u dambeeyey ka shaqaynayey ayaa ah mid uu toddobaadkii shan maalmood qabto, taas oo ka saartay xaalad nolol xumo ah oo ku haysatay xerada barakaca ee deegaanka.

Cali wuxuu sheegay inuu hore u ahaa xoolo dhaqato ku nool miyiga, balse xoolihiisa uga le’deen abaarihii dalka ku dhuftay saddexdii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu abaarahaas ku waayey 140 neef oo kuwii u dambeeyey ay ka baxeen bishii Oktoobar ee sannadkii 2024.

Markii uu magaalada soo galay qoyskiisu waxay ku tiirsanaayeen hal waqti oo cunno ah oo ay ku caawin jireen dad deriskiisa ah. Wuxuu tilmaamay muddo kooban, kaddib inay shaqadaan u suuragelisay inuu ka boxo caqabadihii nolosha ee ay la daalaa-dhacayeen reerkiisa.

“Nolosha waa isbeddeshay intaan Yicibta galnay. Xeradii barakaca waan ka guuray. Magaaladaan degay labo qol baan kiraystay. Lacagtooda waan bixiyaa. Ciyaalkii waxbarasho bay galeen. Noloshayada kale waan helnaa. Aad bay u fiican tahay waagii hore barakac baynu ahayn.”

Cali Xuseen wuxuu xusay in waqtigii uu ku jiray xerada ay deeqihii hay’aduhu istaageen, carruurtuna habeenno badan qatooyo ku seexan jireen.

Magaalada oo aan fursado badan oo shaqo ah lahayn ayuu sheegay inuu dhowr jeer shaqo ka raadiyey, balse uu waayey maadaama shaqooyinka deegaanka laga heli karo u badan yihiin dhismo iyo ganacsi isagana uusan awoodin, oo ay isugu darsameen xirfad la’aan iyo tabar-darro ay u dheer tahay waayeelnimo.

Fursadda Yicibta waxa uu ka ogaaday nin ay isku deegaan ka soo jeedeen. Todobaad gudihiis ayuu keenay kiish diyaarsan oo shirkad deegaanka ka jirta uga iibsatey $130.

“Labo wiil baan la tagaa ilaa shan iyo lix beri baan aruurinaa saas baan u shaqaynaa, todobaadka dambana waan ku noqonaa. Waxaa la iga iibsadaa haaf haddii aan keeno $70 ugu yaraan, kiish haddii aan keeno $110 ugu yar, saas bay shirkadda wax nooga iibsataa.”

Cali iyo qoyskiisu waxaa hadda hoy u ah labo qol oo jiingad ah oo kiradooda bishii tahay $30. Waxa uu sheegay in lacag dhan $600 uu ka uruursaday shaqadaan, qorshihiisuna yahay inuu bartamaha bishaan July meherad shaax ka furto magaalada, si ay kab dhaqaale ugu noqoto qoyskiisa.

Shirkaddan oo qaab iskaashi ah u aas-aaseen ganacsatada Daarasalaam waxay fududeysay in si degdeg ah loo iibsado Yicibta, waxaana ka faa’iidaystay dadka danyarta ah gaar ahaan qoysaskii abaaraha ku xoolo beelay ee barakaca ku ahaa deegaankaan oo dhaca galbeedka Mudug.

Faarax Guuleed Farxaan oo qoyskiisu ka kooban yahay 9 qof ayaa sidoo kale ka mid ah dadka fursaddaan ka faa’iidaysanaya.  Dhaqaalaha uu ka helo Yicibta ayaa ka caawiyay inuu ka baxo nolol hubanti la’aan iyo dul-saar ay qoyskiisu ku jireen tan iyo bishii December ee 2024, markaas oo deegaanka ay yimaadeen.

Wuxuu sheegay in markii hore ay cunto hal waqti helayeen, taas oo mararka qaar ay deriska ku taageeri jireen. Faarax ayaa hadda qoyskiisa dejiyey qol kiro ah oo bishii laga bixiyo $20, wuxuuna sidookale markii ugu horreysay dugsi Qur’aan geeyey afar carruur ah oo isu-geyntooda uu ka dhiibo $20.

“Markii hore hal waqti bay ahayd. Markaan imaanayey aniga iyo qoyskayga waxba maynu haysan, guri kiro ahna maanaan kiraysan karin. Reer ayaan dulsaar ku noqonay. Qol baan degnay ilaa lix bilood.”

Faarax waxa uu sheegay inuu saddex maalmood miyiga ku maqnaado si uu u soo guro Yicibta isagoo magaalooyinka uga baxa jihooyin kala duwan. Markii uu soo guro ayuu geeyaa xafiiska iskaashatada shirkadda si uu lacagtiisa u helo.

Wuxuu sheegay in hadda uu dareemayo nolol dhaanta tii hore. Wuxuu sidoo kale xusay inuu markii hore miyiga Yicibta uga guran jiray si ay u cunaan, balse hadda ay u tahay isha kaliya ee nolosha reerkiisa ay ku tiirsan yihiin.

Wuxuu ku faraxsan yahay inay shaqadaan u fududeysay inuu iska bixiyo deyn $300 oo lagu yeeshay labadii sano ee u dambeysay.

“Nolol maalmeedkayga iyo nolosha dhabtaa ayaan hadda fahmay. Lacag baa ii aruurtay. Waxaan bilaabayaa ganacsi Yicibta ah maadaama shirkadu iga iibsato kiish iyo haaf. Waxaan rabaa inaan noqdo ganacsade weyn oo mustaqbalka dhow shirkad kale ka sameeyo deegaanka, Yicibtana aan geyno magaalooyinka waa weyn sida Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso.”

Faarax waxaa uu miyiga ku waayey xoolahii uu dhaqanayay muddo ka badan 15 sano oo uu xoolo-dhaqato ahaa. Wuxuu tilmaamay inuu hadda ku qasban yahay la qabsashada nolosha magaalada.

Miraha Yicibta waxaa caqabad ku ahayd in la waayo cid si degdeg ah u iibsata, taas oo mararka qaar keeni jirtay inay xumaadaan. Cabdulqaadir Cali Aadan, aas-aasaha shirkadda iskaashatada Daarasalaam, ayaa sheegay in shirkaddu ay si gaar ah u taageertay dadka danyarta ah iyo xoolo dhaqatada.

Cabdulqaadir wuxuu xusay in dadka ugu badan ee wax u keena ay yihiin dadkii abaaraha ku xoolo beelay ee magaalada barakaca ku ah iyo dadka xoolo dhaqatada ah ee weli miyaga sii jooga, waxa uu sheegay in maalintii u yimaadaan ilaa 15 qof oo wata kiish ama haaf Yicib ah oo ay ka siiyaan qiimo u dhaxeeya $120-$160.

“Qofkii raashin u baahan iyo agab kale waa siinaa. Markay soo gurtaan iibkii saxda ahaa baan kaga iibinaa. Aad bay ugu faa’iidaan. Markaas ka bacdina markii aan ka gadano oo lacagtii siino wixii lagu lahaa waa iska jaraan, wixii u harana lacag ahaan iyo raashin ahaan u qaataan, iyagoo ah dad soo shaqaystay oo dhididkoodii xalaasha cunaya.”

Shirkaddaan iskaashatada ah ayaa la hirgeliyey bishii Febraayo ee sannadkaan. Markii hore waxaa jirtay in ganacsade kasta si gaar ah u iibsado Yicibta, taas oo ka dhigtay in dadka soo gura ay waayaan cid ka iibsata. Haddase shirkaddan ayaa si toos ah uga iibsata, taas oo u noqotay fursad ay noloshooda uga saaraan duruufihii ay ku sugnaayeen.

Previous Post

Cunno xumo haysa qoysaska dhallinyaro ku nool Dhadhaab oo shaqo la’aan noqday

Next Post

Banaadir: Cunno yari ka dhalatay boqollaal ganacsi oo uu saameeyay roobka xagaaga

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Banaadir: Cunno yari ka dhalatay boqollaal ganacsi oo uu saameeyay roobka xagaaga

Banaadir: Cunno yari ka dhalatay boqollaal ganacsi oo uu saameeyay roobka xagaaga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo