(ERGO) – Maryan Cabdulqaadir Xaaji oo 62 jir ah waxay sodon iyo afar sano ka dib ku guulaysatay in ay yarayso dhibaatada dumarku ay kala kulmaan gudniinka fircooniga ah iyo guryaha ay ku umulaan dhaqtar la’aan. Waxay samaysay wacyi-gelin suuragelisay in haweenku ku baraarugaan khatarta ka dhalata arrintaas.
Haweenaydan oo ku nool degmada Wanlawaynwaxay madax ka tahay xarunta caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ee Malable oo ay maamusho hay’adda New-way. Waxay sheegtay in ay bil kasta bilaash ku qaabisho qiyaastii 800 qof oo dumar iyo carruur ah. Waxay kaga yimadaan dhaan gobolka Shabeelaha hoose.
Maryan waxay xoogga saartaa in haweenku fahmaan muhiimadda ay leedahay in ay helaan daryeel caafimaad inta ay uurka leeyihiin illaa dhalmada. Waxay si joogto ah ugu tagtaa xaafadaha iyo miyiga si ay ugu faafiso wacyigelinteeda.
Waxay xustay in arrintaas ay ku dhalatay markay dhawr mar la kulantay haween ay dhibaato ka soo gaartay umuliso dhaqameed loo geeyay oo gaaray xaalad qatar ah.
“Waxaa igu xanuun badnaa dhacdo aan la kulmay dhowr sano kahor. Gabar laga keenay meel magaalada Walanweyn 15 kiiloomitir u jirta iyadoo foolanaysay muddo toddobo maalmood ah. Nasiib darro cunuggeedii ayaa uurka ku dhintay. Waxaana saarnay gaari, markii ay gaareen isbitaalka Muqdisho ayay waayeen lacagtii loogu talagalay adeegga waa la soo celiyay.”
Maryan si ay sara ugu qaaddo fahamka caafimaadka ee dadka waxay shantii sano ee la soo dhaafay tababar siisay ilaa 60 haween ah. Waxay bartay cilmiga caafimaadka gaar ahaan umulisonimo si ay ugu qayb-qaataan wacyi-gelinta bulshada.
“Waxaan markaas qaatay go’aan adag. Qalab umuliso kama heysan, balse waxaan qaatay sakiin, anigoo ku kalsoon khibraddayda iyo Ilaahay. Waxaan dhaliyay cunugii dhintay oo uurka ku jiray, ka dibna muddo 15 maalmood ah ayaan si joogto ah u daaweynayay hooyadii, ilaa ay si buuxda uga caafimaaddo.”
Waxay koox-koox u aadaan degmooyinka gobolka Shabeelaha-hoose oo dhan iyo deegaannada miyiga ah iyaga oo dadka faham siinaya muhiimadda caafimaadka hooyada iyo dhalaanka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara haddii aysan helin gargaar caafimad oo ku filan.
Arrintaas waxay sheegtay in ay suurta gelisay in ay muddo dheer ka dib ay dadku si joogto ah ugu soo xirmaan xarumaha caafimaadka. Sidoo kale waxay ku guulaysteen yaraynta gudniinka Farcooniga oo aad uga jiray gobolka.
“Wax badan ayaa isbeddelay dadku ayaaga fahmay. Gabadha caadada ayaa dhib ku noqonaysa guurka ayaa dhib ku noqonaya foosha ayaa ku adkaanaysa dadkiii dhibka waa arkeen. Sidaan wax u sheegaynay waa nalaka aqbalay.”
Maryan waxay sheegtay in umulisanimada ay ku soo shaqaynaysay tan iyo sanadkii 1987 xilligaas oo ay ku biirtay dugsigii kalkaalisada rayidka ee Muqdisho. Waxay tilmaantay in ay si toos ah xarumaha caafimaadka ugu hawl billowday 1990 markii ay qalin jabisay.
Waxay xustay in tan iyo xilligaas ay daraasaynaysay dhimaatooyinka caafimaad ee ay wajahaan haweenaka Soomaaliyeed. Waxay xaaladda ugu adag u aragtay gudniinka adag iyo dumarka la gaynayo umuliso dhaqameedka aan aqoon u lahayn maaraynta kiiska.
Mudaddaas waxay tilmaantay in ay xoogga saaraysay in ay beddesho wacyiga bulshada gaar ahaan dumarka oo ay aad u qusayso. Waxay shantii sano ee la soo dhaafay gaartay natiijo wax ku ool ah ka dib 20 deegaan oo ay ku tageen ololehooda.
Hay’adda New ways oo ka shaqaysa horumarinta hooyada iyo dhalaanka oo ka hawl-gasha koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa Maryan u aqoonsatay sanadkan umulisada ugu wanaagsan boqollaal umuliso oo ay qiimayn ku sameeyeen.
Waxay ku mutaysatay dedaalka ay ku bixisay wacyiga bulshada iyada oo ku guulaysatay in ay xarumaha caafimaadka ku soo xirto boqolaal haween ah oo aan horay u ogayn sida ay muhiiin ugu tahay badbaadada iyaga iyo carruurtooda.
Sidoo kale xog aruurin ay ka sameeyeen degmada Wanlawayn iyo deegaanda hoos yimaada ayay sheegeen in ay ku ogaadeen in magaaladaas uu ka sii dabar go’ayo gudniinka fircooniga. Waxay sabab kaga dhigeen hawlaha ay Maryan hor kacayso.
Shaqooyinka ay qabato Maryan kuma eka intaas. Waxay dumarka siisaa talooyin ku saabsan naas-nuujinta, karinta carruurta iyo cuntada ku haboon. Arrintaas waxaa taageero wayn ka siiya dumarka ay tababartay oo xilli kasta fuliya qorshayaasha ay keento.
“Haddii cunuga la siiyo caanaha naaska muddo laba sano ah, waxa uu yeeshaa difaac adag oo ka hortagi kara cudurrada, Sidoo kalena korriimadiisa maskaxeed waxay noqon kartaa mid wanaagsan oo waxbarashadiisa mustaqbalkay wanaajisa.”
Maryan iyo dumarka ay wax bartay waxay caan ka yihiin dhamaan deegaanada gobolka. Waxaa si degdeg ah loogu qaataa xarumaha caafimaadka maaddaama ay aaminad buuxda ka haystaan bulshada.
Deeqa Maxamed Cali oo ka mid ah ardayda Maryan waxay hal sano ka shaqaynaysaa isbitaalka Dayuura Clinic ee magaalada Wanlawayn. Waxay ku shaqaysaa xirfaddeda umulisada. waxay adeegeeda ay bixinayso ku lifaaqdaa farriimaha ay ka siman yihiin kooxdeeda.
“Waxaan ku baraarujiyaaa in ay qaataan talaalada muhiimka u ah caafimaadkooda iyo kan ilmahooda. Sidoo kale, waxaan xusuusinnaa in marka ay dhalaan, ilmaha si degdeg ah loo talaalo. Arrin kale oo aan xoogga saarnaa waa in hooyooyinka la fahansiiyo muhiimadda naasnuujinta dabiiciga ah in ilmaha naaska la siiyo ugu yaraan laba sano si uu u yeesho difaac dabiici ah, una koro si caafimaad leh.”
Deeqa waxa ay tababar caafimaad qaadatay muddo laba sano ah. Waxay baratay umulisinimada, tallaalka carruurta, daryeelka hooyada uurka leh, guditaanka fudud iyo ka hortagga gudniinka fircooniga ah.
Intii ay shaqada ku jirtay, Deeqa waxay ka caawisay hooyooyin badan in ay si nabad ah u dhalaan, waxayna si iskaa wax u qabso ah u kormeertaa xilliyada foosha adag iyo xaaladaha degdegga ah. waxay xilli kasta haweenka ku booqataa guryahooda xitaa kuwa aan soo gaarin isbitaalka.
Sidoo kale Deeqa waxa ay hoggaamisaa koox ka kooban 15 haween ah oo maamada ay tababartay kuwaasoo si joogto ah u taga tuulooyinka hoos yimaada degmada si ay wacyigalin uga sameeyaan.
“Mararka qaar tuulooyinka fogfog ayaan tagnaa, waxaan fariisannaa geed hoostii iyadoo haweenka deegaanka isku wacaan ama isu keenaan. Halkaas ayaan ku qabannaa wacyigelin ku saabsan muhiimadda talaalka carruurta iyo halista gudniinka fircooniga ah.”
Deeqo marka laga yimaado in ay caawinayso bulshada waxay dhanka kale arrintaan u noqotay fursad wax badan ka beddeshay nolosha qoyskeeda 7 ah. Waxay xustay in lacag dhan $200 oo ay mushaar u qaatado ay u horseeday in ay ka soo kabtaan nolol xumo.
Waxay ku kabtaa waxa uu soo heli saygeeda oo ku shaqeeya wadista gawaari uusan lahayn. Deeqo oo 27 jir ah waxay sheegtay in xirfaddeeda cusub ay doonayso in ay sii hor mariso. Waxay hiigsanaysaa heerka Maryan oo ay u aragto tusaale ku daysi mudan.
Inta badan haweenka Soomaalida faham buuxa kama haystaan muhiimadda ay noloshooda u leedahay in ay yeeshaan dhaqtar la socda xaaladdooda inta ay guurka leeyihiin. Waxay arrintaan u muuqataa mid xal u noqon karta haddii dhaqaatiirtu ay wada sameeyaan baraarujinta qoto dheer.