(ERGO) – Qoyska Faadumo Maxamed Xasan oo shan ah ayaa ku wajahaya duleedka deegaanka Oog xaalad cunno xumo, hoy la’aan iyo biyo yari, markii roob dabeyl iyo daad watay uu ka salkiciyay 2 bishan Juun xerada Yamayska.
Waxay ka mid yihiin 310 qoys oo dib u barakacay, kuwaas oo labo u qaybsamay. Qaar maciin biday dad ay ehelo yihiin oo deggan Oog iyo 200 oo kale oo Faadumo iyo carruurteeda ay qayb ka yihiin, kuwaas bannaan-yaal noqday.
Waxay gabaad ka dhigteen geed hoostiisa qoyska Faadumo, kaas oo dusha ay ka saarteen baco iyo kartoomo ay soo aruursadeen. Waxay iska xijiyaan qoraxda maalintii. Waxaa se ay u nugul-yihiin qabowga iyo cayayaanka sida kaneecada.
Roobka ayaa ka galaaftay aqal soomaali uga dhisnaa xeradii ay ku nooleed, dhar iyo maacuun ay cunnada ku karsan jireen. Waxay sheegtay nolol xumo ay u dheertahay rajo la’aan ay ku haysto halka ay dageen.
“Dabeyl xoog leh oo guryaha dhan qaadatay ayay ahayd. Ilaahey baa naga badbaadiyay halisteeda. Maanta waxaa noogu daran hoy, wax la cuno, wax la huwado iyo kaneeco diqsiga le’eg oo nafta noo keentay. Annaga geed yar oo maryo yaryar aan saaranay ayaan iska harsanaa maalintii, habeenkiina iska hoos-galnaa.”
Carruurteedu waxay heli jireen cunno hal ama labo waqti ah ka hor barakaca sida ay sheegtay Faadumo. Waxay ku tiirsanayd raashin hay’aduhu ay ku taageeri jireen oo aan joogto ahayn iyo shaqo xoogsi ah. Qoryaha la shito ayay ka soo guri jirtay baadiyaha xerada.
Dhaqaalaha ay ka heli jirtay oo koobnaa ayay ku iibsan jirtay raashin. Waxay tilmaamtay in marka ay ku filnaan wayso lacagta ay shaqaysan jirtay ay ku baxsan jirtay dukaamo ay dayn ka qaadan jirtay.
“Adeegga markan doono meherada magaalada ayaan wax yaryar ka soo qaad qaadan jirnay. Markan wax helnana waan iska bixin jirnay, dhowr jeerna hay’adda la yiraahdo Islamic Relief saddex bil raashin waa nasiisay, haddana wax raashin ah nooma yaallaan.”
Waxay sheegtay in daymihii ay qaadan jirtay ay ka istaageen, markii ganacsato ku lahaa daymo hore ay ku xujeeyeen in ay iska hormariso lacagta lagu leeyahay inta aysan qaadan dayn cusub.
Waxay sheegtay in at awoodi waysay soo guridda qoryaha oo daynta ay ku dabbari jirtay ama xilli cayiman ay u sheegi jirtay ganacsadaha in ay ku bixinayso. Waxay xustay in uu ku soo laba-kacleeyay cudurka burikiitada oo ay ka shaqaysan la’dahay.
Si la mid ah dadka la soo barakacay Faadumo waxay la tacaalaysa helidda biyaha iyo cunnada. 24 sac mar ayay helaan carrurteeda cunno hal waqti ah oo dad ay ehello yihiin ay ku taageeran, kuwaas oo deggan deegaanka Oog.
Waxay sheegtay in biyaha ay dhabarka uga soo aroorto masaafo u jirtay 3 km, halkaas oo uu ku yaallo ceel-gacmeed. Intaas waxay ku dartay in ay isku wadi la’dahay ilaalinta carruurta yaryar u badan iyo biyaha ay u aroorto oo mararka qaar ay saf u gasho, taas oo waqti badan ku qaadata.
Xerada Yamayska oo roobku uu ka soo saaray waxay deegaan satay sanadkii 2017, markii ay baartu ka dishay 150 ari ah iyo 20 geel. Waxay ka soo barakacday deegaanka Ceel-afwayn oo inta badan nolosheeda ay ku soo qaadatay.
Qoyskeedu wuxuu ka mid noqday dad Soomaaliland ay dajisay deegaan 8 km u jira Oog, balse ugu danbayn ka soo barakceen, markii dhulkaas iyo cooshadii ku yaallay daadad uu burburiyay.
“Halkii dowladdu na keetay weeye halkaas dabeyshu nagu qaadatay. Ilaa shalay dumarku dib bay ugu noqonayeen wixii fiyow sida dhigaha iyo waxyaabaha kale ayay kala soo baxayeen, taas bay ilaa shalay ku noqnoqonayeen.”
