(ERGO) – Boqollaal qoys oo ku nool xerada Ciise ee duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa la’ waxay ku maareeyaan noloshooda. Waxa ugu adag ayaa ah helitaanka cuntada. Waa xaalad la soo gudboonaatay markii uu ka istaagay bishii Oktoober ee sanadkaan gargaar lacag ah oo ay ka heli jireen hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP.
Labo boqol, konton iyo shan qoys ayaa wajahaya xaaladdan hubanti la’aanta ah. Waxaa ka mid ah qoyska Maryan Faarax Mahad oo aan haysan waxay dabka ku shitaan. Maryan ayaa sheegtay in dantu ku qasabtay inay ka soo dawarsato magaalada Gaalkacyo, hasa yeeshee taasi uguma filnaan inay helaan cunto hal waqti ah maalinkii.
Waxay xustay in toban saac ka badan ay ku wareegto maalin kasta xaafadaha magaalada si ay cunto ugu hesho toddobo carruur ah oo ay sheegtay in gaajo ay ku seexdaan, kuna soo toosaan.
“Culeys weyn baa ka jira dhanka raashinka. Reeraha subaxii koob la’aadaa ama waa ka soo waayi ama waa ka helee. Nolosheeno waa cakirantahay.”
Haweenaydan oo 45 jir ah ayaa xustay in tan iyo markii uu gargaarku ka go’ay ay raadineyso shaqooyin xoogsi ah, sida dhar-dhaqid iyo ka shaqeynta nadaafadda guryaha, balse ay weyday. Waxay sheegtay inaysan ka quusan fursadahan shaqo oo ah habka kaliya ee u furan.
Maryan ayaa tilmaantay in kaalmada ay heli jirtay oo bishii aheyd $70 ay ugu filneyd cunto labo waqti ah. Tan iyo bishii Feberaayo ee sanadkii 2020 oo ay ku tiirsanaayeen ayay xustay inaysan mooganeyn inuu ka go’i doono, balse xirfad iyo aqoon ay ku shaqeysato oo aysan laheyn ayay tuhmeysaa inay adkeysay in ay hesho shaqo ay ku maareyso nolosha qoyska.
“Waxaan ahayn dad gacanta wax ku haysta, nafteena oo dhan waan ka dabaran jirnay. Haddii la iska soo horjeestay oo odaygii shaqo la’aan yahay oo inta baaga muudo u fadhiyo. Anigii aan shaqo haysan beerkeena beer nooga sokayn, xarig magaalana aana lahayn Ilaahay baa og.”
Shan sano oo ay deggan tahay xerada ayay sheegtay inaysan carruurteedu waxbarasho helin, hadana ay u la’dahay cuntada oo aheyd waxa kaliya ee ay haysteen. Maryan ayaa xustay in helitaanka biyaha ay tahay caqabad kale oo soo wajahday, markii ay weyday lacag $15 oo bishii ay ku bixin jirtay, taas oo ay ka jari jirtay kaalmada la siiyo.
Waxay sheegtay in laga xirtay tubbo ugu jirtay guriga, kaddib $90 oo ah lacag uruurtay oo ay ku yeelatay shirkadda biyaha Carafaad oo ah mid gaar loo leeyahay.
“Biyo la’aan culus baa na haysa tubo xaafad meeshaan ah aan la cabi jirnay markii ay bishu ku go’do ayey naga xirtaan. Dadka dariska ah la cabnaa lacag bay ku shaqaynayaan biyaha, waxaa nalaku leeyahay 5 bil.”
Qoyska Maryan waxaa xerada Ciise uga dhisan aqal cooshad ah oo ay sheegtay in maalinkii ay ka door bidaan dhirta harka leh, cadceedda oo uusan celin karin darteed.
Maryan ayaa aheyd xoolo dhaqato ku nool deegaanka Quracle-Islaam oo hoos taga degmada Hobyo. Miyiga ayay go’aan satay inay ka soo guurto sanadkii 2020, markii abaar ay dhaafisay ari 200 ah oo noloshoodu ku tiirsaneyd.
Waxay xustay in dhaqashada xooluhu aheyd nolol ay la qabsatay oo ay jeceshay, balse ku noqoshada miyiga ay faro marnaantu ka hor taagan tahay.
Xerada Ciise oo magaalada Gaalkacyo u jirta 3 km malahan adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Waxa kaliya ee dadku heli karaan ayaa ah biyaha oo ay ku adag tahay inay gataan.
Danyarta halkan deggan badi ma haystaan shaqooyin ay nolosha ka maareeyaan. Waxay u badan yihiin xoolo dhaqato abaaruhu saameeyeen.
Dhuux Cabdi Salaad oo shan sano halkan deggan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inaan loo sii sheegin in gargaarku ka go’ayo, kaasoo ay xustay inaysan waxba ka keydsan oo nolol maalmeedka oo kaliya uu ahaa.
Xerada ay soo maciin bidday ayay xustay inay ku dhibban yihiin oo aysan ku haysan hoy, shaqo iyo nolol kale midna.
“Gaajo wax ka daran ma jiraan. Hoygeenu waa mid ka kooban baco, jiingad iyo calalo, markii roob da’o biyuhu hoosna way ka soo galaan, korna way ka soo galaan.”
Dhuux ayaa sheegtay in xaaladda cunna yarida ah ay tahay culeys kale oo soo food saaray carruurteeda oo shan ah, markii horana ay ka walaac saneyd waxbarasho la’aantooda. Qoyska oo aysan cidna u shaqo tagin ayay tilmaantay in isha kaliya dhaqaale ee ay ku tiirsan yihiin aheyd toddobaatan Doollar oo hay’addu siin jirtay.
“Saameyn weyn ayuu nagu yeeshay siduu nooga go’ay gargaarku. Wuxuu noo goyn jiray saddex haaf bur, bariis iyo sonkor ah iyo saliid iyo daasad caano booro ah. Waa nagu filnaa oo waxbuu noo tari jiray. Cunno la’aanta hadda walaac weyn ayay nagu haysaa, waxaan dalbanayaa in nalaka soo gaaro oo waxaan cunno nala siiyo.”
Dhuux ayaa sanadkii 2021 ka soo barakacday miyiga deegaanka Xongod oo hoos taga degmada Hobyo. Abaar ayaa ka laysay ari 250 ah oo ay dhaqanayeen. Xaaladaas oo afarsano laga joogo ayay xustay inay dhaxal siisay nolol hubanti la’aan ah oo ka soo kabashadeeda aysan wali xal u helin.
Waa mid adag nolosha ka jirta xeryaha lagu barakacay oo ay soo maciin bidaan qoysas badan oo ay ka burbureen ilihii dhaqaale.
Xabiibo Garre Garasoow oo ah guddoomiyaha xerada Ciise ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in qoysaska halkan deggan aysan u sii adkeysan karin xaaladda ay wajahayaan oo ah mideysan ka sii baaraan dagin.
Waxay xustay in maamul ahaan aysan hayn dhaqaale ay uga jawaabaan baahida dadkan oo aan dib u noqon karin.
“Dadka halkan degay waa kuwo ka soo cararay guryaha kirada ah oo aysan awoodin, waana reer miyi aan magaalada ku noolaan karin, duruufaha dhaqaale awgeed. Halkaas duurka ah waxay ugu nool yihiin inay nooliga raadiyaan oo ay kiro la’aantaas ku noolaadaan.”
Qoysaska soo barakacay ayaa inta badan aan helin fursado shaqo iyo xirfado caawiya, waana dad nugul oo inta badan wajaha cunno yari iyo hoy xumo.