(ERGO) – Saddex boqol iyo labaatan arday oo danyar iyo agoon isugu jira oo da’doodu ay u dhexayso 7 jir ilaa 14 sano jir ayaa tan iyo kowda bishii September ee sanadkan waxbarasho bilaash ah ku helaya degmada Xamarweyne, markii halkaas laga hirgaliyay iskuul hoose dhexe.
Muna Xaaji oo shan carruur ah ay wax u baranayaan muddo bil ka badan ayaa sheegtay inay ka soo qortay carruurteeda shantii bishii hore ee September, markaas oo ay ka soo saartay iskuul kale oo lacag lagu dhigto.
Muna waxay xustay in go’aankeeda uu yimid, markii ay awoodi weysay bixinta $46 oo bil walba laga qaadi jiray, dhaqaale yarida haysta awgeed.
“Farxadayda wax la soo koobi karo ma ahan, maadaama iskuullo badan ay jiraan oo aan heli weynay, laakiin aan hadda haysanno iskuul. Waxaan rajeyneynaa inay noo sii socoto waxabarashada oo ilmahana ay wax noo bartaan.”
Haweeneydaan ayaa sheegtay in carruurta wax u barta ay da’doodu u dhaxeyso 8 jir ilaa 13 sano jir oo dhigta fasalada labaad iyo saddexaad ee dugsiga hoose. Waxaa la baraa maadooyin ay ka mid yihiin xisaabta, Soomaaliga, Carabiga iyo seyniska.
Muna Waxay tilmaantay inaysan kala fogeyn masaafo ahaan iskuulka iyo guriga ay deganyihiin oo aysan wax dhibaato ah ku qabin carruurteeda, maadaama ay isu jiraan wax ka yar hal km.
“Iskuulkii hore wuu naga dheeraa weyna nagu adkayd inaan kormeerno oo aan ogaanno xaaladda carruurteena, laakiin hadda iskuulkaan wey noo fududahay inaan tagno oo aan la soconno sida ay tahay waxbarashadooda, macalimiintana wey nagu taageeraan arrintaas.”
Qoyska Muna oo danyar ah waxay noloshooda ku tiirsan tahay shaqo nadaafadeed oo ay bishii ka hesho $90, taas oo aan dabooli karin baahiyaha reerkeeda. Dhismaha iskuulka oo saddex qol ka kooban ayaa qaadi kara ardayda oo loo kala qorsheeyay labada gelin ee subax iyo galab inay kala dhigaan.
Maarliya Cali Jeylaani ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in carruurteeda oo aan weligood fursaddan oo kale helin ay labo ka mid ah ka soo qortay iskuulka degmadeeda laga hirgeliyay.
Haweeneydaan ayaa xustay in ugu dambeyn ay xal u heshay waxbarasho la’aanta haysatay carruurteeda oo aan horay wax u baran jirin, maadaama awoodeeda dhaqaale ay ka hor istaagtay inay geyso iskuullada lacagta ah ee magaalada ku yaalla.
“Waa markii ugu horreysay ee aan carruuteyda geeyo waxbarasho. Horay dugsi qur’aan ayay iigu dhigan jireen, laakiin iskuul hadda ayaa ugu horreysa. Aad ayaan ugu faraxsanahay inay ii dhiganayaan iskuul bilaash ah.”
Hay’adda Gurmad Community oo ay aas-aaseen dal joog iyo qurba-joog degmada ka soo jeeda ayaa waalidiin ay Maarliya ka mid tahay u soo bandhigay inay ka faa’iideystaan fursaddaan bilaashka ah.
Waxay tilmaantay in ugu dambeyn ay ka baxday walwal ka haystay sidii ay carruurteeda ugu heli lahayd waxbarasho, kuwaas oo toddobaadkii 5 maalin u dhigta iskuulkan.
Maarliya waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in labo wiil oo 9-7 jir ay da’doodu u dhaxeyso inay u dhigtaan fasalka koowaad ee dugsiga hoose ee iskuulka Gurmad.