Qoysaska bannaan-yaalka ah hoy la’aanta iyo cunno xumada waxaa ugu darsamay qabow iyo roob ku dul-da’ya, kaas oo saamayn taban ku haya. Dadka arrintaas ka cabanaya waxaa ka mid ah Yurub Xasan Maxamed oo deegaan satay dhul uu dhinaca ku hayo geed qurac ah.
Waxay tilmaamtay in dhibicda roobka ay korkooda ku dhamaato iyada iyo carruurteeda siddeed ah Dhibaatadan waxaa u wehliya cunno xumo iyo biyo yari.
Qoyskeeda wuxuu ku tiirsan yahay cunnada ay karsadaan dadka la deggan, taas oo aan joogto ahayn. Waxay xustay in mararka qaar aysan helin raashin wax ka badan labo maalin. Waxay gocanaysaa noloshii ay ku haystay xerada Yamayska oo dhaantay xaaladda ay wajahayso.
“Anagoo iska joogna oo Ilahaay wixii uu nasiiyo ku cunna ha,aduhu noo yimaadaan, hay’adna shan suuli noo dhistay, midna afar suuli noo dhistay. Sagaalkaas suuli mooye wax kaloo dhismaa aan nala siin ayaa dabeyshu naheshay. Waxyeelo dadka ah labo inan oo yaryar iyo haweenay waayeel ah oo dabeyli gashay oo sakaraadday bay waxyeelladaydii noqotay.”
Halka ay degtay waxay u dhaxaysa deegaanka Oog iyo xerada laga soo barakacay ee Yamayska. Waxay sheegtay in tuulada aysan guri ku lahayn, xeradana aysan ku laaban kari, markii dhulka ay ku taallay uu daadadku burbur gaarsiiyay.
Waxay qayb ka tahay haween iyo rag ku foogan in si iskutashi ah ku dhistaan guryo cooshado ka samaysan, maaddama ay ku adagtahay inay kali kali ku dhistaan. Qorshahan oo billowday labo maalin ka hor ayay xustay in uu waxbadan caawinayo dadka nugul ee ay ka mid tahay.
“Konton buul ayaa gacanta lagu hayaa. Shalay qaar baa la dhisay. Maanta qaarbaa la dhisayaa oo beri waa la wadayaa. Marka wixii jajabay ayaan isku geegaynaynaa. Meeshaan bahalo ayay leedahay oo waa laga baqaa, ciidankii Soomaalilandna gees walba way naga jiraan. Dumarku way baqayaan oo waa loo soo dhacaa.”
Waxay sheegtay in ay ku sii nagana doonaan, halka ay dageen inta ay dowladda iyo hay’aduhu ka siinayaan mid u dhaama. Yurub waxay ka soo barakacday deegaanka Garadag ee gobolka Sanaag, markii 100 ari ah ay abaar uga dhinteen.
Waxaa jira qoysas ku tiirsan dad ay ehello yihiin oo deggan dagmooyinka iyo deegaannada Soomaaliland, kuwaas oo arrintaas ay badbaado u noqotay. Qoyska Aadan Yuusuf Dhiif oo 11 qof ah ayaa ka mid ah.
Aadan oo 65 jir ah wuxuu u kallahaa subaxa hore ee maalintii deegaanka Oog. Qoys ay ehello yihiin ayuu carrurta uga soo qaada cunno ay dabka saartaan hal waqti maalintii. Xaaladan wuxuu ku jiray muddo saddex toddobaad ah.
Wuxuu sheegay in xeradii ku noolaa uu ka soo barakacay xilli habeen ah, markii oo uu billowday roob dabayl wata, kaas oo la tagay guri cooshad ah iyo agab u yaallay. Wuxuu tilmaamay in noloshii barakaca ee ku haystay xerada mid ka daran ay galeen.
“Ducufnimo ayaa lagu nool yahay. Hoy la’aan, cunto la’aan iyo huwasho la’aan intaba waan qabnaa. Marka nolosha maaraynteeda waa Zeero. 100%20 maalahan. Ehelka ayaan ku war wareegnaa oo wax na soo siiya.”
Aadan oo xirfaddiisu ay tahay kala dullaalidda xoolaha ayaa sheegay in shaqadaas iska dhaafay markii uu dhaqaale ka waayay xoolaha la keeno sayladda deegaanka oo yar awgeed. Wuxuu ka dayriyay in uusan lahyn qorshe uu kaga dabaasho xaaladda.
Wuxuu ka mid noqday Aadan dad ku xoolo belay abaartii dalka ku dhuftay intii u dhaxaysay sanadihii 2016 ilaa 2017. Waxaa ka dhintay 200 ari ah oo uu ku dhaqanayay miyiga deegaanka Oog ee Soomaaliland.
Roobabka saamaynta taban wata iyo musiibooyinka kale ee dabiiciga ah qoysaska u nugul ayaa ah kuwa ku jira xeryaha iyo danyarta aan awoodda dhaqaale haysan, kuwaas oo ay ku adagtahay in ay si fudud uga soo kabtaan waxyeellada.










