(ERGO) – Qoyska Deeraan Aftiin Isxaaq oo 10 ah waxaay wajahayaan biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ilaa bilowgii bishaan, markaas oo colaad qabiil ay uga soo barakaceen tuulada Baalan-baale ee gobolka Bay.
Waxay ka mid yihiin boqollaal qoys oo 4 toddobaad ee la soo dhaafay soo gaaray xeryo barakaca oo Baydhabo ku yaalla, kuwaas oo iskugu jira beeraley, ganacsato yar yar iyo xoolo-dhaqato.
Barakacaan qoyska Deeraan wuxuu bidday nolol xumo, markii ay colaaddu ka saamaysay beer 4 hektar ah oo noloshoodu ay ku tiirsanady.
Haweenaydan ayaa sheegay in hadda uu qoyskeedu hal mar dabka saarto raashin hal ama labo koonbo ah oo ay ka soo hesho beero ku yaalla duleedka magaalada oo ay u raadsato shaqo xoogsi ah.
Maalmaha qaar oo ay shaqada heli waayso ayaay sheegtay in ay qaatooyo ku seexdaan, taas oo saamayn ku yeelatay noloshooda.
”Maalintii wax la kariyo malahan saaka xitaa shaaha ayaa noo ganbiyay wax aan karsanayno malahan. Hadda wax aan gadayno lama arko annagaba gaajo nadilaysaa haraadka noo dheer gogol xumada noo dheer wax aan hayno malahan.”
Deeraan ayaa sheeggtay in dalagyo isugu jiray sisin, galey, masago iyo yaanyo oo ay abuurtay dhamaadkii bishii lixaad ee sanadkan ay noqdeen wax la gubay iyo wax xoolo laga daajiyay intii ay dagaaladu socdeen.
Waxay tilmaamtay in ay beerta galisay lacag $400 ah oo dhamaan deyn ahayd. Waxay intaasi raacisay in hanti isugu jirta guryo jiingado ah iyo munddullo, alaabtii ay ku isticmaalayeen iyo dalagii beerta ugu burburaan oo colaad ay ku waysay uu qiimahoodu gaarayay $2,320.
”Colaad ayaa nasoo gashay munduladii waa nalaga gubay. Beerihii xoolo ayaa nalaga galiyay. Waxaan u baahanahay in wax naloo qabto.”
Si ay carruurteeda waxyeelada colaada uga soo badbaadsato ayay isaga soo tagtay beer afar hektar ah oo ahayd halka il ee qoyskeedu ku tiirsanaa.
Dadka xeryaha magaalada Baydhabo soo mciin biday oo carruur iyo haween u badan waxaa ka mid ah Xaawo Maxamed Cali oo kaligeed korinaysa 11 carruur ah oo agoon ah.
Waxay sheegtay in ay xerada ku wajahayaan xalad hubanti la’aan ah, ilaa bartamihii bishii October xiligaas oo ay ka soo barakacday colaada ka dhacday deegankeedka Madhowey ee gobolka Bay.
Xaawo ayaa nolosha carruurteeda ku maarayn jirtay meherad yar oo bagaash lagu iibin jiray, taas oo si maalinle ah ay uga heli jirtay lacag u dhexaysa $4 ilaa $5 oo ugu filnayd cunno saddex waqti ah. Xilligaan waxay cunnaan hal waqti maalinka dhan cunto kooban oo iyadoo bisil ay ku caawiyaan dadka dariska la ah.
Waxay sidoo kale ka faro maran tahay beer shan hektar ah oo ay sheegtay in fasalkii ugu danbeeyay ay ku abuurtay dalagyo ay faa’iido badan ka filaysay.
‘Khasaare ayaan kala kulanay gurigii aan seexan jirnay beertii aan tacbaneynay wixii oo dhan waan ka soo tagnay. Hadda wax aan gacan ku hayno malahan.”
Waxay ku nool yihiin buush yar oo aan deeqin qoyskeeda oo badan, sidoo kalena aan ka celin karin qabowga habeenkii iyo qoraxda maalinkii. Waxaa u raaacay in ay ka welwelsan tahay qaabkii ay isaga bixin lahayd deymo deegaankii ay ka soo baracday looga leeyahay.
“Deynta qofka igu leh ayaa welwelkeeda saa’id ii haya markasta talefon ayuu ii soo diraa waxayga meel iigu sheeg ayuu ileeyahay adi waaba baxday ogow ayuu ileeyahay.”
Xaawo ayaa sheegtay in xerada aysan ka helin cunto, biyo iyo hoy midna, taas oo qoyskeeda u horseeday nolol ka sii liidata middii ay ka soo tageen. Waxay xustay in halkii jirgaan oo biyaha laga siiyo saddex kun oo shilin Somali ah oo aysan si joogto u heli karin.
Maxamed Cabdiraxmaan Saalax oo ah guddoomiyaha xerada Buur-eyle oo qoysaskan ay degan yihiin ayaa sheegay in maalin walba ay soo gaarayaan dad cusub oo colaado iyo abaaro uga soo barakacay deegaanadoodii. Wuxuu xusay in dadku ay imanayaan iyaga oo saad la’aan ah.
Guddomiyaha ayaa tilmaamay in maaddaama isagaba uu dadka barakaca ah ka mid yahay uusan awood u lahayn gargaar intaas ka badan. Maamulka iyo hay’adaha ayuu xusay in uu gaarsiiyay xaaladda dadlkaan, wallow aysan wali helin wax jawaab celin ah.
“Xaaladooda hay’ad samafal oo Baydhabo joogta oo aanan u sheegin malahan. Maamulka arimaha bulshada waan u sheegay, waxkale haddaan weynay waxbarsho, caafimaad iyo cunto in aan helno dadka dhawaan soo gaarayna xaaladooda si gaar ah wax looga qabto.”
Bilooyinkii ugu danbeeyay waxaa magaalada Baydhabo soo gaarayay qoysas xaalado kala duwan ka soo cararaya oo ay kamid yihiin colaadaha iyo abaaraha. Tan oo dadka ku sii riixeysa in ay soo maciin bidaan magaalada oo badankooda marka amaanka laga yimaado aysan ka helin nolol dhaanta midii ay ka soo tageen.