Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Haween iyo carruur ka barakacay colaad qabiil oo xerayaha ku wajahaya nolol xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
December 10, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Xaawo Maxamed iyo carruurteeda oo hor fadhiya qal cooshad ah oo xerada ku yaalla/Abdullahi Sharif/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Deeraan Aftiin Isxaaq oo 10  ah waxaay wajahayaan biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ilaa bilowgii bishaan, markaas oo colaad qabiil ay uga soo barakaceen tuulada Baalan-baale ee gobolka Bay.

Waxay ka mid yihiin boqollaal qoys oo 4 toddobaad ee la soo dhaafay soo gaaray xeryo barakaca oo Baydhabo ku yaalla, kuwaas oo iskugu jira beeraley, ganacsato yar yar iyo xoolo-dhaqato.

Barakacaan qoyska Deeraan wuxuu bidday nolol xumo, markii ay colaaddu ka saamaysay beer 4 hektar ah oo noloshoodu ay ku tiirsanady.

Haweenaydan ayaa sheegay in hadda uu qoyskeedu hal mar dabka saarto raashin hal ama labo koonbo ah oo ay ka soo hesho beero ku yaalla duleedka magaalada oo ay u raadsato shaqo xoogsi ah.

Maalmaha qaar oo ay shaqada heli waayso ayaay sheegtay in ay qaatooyo ku seexdaan, taas oo saamayn ku yeelatay noloshooda.

”Maalintii wax la kariyo malahan saaka xitaa shaaha ayaa noo ganbiyay wax aan karsanayno malahan. Hadda wax aan gadayno lama arko annagaba gaajo nadilaysaa haraadka noo dheer gogol xumada noo dheer wax aan hayno malahan.”

Deeraan ayaa sheeggtay in dalagyo isugu jiray sisin, galey, masago iyo yaanyo oo ay abuurtay dhamaadkii bishii lixaad ee sanadkan ay noqdeen wax la gubay iyo wax xoolo laga daajiyay intii ay dagaaladu socdeen.

Waxay tilmaamtay in ay beerta galisay lacag $400 ah oo dhamaan deyn ahayd. Waxay intaasi raacisay in hanti isugu jirta guryo jiingado ah iyo munddullo, alaabtii ay ku isticmaalayeen iyo dalagii beerta ugu burburaan oo colaad ay ku waysay uu qiimahoodu gaarayay $2,320.

”Colaad ayaa nasoo gashay munduladii waa nalaga gubay. Beerihii xoolo ayaa nalaga galiyay. Waxaan u baahanahay in wax naloo qabto.”

Si ay carruurteeda waxyeelada colaada uga soo badbaadsato ayay isaga soo tagtay beer afar hektar ah oo ahayd halka il ee qoyskeedu ku tiirsanaa.

Dadka xeryaha magaalada Baydhabo soo mciin biday oo carruur iyo haween u badan waxaa ka mid ah Xaawo Maxamed Cali oo kaligeed korinaysa 11 carruur ah oo agoon ah.

Waxay sheegtay in ay xerada ku wajahayaan xalad hubanti la’aan ah, ilaa bartamihii bishii October xiligaas oo ay ka soo barakacday colaada ka dhacday deegankeedka Madhowey ee gobolka Bay.

Xaawo ayaa nolosha carruurteeda ku maarayn jirtay meherad yar oo bagaash lagu iibin jiray, taas oo si maalinle ah ay uga heli jirtay lacag u dhexaysa $4 ilaa $5 oo ugu filnayd cunno saddex waqti ah. Xilligaan waxay cunnaan hal waqti maalinka dhan cunto kooban oo iyadoo bisil ay ku caawiyaan dadka dariska la ah.

Waxay sidoo kale ka faro maran tahay beer shan hektar ah oo ay sheegtay in fasalkii ugu danbeeyay ay ku abuurtay dalagyo ay faa’iido badan ka filaysay.

‘Khasaare ayaan kala kulanay gurigii aan seexan jirnay beertii aan tacbaneynay wixii oo dhan waan ka soo tagnay. Hadda wax aan gacan ku hayno malahan.”

Waxay ku nool yihiin buush yar oo aan deeqin qoyskeeda oo badan, sidoo kalena aan ka celin karin qabowga habeenkii iyo qoraxda maalinkii. Waxaa u raaacay in ay ka welwelsan tahay qaabkii ay isaga bixin lahayd deymo deegaankii ay ka soo baracday looga leeyahay.

“Deynta qofka igu leh ayaa welwelkeeda saa’id ii haya  markasta talefon ayuu ii soo diraa waxayga meel iigu sheeg ayuu ileeyahay adi waaba baxday ogow ayuu ileeyahay.”

Xaawo ayaa sheegtay in xerada aysan ka helin cunto, biyo iyo hoy midna, taas oo qoyskeeda u horseeday nolol ka sii liidata middii ay ka soo tageen. Waxay xustay in halkii jirgaan oo biyaha laga siiyo saddex kun oo shilin Somali ah oo aysan si joogto u heli karin.

Maxamed Cabdiraxmaan Saalax oo ah guddoomiyaha xerada Buur-eyle oo qoysaskan ay degan yihiin ayaa sheegay in maalin walba ay soo gaarayaan dad cusub oo colaado iyo abaaro uga soo barakacay deegaanadoodii. Wuxuu xusay in dadku ay imanayaan iyaga oo saad la’aan ah.

Guddomiyaha ayaa tilmaamay in maaddaama isagaba uu dadka barakaca ah ka mid yahay uusan awood u lahayn gargaar intaas ka badan. Maamulka iyo hay’adaha ayuu xusay in uu gaarsiiyay xaaladda dadlkaan, wallow aysan wali helin wax jawaab celin ah.

“Xaaladooda hay’ad samafal oo Baydhabo joogta oo aanan u sheegin malahan. Maamulka arimaha bulshada waan u sheegay, waxkale haddaan weynay waxbarsho, caafimaad iyo cunto in aan helno dadka dhawaan soo gaarayna xaaladooda si gaar ah wax looga qabto.”

Bilooyinkii ugu danbeeyay waxaa magaalada Baydhabo soo gaarayay qoysas xaalado kala duwan ka soo cararaya oo ay kamid yihiin colaadaha iyo abaaraha. Tan oo dadka ku sii riixeysa in ay soo maciin bidaan magaalada oo badankooda marka amaanka laga yimaado aysan ka helin nolol dhaanta midii ay ka soo tageen.

Previous Post

Garowe: Rag iyo dumar shaqo joogta ah helay oo qoysaskooda ka saaray xaalad nolol xumo

Next Post

Bari: Reer guuraa dib ugu laabtay deegaankooda markii xal loo helay bohollo caqabad ku hayay

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
blank

Bari: Reer guuraa dib ugu laabtay deegaankooda markii xal loo helay bohollo caqabad ku hayay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-MAY-2026

IDAACADDA 06-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo