(ERGO) – Faadumo Maxamed Cabdulqaadir iyo carruurteeda oo shan ah waxaa ku adag helidda cunno ku filan hal waqti maalintii. Waxaa u sabab ah helidda cows ay ka ganacsanaysay muddo hal sanno ah oo roob yarida ka jirta gobolka Shabeellaha hoose ay saameysay.
Saddexdii bil ee u danbeeyay waxaa hoos u dhac wayn ku yimid cowskii ka bixi jiray beeraha iyo dhulalka bannaan. Waxaa ku tiirsanaa boqollaal qof oo guriddiisa iyo iibgayntiisa ay fursad shaqo u ahayd, kuwaas oo qoysaskoodu ay wajahayaan nolol xumo.
Faadumo oo barakac ku ah xerada Jubba ee xaafadda Weydow ee degmada Garasbaaley kama aysan quusan shaqadeeda. Waxay subax kasta u kallahdaa dhul beerdeed u jira gurigeeda wax ka badan 20 km, si ay u hesho cows ay iibiso.
Waxay sheegtay in ay ku hungowdo badanaa helidda cows ay suuq-gayso. Waxaan la kulmay iyadoo dhinac fadhida xirmo cows oo soo guriddeeda ay ku qaadatay 8 saac. Waxay saluugsan tahay lacagta ay ka helidoonto oo nolol maalmeedka aan u goyn qoyskeeda.
“Cowska ayaa la’la yahay. Cows maleh,ows haddii aad keentidna halahaan labo qof ayaa lagu keenay. lacagna waa la iga rabaa, marka intee ka keenaa. Maalinkasta waxaan ka soo guraa beeraha. Markii hore carruurta $4 waan u heli jiray. $5 waan u heli jiray intuu Ilaahey ii qoro waan u heli jiray, laakin hadda eber waaye.”
Waxay tilmaamtay in roob la’aanta ay sababtay cowskii ay bilaashka ku heli jireen in uu ku lacagoobo. Waxay ka soo iibsadaan beero iyo dhul la seeraystay. Halkii xirmo waxaa laga siiyaa lacag u dhaxeysa saddex illaa Shan dollar.
Labadii bil ee la soo dhaafay waxaa lagu yeeshay 15 dollar oo ay ku soo qaadatay cows, kaas oo laga iibsan waayay. Waxay sheegtay in macaamiisheedu ay ku naceen qalaylka ku yimid cowska oo biyo la’aan eersaday, halka ay doorbidayaan mid cagaaran.
Waxay ka walaacsan tahay in gabi ahaanba la waayo cowska oo ka sii dhamaanaya beeraha ay ku harsan yihiin. Xaaladdan ayay sheegtay in nolosha ay ku sii adkayn karto carruurteeda.
“Marar saddex ma heleysid hal dollar iyo hal iyo bar. Marmar adiga ayaa jeebkaaga ka dhammeystiraaya haddii aad hayso wixii aad ilmaha u gadi laheyd, nolosheenna kuma filna, waana wax la bartay malaga ahaan karo. Shaqo kale ma kaseeno annaga.”
Dhibaatadan ay ka cabanayso haweenaydan mid la mid ah ayay uga soo barakacday magaalada Buurhakaba bartamihii 2023. Degmadan oo nolosheeda inta badan ay ku soo qaadatay waxay ku leedahay beer labo hiktar ah iyo guri jiingad ah oo labo qol ka kooban.
Waxay uga soo barakacday abaar soo jiitamaysay in ku dhow saddex sanno, taas oo saameysay wax-soo-saarka beerteeda oo u badnaa dalagyada raashinka iyo khudaarta. Waxay halkaasi uga soo tagtay seygeeda si uu ugu ilaaliyo gurigooda oo ay rajeynayaan inay u laabtaan haddii ay xaaladdu is beddesho.
Waxay soo maciin-bidday qoys ay ehel yihiin oo ku nool degmada Garasbaalley, kuwaas oo billowgii imaanshaheeda ka taageeray cunno iyo meel ay jiiftaan. Saddex bil kaddib, waxay go’aansatay Faadumo in ay u xoogsi tagto carruurteeda.
Shaqada cows guridda oo xilligaas dhaqaale fiican laga heli jiray ayay fursad u heshay in ay ka xamaalato. Waxay maalin walba heli jirtay lacag u dhaxaysa $10-$15. Dhaqaalahan ayaa ka caawiyay qoyskeeda in ay ka soo kabtaan xaaladdii barakaca.
Waxaa jira xoogsato sannado badan ku tiirsanaa dhaqaalaha ay ka helaan cowska, kuwaas oo wajahaya dhaqaale xumo. Waxaa ka mid ah qoyska Maxamed Aadan Isaaq oo siddeed ah.
Ninkan oo qoyskiisu uu ku nool yahay dagmada Afgooye muddo ka badan 20 sanno waxaa il-dhaqaale u ahaa shaqada cows guridda, hase ahaatee, wuxuu sheegay in tan iyo bartamihii sannadkan ay soo wajahday dhaqaale xumo, markii uu yaraaday calafka xoolaha.
Labo maalin oo ka mid ah toddobaadkii ayuu u shaqo tagaa beeraha ku yaalla Afgooye, maaddama si joogta ah uusan u heli karin cowska. Wuxuu xusay in weli uu ku harsan yahay beeraha qaar oo dadka iska leh ay iibiyaan.
Arrintan ayuu tilmaamay in culays hor leh ay ku noqotay dadka uu ka mid yahay ee ka sii ganacsada cowska, taasi oo meesha ka saartay faa’iidadii ay ka heli lahaayeen.
Wuxuu sheegay in uu ka dhaxlay cunno yari ay wajahayaan carruurtiisa. Hal mar oo ka mid ah 24 saacba ayuu tilmaamay in dabka loo saaro cunno aan ku filnayn.
“Ilmaha subixii wax yar oo canjeello ah haddii loo helo waa la siiyaa. Anniga kiro ayaan ku jiraa hadda. Guri aan leeyahay leeyahay ma jiro. Kiradiisa $10 weeye, horay waxaa looga heli jiray (cowska) $15 oo macaash ah iyo qarashkiisa oo isbixinaya, laakiin hadda haddii aad hesho $3 nasiib baad leedahay, mararka qaarna waan waayaa saddexda.”
Ka hor abaarta cowska uu ka soo guro deegaanno hoostaga Afgooye wuxuu u suuq-gayn jiray dagmooyin ka tirsan Muqdisho. Waxaa ka iibsan jiray dadka leh xoolaha, balse labadii bil ee u danbeysay wuu joojiyay ganacsigaas.
‘‘Meel kale oo aan aadno ma jirto hadda. Dhismo kama shaqeyn karno, beerihiina tacab ma jiro. Wax aan cowska aheyn oo aan nolol maalmeedka ka raadino ma jiraan, sidaas awgeed inaan cowska ka hari weyno danta nagu qasabtay.”
Dhibaatooyinka isku biirsaday danyarta iyo dadka soo barakacay ayaa ku noqday kuwa cuuryaamiyay nolol-maalmeedkooda, isla markaana dib ugu celiyay xaalado adag oo ay ka soo kabanayeen
Isaaq Aadan Cabdi oo 26 sanno jir ah wuxuu rajo xumo ka muujiyay shaqadiisa cows guridda oo noqotay mid aan joogto ahayn. Wuxuu sheegay in toddobaadyadii u danbeeyay uu dib ugu soo laabanayay isagoo aan biil u wadin qoyskiisa oo lix qof ah ka kooban.
Wuxuu sheegay in uusan lahayn xirfad shaqo oo uu kaga xamaasho magaalada Muqdisho oo uu ku nool yahay. Waxay dantu bidday in uu daynsado raashin ay qoykiisu dabka saarantaan.
“Saddex waqti lagama shidi karo hal waqti ayaa la iska cunaa. Deyn iyo waxaas ayaa la qaataa. Waa la iska bixinaa waqtigii wax la helo ayaa la iska bixinaa. Raashiin iyo wax la cunno iyo oomada iyo waxaas ayaa lagu qaataa. $20 dollar oo aan raashiin ku soo qaatay ayaa la igu leeyahay.”
Isaaq, xaaskiisa iyo shan carruur ah oo uu dhalay ayaa deggan xerada Fayarabeey ee degmada Garasbaaley oo ay soo gaareen lix sanno kahor, xilligaas oo ay degmada Buur hakaba uga soo barakaceen abaar saameysay beer ay halkaasi ku lahaayeen oo uu ku tacbi jiray dalagyada sida Masago, Digir iyo Galey.
Wuxuu sheegay in uu goob-jog u ahaa saaxibbadiisa qaarkood oo shaqada isaga tagay, markii uu sabirku ka dhammaaday, reerahoodiina ay ku kal tageen dhaqaalo la’aan. Wuxuu rajaynayaa in uu ka bixidoono marxaladdan marka laga baxo abaarta.
Badi xoogsatada uu ka mid yahay ayaa door bidaya in ay ku dhabar adaygaan shaqadooda oo gabaabsi ah, maaddama aysan lahayn xirfad kale oo ay kaga dabaashaan dhaqaale xumada, halka qaar kale ay guryo fadhi noqdeen markii ay ku adkaatay inay ku nagaadaan ka ganacsiga cowsa oo muddo badan ay ku soo caano-maalayeen.