Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Guridda qashinka oo fursad shaqo abuur u noqotay danyar ku nool Cabudwaaq

Jibril Osman by Jibril Osman
December 12, 2024
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Guridda qashinka oo fursad shaqo abuur u noqotay danyar ku nool Cabudwaaq

Dhaqaatiir magaalada ka saaraya qashinka sababa caafimaad darrada/Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Mustaf Xasan Faarax oo 41 jir ah wuxuu aroor walba ku kallahaa goobaha qashinka lagu qubo ee jidadka magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Wuxuu ka mid yahay 50 qof oo isugu jira rag iyo haween, kuwaas oo fursad shaqo abuur ka helay shirkad nadaafadda ka shaqaysa oo saddex dhalinyaro ah ay ka hirgaliyeen degmada.

Ninkan iyo rag ayaa subax walba qashinka ka aruuriya gudaha Cabudwaaq. Waxay ku raraan gawaari geeya goobo loo asteeyay in lagu gubo. Shaqadan oo uu ku soo biiray 6 bil ka hor ayaa ku filnaatay nolosha qoyskiisa oo ka kooban 11 qof.

Mustaf ayaa bishii mushaar ahaan u qaata lacag dhan $180. Ninkan ayaa tilmaamay in dhaqaalaha soo gala uu qoyskiisa u horseeday isbedel ku yimid habka cunto helista oo aad ugu adkaa labadii sano ee tagay.

“Sidii hore shaqadaanaa ii dhaanta. Nolosha qoyskaygana wax bay ka bedeshay waxna waa u dhimmanyihiin. In kastoo baahida aan lawada debarikarin laakiin wax badan horta way iga bedeshay.”

Mustaf ayaa sheegay inuu la daalaa dhacayay maaraynta nolosha qoyskiisa ka hor inta uusan fursaddan shaqo helin bishii May ee sanadkaa. Wuxuu xusay inay maalintii hal mar dabka saaran jireen raashin yar oo uu ku soo iibin jiray lacagta ka soo gasha shaqo xamaal ah oo u badanaan uu ka heli jiray labo dollar. Marka uu sooo waayo ayuu sheegay inay qoyskiisu gaajo ku seexan jireen.

Waxa uu sheegay in sidoo kole uu waxbarashada ku daray shan ka mid ah carruurtiisa oo markii hore dhaqaalo xumo uga haray, kuwaas oo hadda dhigta fasallada kala ah 7aad, 3aad.2aad iyo 1aad ee dugsiga hoose dhexe oo bishii uu ku bixiyo $40.  

Mustaf oo labo sano iyo bar ka hor qoyskiisa kala soo barakacay colaadaha ka jira deegaanka Dhanga’go ee gobolka Faafan ee dawlad deegaanka Soomalida ayaa qorshaynaya inuu qoyskiisa ka saaro nolosha barakaca.

“Xero barakac baan ku nool nahay guri kiraa kuma jirno. Waxaan galnaana waa bush ay baco saaranyihiin weeyaanoo, bicihiina haddeer ciriddiibaa goo gooysoo hadda haddaan u soo daynsanno mooyaane hoygayaguna waa buushkaas.”

Ninkan ayaa inta aysan xeradan ku soo biirin 2022 waxay noloshoodu ku tiirsanayd 60 neef oo ari ah kuwaas oo meesha ka baxay iyo beer 4 higtar ah oo ay la abuuran waayeen biyo yari iyo colaad.

Wuxuu sheegay markii ay u adkaysan waayeen nolosha adag ee soo wajahay inay ku soo hirteen dad ay ehel yihiin oo Cabud-waaq deggan balse wuxuu tilmaamay inaysan ka helin taageeradii ay ka filayeen taas oo badday inay xero galaan.

Ninkan oo sheegay in uu ku fikiray inuu dhigaal sado qeyb ma mid ah mushaarkiisa ayaa xusay inaysan wali arintaas u suurto galin maaddaama uu qoyskiisu yahay mid ballaaran oo aysan lacagba ka soo harin.

Mustaf ayaa sheegay inuu shaqadan markii ay ku soo wargeliyeen saaxiibadii oo uga horreeyay , kuwaas oo ku sheegay in loo baahan yahay shaqaale ka shaqayn kara qeybta uu hadda qaabilsan yahay.

Qashinka oo sanado badan dhibaato xooggan ku hayay nolosha dadka iyo duunyada ku nool Cabud-waaq ayaa hadda fursad shaqo u noqday dhalinyaro badan oo markii hore shaqo la’aantu nolol xumo biday qoysaskooda. Dadkaas waxaa ka mid ah Cawil Maxamed Axmed oo ah 29 jir ka biila labo qoys oo wadartoodu tahay 13 qof.

Ninkan oo fursaddan helay bishii Juun ee sanad ayaa sheegay inay caawisay isaga iyo qoyskiisa. Cawil ayaa subax kasta u dhaqaaqa inuu soo tiro koobo diiwaanka dadka adeegyada nadaafadeed loo qabanayo, howshaas oo bishii lacag dhan $220 uu mushaar ahaan uga helo.

Wuxuu sheegay inuu dhigaal lacageed oo dhan $500 ka sameeyay mudadii uu shaqadan waday. Wuxuu aaminsan yahay inuu ku jiro waqtigii ugu wacnaa ee noloshiisa maadaama uu markii ugu horaysay helay shaqo joogto ah.

Cawil ayaa intaas ku daray inuu farqi wayn uu ku yimid sidii ay wax u karsan jireen intii uu shaqo la’aanta ahaa iyo tan iyo markii uu fursaddan billaabay.

“Markii hore ee aanan shaqayn jirin qoyskayga hadba sidaan wax u hello ayay ku xirneed, markii aan shaqo fiican helana safiican ayaan saddexdeena waqi u karsanjirnay, markii kalana sidii kale oo aan ku maarayn karno ayaan ku maarayn jirnay. laakiin shalay doorasho maylahayn.”

Ninkan ayaa sheegay inuu is bixiyay lacag dayn ah oo gaaraysa $500 oo lagu yeeshay qoyskiisa intii uu shaqo la’aanta ahaa. Wuxuu xusay inuu markii hore ku dhib qabay helidda shaqo joogto ah oo ku filan nolosha qoyskiisa balse hadda taasi ay meesha ka baxaday.

Cawil ayaa tilmaamay inuu awood u yeeshay inuu waxbarashada diiniga ah iyo tan iskuulka ka bixiyo afar carruur ah oo la dhalatay, kuwaas oo isku darkooda bishii laga qaado $33.

Wuxuu sheegay inay fursaddan isaga naftiisa ku soo kordhisay inuu billaabo waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda bishii Oktoobar ee sanadkan. Wuxuu sheegay inay tacliinta ka hor taagnayd dhaqaale xumada haysatay. Lacag dhan $20 ayuu xusay inuu bishii ku bixiyo jaamacadda Ummadda oo uu ka billaabaya killiyadda culuumta Computer-ka.

Cawil ayaa sidoo kole, sheegay inuu waqtigaan garab u noqday qoyska waalidkii oo abaar ku wajahaya miyiga Waqooyi ee Cabudwaaq. Raashin isugu jira bur, bariis iyo sonkor oo ay dheertahay adeegyada kale ee ay u baahanyiniin ayuu sheegay inuu magaalada uga dhiibo bil walba si xilligaan adag ay uga gudbaan.

“Kolay xaaladaha hadda iska jiraa waa xaalado iska wareersan abaaro,colaado waxyaalo badanbaa iska jira roob la’aan marka waalidku kaalinta aan ku leeyahay aad iyo aad ayay tan xaafadayda iiga darantahay. Marka waxaan dhihi karaa kaalin wayn ayaan ka qaatay.”

Cawil ayaa xusay ka fekerayo billaabidda ganacsi u gaar ah oo uu ka sameeyo dhigaalka dhaqaale ee uu shaqadan ka helo, taas oo uu in badan ka filayo inay nolol tan ka sii saraysa ka dhaxlaan qoyskiisa.

Dadka ku qashinka quudkooda ka soo saarkaan ayaa kala duwan, Mahad Muuse Maxamed oo ah maamulaha Shirkadda aamin kana mid ah aas aasayaasha kanbanigaan ayaan wax ka waydiinay sida ay ku xusheen.

“Waxaan ku qaadanaa xirfad darawalnimo iyo masuuliyadda. Shaqaalaha kaloo muruq maalkaa iyagana waxaan ku qaadanay dadkii soo barakacay oo magaalada shaqo la’aantu ka haysay oo fursaddaas waayay oo magaalada shaqo ka waayay oo iska fadhiyay.”

Mahad ayaa sheegay inay fikraddaan hal abuur ku dhalatay markii ay arkeen in fursad shaqo loo beddeli karo qashinka oo dhibaato xooggan ku yahay bulshada Cabud-waaq. Rag ganacsato ah ayuu xusay inay ku maalgaliyeen lacag dhan $50 kun oo doolar.

Ninkan ayaa intaas raaciyay inay ku howlan yihiin ballaarinta howlahooda iyo inay dad intaan ka badan badan shaqo galiyaan. Waxa uu tilmaamay inay muhiimad gaar ah siiyaan dadka barakaca ah iyo kuwa danta yarta.

Previous Post

Bari: Reer guuraa dib ugu laabtay deegaankooda markii xal loo helay bohollo caqabad ku hayay

Next Post

Dad nolol adag ku wajahaya xeryaha Muqdisho oo gocanaya nolosha beero-falashada

Related Posts

Qoysas maciin bidday Muqdisho markii uu saameeyay dagaalka Al-shabaab iyo dowladda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas maciin bidday Muqdisho markii uu saameeyay dagaalka Al-shabaab iyo dowladda

May 15, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Haween iyo carruur ka barakacay colaad oo wajahaya xaalad hubanti la’aan ah

May 14, 2025
Nugaal: Kalluumeysto ka soo kabtay nolol xumo markii ay heleen shirkad u iib-gaysa malayga
Wararkii u Danbeeyay

Nugaal: Kalluumeysto ka soo kabtay nolol xumo markii ay heleen shirkad u iib-gaysa malayga

May 13, 2025
Baydhabo: Barakicin qasab ah oo nolol xumo gelisay qoysas laga raray dhul ay deganaayeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Barakicin qasab ah oo nolol xumo gelisay qoysas laga raray dhul ay deganaayeen

May 12, 2025
Shabeellaha hoose: Beeraley ka cabayanaya raashinka dibadda laga keeno oo suuq xumo bidday
Beeraha Iyo Xoolaha

Shabeellaha hoose: Beeraley ka cabayanaya raashinka dibadda laga keeno oo suuq xumo bidday

May 10, 2025
Next Post
blank

Dad nolol adag ku wajahaya xeryaha Muqdisho oo gocanaya nolosha beero-falashada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2025

IDAACADDA 15-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2025
May 15, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2025
Episode play icon
IDAACADA 13-MAY-2025
May 13, 2025
Episode play icon
IDAACADA 12-MAY-2025
May 12, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2025
May 11, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo