(ERGO) – Bilaal Ibraahim Xasan oo 45 jir ah wuxuu awoodi la’ yahay maaraynta nolosha carruurtiisa oo 7 ah iyo xaaskiisa. Arrintan ayaa ka dhalatay malab uu ka heli jiray shinni uu xannaaneeyo oo meesha ka baxay markii ay ubax la’aan iyo biyo yari darteed ugu hayaantay deegaanno kale.
Wuxuu ka mid yahay boqollaal rag ah,kuwaas oo biilka qoysaskooda ka heli jiray shinni ay ku dhaqdaan duleedka magaalada Baydhabo, balse hadda wajahaya hubanti la’aan cunno tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii hore.
Bilaal ayaa sheegay inay soo food saartay dhaqaale xumo saamaysay noloshooda, taas oo aan horay u soo marin muddo 14 sano ah oo ay ku noolaayeen wax soo saarka shinnida. Ninkan ayaa xusay inuu saddexdii bilba mar uu ka heli jiray faa’iido fiican, balse hadda ay noloshu ku adag tahay isla markaanna ay ciriiri dareemayaan.
Bilaal ayaa sheegay inuu ka fursan waayay inuu dadka gacmaha u hoorsado si aysan carruurta uga qadin. Wuxuu tilmaamay inay hal waqti oo habeen ah ay dabka shitaan.
“Wax hadda aan qabanayo malahan. Maanta qad cawada wax hel habeen danbe wax malahn sidaas ayaan ku joognaa. Wax shaqo ah malahan. Cunnada waxaa weeye qofkan maanta wac wax weydii beri kaas wac, qof qaas noo ah oo aan wax ka qaadaneyno malahan.”
Bilaal ayaa xusay inuu shinnida sanadkii saddex mar midkiiba uu ka heli jiray lacag u dhaxaysa 500-600 oo doollar, taas oo ka dabooli jirtay baahiyaha qoyskiisa. Ninkan ayaa tilmaamay in shaqadan u aheyd isha keliya ee dhaqaale uu ka soo galo. Wuxuu quus ka joogaa nolosha.
Saamaynta cunno xumada waxaa u dheer oo welwel ku haysa labo ka mid ah carruurtiisa oo uu iskuul hoose ka saaray bishii Diseembar markii awoodi waayay inuu ka bixiyo 20 doollar bishii.
“Markii hore nolosheyda aad ayay u fiicneyd. Carruurteyda waxbarasho ayay ku jireen. Lacag ayaa ii taalay wax ii hara iyo wax aan cunno ayaan hastay. Carruurtii wax barashada wey ka hareen. Noloshii hore iyo middan wax la is bar bar dhigi karo ma ahan tii hore ayaa aad iigu ficneyd.”
Bilaal ayaa sheegay in sidoo kale ay culeys ku hayso kirada guriga ay deggan yihiin oo uusan saddex bil bixin. Waxaa lagu wargeliyay inuu ka guuro bishan haddii uusan xal kale helin
Ninkan ayaa xusay inay intaas u raacdo dayn $170 ah, taas oo looga yeeshay dukaamo deegaanka ah, kuwaas oo uu sheegay inay hadda u haystaan. Hoos u dhaca malabka shinnida dadka ay saamaysay waxaa ka mid ah Cabdi Nuur Cabdi Axmed, oo ahaa ganacsade ku tiirsanaa iibinta malabka.
Ninkan ayaa hadda noqday guri joog markii uu waayay malab uu gado saddexdii bilood ee la soo dhaafay sabab la xiriirta inay dhif noqdeen dadkii u keeni jiray. Cabdi oo ah aabbaha lix carruur ah ayaa ka waalacsan inuusan qoyskiisa u helin karin cunno iyo shaqadii keliya ee ay ku tiitsanaayeen oo istaagtay.
“Guriga ayaan iska fadhiyaa, waan ku dhex fekerahayaa. Dukaankii aan ku ganacsanayey waa faaruq. Carruurta wax aan uhayo malahan dhibaatadaas ayaa nahaysata ilaah ayaa naga bixin kara. Carruurta sidii nolol maalmeedka aan ugu raadin lahaa ayaa ku fekerayaa.”
Cabdi ayaa maalinle uga heli jiray malabka ugu yaraan $10 balse maanta waa shaqo la’aan. Wuxuu sheegay inuu ka fekerayo xiridda goobta uu ku ganacsado maaddaama laga rabo kiro taas oo uu sheegay inaysan shaqadiisa soo saari karin.
Wuxuu sheegay inuu hadda ka dhamnaaday dhigaal lacageed uu uu aruursaday intii ay shaqada u fiicnayd. Hadda isaga qoyskiisa waxay wajahayaan hubanti la’aan cunno.
“Deyn waa la igu leeyahay, deynaa raadinaa haddii aan dhihi lahana. Qof deyn laga helayo malahan. xaaladeena waa sidan kolba ilaah towfiiqda ha ina waa fajiyo.”
Cabdi ayaa isku dayay raadinta shaqo kale balse wuxuu xusay inuu ka waayay magaalada maadddaama fursado badan aysan ka jirin. Wuxuu intaas ku daray inuusan lahayn xirfado kale. Ninkan bilo ka hor wuxuu awood u lahaa bixinta qarashaadka nolosha, kirada iyo waxbarashada carruurtiisa.
Hadda afar ka mid ah carruurtiisa oo u dhiganayay iskuulka hoose ee Busley ayuu ka saaray bishii Jannaayo markii ay ku adkaatay inuu bille uga bixin 40 doollar. Noloshooda yaa hadda ku tiirsan kaalmo uu ka helo dad ay qaraabo yihiin oo uu u dan sheegtay.
Dadka aqoonta u leh shinnida ayaa sheegay inay ka mid tahay noolayaasha ay saamayso nacfi beelka ku dhaca dhirta noocyadeeda kale duwan iyo biyo yarida.
Maxamed Abuukar oo ah khabiir dhinaca deeganaka ah, ayaa sheegay in shinnida ay u nugushahay isbeddelka cimilada. Wuxuu xusay inay in si la mid ah aadanaha ay ka guurto goobihii ay degganayd iyada oo raacdinaysa dhul tigaad leh.
Wuxuu intaas ku daray inay sidoo kale noqoto mid aan wax soo saar badan lahayn oo ma dhalays ah marka lala barbar dhigo xilliyada aaranka, taas oo hubanti la’aan dhaxalsiisa dadka ku tiirsan malabkeeda.
“Marka ay abaar dhacdo shinnida waxay la kulmeysaa caqabado badan oo kamid ah biyo yarida, raashin yari, kuleyl saa’id ah. Shinnada wax yaabaha ay wax ku sameyso waa ubaxaas hadii la waayo waxa dhacaysa in malab la waayo iyo in dadkii malabka ku tiirsanaa ay ku faqiiraan.”
Maxamed ayaa sheegtay in xaalufinta deegaanka sidoo kale ay ka qeyb qaadanayso in shinnida ay yaraato tiro ahaan iyo wax soo saarkeeda malabka.Wuxuu dadka dhaqda kula taliyay inay u qodaan ceelal iyo inay ula guuraan deeggaannada aysan abaartu aadka u saamayn ee dhirta leh.
Wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in beero loo sameeyo isla markaana lagu beero geedo kala duwan si gaar kuwa ay shinidu u badan tahay. Qoysaskan oo la soo qabatamiyay dhaqashada shinnida ayaan hubin wuxuu ku danbayn doono ayaayo-tiinkooda maaddaama aysan meelna ku ogayn hanti kale oo ay u baxsan karaan.