(ERGO) – Farxiyo Jaamac Axmed waxay awood u yeelatay in ay qoyskeeda ka saarto xero barakac oo ay nolol xumo ku wajahayeen afartii sano ee la soo dhaafay. Waxaa u suura geliyay mushaar joogto ah oo ay ka hesho shirkad dib u warashadaysa dalagyada dalka laga soo saaro.
Waxay ka mid tahay konton qof oo isugu jira haween iyo dhalinyaro ka soo jeeda qoysas danyar ah oo fursad shaqo abuur ah ka helay shirkadda Xebeeb-mills oo dib u habayn ku samaysa wax soo saarka beeraha.
Shirkadaan oo biishii Agoosta ee sanadkan laga furay magaalada Garowe ayay ka qabtaan shaqooyin kala duwan, sida haadinta badarka, bacaynta, diyaarinta iyo rasaynta.
Farxiyo oo ka mid ah dadka diyaariya soorta iyo mushaarida ayaa sheegtay in shaqadan oo ay waday muddo saddex bil ah ay u sahashay in ay u hesho biil ku filan oo ay ku maareeyso nolol maalmeedka qoyskeeda oo lix qof ah. Waxay qaadataa mushaar dhan $200 kaas oo qoyskeeda u horseeday isku filnaansho dhaqaale.
“Nolosheena wax badan bay ka badashay awal in aan saddexda wakhti karsano way nagu adkayd labo wakhti ama hal wakhti ayaan wax karsan jirnay hadana saddexda wakhtibaan karsanaa. Hadda raashin baan ka soo qaadanaa dukaan, lacagtana waxaan ku bixinaa si bile ah.”
Farxiyo ayaa xustay in shaqadan ay u suuragalisay in ay kiraystaan guri bishii ay ka bixiso $50 oo ay ka degan yihiin gudaha magaalada Garoowe. Intii ay shaqo la’aanta ahaayeen ayay ku noolaayeen xero barakac oo duleedka magaalada ah.
Waxay deganaayeen aqal cooshad ka samaysan oo dhaxanta iyo cadceeda midna aan ka celin karin. Haweenaydan ayaa sheegtay in markaas nolosha qoyskeeda ay ka maarayn jirta dhar yar oo ay ku bilowday lacag $50 oo deyn ahayd, kaas oo xaafadaha ay u geyn jirtay si looga iibsado.
Waxay tilmaamtay in dharka oo inta badan deyn looga qaadan jiray ay keentay in uu ganacsigaasi u socon waayo oo uu ka joogsaday. Maalmaha qaar ayay xustay in ay guriga dib ugu soo laaban jirtay iyadoo aan waxba u soo gadmin, halka markii ay ugu fiican tahayna ay soo heli jirtay $1 ilaa $3, taas oo hal mar ay dabka saran jireen.
Farxiyo waxay sheegtay in bishii ugu horaysay ee ay qaadatay mushaarka ay ogaatay in wax badan iska badaleenn noloshooda.
“Shaqada waxay iiga dhigan tahay waa shaqo noloshayda caawisay waa shaqo aan ku tiirsanahay waa halka kaliya aan hadda ku tashanayno. Lacagta isoo gasha waxaan ku bixiyaa nolosha guriga dukaanka raashinka waxaan siiyaa $70 kirada qolka aan degenahay waa $50, saddex ka mida caruurtayda waxaan ka bixiyaa waxbrashada $45 weeye waxbarashadooda.”
Waxay tilmaamtay in ay iska bixisay $300 oo looga yeeshay dukaan Garowe ku yaalla oo dhowr mar ay raashin ka soo qaadatay intii ay shaqo la’aanta ahayd. Haweenaydan ayaa isku biirisay mushaarkeeda oo $200 oo ah iyo $100 oo ninkeedu uu ka helo shaqo waardiye ah waxayna uga baxeen culayskii dhanka dhaqalaha ee ku dhawaad afar sano ay ku soo jireen.
Qoyska Farxiyo waxay markii hore ahaayeen xoolo dhaqato ku nool miyiga gobolka Nugaal oo noloshoodu ay ku tiirsanayd nacfiga 85 ari ah oo ay dhaqanayeen. Waxay sheegtay in abaar iyo cuduro isbiirsaday oo xoolaheeda saameeyay dhamaadkii sanadkii 2021 ay uga wada dhinteen, taas oo ku qasabtay in ay yimaadaan xerada barakaca ee Jowle ee duleedka Garowe.
Dadka fursadaan shaqo ka faa’iidaysanaya oo isbadalka nololeed ka helay waxaa ka mid ah Xaliimo Xasan Cabdi. Waxay hadda awoodaa in ay cunto joogta ah u iibiso qoyskeeda oo 4 qof ah, kuwaas oo markii hore qadi jiray inta badan.
Haweenaydan oo afar maalin shaqaysa toddobaadkii ayaa sheegtay in ay ka baxeen hubaanti la’aan cunno oo carruurteedu ay wajahayeen. Waxay xustay in xashka ay ka saarto raashinka shiiditaanka loo diyaarinayo.
Shaqadan oo ay bilowday bishii sagaalaad ee sanadkan ayay sheegtay in ay ka qaadato mushaarka u suuragliyay in ay ku debarto masruufka maalinlaha ah ee qoyskeeda iyo waxbarashada carruurteeda oo horay aan fursad waxbarasho ugu helin.
“Waa dareemi kartaa wax weyn ayay qoyskeena ka caawisay. Awal hal wakhti ayaan heli jirnay hadda lacagta aan soo shaqeeyo waa nagu filan tahay waa dhaantaa sidii hore.”
Xaliimo ayaa sheegtay in ay ku tiirsanaayeen shaqo aan joogto ahayn oo dhismaha guryaha ah oo saydgeedu uu ka qabto magaalada. Waxay xustay in lacagta ugu badan ee uu ka helo toddobaadka dhan ay tahay $5, maaddaama uusan joogto u helin.
Waxay tilmaamtay in markii ay mushaariga noqotay ay awooday in ay guri $40 ah kiraystaan oo ay ka guuraan qoys ay qaraabo yihiin oo dul saar ay ku ahaayeen muddo 7 bil ah oo magaalada ay joogeen. Waxay sheegtay in qoyska oo isaguba danyar ahaa aysan ka heli karin kaalmo joogto ah.
Cunto bisil oo kooban ayay xustay in ay waqtiyada qaarka ka heli jireen qoyska, halka markii ay ka waayaana ay dantu bidi jirtay in ay qatooyo ku joogaan. Haweenaydaan ayaa sheegtay kirada, waxbarashada iyo raashinka ay ku bixiso shaqadeeda, halka waxyar ee aabbaha qoysku soo helo ay goosaar ka dhigtaan.
Xaliimo ayaa sheegtay in hadda ay awooday in nolosho reerkeeda ay u maarayso si welwel la’aan ah iyadoo dhanka kalena bixinaysa deymihii horay loogu yeeshay.
“Deyn badan ma jirin Odaygaa lacag dhowr jeer dad ka deyn saday ilaa $200 ayay gaaraysaa waan iska bixinay. Shaqadan wax badan ayaan ku qabsaday nolosha guriga.”
Xaliimo ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in ay ku faraxsan tahay in mid ka mid ah caruurteeda oo horay guri joog u ahaa ay hadda dugsi quraanka gaysay, halka ay sidoo kale qarashka iskuulka ka bixiso labo walaaladeed oo jooga magaalada Godobjiraan ee gobolka Nugaal. Isku darkooda waxay tilmaamtay in bil kasta ay ka dhiibto $20.
Qoyska Xaliimo waxay bishii labaad ee sanadkaan ka soo guureen degmada Godobjiraan, markii saygeeda uu dhismaha ka shaqayn jiray uu shaqo la’aan noqday lix bil. Waxay kali ah ku tiirsanayeen cawimaad aan joogto ahayn oo ay mar mar ka heli jireen waalidiintooda oo ah reer miyi aan xoolo badan haysan.
Cabdinuur Cali Ismaaciil oo ah maamulaha warshada Xabeeb Mills ayaa sheegay in ay shaqaalaysiiyeen dad nugul ah oo ay ku yarayd helitaanka fursadaha shaqo, kuwaas oo si joogta ah uga shaqeeya xarumahooda kala duwan.
Wuxuu tilmaamay in ay yihiin haween iyo dhalinyaro ka soo jeeda qoysas danyar oo ay ku xusheen daruufaha nolosha ee ku gadaaman iyo in ay shaqo la’aan ahaayeen.
“Labada qolo oo doorka fiican aan siino waa dhalinyarada iyo dumarka waa labo aad u nugul. noloshooda kor bay u qaaday, dhaqaale ayay ku xisaabtamaan. markii ay imaanayeen waxay ka midaysnaayeen dad shaqo la’aan ah oo duruufaha la daala dhacaya fursado aan haysan.”
Hal abuurada ganacsi ee danyartu ay dhaqaalaha ka helaan waxay dib u qaabeeyaan habka noloshooda oo markii hore ay ku adkayd xal u helista daruufo ragaadiyay hanaankooda isku filnaanshaha maaliyadeed.