(ERGO) – Dhallinyaradan oo gaaraya 200 waxay fursaddan ka heleen shirkad magaceedu yahay Al Baraka Bajaaj oo uu asaasay Cabdullaahi Axmed oo qurbaha ka soo noqday.
Wuxuu u fududeeyay da’yartan oo aan iibsan karin ama deyn ka qaadan karin bangiyada inay helaan fursad ay ugu shaqeystaan Bajaajta oo Muqdisho aad looga isticmaalo.
Liibaan Cali Ibrahim oo 42 jir ah wuxuu tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan dhaqaale gaaraya $30 illaa $40 uu maalinkii kaga helaa Bajaaj uu uga shaqeeyo labaatanka degmo ee gobolka Banaadir.
Wuxuu tilmaamay in qoyskiisu ay ka baxeen cunno yari ay wajahayeen, haddana uusan ka warwarin lacag la’aan iyo inuu gacan hoorsado cid kale.
“Wax badan ayay iga caawisay shirkadda. Lacagta aan soosaarto ee shaqeeyo iyo waxa iyaga aan siiyo marka la fiiriyo, inta aniga aan soo saarto ayaa badan. Qofka markuu shaqeysanaayo wax soo saar ayuu leeyahay, waxaa kamid ah inaa biilka guriga aad dhiibi kartid, korontada, biyaha.”
Liibaan ayaa xusay in howshan uu billaabay isagoo shaqo la’aan ah. Labo xaas iyo 13 carruur ah oo aabbahood uu yahay ayuu sheegay in hal waqti ay dabka u shidi jireen qaraabada oo deeq ama deyn ku taakuleyn jiray.
Liibaan ayaa tilmaamay inay u suurta-gashay bishii Maarso INuu waxbarasho geeyo afar carruur ah oo hadda u dhigata iskuul hoose iyo dhexe ah. Wuxuu bishii ka dhibaa $90 oo iskugu jirta cunto, waxbarasho iyo gaari raac.
“Nin labo reer leh waad qiyaasi kartaa, waa ku culeys inuu shaqo la’aan noqdo, dhibka ugu weyn ee haystay wuxuu ahaa inaan culeyskaas xalliyo. Waxaas oo dhanna waxaan ku helay shirkadan aan dareewalka u ahay.”
Ninkan ayaa maalin kasta shaqeeya in-ka-badan 12 saac. Wuxuu dareewal ka yahay labo mooto oo midba maalin uu ka xeeyo. Wuxuu sidan u sameeyay inuu ka baaqsado nidaamka xadidaadda maamulka Muqdisho oo mootooyinka u qeybiyay A iyo B oo ah in maalinba ay koox shaqeyso, taas oo ka dhigan in qofkii hal mooto leh uu bishii shaqeynayo labo toddobaad oo kEliya.
Mootooyinka uu wadaha ka yahay waa kiro. Maalinka uu howlgalo waxaa laga qadaa $15. Wuxuu sheegay inaysan culeys ku aheyn lacagta uu siiyo mulkiilaha, islamarkaana marka uu bixiyo biilka reerka iyo waxbarashada carruurta uu u soo haro dhaqaale bil kasta uu keydsado.
“Tusaale ahaan bishii oo kale waxaan keydsadaa $180 illaa $200, kuma jiraan biilasha reeraha. Keydka waxaan uga dan leeyahay, maadaama aan reer ballaaran leeyahay waa qasab inaan wax meel dhigto. Waxa kaloo rabaa inaan isbedel sameeyo oo shaqo abuur sameeyo oo shirkad noocaan oo kale ah aan abuuro.”
Mulkiilaha bajaajyada ayaa dhallinyarada ku xira shuruud ah inay la yimaadaan waalid damiinta iyo inay haystaan ruqsadda mooto kaxeynta.
Cabdullaahi Axmed Jilacow ayaa sheegay in howshan uu billaabay xilli bangiyada iyo shirkadaha kale ee magaalada ka jira ay joojiyeen bixinta deymaha lagu qaadan jiray mootooyinka.
Shirkadiisa ayuu xusay in dhallinyarada ay u iibineyso mootooyin ay lacagteeda iska yaryareeyaan iyadoon shuruudo adag lagu xirin ama ay helayaan mid kiro ah oo ay joogto ugu shaqeystaan, iyadoo qofka danyeesha ama xanuusada aan laga rabin lacagtii uu maalin laha u bixin jiray.
Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in hannaankan uu yahay iskaashi dhallinyarada ka saaraya dhibaatada dhaqaale ee ay ku jiraan.
“Waxaan ka maareeyaa xaaskeyga iyo waalidiintayda. Qaar ayaa gelaya ayuuto si ay keyd u sameystaan. Waxaa i farxad gelinaaya oo aan shaqadan u jeclaaday intaas waaye, war adiga haddii aad wax isku qabatid waad farxeysaa, laakin qof kale oo walaalkaa ah haddaad ka farxisid farxadaada farxad ka weyn ayaad heleysaa.”
Cabdullaahi oo ah 50 jir ka yimid dalka Jarmalka oo uu ku noolaa muddo 15 sano ah ayaa xusay in ganacsigan uu ku billaabay shan Bajaaj, haddana ay u shaqeeyaan 200 oo ay ka macaashaan dhallinyaro ka soo jeeda qoysas danyar ah.
Wuxuu itilmaamay inuu qorsheynayo in aragtidan uu ballaariyo, si dhallinyaro kale ay uga faa’ideystaan.
“Wadankaan waxaa badali kara dhallinyarada oo mustaqbalkeena ah. Dadka odoyaasha waqtigooda waa soo qaateen, marka aan ka fekerno dhallinyaradeena oo aan soo dhoweyno oo aan dhiiri galino, shaqo u abuurno, si dalkaan uu mustaqbal u yeesho.”
Heerka shaqo la’aanta ee Soomaaliya waa mid sarreeya oo saameyn ku yeeshay dhallinyarada oo la sheego inay yihiin tirada ugu badan dadka Soomaaliyeed.
Aadan Shiikh Cali ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in shaqo la’aantu ay aheyd warwarka ugu xoogan ee uu la noolaa, ka hor inta uusan helin Bajaaj uu hadda ka maareeyo nolosha qoyskiisa oo ka kooban isaga, xaaskiisa, lix carruur ah iyo hooyadiis oo la nool.
Deyn ayuu ku qaatay bishii Maarso, Bajaaj qiimaheedu yahay $4,500. Wuxuu maalinkii bixiyaa lacag toban Doollar ah. Wuxuu sheegay inuu ka faa’iido dakhli saddex laab ka badan intaas.
“Anigooba isdhahaayo wadanka makasii tagtaa, ma iska sii tahriibtaa, ma liibiya aadaa, ma Sacuudi aadaa ayaa rag sheegayo ayaa maqlay ninyahoow shirkadaasaa jirtee maa tagtid mooto ka wadatid, hadana allxamdullilaah waa nastay.”
Aadan ayaa sheegay in howshan uu billaabay isagoo aan shaqeyn muddo labo sano ah. Wuxuu reerka ku dabari jiray shaxaad uu weydiisto saaxiibo uu ku lahaa dalka Koofur Afrika oo uu ka yimid isagoo faro maran, kadib 12 sano oo uu ku maqnaa.
Wuxuu ku qasbanaaday inuu ku soo laabto dalkiisa hooyo oo ay wali ka jiraan caqabadihii ku riixay inuu ka tago. Waa xaalad timid markii dukaan ay ku lahaayeen saddex qof ay dab qabad siiyeen koox hubeysan, kadibna ay bililiqeysteen.
Hantida dukaanka tiilay oo uu ku qiyaasay ku dhawaad labaatan kun oo Doollar, waxaa uga badbaaday $700 oo uu ku soo raacay diyaarad Keentay magaalada Muqdisho, sanadkii 2023.
Aadan oo 37 jir ah ayaa xusay inuu hadda ku jiro xaalad isku filnaasho dhaqaale ah oo aan horay u soo marin.
“Waxaa koonfur afrika ka heli jiray iyo kasii badan intaan ka helaa anigoo la jooga qoyskeyga. ilmaheyga korkeyga ayey ku dheel dheelayaan, marka horana waan ka maqnaa nolol farxad leh ma heysan. Biilkii iyo kulli markaas waan isku dhibanyn laakiin hadda allxamdullilah shaqadaan waxyaabo badan ayey ii soo kordhisay, hami badan ayey igilisay, in wadankan meel iiga fiican aysan.”
Dhallinyaro badan ayaan wali helin fursad ay wax uga badalaan dhaqaale darrada haysata. Tani waa caqabad aysan hadda jirin cid si gaar ah uga shaqeyneysa xalkeeda.