Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed

Jibril Osman by Jibril Osman
June 17, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed

Dadka biraha tuma oo wajahaya shaqo la'aan/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Binto Maxamuud Cumar waxay cunno iyo hoy ku filan u awoodi la’dahay carruurteeda oo shan ah. Arrintaas ayaa ka dhalatay markii saddexdii bil ee la soo dhaafay ay ka joogsatay shaqo xoogsi ah oo ay noloshooda ka maarayn jirtay.

Waxay ka mid tahay 261 qof oo u badan haween ka soo jeeda qoysas barakac iyo danyar iskugu jira oo shaqo la’aan noqday, markii ay yaraadeen biro ay ka soo aruurin jireen magaalada Gaalkacyo oo ay ka iibin jireen shirkadaha doofiya.

Binto oo maalinkasta ku wareegta waddooyinka ayaa sheegtay in aysan helin bir u qalanta in laga iibsado. Waxay u sababaynaysaa dadka biraha aruuriya oo magaalada ku soo batay iyo xarumihii ay ka soo qaadi jireen sida garaashyada oo u diiday.

Waxay sheegtay in xaaladdaas darteed ay meesha ka baxday lacag u dhaxaysay $3 illaa $5 oo ay si maalinle ah uga soo heli jirtay biraha muddo shan ah oo ay ka shaqaynaysay. Waxay tilmaantay in hadda carruurteeda ay ku nool yihiin dayn aysan joogto u helin.

“Habeenno badan ayaa ilmahayga wax u awoodi waayay oo shaah ayaan u kariyaaa oo ku seexiyaa markii tukaanka daynta uu dhahay lacag laguuguma dari karo way dhacda oo ilmahu iska samreen. Dariska markaas qofkii nin u shaqo tago ayaan u tagnaa markaan dhowr habeen qadno markaas ayaan ka helnaa saddex galas iyo wax lamid ah, lakiin maalin walba ma helno.”

Binto waxay sheegtay in nolol-xumada qoyska ay u dheertay, dayn dhan $260 oo ay carruurta ugu qaadday raaashin iyo arrad-tir muddada ay baagamuudada tahay. Waxay ka amaahatay bakhaarro ay macaamiil la ahayd, kuwaas oo hadda culays ku saaraya in ay bixiso.

Haweenaydaan si ay uga baxdo xaaladdan waxay tilmaantay inay raadisay shaqooyin kale, balse ay waysay maaddaama aysan lahayn xirfad suuqa looga baahan yahay. Waxay sheegtay in xaaladdaas ay ku yeelatay qoyskeeda nololeed.

Dhanka kale, waxaa intaas u raacday in ay awoodi waysay in ay dabarto qarashaadka waxbarashada carruurteeda oo ay bil kasta ku dhiibi jirtay lacag gaaraysay $40. Arrintaas aya ku yeelatay welwel kale.

“Carruurta saddex ayaa waxbarashada ku jirtay, labada kale waa yarayar, saddexdiina markii ay birihii yaraadeen waxay noqotay inaan lacagtii awoodi waayey waana dhigan waayay oo waa ka baxiyey aabahi dhalayna wuu igu dayriyey. Anna ilmahayga meel cidla kuma tuurayo ilmaha waxba iguma siiyo balse hadda xaafaday iska joogaan iskuulka ma dhigtaan”

Qoyska Binto ayaa ka soo barakacay deegaanka Mustaxiil ee gobolka Mudug sanadkii 2017 xilligaas oo abaar ay kaga marteen 110 ari ah iyo afartan geel ah oo ay dhaqanayeen. Sidoo kale waxaa ka nacfi beeshay beer ay ku hal kehtar ah oo ay raashin ku beeran jireen.

Tan iyo xilligaas waxay ahayd haweenaydan halka qof ee reerku ku tiirsan yahay. Aabbaha carruurta ayay sheegtay in ay kala tageen aysanna ka helin wax taageero ah.

Dhammaan xoogsatada ka shaqaysta biraha ayaa ka siman duruufaha nololeed ee haysta qoysaskooda. Maslaxo Diiriye waxay dantu ku qasabtay in ay dawarsi cunto ugu raadiso carruurteeda oo 7 ah markii ay ka quusatay shaqadeedii biraha.

Dadka deriska la’ ah ayaa qoysba habeen ku caawiyaa wax ay dabka saartaan. Waxay xustay in habeenada qaar ee ay waayaan oo ay qatooyo ku seexdaan. Shaqadan oo joogsatay oo u ahayd halka il ee dhaqaale ka soo galayay ayay xustay inay ku yeelatay saamayn xooggan.

“Markii hore wax badan baa iska dabari jirnay oo maalinkii haddaan boqol kilo soo helo waxaa nooga soo baxi jirtay lacag $10 ah, hadda lakiin waxii maba aragnaba. Midii horaa noo fiicnayd markaa birahaas helno waxba ka hli jirnay lakiin hadda biro maba helnaba”

Maslaxo oo qoyskeedu ay barakac ku yihiin xerada Lafogeel ee duleedka magaalada oo ay soo galeen 2019 xiligaas oo daaq xumo iyo jirrooyin ay ku dhaafeen tiro ari ah oo ay ku dhaqanayeen deeganka Qalaafe.

Waxay sheegtay in waqtigaas ay billowday ka shaqaysiga biraha markay waysay shaqo kale oo ay qaban karto maaddaama aysan shaqooyinka magaalada aqoon u lahayn. Waxay tilmaantay in maalintii ay kaga tashan jirtay ugu yaraan $3 taas oo ku filnayd cuntada carruurta.

Xaaladdaas waxay bidday in qoyskeeda ay galaan nolol xumo aysan weligood mudan. Waxaa intaas u wehliya daymo gaaraya $470 oo ay sheegtay in ay ku yeesheen dukaanno ay ay adeegyo kala duwan ka qaadan jireen balse hadda ka goostay.

“Daymo ayaa la igu leeyahay dhar iid aan qaaday oo la ibalalmiyey  biyo meelaan ka dhaansaday waa la iiga leeyahay dukaan aan wax ka qaatay waa la iiga leeyahay markaan isku daro tukaanka waxuu sheegayey lacag $70. Biyahana iyga waxay sheegaayeen $30 wax la’aan darted baana u baxin la ahay”

Maslaxo waxay tilmaantay in dhanka kale ay haysato hoy xumo aad u liidata. Waxay degan yihiin buul aad u yar, kaas oo aan celin karin dhibicda roobka gu’ga oo ka da’ya magaalada. Waxay tilmaantay in habeenada qaar oo roobab badan yimaadaan ay soo jeed ku waabariistaan.

Dhanka kale waxay sheegtay in saygeeda oo shaqooyin xamaal ah u aadi jiray magalada, asna uu jiran yahay muddo labo bil ah. Xaaladdahaas isbiirsaday ayay tilmaantay in ay ku yeelatay welwel joogto ah.

Dadkan ku tiirsanaa shaqada biraha ayaa xaaladaan la soo daristay wada gelisay nolol xumo aysan hayn qaab ay kaga soo kabtaan sida ay sheegtay Magaalo Cabdiraxmaan oo ah guddoomiyaha guddi ay leeyihiin.

Waxay surtay in ay ku soo biireen dad badan oo abaaraha ka soo xarooday sanadkii hore taas oo sahashay in biraha la dhameeyo muddo kooban. Garaashda oo ahaa meelaha ugu badan ee ay ka helaan biraha ayay tilmaantay in ay keensadeen mishiino biraha dib u habaynaya.

Waxay tilmaantay in hadda ay ka rajo dhigeen birta maaddaama ay adkaatay heliddeeda aysanna hayn wax ay ku beddeshaan. dadkaan oo ilaa iyo hadda aan helin wax caawinaad ah ayay xustay in ay ku jiraan xaalad qatar ah.

“Xirfado in la baro ayeey u baahanyahiin dadkaan, xirfadduna waxay u baahan tahay barasho si ay u helaan nolol maalmeedkooda, haddii kale waxay carruurta waxbarashada aadi lahaa u dirayaan baalashka birahay leeyahiin nala soo arruuri saa waayo waxay ku nastaan ma haystaan ”

 Xaaladda dadkaan oo ka soo daraysa marba marka ka danbaysa ayaa u muuqata mid ay adag tahay in ay ka soo kabsadaan. Waxaa shaqo la’aanta ku dhacday u dheer gargaar ay ka heli jireen hay’adaha oo asna ka istaagay sanadkan.

Previous Post

Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah

Next Post

Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

Related Posts

Banaadir: Qoysas barakac ah oo isku helay biyo-galin iyo nalal cadceedda ku shaqeeya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Banaadir: Qoysas barakac ah oo isku helay biyo-galin iyo nalal cadceedda ku shaqeeya

July 7, 2025
Mudug: Dad barakac ah oo ka baxay nolol xumo markii ay suuq gaysteen dalagyo u soo go’ay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad barakac ah oo ka baxay nolol xumo markii ay suuq gaysteen dalagyo u soo go’ay

July 4, 2025
Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob

July 2, 2025
Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda

June 30, 2025
Dhibaato caafimaad iyo mid nolol xumo oo ka dhalatay biyo yari ka jirta Bandarbayla
Cunto-Yaraanta

Dhibaato caafimaad iyo mid nolol xumo oo ka dhalatay biyo yari ka jirta Bandarbayla

June 27, 2025
Gaalkacyo: Cunno xumo haysa qoysaska ragga kabaha tola shaqo la’aan darteed
Cunto-Yaraanta

Gaalkacyo: Cunno xumo haysa qoysaska ragga kabaha tola shaqo la’aan darteed

June 26, 2025
Next Post
Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2025

IDAACADDA 07-JUL-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2025
July 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2025
July 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2025
July 5, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2025
July 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2025
July 3, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo