Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

Jibril Osman by Jibril Osman
June 19, 2025
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

Arday ka qalin-jabiyay jaamacadaha oo wajahaya shaqo la'aan/ Cabdiweli Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shaqa la’aantu waxay ka mid tahay dhibatooyinka sameeya dhalinyaro badan oo darufo adag wax lagu soo baray, kuwaas oo ku taamayay in ay helaan fursado ay wax uga badalaan noolasha qoysaaskooda.

Inta badan waxaa maqan hanaan isku dheelitiran oo buuxin kara dhaman baahiyaha shaqo ee ka jira deegannada Puntland. Bahjo Cabdirisaaq Warsame waa 24 jir cilmiga caafimaadka bulshada ka dhamaysay jaamacadda Bariga Africa 2023.

Waxay ku hungowday hankeedii ahaa in ay shaqo hesho, kaddib waxbarashadeeda. Ku dhawaad labo sano waxay maalin kasta tagaysay wasaarada caafimaadka si ay fursad uga hesho, balse uma suuragalin.

Haweenaydaan oo ka soo jeeda qoys danyar ah ayaa xustay in ay magaalada Garowe soo maciin bideen, balse aysan helin nolol dhaanta tii ay ka yimaadeen. Waxaa ku adag helida cunno ay hal mar karsadaan. Waxay ku tiirsan yihiin kalmo aan badneyn oo marmarka qaar ay ka helaan eheladooda.

“Qoyskeyga xalaadiisa waa adagtahay. Wax ay manafacadsadan oo ay dabka ku shitan ma heli karan, anigana hadda waxaan ahay qof wixii uu bartay aan shaqo ku helin, taasina waa caqabda aad iyo aad u weyn oo xita kuwii hore ee aan ku soo waxbaratay ka adag.”

Bahjo oo ah curadka reerka ayaa sheegtay in qoyskeeda oo 8 qof ah uusan jirin qof u shaqeeya. Habeenada qaar ayay xustay in ay gaajo ku seexdaan. Waxay sheegtay in ay culays badan ka soo martay helida qarashka waxbarashada sanadkii ugu danbeeyay oo ay xoolo beeleen.

Ehel iyo asxaab ayay xustay in ay dan sheegan jirtay si ay uga bixiyaan, markii ay ka waysana laga soo eryi jiray jaamacadda. Bahjo oo ah qofkii ugu horeeyay ee qoyskeeda wax u bartay ayaa sheegtay in ay ku han weynaayeen in ay daruufta ka saari doonto, balse rajadaasi uma rumoobin.

 “Halkaas caqabad noolaleed oo weyn ayaan kala kulmaya runtii waana wax aad iyo aad looga xumado in wixii aad rajeeyneysay aad weydo. Waxan se rajeeyneyna in isbeddal uu yimaado oo dhalinyarada wax bartay shaqooyin loo sameeyo.”

Bahjo ayaa sheegtay in bishii koobaad ee sanadkaan laga saaaray gurigii ay deganaayeen, markii ay saddex bil bixin waayeen kiradiisa oo bishii ah $100. Xilligaas ayay dulsaar ku noqdeen dad qaraabadooda ah. Lacag loo aruuriyay ayaa looga bixiyay waxayna dib ugu soo noqdeen bishii labaad.

Waxaa hadda lagu leeyay afar bil oo kiro ah, waxaana la siiyay digniin ah in ay dhamaadka bishaan bixiyaan ama ay isaga guuraan. Waxaa loo haystaa $300 oo marar kala duwan ay raashin kaga soo qaateen dukaamo ay isgaranayaan.

Bahjo ayaa sheegtay in ay iskudayday in ay abuurato ganacsi u gaara si ay qoyskeeda xaaladaan uga saarto, balse waxay ku guuldaraysatay saddex jeer iskuday ay ku doonaysay in ay ku hesho deyn ama maalgalin ay ka dalbatay bankiyada gaar loo leeyahay oo ku xiray dhamanad ama hanti ma guurta ah.

Saamaynta ka dhalatay shaqo la’aanta waa xaalad ay ka simanyihiin dhamaan dhalinyarada ka soo baxay jamacadaha dalka ee aan helin fursadihii shaqo ee ay ku haminayeen.

Jamaal Maxamed Ciise oo sanadkii 2024 maamulka iyo maaraynta ka dhameeyay Jaamacadda PSU ayaa sheegay in uu wasaaradaha, hay’adaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyaya uu ku dhawaad boqol mar u dirsaday codsiyo shaqo, balse uusan waxbo helin.

Wuxuu sheegay in filashadiisi sanad ka hor oo mesha ka baxday ay niyad jab ku abuurtay. Jamaal ayaa tilmaamay in uu rajeynayay in cilmiga uu bartay uu ku heli doono shaqo u qalanta qoyskiisana uu ku anfaco. Wuxuu sharaxaya culeyska ay xaaladan ku heysa.

“Dad badan oo qoyskeyga ugu hooreyan ayaan tusaale u ahaa oo igu tashanayay, maaddama ay waqti badan wax baranayeen rabay inaan garab u noqda iyaga iyo ciyaalka iga yar yar marka aad bey Ii sameeysay.”

