(ERGO) – Qoyska Ubax Salaad Sabriye oo 7 qof ah waxay wajahayaan biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan tan iyo bishii Janaayo ee sannadkaan, markaas oo colaad u dhaxeysa dowladda iyo Al-Shabaab oo labadii bil ee u dambeysay ka taaganyad deeganno ka tirsan koonfur bari Mudug.
Waxay ka mid yihiin in ka badan labo boqol iyo soddon qoys oo ila shanti bishii January soo gaaray xerada Soomaali-weyn ee deegaanka Xaarxaar.
Haweeneydaan ayaa sheegay in hadda qooyskeeda ay hal wakhti oo oo aan joogto ahayn ay dabka saartan raashin ay dawarsi ahaan ku soo hesho maalinkii, mararka qaar oo ay soo heli weyso wax kaalmo ah ayay sheegtay In ay qatooyo ku seexdaan.
“Marna waa la waayaa oo xaal Allaa ku seexdaa badanaaba dadka dariska ah ayaa noo keena badarkoo bisil, marna isagoo ciiriin ah ayaa ka soo qaadanaa.”
Ubax oo nolosha barakacnimada ay ku cusub tahay ayaa sheegtay in culeysyada haysta ay ka mid yihiin biyaha oo ku adag helitaankooda, taas oo saameyn ku yeelatay noloshooda.
Labaatan liitar oo biyo ah ayay tilmaantay in ay isku celceliyaan maalintii oo ay ku caawiyaan dadka xerada degan oo fuustada biyaha ku shubta $3.
Lacagtan ayay tilmaantay in heliddeeda aysan awoodin, taas oo ku qasbta xiliyada qaar in biyo la’aan ay ku dhacdo.
Ubax sidookale waxay xustay inaysan hoy haysan iyada iyo carruurteeda. Maalinkii ayay xustay in harka geedaha ay qorraxda ka galaan. Waxaa warwar joogto ah ku haya muddada ay ku sii jirayaan xaaladdaan.
Waxay is barbar dhig ku sameysay sida ay noloshooda ay ahayd dagaallada ka hor, markaas oo ay ahaayeen qoys ku naaloonayay nolol wanaagsan, balse colaadu kala dhantaashay reynreyntii ay ku sugnaayeen. waxay gocanaysaa inay mar un dib ugu laabato nolosheedii .
“Nolol fiican baan haysanay. Magaalo raashinka laga heli jiray sugunto iyo birimaan ku noolayn wax badar ah oo aan ka fakari jiraan la arag. Noloshaas iyo mid u dhow arki maayee waa naftu ha kugu jirto.”
Ubax Salaad ayaa sheegtay in rajo aysan ka qabin inay dib u laabato xilligan, maaddama ay xustay in dagaalladi ay weli deegaankooda ka taganyihiin oo aysan jirin wax isbeddel ah.
Haweeneydaan waxay colaadda ku weysay odaygeeda oo ay Al-Shabaab dileen bishii Janaayo ee sanndkaan, sidaas oo kale waxay ka wateen 15 neef oo geel ah.
Sidookale colaadda waxaa kaga xirmay maqaaxi ay ku tiirsanayd nolosha qoyskeeda, taas oo maalinkii ay ka heli jirtay $20 oo faa’iido ah, balse hadda xaaladdoodu ay tahay mid aan la saadaalin karin.
Haweeneydan ayaa sheegtay inay carruurta la soo gashay safar lug ah oo 15 saacadood ku qaatay, maaddaama aysan haysan dhaqaale ay gaari ku soo raacaan.
Colaaddaan waxay saameyn ku yeelatay nolosha boqollaal qoys oo xoolo-dhaqato iyo beeraley isugu jira, kuwaas oo ku noolaa deegaannada Bacaadweyne, Shabeelow, Cimaamad, Jiicdhere Hareeri ee koonfur-bari gobolka Mudug.
