(ERGO) – Nuurto Axmed Nuur oo barakac ku ah xerada Shabeelle ee duleedka Dhuuusamareeb waxay maarayn la’dahay nolosha lix carruur ah oo ay dhashay. Arrintaas ayaa ka dhalatay markii lixdii bil ee la soo dhaafay ay ka joogsatay shaqo dhar-dhaqis ahayd oo ay ku tiirsanaayeen.
Waxay ka mid tahay boqollaal haween ah oo shaqooyinkooda ay meesha ka saareen shirkado mishiino ku dhaaqa dharka oo sanadkan aad ugu soo batay magaaalada. Waxay la wareegeen macaamiishooda oo u badnaa dadka dawladda u shaqeeya oo ku doortay inay ka dhaqsa badan yihiin gacan ku dhaqista.
Nuurto waxay sheegtay in xilligii ay shaqaynaysay ay maalintii soo helaysay lacag u dhaxaysay $5 illa $7, taas oo si buuxda ugu filnayd qoyskeeda. Waxay hadda hal waqti dabka u saartaa haddaba waxay ka soo hesho dawarsi ay magaalada u aaddo oo ay maalama qaar soo wayso.
“Sadex habeen iyo afar habeen oo isku xigto baan qadnaa mararka qaar in badan ayay ciyaalka iga qadaan oo anaga qadnaa. Waxaa dhici karto anigoo gaajaysan in aan cunigii naaska siiyo oo gaajadii aniga iga sii qaado oo uu xanuunsado shuban iyo matag ka qaado.”
Nuurto oo dhar-dhaqista ku soo shaqaynaysay afartii sano ee la soo dhaafay ayaa sheegtay in sanadkan ay wajahayaan nolol xumadii ugu liidatay ee ay abid mutaan. Shaqo la’aanta ma noqon keligeed ee sidoo kale waxaa baaga-muuddo noqday saygeeda oo ka shaqaynaya dhismaha guryaha.
Waxaa saameeyay hoos u dhac ku yimid dhismaha guryaha ee magaalada bililhii ugu danbeeyay. Waxay sheegtay in labadoodaba ay guri joog noqdeen, maaddama aysan lahayn xirfad kale oo ay ku shaqaystaan. Xaaladaan ayay tilmaaanta in ay dhaxalsiisay welwel joogto ah.
Xaaladdan ayaa ku soo beegantay xilli ay dadka xerada ku nool ka go’een kaarar ay siinayen hay’ado samafal, kuwaas oo ay ku qaadanayen qoyskiiba $70 bishii. Arrimahaas ayaa sababay in ay muddo kooban noloshoodu ay aad isku beddesho.
Nuurto ayaa sheegtay in cunno xumada ay u dheertahay biyo xerada ka jirta. Waxay garabka biyo uga soo qaataan xaafadaha xerada u dhaw taas oo ay ku dhib qabaan.
“Mar mar dariska ayaan ka soo helaa xaafado fog ayaan u doonaa xafadihii saan biyaha uga barhayay waa i dhibsadeen waxay dhaheen aad baad noogu seexateen ee meela aad isku dabartaan raadsada, foostada biyaha ah $2.5 ayaa la iga siiyaa jirgaankana labaatan iyo shan sinti ayaa la iga siiyaa.”
Qoyska Nuurto ayaa sanadkii 2021 ka soo barakacay degmada ceelbuur ee gobolka Galgaduud, markii abaar xilligaas jirtay ay ka nacfi tirtay beer saddex hiktar ah oo ay halkaas ku lahaayeen.
Dhanka kale waxay qoyska Nuurto ka walaacsan tahay waxbarasho la’aanta carruurteeda oo dhamaan gaaray da’da waxbarashada, balse aan fursad u haysan. Waxay sheegtay in xerada ay degan yihiin aysan lahayn goob waxbarasho aysanna awoodin in ay ku darto iskuulada magaalada oo qofkii laga qaado $10 ilaa $15.
Dhamaan haweenka shaqo la’aantu ku dhacday ayaa ka siman nolol xumada soo food saartay qoysaskooda. Fartuun Axmed Maxamed waxay ku qasbanaatay in ay ka dawarsato magaaladii ay ka shaqaysanaysay markii ay waysay cid hawl u dirsata.
Haweenaydaan oo ahayd halka qof ee ay ku tiirsanaayeen qoyskeeda oo 13 ah waxay sheegtay in xilligan ay wajahayaan xaalad aad u liidata. Maalamaha qaar ee ay dawarsiga wax ku soo heli wayso ayay sheegtay in ay qatooyo ku seexdaan carruurteeda oo kan u yar labo jir yahay.
“Qoyskeyga laba beri dabkoodu waa dansan yahay maalmahaan wax ma helin, meelna wax igama soo galaan, raashin guri iimayaal biyaha lacagtiisa waxaa la igu leeyahay iska bixi lacagtu waa badataye gabar baan lacabaa ileen ceel nooguma yeel xeradee.”
Dhanka kale Fartuun waxay sheegtay in cunno yarida qoyskeeda ay u raacday hoy la’aan. Waxay tilmaantay in roobab bil ka hor ka da’ay magaalada ay ka qaadeen buul calalo ka samaysnaa oo ay deganaayeeen.
Fartuun si ay xaaladdaan uga saarto waxay sheegtay in ay isku dayday in ay raadiso shaqooyin kale, balse ay ku guuldaraysatay. Waxay u sababaysay in aysan lahayn xirfad suuqa looga baahan yahay.
Shaqada ka joogsatay ayaa ahayd halka meel ee qoyskeeda ay ku tiirsanaayeen. Aabbbaha reerka oo ah nin waayeel ah nala nool cudurka dhiig-karka ayay xustay in uusan shaqayn karin oo uu guri joog yahay shantii sano ee ugu danbaysay. Duruufaha isbiirsaday waxay Fartuun badeen murugo joogto ah oo aysan xal u hayn.
“Ilmaha iyo aniga waa isku kor dayacanahay. Nimanka dharka inta aan u dhaqo baan u feerayn jiray waxaa iga soo gali jirtay toban mar shan iyo toban marna labaatan.”
Fartuun ayaa xerada barakaca ku soo biirtay lix sano ka hor markii beer shan hektar ah oo ay ku lahaayeen duleedka Kismaayo ay abaaro ka saameeyeen. Qoysas ay qaraabo yihiin oo uga soo horreeyay xerada Shabbeelle ayaa kula teliyay in ay ka heli karto gargaar, maaddama dadka xilligaas ku jiray xerada ay yaraayeen.
Waxay tilmaantay in tan iyo xilligaas ay helayeen deeqda hay’adaha, balse sanadkaan ay ka go’day. Waxay xustay in hadda ay jeclaan lahayd in ay ku laabadato beerteedii, balse aysan haysan qarashka ku baxaya oo ugu yaraan gaaraya $300 oo gaari raac ah, maaddama qoyskeedu badan yahay.
Labo boqol iyo konton qoys oo ku nool xerada Shabbeelle ayaa dhamaantood wajahaya xaalad nolol xumo ah oo aad u liidata sida uu sheegay Maxamed Khadar Khamiis oo ah gudoomiyaha xerada.
Wuxuu tilmaamay in ay isku raacday shaqo la’aanta haweenka oo inta badan qoysasku ay ku tiirsanaayeen iyo kaararka kay’adaha ee ka go’ay. Wuxuu xusay in hadda uusan ku jirin qoys awooda in ay labo mar dabka shitaan.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in xaaladda ka jirta xerada oo ah midda ugu wayn ee ay ku nool yihiin dadka barakacay ay la wadaageen maamulka Galmudug iyo hay’adaha samafalka ee gobolka ka hawl gala balse aysan illaa hadda helin wax jawaab ah.
Xaaladda dadkan oo ka sii daraysa marba marka ka sii danbaysa ayaa u muuqata in ay gaari karto heer qatar ah haddii aysan helin cid ka caawisa cuntada biyaha iyo hoyga ama shaqo ay ku daboolaan.










