(ERGO) – In ka badan 2,500 oo qoys oo ah reer miyi xijiga ka ganacsan jiray ayaa wajahaya nolol xumo tan iyo bartamaha bishii Diseembar sannadkii hore, markii ay ka barakaceen dhulkii uu xijigu ugu beernaa cabsi ay ka qabaan colaadda u dhaxeysa Puntland iyo kooxda Daacish.
Fowsi Cabdulahi Cabdiraxmaan oo ka mid ah waxaa ku adag in uu qoyskiisa oo 12 qof ah u helo cunno iyo hoy ku filan, markiii colaadda awgeed uu uga soo cararay 5 geed oo uu ku leeyahay duleedka deegaanka Isku-shuban oo 86 km bari ka xiga degmada Qandala.
Waxay sheegay in ay gacanta u hoorsadaan dadka nolol ahaan dhamaama si ay uga helaan cunno ay quutaan. Wuxuu intaas raaciyay in saamaynta ka soo gaartay shaqo la’aanta ku dhacday ay qoyskiisa u horseeday nolol xumo aysan weligood horay u mudan.
“Colaadda jirta ayaa na qasabtay oo saamayn nagu yeelatay. Dadku marka ay xijiga ka shaqaysanayeen oo nolol maalmeedkooda ayay ka maaraynayeen, markii uu wuu istaagay hoos bay u dhacday noloshoodii dadkii ma haystaan wax ay cunto ku cunaan.’’
Fowsi ayaa tilmaamay in shaqada jixiga oo uu ku soo jiray muddo 10 sano ah ay u ahayd halka meel ee qoyskiisa uu dhaqaale ka soo galo. Wuxuu xusay in sanadkii uu labo mar goosan jiray isaga oo ka heli jiray faa’iido ku sii filneed inta laga gaarayo xilli goosiga kale.
Wuxuu xusay in markii ay ka joogsato shaqada xijiga uu u weecan jiray 40 ari ah oo uu dhaqdo, laakiin ay ka le’deen dhammaadka 2023, markii ay saamaysay roob yari iyo abaar deegaanka ka jirtay labadii xilli roobaad ee ugu danbaysay.
Ninkan ayaa intaas ku daray in cunno xumada ay u dheer tahay qoyskiisa waxbarasho la’aan soo foodsaartay shan carruurtiisa ah. Waxay dhigan jireen fasalada 3-aad, 5-aad, 6-aad iyo 8-aad ee dugisa hoose dhexe ee Cumar Binu Cabdicasiis, kuwaas oo isku-darkooda uu ka dhiibi jiray bishii $40.
“Carruurtii haddii ay waxbaran jireen aan xijiga ka maarayn jiray oo waxbarashada aan xijiga uga bixin jiray hadii uu istaagay dugsigii ilmihii waxbarasho waa u weynay waa la soo cayriyey, aniguna lacagtii meel aan ka bixiyo waan waayey. Ilmihii hada waa iska guri joog.’’
Fowsi wuxuu sheegay in qasaaraha gaaray dhirtiisa ay u dheer tahay dayn dhan $300 oo ay ku leeyihiin ganacsato ku nool deegaanka Balli dhidin. Wuxuu kaga qaatay raashin ay isticmaalayeen 2 bil oo ay barakac yihiin. Lacagtaas ayuu tilmamay in qorshegeedu ahayd in uu bixiyo bilowga bishaan walow aysan suuroobin.
Dadkii dayntaas ku lahaa ayuu tilmamay in ay ku cadaadiyaan in uu iska gudo, maaddama la joogo mudadii uu qabsaday. Waxaa sidoo kale laga joojiyay dayn cusub in uu qaato, taas oo xaaladda ku sii adkaysay. Wuxuu xusay in uusan hayn qorshe uu ku xaliyo oo uu quus ka joogo.
Xijiyaysatada deegaannadan ayaa ka siman saamaynta ka dhalatay colaadda gobolka Bari ka taagan. Maxamuud Maxamed Maxamuud wuxuu cabsida uu colaadda ka qabo awgeed uga soo tagay afar geed oo uu ku soo dhaqmayay muddo lix sano ah.
Geedaha oo ka baxa dusha sare ee buuraha ayuu sheegay in aan la tagi karin cabsi uu ka qabo inay haleesho rasaasta wiiftada ah. Wuxuu xusay in qoyskiisa tan iyo markaas uu wajahayo xaalad aad u liidata oo dhanka nololsha ah.
Waxay hadda ku tiirsan yihiin wixii ay ku caawiyaan dadka deriska oo ay karsadaan hal waqti, taas oo ku adag carruurta yar yar in ay sugtaan.
“Albaabadii baa nalaga xirtay daynta marka duruufo adag baa jira, qoyskii dabku ka damo qoysas kale baa caawiya waxbaa la isugu dardaraa oo dadka ayaa la isaga dhex nool yahay.”
Maxamuud ayaa sheegay in qoyskiisa cunno xumada ay u dheertahay biyo yari. Wuxuu tilmamay in biyaha deegaanka Dhurbo ee ay ku nool yihiin halkii fuusto ay ka marayso qiima dhan $6.
Wuxuu dhaqanayaa 50 neef oo ari ah oo aan lahayn neef suuqa gala, kuwaas oo ah caato aan cad iyo caano midna lahayn. Wuxuu intaas raaciyay inuusan lahayn awood uu calaf ugu iibiyo.
“Culaysyada ugu darani waxaa weeye wixii lagu noolaan lahaa haday biyo tahayna ma leh haday quud tahayna malahan.”
Maxamuud saamaynta ka soo gaartay shaqo la’aanta ayuu sheegay inay taabatay hab nololeedkii reerkiisa, maaddama xaaladdaan ay ku noqotay arrin hoosta ka soo gashay oo aysan horay ugu sii baraarugsanayn.
Gudomiyaha deegaanka Gumbax Maxamed Saalax Cumar oo deeganada intooda badan ay hoos tagaan ayaa sheegay in xaaladda haysata xijiyaysatada ay saamayn ku yeelatay dhamaan gobolka.
Wuxuu xusay in dhaqaalaha ugu badan ee magaalooyinkaas uu ka soo xaroon jiray xabagta oo loo dhoofiyo debedda, balse arrintaas ay aad hoos ugu dhigtay ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Wuxuu xusay in ka maamul ahan ay isku hawleen sidii loo caawin lahaa qoysaskaan ka soo barakacay ilahoodii nolosha.
“Dhanka xijiyadii iyo dhuuxyadii way ka tageen oo waa ka baqeen. Baahi badan wey iska jirtaa oo saamey noloshoodii.”
Xiliyaysatada gobolka waxay labadii bil ee u dambeeyay la dhibtoonayeen saamaynta ka dhalatay colaadda ka socota deegaanno ka tirsan Bari. Waxaa u sii dheerayd abaaraha iyo isbeddelka cimilada oo marar kala duwan hoos u dhigay wax-soo-saarkooda.
Waxay welwel ka qabaan inay meesha ka baxdo dhirtii xijiga, taas oo ay tilmaameen inay adag tahay in dib loo beero.