Jamaal ayaa sheegay in hooyadiis oo kaligeed soo korisay ay darufo adag wax ku soo baratay. Waxay waxabarashadiisa ka mareyn jirtay miis ay khudaar ku iibin jirtay oo ay ku heysato suuqa Inji ee magaalada Garowe.

Wuxuu sheegay in uu maalin kasta tago dhowr xafiis si uu shaqo u soo waydiisto. Jamaal ayaa sharaxaya shurudaha aan laga talaabi karin ee hortagan haddi xita uu shaqo ka heli laha hay’adaha maxaliga ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

“Shirkadihi gaar loo lahaana fursadahooda waa koobanyihiin oo waa ciriiri. Waxaan ku haminayay inaan dowladda u shaqeeyo. Dowladdii aan hamiga ka lahayn shaqaaleysiintii ayay joojisay. Marka ma quusaneyno, laakiin caqabad ayay naagu tahay inaan shaqo weynay.”

Jamaal ayaa sheegay in uu bishii afraad ee sanadkaan ka baaqsaday tahriib ay galeen 10 ka mid ah saaxiibadii ay jaamacadda isla dhameeyeen. Wuxuu sheegay in uu rajo ka qabo in xaaladu ay isbeli doonta, sidoo kalena uu u cabsaday xaalada caafimaad ee hooyadiis oo qabta cudurada raaga.

Ninka ayaa sheegay in saddex walalihiis ah ay wxbarashada uga hareen dugsiga dhexe bilawgii sanadkan, markii loo awoodi wayay qarashkii. Wuxuu hamigiisu ahaan in marka uu shaqeeyo uu dib ugu celiyo, balse ilaa hadda, taas uma aysan suuragalin.

Maamulka Puntland ayaa bishii May ee sanadkii tagay joojiyay qaadashada shaqaale cusub. Sababta ayaa lagu sheegay in uu hakad ku yimid kabkii miisaaniyadeed ee ay ka heli jireen Bangiga Adduunka, kaas oo muddo dheer saldhig u ahaa maalgelinta adeegyada iyo fursadaha shaqo ee dowladda.

Xasan Axmed Maxamuud oo ah madaxa hay’ad Kaafi oo ka shaqeysa tayeynta shaqaalaha dowladda iyo waaxyada gaarka ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in nidaam la’aanta saxda ah ee shaqaaleysiinta ay sababtay dhibaatada shaqaalanta ah.

Wuxuu tilmaamay in arrintaasi ay horseeday in dad badan oo aqoon leh ay camal la’aan noqdaan, halka kuwo aan si hufan loo soo xulin ay ka shaqeeyan xafiisyada dowladda.

“Waxaan ogaaday in dalku shaqooyinku aad u tiro badan yihiin, islamarkaasna ay jirto cagsigeeda ah, in dadkii wax soo bartay ay shaqo la’aan yihiin, waxaana arkay iyadoo saf loogu jiro. Dadka safka ugu jirana ay yihiin dad nidaam kale ku raadinaya, adiguna haddii aad nidaamkii saxda ahaa ku raadisid aadan helayn.”

Daraasad ay sanadkii 2023 soo saareen Daily Somalia oo ka mid ururada dhalinyarada Puntland ayaa lagu muujiyay in heerka shaqa la’aanta uu gaaray in ka badan 70%. Tiradaas ayaa u badan dhallinyaro ka qalin-jabiyay jaamacadaha iyo dugsiyada sare.

Tani waxay si gaara saamayn ugu yeelatay qoysaska danyarta ah ee carrurutooda sida adag wax ku soo baray, kuwaas oo marka ay dhameeyaan waxbarashada sare aan heli karin shaqooyinkii ay ku haminayeen. Macalimiinta jaamacadaha ayaa dhankooda sheegay in arintaan ay waxabarashada ka hor istaagi karto jilalka danbe oo arkaya in kuwii ka horeeyay aysan waxba ku helin aqoontoodii.

Previous Post

Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed

Next Post

Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

Related Posts

Banaadir: Qoysas barakac ah oo isku helay biyo-galin iyo nalal cadceedda ku shaqeeya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Banaadir: Qoysas barakac ah oo isku helay biyo-galin iyo nalal cadceedda ku shaqeeya

July 7, 2025
Mudug: Dad barakac ah oo ka baxay nolol xumo markii ay suuq gaysteen dalagyo u soo go’ay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad barakac ah oo ka baxay nolol xumo markii ay suuq gaysteen dalagyo u soo go’ay

July 4, 2025
Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob

July 2, 2025
Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda

June 30, 2025
Dhibaato caafimaad iyo mid nolol xumo oo ka dhalatay biyo yari ka jirta Bandarbayla
Cunto-Yaraanta

Dhibaato caafimaad iyo mid nolol xumo oo ka dhalatay biyo yari ka jirta Bandarbayla

June 27, 2025
Gaalkacyo: Cunno xumo haysa qoysaska ragga kabaha tola shaqo la’aan darteed
Cunto-Yaraanta

Gaalkacyo: Cunno xumo haysa qoysaska ragga kabaha tola shaqo la’aan darteed

June 26, 2025
Next Post
Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2025

IDAACADDA 07-JUL-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2025
July 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2025
July 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2025
July 5, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2025
July 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2025
July 3, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo