(ERGO) – Salaad Nuur Aadan wuxuu dib ugu soo laabtay bilowgii bishii October ee sanadkaan deegaankiisa Rako-raaxo ee gobolka Bari, markii xal loo helay boholo ka dilaacay dhul daaqsimeedkii uu xoolaha u soofsan jiray.
Wuxuu ka mid yahay in ka badan 5,000 oo qoys saamaynta ka dhalatay boqolahas deegaanka kaga hayaamay, kuwaas oo dad iyo duunyo ay ku waxyeeeloobeen.
Rako-raaxo oo ah dhul daaqsimeed balaaran ayaa saamaynta cimilada darteed waxaa bilihii kobaad ilaa afraad ka samaysmay godod ka dilaacay dooxooyinka, dhulka xoolo daaqeenka ah iyo goobihii la deganaa, taas oo keentay hayaan aan horay loo qorshaysan.
Salaad oo ah aabbaha qoys lix qof ka kooban ayaa xusay in wadooyinka go’ay ay keeneen dadka in ay isu gudbi waayaan, taas oo caqabad ku noqotay hab nololeedkooda, balse hadda uu xal bilow ah u muuqdo.
“Dhulkii ay bohoshu ku fidaysay markii la xanibay waa yaraatay, biyihiina waa hakadeen oo biyihii dhulka dhaafi jiray oo xawliga ku socon jiray dhulkii ayay ku dageen aad iyo aad faa’ido wayn oo aan la malayn karin baa laga helay.”
Salaad oo deegaanka ku dhaqanayay labaatan neef oo ari ah ayaa sheegay in 10 ka mid ah ay kaga dhaceen boholaha bartamahii May, kuwaas oo qaarna ay ku jajabeen qaarna ay ku dhinteen. Ninka ayaa tilmaamay in neefafkii u haray ay waayeen daaq ku filan, taas oo ku qasabtay in ay u guuraan miyig degmada Isku-shuban oo 114 km u jirta deegaankooda.
Wuxuu intaas raaciyay in ay dareemayaan isbeddel nololeed, markii ay dib u soo laabteen in ka badan shan bil oo ay ka maqnaayeen dhulkii ay ku noolaan jireen. Salaad ayaa xusay in dhul go’aan uu horay deegaanka uga dhici jiray, balse sanadkaan uu yahay kii ugu darnaa.
Waxaaa go’doon noqday wadooyinka deegaanka, ilihii ay biyaha ka heli jireen oo jarmay, dhulkii daaqsinta oo qaarna boholuhu ka soko-maraan qaarna dumay iyo dhismeyaashii la degganaa oo sidoo kale dhulku la dumay.
“Gaarigu waxa uu samayn jiray wareeg kale oo halkaas bohol ka sii qodonto. Marka intii la xiray waa laga raystay dhibaatadii wadooyinka iyo tii dhul daaqsimeedkaba.”
Salaad ayaa sheegay in xoolihii ay ku tiirsanaayeen ay nacfi beeleen aysana jirin il kale oo dhaqaale uu ka soo galo qoyskiisa. Xaaladaan ayaa u horseeday in saddex carruurtiisa ah oo markii hore dhigan jiray iskuulka hoose ay noqdaan waxbarasho la’aan.
Carruurta ayuu tilmaamay in bishii uu ka bixin jiray isku darkooda $30, taas oo bilihii lixaad, toddobaad iyo sideedaad uu bixin waayay, kadibna loo soo eryahay, iyadoo lagu leeyahay $90 oo ah saddex bil qarashkoodii waxbarashada.
Qoysaskan oo u badan xoolo dhaqato horay abaaro deegaanka u saameeyay ugu cayroobay ayuu dhul dilaacaan mar kale galiyay xaalad hubaanti la’aan oo dhanka nolosha ah. Daahir Muuse Siciid oo deegaanka ka barakacay dhamaadkii bishii shanaad ee sanadkaan ayaa dib ugu soo laabtay bartamihii October.
Wuxuu sheegay in markii ay xamili waayeen nolosha deegaanadii ay u barakaceen ay sameeyeen abaabul bulsho oo maal iyo muruq ah si ay u aasaan boholaha.
Ninkan ayaa tilmaamay in boqollaal qof oo isugu jira dhamaan qaybaha kala duwan ee dadka ay isku xilqaameen in qof kasta waxa uu awoodo uu ku biiriyo howsha socota si looga hortago dhulkii nacfiga u lahaa oo isku bedalaya godad waa weyn oo halis keeni kara.