Haweeneydaan oo 32 sano jir ah ayaa xustay in carruurteedi aysan horay waxba u baran jirin, maadaama ay ku adkayd bixinta $30 oo ah khidmadda lagu dhigto iskuullada hoose ee magaalada Muqdisho.
Waxay sheegtay inay noloshooda ku tiirsan tahay shaqo xoogsi ah oo ninkeeda uu ka shaqeeyo oo aan joogto loo helin oo maalintii uu ugu badnaan ka helo $4.
Waxay tilmaantay inay ku rajo weyn tahay in carruurteeda ay waxbarashada ka gaaraan heer wanaagsan, maadaama ay haystaan fursad ay ku rumeyn karaan riyooyinkooda.
“Carruurta si fiican ayay ula socdaan iskuulka, xamaasaddoodana wey sarreysaa dhiirogelintoodana wey fiican tahay iyaga oo ku cusub waxbarashada.”
Qoysaska carruurtooda u helay waxbarashadaan lacag la’aanta ah ayaa u arka tallaabadaan mid meesha ka saareysa duruufihii horay uga hor istaagay inay ilmahooda wax baraan. Waxay ka mahad naqeen dadkii ka shaqeeyay dhismaha iskuulkaan.
Maamulka iskuulka hoose dhexe ee Gurmad ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ujeedadoodu ay tahay sidii ay u dabooli lahaayeen baahida waxbarasho ee haysta carruur badan oo waalidiintoodu dhaqaale ahaan aysan u saamaxaynin inay geeyaan goobaha waxabarashada lacagta ah.
Aamina Siyaad Maxamed oo masuuliyiinta iskuulka ka tirsan ayaa tilmaantay in afar macalin ay hadda bixiyaan duruusta ardayda, kuwaas oo mushaaraadkooda ay bixinayaan hay’adda Gurmad Community oo iskuulka dhistay.
Aamina ayaa intaas ku dartay in qorshahoodu uu yahay inay kordhiyaan tirada ardayda, si ay qoysas badan ugu dhiiri-geliyaan inay carruurtooda wax baraan oo ay keenaan iskuulka.
“Iskuulka wuxuu u furan yahay dadka agoonta iyo kuwa tabarta yar ee aan awoodin iskuullada lacagta ah. Marka qof agoon ah canug aabihiisi dhintay iyo hooyo tabar daran oo aabihii ka tagay mise furay oo meelba ku ogeyn waxbarashadana canuga gacan ku haynin inay hadhow ay ka tagto marmarsiyo la dhahaayo waxaan waayay meel ay ilmaha wax igu bartaan, canug walba waxa uu xaq u leeyahay inuu waxbarasho helo si lamid ah caruurta kale.”
Iskuulka oo ah hoose dhexe ayuu maamulka tilmaamay inay ku talo jiraan inay gaarsiiyaan ilaa dugsi sare. Sidookale waxay sheegeen mar walba oo ay kororto tirada ardayda inay ka qaadi doonaan dhiir-gelin oo aysan wax dhibaato ah ku qabi doonin.
Waalidiinta aan wali haleelin fursaddaan waxbarashada bilaashka ah ayaa lagu dhiiri-geliyay inay carruurtooda ka soo qoraan iskuulka, si ay uga faa’iideystaan.
“Annaga manhajka dowladda kama baxsanin, wax ka baxsanna ma dhigno, wax khilaafsanna ma dhigno buug dowladda aysan qorinna ma dhigno. Iskuulka maadooyinkiisa waa manhajka dowladda. Cunnuga dhigta iskuul kale maadada uu qaato iyo sida uu u qaato ayaan u dhignaa.”
Iskuulka oo ku yaala xeebta degmada Xamar-weyne ayay dadka deegaanka u arkaan tallaabo muhiim ah, maadaama uu aad ugu dhow yahay carruurtooda, taas oo iyaga qudhooda u sahli karta inay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqa ilamahooda.
Waxbarashadu oo ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan ee ummadi u baahan tahay ayaysan dad badan awoodin inay carruurtooda wax baraan xaaladdooda dhaqaale oo hooseysa darteed, taas oo ah caqabadaha ugu waaweyn oo waalidiin badan ku hor gudban.