(ERGO) – Kalluumaysatada magaalada Ceeri-gaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa ka faa’iidaysanaya suuq cusub oo loo dhisay, kaas oo qeyb ka qaatay in wax soo saarkoodu kordho shantii bil ee la soo dhaafay.
Suuqan ayaa leh qaboojiyaal waaweyn oo keyd ay u isticmaalaan kalluumeysatadu iyo goobo ay si maalinle ah ugu ganacsadaan. Waxaa hirgalisay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha ee Somaliland.
Kalluumeysatada ayaanan markii hore haysan suuq u gaar ah oo dadku ugu yimaadaan iyo keyd qaboojiye ah, taasi waxay ku qasbi jirtay inay xaddidaan kalluunka ay soo jillaabtaan.
Maxamed Xasan Jaamac wuxuu ka mid yahay kalluumeysatada ka faa’iIdeysanaya. Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in dhaqaalahiisu kordhay in ka badan saddex laab, tan iyo bishii Luulyo oo uu suuqan cusub u soo wareegay.
Wuxuu xusay in toddobaadkii uu soo galo dhaqaale gaaraya $150 illaa $175, kaas oo uu sheegay inuu daboolay baahida qoyskiisa oo ka kooban isaga, xaaskiisa iyo labo carruur ah.
“Markii hore nolol maalmeedka ayuun baanu ka raadsan jirnay, laakiin imika noloshayda iyo qoyskaba waan ku daboolaa, waxna waan ka dhigtaa. Haddii aanu jiri lahayn suuqu meel dadku iigu soo hagaago maan lahaadeen, qof marka aad meel kaga jirtid kiro ah marka uu doono waxa uu odhanayaa waan u baahanahay meeshii, kadibna macaamiishii kula qabsaday ayaad is weyneysaan. Taasina caqabad ayey noqonaysaa. Markaa hadda meel aan isku haleyn ku qabo oo aanay cidina iga saarayn ayaan joogaa.”
Maxamed ayaa tilmaamay in dhaqaalaha bishii soo gali jiray markii hore uu ka yaraa $200. Wuxuu kalluunka muddo toddobo sano ah ku iibin jiray mehrad kiradeedu bishii aheyd $100. Wuxuu xusay inay yaraayeen dadka wax ka gadan jiray, maaddaama rugtiisu aheyd xaafad aan la mid aheyn suuqa uu hadda deggan yahay oo kulmiya dad badan.
Ma aha nin badda kala soo baxa kalluunka, balse wuxuu ka iibsadaa kalluumeysatada doonyaha ku jallaabta oo kiiladii ka siiya $2.5, isaguna wuxuu ku sii iibiyaa lacag $4.5.
Wuxuu xusay in markii kalluunka u gadmi waayo maalinkaas uu ka qasaari jiray, balse hadda uu qaboojiye ku xareysto.
“Waxaan helnaa marka uu kalluunku badan yahay meel aanu ku xaraysano, markii hore maanu heli jirin meel kalluun badan noo qaaqda. Waxa aanu ku qabnaa suuqaas dadku marna aanay kaa wayneyn ee markasta laguugu soo hagaagayo.”
Maxamed ayaa sheegay in sidoo kale uu il dhaqaale u yahay qoyska waalidkiis oo markii hore uusan waxba tari jirin. Lacag $120 ayuu bishii ku taageeraa hooyadii oo korisa saddex gabdhood oo ay walaalo yihiin.
Wuxuu tilmaamay in markii hore uu ahaa nin aan ka badin waxay maalinkaas dabka ku shitaan qoyskiisu. Tan iyo bishii 7aad ee sanadkan oo uu shaqeynayo ayuu xusay inuu keydsaday $1,000.
Ganacsigiisa waxaa u dheer shaqo kale oo uu suuqa ka qabto oo ah gacan ku haynta nadaafadda, keydinta iyo ka war qabka qaboojiyaasha oo uu bishii ku qaato lacag $200 ah oo uu siiso sanduuqa harumarinta Somaliland oo maal galiyay mashruucan.
“Qof weliba wuxuu leeyahay ayaan u xareeyaa. Qofkii boqol kiilo haysta, kii haysta labo kun oo kiilo, qofka kasta wixiisa ayaan u keydiyaa, hadhowna aan siiyaa.”
Maxamed ayaa xusay in dadka ku ganacsada suuqa aan laga qaadin kiro, lacag koronto iyo canshuur, balse qofka qaboojiyaasha dhiganaya kalluunka ayaa kiiladii laga qaadaa lacag $0.10 senti ah.
In qoysku yeesho il dhaqaale oo joogta ah waxay ka caawisaa xallinta baahiyahooda asaasiga ah sida cunnada, waxbarashada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
Ismaaciil Cabdilaahi Aadan oo bishii toddobaad ee sanadkan ka shaqo billaabay suuqa kalluunka ee Ceeri-gaabo ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in tan iyo waqtigaas uu helayo dhaqaale bille ah oo u dhexeeya $200 illaa $300. Wuxuu xusay in qoyskiisu ka baxay cunno yari haysay.
“Walaal noloshayda markii ay xaaladdu qaadaa ma dhargaha iska ahayd ma aha oo hadeerto noloshaydii si buuxda ayaan u dabari karayaa, biilkii xaafadayda, kirada gurigayga aan ku jiray.”
Ismaaciil ayaa isagoo faro maran suuqa yimid. Wuxuu shaqada ku billaabay in kalluumeysatada doonyaha leh u gado kalluunka, isaguna saarto lacag dheeraad ah, balse hadda wuxuu leeyahay ganacsi u gaar ah.
Shaqadan ayuu tilmaamay inay ka caawisay in waxbarashada iskuul hoose ay u billaabaan labo carruur ah oo bishii uu ka dhiibo soddon doollar.
Wuxuu intaas ku daray in bilaha uu shaqeynayo uu keydsaday $700 oo uu ugu talo galay fursad maalgashi iyo himilooyinka mustaqbalka.
“Boqolkiiba boqol waa mid aan ku xallin karo baahiyaha xaafadahayaga ama qoyskayaga. Waa shaqo qaabka ay u socoto mustaqbal leh, markaad eegto nolol maalmeedka ka soo baxaya iyo keydka dheeriga ah ee aan ka helayo mar kasta.”
Ismaaciil wuxuu ganacsigan ka hor ka shaqeyn jiray koronto galinta guryaha. Waxay aheyd shaqo aan joogto aheyn oo maalinka uu qabto uu ka heli jiray $5, taas oo uu xusay inaysan ku filneyn baahida qoyskiisa oo ka kooban isaga, xaaskiisa iyo afar carruur ah.
Suuqan ayaa qeyb ka qaatay in maareynta noloshooda ay ku filnaadaan boqollaal qoys oo danyar ah, sida uu sheegay Ismaaciil Mire oo ah agaasimaha waaxda Kalluumaysiga ee Wasaaradda Kalluumaysiga.
Wuxuu sheegay in mashruucan uu gaaray ujeedadii laga ahaa oo aheyd in kor loo qaado wax soo saarka kalluumeysatada. Wuxuu intaas ku daray inay ka gudbeen kalluumeysatadu caqabado haysan jiray oo ah inuu ka hallaabo kalluunka laga gadan waayo iyo inay ku gadaan qiime aan u dhigmin, maadaama aanay haysan keyd iyo meelo ammaan ah.
“Mashruucan wuxuu u sameeyey in ay helaan suuq marka ay kalluunkii xeebta ka soo qabtaan ay keenaan, halkaas ay ku keydsadaan isla-markaana magaaladana ay ka iibiyaan, sidoo kalena ay gaadhsiiyaan deegaanada kale ee gobolka Sanaag ama gobolada kale ee dariska ah.”
Ismaaciil ayaa xusay in wasaaraddu ay sidoo kale kalluumeysatada ku caawisay shabaag, matoorrada doomaha la saaro, sanduuqyada wax lagu keysado, agab kale iyo tababaro kor loogu qaaday xirfadooda.
Suuqan ayuu sheegay in meesha uu ka saarayo in kalluukmeysatadu badda u shaqo tagaan xilliyada ay kacsan tahay ama dabeyluhu jiraan oo ay wajahi karaan dhimasho iyo burbur agabka ka soo gaara. Qaboojiyaasha loo diyaariyay ayuu sheegay inay dhigan karaan keyd ay gataan xilliga bad xiranka.
“Markii qiimeynta mashruuca la sameynayay wasaaradda iyo sanduuqa oo iskaashanaya waxay tageen halkaas, waxay soo qiimeeyeen baahiyaadka ugu waa weyn ee ay qabaan dadkani. Runtii mashruucan wuxuu toos uga jawaabayaa baahiyihii ka yimid xagga bulshada iyo deegaankaba.”
Ismaaciil ayaa intaasi ku daray in wasaaraddu ay suuqyo kalluunka lagu iibiyo horay uga dhistay magaalooyinka Burco iyo Berbera, haddana ay gacanta ku hayso dhismaha laba suuq oo ku yaalla magaalooyinka Boorama iyo Wajaale.
Kalluumeysatada Soomaalidu kuma xirna suuqyada caalamka intooda badan. Waxaa u sabab ah wax soo saar kooda oo kooban, aqoontooda oo yar, agab yari iyo aqoonsi dunida ku xira oo aysan haysan.