Dadka ay saameysay colaadda oo deegaanka Bacaadweyne soo mciin biday waxaa ka mid ah qoyska Sacdiyo Axmed Maxamuud oo lix ah.
Tan iyo 10 January ee sannadkaan oo ah markii ay yimaadeen halkaan waxay wajahayaan hoy xumo hurdo la’aan dhigtay carruurteeda oo aan la qabsan isbeddelka deegaan ee ku dhacay.
Qoyska Sacdiya ayaa ku nool buush yar oo aan ka celin karin qabowga habeenkii iyo qoraxda maalinkii.
“Waxaa hoy noo ah oo qoraxda iyo roobka ka galnaa buush ayn naago nala dhiseen qoryo aaan soo qaatay markaan gaariga soo raacaayey calalo la isiiyey iyo saliyo waxaas dhisan markaan nimid qolooyin baco baxinayey anagu kamaana helin oo nalama siin.”
Waxay ku tirsantahay raashin 10 kiilo ah oo Febraayo bartamaheedii ay ku caawiyeen dariskeeda, si ay u beekhaamiso ayay dabka ku shitaan hal mar, marka ay waayana ay calol marnaan ku joogan.
Culeyso ayay ku qabaan biyo helista. Biyaha xareeda ee iibka loo keeno maalin dhaafka xerada ayay xustay in laga joojiyey markii ay baxin weysay lacag $50 oo ay ku yeesheen gacanastada booyadaha biyaha iska leh.
Haweenaydaan wuxuu horay nolosha qoyskeeda ugu tiirsanaa 40 ari ah oo ay deegaanka ku haysatay, kuwaas oo colaadda ay ku weysay.
Sacdiya Axmed waxay sheegtay inay ku sugan yihiin xaalad adag oo uu baahan xiligaan in wax laga qabto, maadaama ay yihiin dad aan haysanin adeegyadii aas-aasiga u ahaa nolosha.
“Biyaha gaadiidka korkooda bay saaranyahiin, kuwaas haddaadan dhiibin $2.5 mala shubaayo waqtigaas kulaylka ah waa in lacagta aan horay u dhibaa waxa lagugu shubaa haddaa aamustidna biyaha laguu shubi mayo.”
Cunno la’aanu waa mushkilad saameysa caafimaadka, bulshada iyo dhaqaalaha. Waxayna horseedaa dhibaatooyin nololeed oo ay adag tahay in si fudud looga soo kabto.
Haddii dadku aysan helin cunno ku filan, waxay la kumi kaaan dhibaatooyin badan oo saameyn ku yeesha caafimaadkooda, noloshooda iyo xasiloonidooda bulsho, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay dhaqtar Cali Cigaal Qayliye.
Wuxuu tilmaamay in carruurta shanta sano ka yar, haweenka nuujiya ilmaha, kuwa uurka leh iyo dadka da’da ah inay u nugul yihiin cudurrada ay gaajadu horseedo.
“Haddii uu dhaco barakac oo dadku hoygii, cunadii iyo biyahii ay waayaan waxa ugu horaysa ee haleli kara waa nafaq-darro oo ilmaha iyo dadka waawaynba ku hormara sido kale waxaa ka dhasha cudurada biyaha ka dhasha oo ay ka mid yahiin cudurka chlora loo yaqaano iyo kuwa kale oo dhammaantooda ka dhashaan.”
Dhakhtar Cali Cigaal wuxuu kula taliyay qoysaskaan in marka ay la kulmaan xaalado caafimaad darro inay la xiriiraan xarumaha caafimaadka ee ugu dhow, si ay u helaan caawimaad.
Colaadda waxay burburisaa dhaqaalaha, ganacsiga, iyo wax soo saarka, taas oo keenta shaqo la’aan iyo saboolnimo. Dad badan ayaa ku qasbanaada inay ka cararaan guryahooda. Sidaas oo kalena deegannada ay ku barakacaanna waxaa ku kordha culeys dhaqaale iyo mid bulsho.