(ERGO) – Cumar Maxamuud Cali iyo qoyskiisa, oo lix qof ka kooban waxay muddo saddex sano ah xaalad cunno xumo iyo hoy la’aan ah ku wajahayaan xerada Biyo iyo caano ee magaalada Muqdisho. Waxay awoodi waayeen in ay dib ugu laabtaan beer ay abaar dartees uga soo barakaceen.
Waxa isku raacay dhaqaale ay ku laabtaan oo ay waayeen iyo roob yari weli ka sii jirta deegaanka oo ka quus gelisay in ay tacabkii hawaystaan. Ninkan oo beertiisa kaga tashanayay bil kasta wax soo saar ku filnaa ayaa ilaa iyo hadda ka soo kaban waayay saamaynta gaartay.
Wuxuu xusay in ay dantu ku qasabtay in ay noloshooda ku maareeyaan raashin ay ka dawarsadaan qoysaska xerada la deggan hadba kii dhaama. waxay intaas ku dartay in qoyskiisa ay la qabsan la’ yihiin nololsha barakaca balse uu waayay qorshhe uu kaga saaro.
“Noloshada magaalada aad ayay noogu adkaatay. Marmar hooyada qoyska ayaa baxda oo soo wareegta ilaa Bakaaraha si ay u hesho xamaali ama dhar dhaqid. Inta badan, markii ay wax soo waydo, waxaa loo tuuraa gaari raac ah oo ay ku timaado nafteeda.”
Cumar wuxuu sheegay in muddo shan iyo toban sano ah oo uu beer ku lahaa deegaanka Yaaqbariwayne ee gobolka Shabeellaha hoose uusan weligiis mudan wax nolol xumo ah. Wuxuu xusay in sanad kasta uu ka helayay faa’iido wax ku ool ah balse ay abaartu nacfi tireen, maaddaa uu ku tiirsanaa biyaha roobka oo kali ah.
Wuxuu tacbanayay dalag iskugu jiray khudaar iyo raashin oo lixdii bil ee kasta uu labo ama mar iib gaynayay walow sanadihii danbe ay la kulmayeen qasaaro joogto ah. Wuxuu tilmaamay in ay isku biirsadeen abaaro iyo fatahaaddo soo laalaabtay, kuwaas oo ka niyad jabsay beerashada.
Inta uusan barakicin ayuu xusay in ay saddex xilli roobaad oo xariir ah qasaareen dalag uu beerta geliyay kaas oo looga yeeshay dayn kaaraysa $500 oo uu abuur ku qaatay. Wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda uusan gudin dayntaas oo ay soo waydiiyaan dadkii lahaa.
“Todobo jeer ayaan ku khasaaray. Mar biyihii wabiga ayaan ku beeray, waana iga go’een. Cagaf ayaan ku falay, haddana qarashkii cagafta ayaan bixin waayay; deyntii ayaa loogu yeeshay. Haddana, deyn ayaan ku falay, waana bixin waayay. Hadda, biyihii waa lacag; maba awoodo. Beertiina, sidaas ayay ku baab’day.”
Dhanka kale Cumar ayaa sheegay in ay wax-soo-saar xumada beerta ay u wehliso cadaadis dhaqaale oo Al-Shabaab ay saareen beeralayda. Waxay ku qasbayeen in ay bixiyaan lacago badan oo aysan awood u lahayn taas oo ku noqotay culays kale oo ay xamili waayeen.
Cumar wuxuu sheegay in inkasta oo hadda ay dareemayaan duruufo badan oo dhanka nolosha ah haddana ay uga wanaagsan tahay deegaankii ay ka soo tageen marka laga eego dhanka amaaanka. iyada oo taas jirto haddana wuxuu xilli kasta gocdaa beertiisa oo u hayd halka il ee dhaqaale.
“Haddii taageero naloo fidiyo, waan rabnaa in aan laabano. Illeen annaga waxaan naqaannaa sida beerta loo tacbo.”
Cumar oo 60 sano jir ah, ayaa markii ugu horraysay soo barakacay sanadkii 2021 warkii uu xamili waayay xaaladaha deegaanka ka taagnaa oo ahaa kuwo ay adagtahay in lagu noolaado. Wuxuu sheegay in u jeedkiisu ahaa in ay maalmo ku soo moodaan magaalada balse ay ku adkaatay in ay laabtaan.
Kumanaan qoys oo sidaas oo kale ka soo dalaabay beerahoodii ayaa nolol xumo aad u liidata ku wajahaya magaalada Muqdisho. Waxaa ka mid ah Sahro Muumin Xasan oo ay ay iyada iyo carruurteeda oo sagaal ah ay nolol-xumo ku wajahayaan xerada Biyo iyo caano ee degmada Kaxda.
Haweenaydan oo barakaca ku soo biirtay bishii Juun ee sanadkan ayaa ka soo tagtay beer saddex hektar ah oo ay lay ku leedahay deeegaanka Xawaadleey ee gobolka shabeellaha dhexe markii ay sadddex mar fatahaado uu webigu sameeyay ay ka qaadeen dalag u badnaa khudaar oo beerteeda ka bixi jiray.
Waxay sheegtay in ay hal mar dabka u saarto waxay ka soo hesho dhar dhaqis ay u aaddo magaalada taas oo aysan u soo helin si joogto ah. waxay intaas raacisay in maalmaha qaar oo ay soo wayso ayay mutaan in ay qatooyo ku seexdaan, taas oo ku noqotay culays aysan weligood mudan.
“Waxaan ku noolaa nolol heer sare ah oo isku filnaansho leh. Waxaan rabaa in aan beerteydii ku laabto oo aan dib ugu soo nooleeyo, laakiin ma heysto qarash aan ku laabto, sidoo kale deyntii laygu leeyahay ma awoodo in aan iska bixiyo.”
Dhanka kale sahro waxay ka welwelsan tahay dayn gaaraysa $1,500 oo ay ku leeyihiin ganacsato deegaankeeda jooga kuwaas oo ay ka qaadatay xiliyadii ay abuuraysay dalagyada ka qasaaray. Waxay tilmaantay in dadkii dayntaas ku lahaa ay xilli kasta soo waydiiyaan iyaduna ay hadba qabsato muddo aysan qorshe u hayn.
Waxay tilmaantay in xitaa haddii ay ku laaban lahayd beerteedii aysan ku dhiiran karin iyada oo daynta iska bixin maaddaama dadkii ku lahaa ay deegaanka joogaan. Culaysyada dhaqaale iyo saamaynta fatahaadda ee aan xalka loo helin darteed ayay sheegtay in ay ka raja dhigtay beertii ay nololsha reerku ku tiirsaneed.
Maxamed Nuur Xasan, oo ka mid ah guddiga dadka barakacay ee degmada Kaxda oo ah halka dadka ugu badan ay ku nool yihiin kana shaqeeya diiwaangelinta dadka cusub ee xeryaha kusoo biiraya, ayaa sheegay in sanadkan sii dhammaanaya ay soo gaareen ilaa 5,000 oo qoys oo beeralay ah, kuwas oo siyaabo kala duwan uga soo barakacay gobolada dalka.
Wuxuu tilmaamay in sababta ugu weyn ee dadka soo barakicinaysa ay tahay culeysyo is biirsaday oo ka dhashay dhibaatooyinka fatahaadaha, abaaraha , colaadaha iyo daymo isku gaaray oo samayn ku yeeshay. Wuxuu intaas ku daray in sodoo kale uu saameeyay isbeddelka cimilada oo ay yaraadeen wax soo saarka beeraha iyaguna aysan cilmi u lahayn si ay ula tacaalaan.
Maxamed wuxuu sidoo kale tilmaamay in xeryaha barakaca aysan xamili karin tirada sii kordheysa ee dadka soo barakacaya, taas oo keentay in adeegyada asaasiga ah sida hoyga, cuntada, iyo biyaha ay noqdaan kuwo aad u yar, taasoo saameyn ku yeelatay nolosha dadka soo barakacay.
“Dadka beeraleyda ah, maalin walba waxaa xeryaha barakaca soo gaara 5 ilaa 10 qoys halkii xero ah. Tiradoodu waxay si xowli ah ugu sii kordhaysaa magaalada. Badankood ma awoodaan inay la qabsadaan nolosha magaalada, iyagoo aan haysan xirfado ay ku dabooli karaan baahidooda nololeed. Maalmo badan, waxay u baxaan shaqooyin sida dhar dhaqid, balse inta badan waxba ma helaan. Dadkan waxay ku nool yihiin buushash yar yar oo ay ka dhisteen raafad, taasoo aan ka ilaalin karin roobka iyo dabeylaha.”
Inta badan beeralayda ku biira nolosha barakacnimada waxaa ku adkaaday in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda iyo shaqadoodii maadaama aysan helin cid ka saacida in ay ka soo kabtaan saamaynta gaartay.