‘Dumar iyo odayaalba waynu ka tashanay wixii aynu qaban karnay waa ka qabanay, Haddana cid na caawinaysa haddaan helno sidii oo kale waan la shaqaynaynaa. Wixii la qabtay ama hay’ad ha qabato ama annagu an isku tashi ku qabanee dhibkii waa looga raystay.”
Daahir oo qoyskiisu ay 11 qof yihiin ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in markale uu dib u soo laabtay. Wuxuu tilmaamay in uu yimid gurigiisii oo wali aan dumin, balse ay boholuhu ku soo dhawaadeen. Ninkan ayaa nasiib u yeeshay la duugo gododkii ka jeexmay halkii uu deganaa, taas oo sabab u noqotay in markale uu ku soo laabto hoygiisii.
Daahir oo 65 sano jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in uu dukaamada raashinka lagu iibiyo uga shaqeeyo qaab xamaal ah. Wuxuu dajiyaa sidoo kalena uu gawaarida ku raraa raashin si qoyskiisa uu hal waqti dabka ugu shito. Shaqadaan ayuu xusay in maalinkii uu ka helo $3, oo aan ugu filnayn cuntada qoyska, balse wuxuu sheegay in wax badan ay u dhaanto noloshii markii ay guureen.
Qoyskiisa ayaa ku dul noolaa dad aysan aqoon hore isku lahayn oo Iskushuban degan. Waxaa la siiyay hal qol oo cirri ku ahaa oo habeenkii ay carruurta seexsan jireen. Ninkan ayaa tilmaamay in magaalada oo ay ku cusbaayeen ay ku adkaatay in uu ka helo shaqo xoogsi ah. Dadka ehelka ah ayay mar mar ka heli jireen kaalmo kooban, halka marka ay ka waayaana ay qatooyo ku joogi jireen. Wuxuu sharaxaya dhibtii ay la kulmeen markii ay ka tageen deegaankooda.
“Caqabaadka waa fahmi kartaa meel aad ku cusub tahay oo aadan waxba ka aqoon. Meelaha biyaha laga dhaansado dad ayaa leh, gaariga miya dhaamiya dad ayaa leh, bakhaarka dad ayaa leh intaas midna xiriir lama lihid, daruuftu waxay kalifaysaa in aad bac iska dhigato meelaha banaan.”
Daahir ayaa sheegay in 35 neef oo ari ah oo uga soo badbaaday abaar deegaanka saamaysaysay sanadkii 2021 ay 13 ka mid ah uga dhaceen boholaha bishii April, taas oo hoos u dhigtay dhaqaalaha qoyskiisa. Wuxuu tilmaamay in wadooyinka go’ay ay keeneen dadka in ay isu gudbi waayaan.
Jaamac Maxamuud Nuur oo ah gudoomiye ku xigeenka degmada Rako-raaxo ayaa Ergo u sheegay in jeexjeex dhulku uu saameeyay degmada, deegaanada miyiga ah ee hoos yimaada iyo xitaa tuulooyinka kale ee u dhow.
Gudoomiyaha ayaa xustay in 110 boholood oo kala duwan ay dilaaceen, taas oo ku keentay in dad badan ay si deg deg ah uga guureen. Waxaa lagu guulaystay in la aaso 11 ka mid ah oo ugu halis badnaa, kuwaas oo meelaha biyaha iyo wadooyinka ka jaray magaalada. Wuxuu faahfaahinayaa sababta ku dhalisay isku tashiga lagu xabaalay boholaha.
“Isku tashiga waxaa nagu dhaliyey meeshaan waa meel xoolaad bad malaha, xooluhuna waxay ku nool yihiin deegaanka iyo dhul daaqsimeedka maadama dhulkii daaqsimeedka ay boholi cunayso hay’ado naga saacidaya iyo cid kalena aysan jirin go’aan waxaan ku qaadanay in aan isku tashano oo anagu wixii tabartayada ah aan xirno, waxaana ku rajo weynahay wixii aan xirnay waan xirnay inta kalena in aan xiri doono.”
Isbadalka cimilada oo sababay abaaro soo lalaabta, roobab culus oo dhulka waxyeeleeya iyo nidaaam guur ku yimid deegaanka ayaa sababay in qaybo badan oo wadanka ka mid ah lagu arko waxyaabo aan horay loogu aqoon sida, dhulka oo dilaacaya.