Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

Jibril Osman by Jibril Osman
June 20, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

Nimco Cumar Axmed oo ku howlan karinta cunnada carruurteeda/Maxamuud Cabdirishiid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Abshir Warsame Keerow wuxuu qoyskiisa 11 qof ah u awoodi la’yahay cunno ku filan, biyo iyo hoy ay gabaadsadaan tan iyo kowdii bishii Abriil ee sanadkaan. Waxay xilligaas ka barakaceen colaadda aan weli xalka laga gaarin ee degmada Luuq.

Waxay kamid yihiin in ka badan 400 qoys oo shantii bil ee ugu danbaysay gaaray deegaannada Qooney iyo Boholgaras ee gobolka Gedo, kuwaas oo ka siman nolol xumo quus ka dhigtay oo xeryaha ku haysata.

Abshir ayaa xusay in deegaanka aysan ka jirin shaqooyin xoogsi ah ama fursado kale oo nolol-maalmeedka uu ka heli karo. Xaaladaan ayaa ku qasabtay in uu dadka wax waydiisto. Raashin koonbooyin ah oo aan iidaan lahayn ayuu xusay inuu ka helo dadka deegaanka oo hal mar ay karsadaan, maalmaha qaarna ay qadaan.

“Dhibaato ayaa na haysata colaadaan ku barakacnay, halkaan shaqo ma leh baadiye ayaaan imaanay raashin ma haysano, nolosheenu aad ayay u xun tahay. Dad badan ayaan nahay, islaamka aan ku dhax nool nahay ayaa noo qaar qaaraama suuska yaa cidaha nalooga soo aruuriyaa iyo kiilo kiilo bariis ah.”

Abshir ayaa sheegay in carruutiisa oo yaryar ay xamilli la’yihiin qatooyada waqtiga dheer ah. Raashinka yar ee lagu caawiyo ayuu xusay in aysan cuni karin, maaddaama uusan koosaar lahayn. Ninkan ayaa sheegay in barakacaan ka hor uu nolosha qoyskiisa ku maarayn jiray $150 oo bille uu uga qaadan jiray beer uu falidda u qaabilsanaa.

Waxay ugu filnayd cunno labo waqti ah, biyaha iyo waxbarashada afar carruurtiisa ah oo dugsi Quraan u dhigan jiray, kuwaas oo bishii uu $16 ka bixin jiray, balse hadda daruus la’aan ah. shaqadaas oo u ahayd isha kali ah ee noloshoodu ku tiirsanayd, markii ay meesha ka baxday wuxuu tilmaamay inay galeen hubanti la’aan.

Qoyska Abshir waxaa intaas u dheer in xilligan ay bannaan-yaal u yihiin dabaylo xooggan oo ka dhacaya deegaanka Qooney. Labo toddobaad ka hor ayuu ka dumay buul ay ku noolaayeen. Wuxuu sheegay in carruurtiisa aysan habeenkii seexan karin dhaxanta darteed.

“Guri mahaysano, gogol mahaysano, xoolana mahaysano xaaladanada waa iska cakiran tahay. Hadda dabeelaha xagaaga ee dhacaya banaanka ayaan jiifnaa oo buushashki dabeel ayaa naga dudumisay. Markii horena guryihii waa nalaga gubay waa ka soo cararnay carruurta ayaan ka soo kaxaysanay.”

Abshir waxaa colaadda looga gubay gurigiisii oo ka koobnaa 2 qol, jiko iyo musqul. Wuxuu sheegay in xilli habeen ah si ula kac ah ay dab u qabadsiiyeen maleeshiyo hubaysan oo aysan jirin wax uga cayntay. Qoyskiisu ma haystaan maacuun ay isticmaalaan, maaddaama iyagoo faro maran ay xerada yimadeen.

Ninkaan ayaa sheegay in sidoo kale ay dhibaato ku qabaan helitaanka biyaha. Booyado wabiga ka soo dhaamiya ayaa halkii fuusto lagu shubtaa $4.5-$5 dollar oo uusan awoodin. Dariska ayuu xusay in ay maalinkii hadba qoys ka soo baryaan labo caag oo aan qorrax dhaca gaarsiin karin.

Wuxuu sheegay in dhista guryaha uu duurka ka soo guri jiray si uu carruurtiisa dabka ugu shido, balse suuq la’aanta iyo inuu waayay cid ka iibsata ayaa ku qasabtay inuu iska daayo. Qoysaska dagaalada Luuq ku barakacay oo boqollaal ah waxay sheegeen in aysan helin wax gargaar ah tan iyo markii ay yimaadeen, taas oo sababtay inay galaan xaalad ka daran tii ay deegaankooda uga soo tageen.

Qoyska Nimco Cumar Axmed oo 7 qof ah waxay daruuf adag oo dhanka nolosha ah ku wajahayaan xerada tuulo-bannaan ee duleedka Boholgaras labadii bil ee ugu danbaysay. Haweenaydaan ayaa sheegtay in maalmaha qaar gabbalkuu dhaco waaguna u baryo iyadoon dabka u shidin ilmaheeda.

Waxay tilmaamtay inay shaqooyin nadaafad ah oo helitaankoodu adag yahay ay magaalada ka raadiso. Markii ay hesho ayay xustay inay ka soo gasho lacag u goysa hal kiilo oo bariis ama bur ah oo ay hal mar dabka u saarto. Maalinkii aysan shaqadaas helina ay gaajo ku joogaan.

“Maalina waa qadaynaa maalinla waa helaynaa marba waa sidii Ilaahay wax nagu siiyo. Eero go’an ayaan nahay dad dhulka yaqaan ma nihin, markii hoobiyaha la isla dhacayay ayaan niri carruurta aad meel nabad ah la aadaan cuntana ma haysano waxaan u baahanahay cunno, biyo iyo caafimaad.”

Nimco ayaa sheegtay in ninkeeda oo dhismaha guryaha ka shaqayn jiray markii hore uu hadda shaqo la’aan yahay. Marar badan ayay xustay inuu shaqooyin xoogsi ah raadiyay, balse uusan helin, deegaanka oo ku cusub iyo fursadihiisa oo yar darteed.

Haweenaydaan ayaa dhanka kale sheegtay in halka jirigaan ee biyaha ah magaalada laga gado $0.6 ayna ku adag tahay qoyskeeda.Waxay sheegtay in dad ehelkeeda ah ay 20 bishii hore hal fuusto u dhaamiyeen, taas oo 4 Juun ka dhamaatay.

Waxay hadda ku tiirsan yihiin labaatanle ay ku caawiyaan reeraha dariska ah. maalmaha qaar ayay sheegtay inay u lugaysa xaafado loo socda 10- ilaa 15 daqiiqo, marka ay biyaha ka wayso kuwa u dhow oo ay dhabarkeeda ku soo qaado.

“Biyaha booyado ayaa wabiga ka soo dhaamiya jirigaanka biyahaa meeshan waxaa la gadaa 90 riyaad oo lacagta Itoobiya ah mana iibsan karno. Awal dad iskaga xamaasha magaaladooda ayaan ahayn, laakiin hadda deegaankayagii waa ka soo baxnay.”

Nimco ayaa sheegtay in qoyskeeda ay isku biirsadeen dhowr xaaladood oo kala duwan, kuwaas oo aysan awoodin in ay xalliso. Haweenaaydaan ayaa tilmaamtay in labo carruurteeda ah ay qufac iyo qandho badan ku aragtay ilaa bilowgii Juun, balse aysan hayn qarash ay dhaqtar ku gayso.

 Waxaa arrintooda uga sii daray, markii 28 bishii hore dabaylo ay ka dumiyeen cooshad ay ka samaysteen baco iyo maryo dadka deegaanku ku caawiyeen iyo geedo ay iyada iyo ninkeedu duurka ka soo gurteeen.

Waxay tilmaamtay in magaalada laga heli karo guryo kiro ah, balse aysan awoodin lacagtaas. Haweenaydaan oo 38 jir ah ayaa rajo xumo ka muujisay xaalada ay qoyskeedu ku sugan yihiin. Waxay gabaadsadaan geedaha toga ku yaalla oo ay ka cabsi qabto in ay carruurta xamaaratadu kaga cunaan.

“Rafaad iyo dhibaato badan ayaan qabnaa xagaagi wuu dilaacay oo dabayshii marka ay baciyihii dhufato hoygii aan ka dhistay bacaha iyo geedaha aan soo guray waa iga dumeen. Geeda hoostooda ayaan aadnay, waxaan isleenahay amaad xoogaa dugaal ka heshaan oo dabaysha idinka celshaan. Nabad galyo uunbaan u soo aadnay ee rafaad badan ayaan ku qabnaa.”

Nimco ayaa sheegtay in noloshooda oo dhan ay deganaaayeen degmada Luuq. Barakacaan oo ah kii ugu horeeyayna ay la qabsan la’yihiin. Xerada Tuulo-banaan waxaa ku nool 300 qoys, halka Qooney ay tageen 150 qoys sida ay noo xaqiijiyeen dugoomiyeyaasha labada deegaan.

Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed oo ah gudoomiyaha Qooney ayaa sheegay in aysan u awoodin adeegyada aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Wuxuu intas ku daray inay sameeyeen gudi u dhaxgala dadka deegaanka oo raashin iyo agabyo yaryar uga soo aruuriyay. Cabdicasiis ayaa tilmaamay in dhowrkii qoysba ay hal meel isla dajiyeen si ay hal mar u karsadaan wixii loo soo aruuriyo.

“Waxaa noogu daran dadkii daawo ma leh, hoy ma leh, biyaha booyad ayaa ka keenta wabiga oo 26 km noo jira shidaalkii ayaa kacay oo booyadi iyo shaqaalihii waa isbixin waayeen, beer ma jirto oo beerihii roob la’aan ayaa saamaysay, biyo la cabo ma leh, waala iska soo guuray. Xaalad Ilaahay uu xalin karo ayaa meeshaan ka jirta hay’adahanna nooma imaadaan.”

Dadkii horay deegaanka u joogay oo roob yarida ku waayay beerihii iyo xoolihii ay ku tiirsanaayeen kuna qasbanaaday inay xeryaha galaan, ayuu xusay inay dulsaar ku noqdeen kuwo cusub oo deegaano kale ka soo barakacay. Arintaas oo xaalada ka dhigtay mid adag. Wuxuu sheegay in ay qaylo dhaan u direen hay’adaha iyo dowlada, balse aysan wali wax jawaab ah ka helin.

Previous Post

Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

Next Post

Caynabo: Qoysas wajahaya nolol xumo markii daad uu ka barakiciyay xero ay degganaayen

Related Posts

Banaadir: Qoysas barakac ah oo isku helay biyo-galin iyo nalal cadceedda ku shaqeeya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Banaadir: Qoysas barakac ah oo isku helay biyo-galin iyo nalal cadceedda ku shaqeeya

July 7, 2025
Mudug: Dad barakac ah oo ka baxay nolol xumo markii ay suuq gaysteen dalagyo u soo go’ay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad barakac ah oo ka baxay nolol xumo markii ay suuq gaysteen dalagyo u soo go’ay

July 4, 2025
Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob

July 2, 2025
Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda

June 30, 2025
Dhibaato caafimaad iyo mid nolol xumo oo ka dhalatay biyo yari ka jirta Bandarbayla
Cunto-Yaraanta

Dhibaato caafimaad iyo mid nolol xumo oo ka dhalatay biyo yari ka jirta Bandarbayla

June 27, 2025
Gaalkacyo: Cunno xumo haysa qoysaska ragga kabaha tola shaqo la’aan darteed
Cunto-Yaraanta

Gaalkacyo: Cunno xumo haysa qoysaska ragga kabaha tola shaqo la’aan darteed

June 26, 2025
Next Post
Caynabo: Qoysas wajahaya nolol xumo markii daad uu ka barakiciyay xero ay degganaayen

Caynabo: Qoysas wajahaya nolol xumo markii daad uu ka barakiciyay xero ay degganaayen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2025

IDAACADDA 07-JUL-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2025
July 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2025
July 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2025
July 5, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2025
July 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2025
July 3, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo