Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Carruur iyo dad da’ ah oo cunno yari ku wajahaya deegaanka Xood

Radio Ergo by Radio Ergo
November 30, 2024
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Carruur iyo dad da’ ah oo cunno yari ku wajahaya deegaanka Xood
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Nuur Jaamac Faarax oo siddeed ah ayaa cunno yari ku wajahaya deegaanka Xood gobolka Togdheer, markii abaar labo xilli-roob jirsatay ay xoolo yari bidday, intii u hartana ay noqdeen kuwo aan nacfi lahayn.

Ninkan ayaa sheegay inay deegaanka ku hareen keliya 15 qoys. Wuxuu xusay inay u badan yihiin waayeel awooddi waayay in ay la hayaamaan in ka badan 300 qoys, kuwaas u roob raacay miyiga hoostaga dagmada Caynaba ee gobolka Sool horraantii bishii hore.

Carruurta Nuur ayaa ku tiirsan kiilooyin raashin ah oo dayn uu ku helay. Waxay karsadaan 24 saacba mar. Raashinka oo uu beeqaamiyo ayuu door-biday in habeenkii ay dabka saartaan, si carruurtu aysan gaajo ugu seexan.

Wuxuu sheegay in rajada uu qabo ay tahay ballan-qaad uu ka helay nin qaraabo ay yihiin oo uu ka sugayo lacag $100. Nuur ayaa xusay in duruufta dhaqaale xumo ay u dheertahay xoolo yari ay ku reebtay deegaanka dadkii daganaa ay ka guureen maaddaama neefaf u joogay uu ku darsatay.

“Meeshan abaar baa ka dhacay, dadkuna abaarta way ka guuraan wixii socon kara iyo xoolahuba way tageen. Dadka meesha ku soo haray waa dad waayeel ah oo aniga oo kale ah, toddobo ciyaal ahna way ii joogaan, riyo ii joogayna waxay raaceen dadkii hayaamay. Sadna (cunto) meeshan laguma qabo iyo waxyaabihii kale sida cadkii (hilib) laga heli jiray lagama helayo.”

Wuxuu tilmaamay in ay galeen xaalad go’doon ah, markii ay guureen inta badan qoysaskii ku noolaa tuulada Xood, maaddama ay yaraadeen gaadiidkii badeecadaha kala duwan keeni jiray, sidoo kalana ay xirmeen ganacsiyadii ka furnaa deegaanka.

Waxaa meesha ka baxay meheradihii uu raashinka ka daynsan jiray, taas oo nolol adag galisay qoyskiisa. Ninkan oo 65 jir ah wuxuu tuulada ku dhaqan jiray 15 neef oo ari ah, kuwaas oo uu ku daray qoys ay ehello yihiin oo roob raacay bishii hore.

Wuxuu sheegay in xoolahan abaarta ka hor ay qoyskiisa waxtar u lahaayeen. Caanaha uu ka liso ayuu labo u qaybin jiray. Qayb ayuu iibgayn jiray si lacagta uu ka helo uu raashin ugu beddesho, halka inta kale uu carruurta siin jiray.

Ugu yaraan $6 ayuu ka heli jiray iibka caanaha. Hadda se taasi meesha way ka baxday. Wuxuu rajo xumo ka muujiyay xaaladda isaga iyo qoyskiisu ay ku sugan yihiin.

“Waad iska garanaysaa dad reer miyi ah oo awooddooduna gaaban tahay gaadiid haysan oo lacag ay wax iskaga bixiyaana aan haysan. Abaarta ayaa ugu daran iyo dadkii oo naga guuray oo meesha nagu cidleeyay, dadkuna sad (kayd) badan meel laga guuray waad garanaysaa. Noloshu way adag tahay.”

Nolol xumada waxaa u dheer carruurtiisa waxbarasho la’aan ah. Shan ka mid ah oo u dhigan jirtay dugsiga hoose iyo dhexe ee deegaanka ayay tacliintu ka istaagtay, markii la xiray iskuulkii deegaanka arday la’aan darteed.

Waxaa ka hayaamay deegaankan carruurtii ku noolaa oo la guuray qoysaskooda, kuwaas oo u roob raacay deegaanno kale. Saddex ka mid ah carruurta ayaa dhiganayay fasalka 5aad ee dugsiga hoose, halka labada kale ay ku jireen fasalka saddexaad.

Nuur ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay mustaqbalka waxbarasho ee carruurtiisa, kuwaas oo guri-joog noqday tan iyo bishii hore oo uu iskuulkoodu xirmay.

Waxaa la mid ah carruurta qaybta ka ah qoysaska hayaamay, kuwaas oo waxbarasho la’aan ay ku haysato deegaannada ay tageen.

Yuusuf Axmed Faarax waxaa waxbarsho la’aan ka ah shank a mid ah carruurtiisa , kuwaas oo ula hayaamay deegaanka ay u naq raaceen.

Ninkan ayaa bishii hore ee Oktoobar qoyskiisa, 80 ari ah iyo 20 geel ah u raray miyiga dagmada Caynaba ee gobolka Sool, halkaas oo roob ka da’ay uu ka soo saaray daaq. Wuxuu sheegay in uu adkaysan waayay abaarta daba-dheeraatay ee ku dhuftay tuuladiisa Xood.

“Deegaankeenii waxaa naga soo saaray roob baanan helin. Meel roob helay ayaanu tagnay. Ilaa saddex dagmo dadkooda ayaa iskugu yimid halkaas aanu tagnay. Daaqeedu wuu yaraa. Markiibana waa la boobay wax yar oo sahlan ayaa lagu sii haystaa weli.”

Wuxuu sheegay in caqabadda ku haysta deegaannada ay tageen ay tahay suuq-xumo haysa xoolaha la geeyo sayladaha. Wuxuu xusay in ay sabab u tahay badnaanta xoolaha la iskugu keenay deegaankaas oo hoos u dhigay qiimaha xoolaha.

Wuxuu ka cabanayaa in qoyskiisu aysan helin cunno ku filan. Wuxuu ku hungoobay in qiimo raali galiya uu ku helo labo neef oo toddobaad ka hor uu geeyay sayladda Caynaba, taas oo ku qasabtay in uu ku tiirsanaado kiilooyin raashin ah oo uu daynsaday.

“Cunnada sidaan u helno waa si yar oo iska qafiif ah, waana la kala xoolo roon yahay kuwa xoolo badan iyo rag ari yar ay iskugu jiraan reer miyiga. Marka Illaah baa risiqa bixiya marba sibaa loo helaa.”

Qoyska Yuusuf ayaa kaga soo guuray deegaankooda awr u joogta oo carrurta iyo agabka uu ku soo qaatay. Waxay ku qaadatay labo habeen iyo labo maalin in ay ku yimaadaan halka ay u soo hayaameen.

Wuxuu qorshaynayaa in safar kale uu galiyo qoyskiisa haddii uusan roob ku helin halka uu deggay. Wuxuu xusay in daaqii uu ka helay uu gabaabsi ku dhow yahay. Haddii uu dhamaado ayuu xusay in uu gali doono hayaan kale oo roob-raac ah.

Guddoomiyaha deegaanka Xood Yuusuf Ibraahim Faarax ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka ku haray yihiin tuulada ay u badan yihiin danyar dad da’ ah, kuwaas oo iskugu jira qaar xoolihii horay uga dhamaadeen iyo kuwa noloshooda oo dhan ku qaatay deegaanka.

Wuxuu xusay in kaydadkii biyaha ay qalaleen, sidoo kalana adeegyadii bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada ay meesha ka bexeen tan iyo markii qoysaskii degganaa deegaanka ay uga hayaameen abaar.

“Magaaladan roobabkii u danbeeyay way seegeen, waana laga guuray. Dadku waxay aadeen Xariira, Wayraad iyo Galool-dheere aaggaas ayaa la yaallaa (la deggay) Xoogaa dad waawayn u badan ayaa magaalada jooga iyo in dhallinyaro ah. Dadkan waa dad i maato ah oo aan kici karayn.”

Sanaddihii u danbeeyay waxaa kordhay qoysaska ka hayaamaya deegaannadooda oo abaaro soo laalaabtay ay ku sababeen daaq la’aan saameysay xoolaha iyo biyo yari, markii ay qallaleen ilihii biyaha ee dadka iyo xoolahu ay ku tiirsanaayeen.

Previous Post

Nolosha qoysas kalluumaysato ah oo soo kabatay markii lagu caawiyay suuq iyo aga

Next Post

Muqdisho: Qoysas cunno xumo wajahaya markii abaar ay saameysay cows ay iibin jireen

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas cunno xumo wajahaya markii abaar ay saameysay cows ay iibin jireen

Muqdisho: Qoysas cunno xumo wajahaya markii abaar ay saameysay cows ay iibin jireen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo