(ERGO) – Saddex boqol oo carruur ah oo ka soo jeeda qoysas barakac ku ah saddex xero uu ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa waxbarasho la’aan noqday tan iyo bishii September ee sanadkankaan ka dib mushaar la’aan ku dhacday macalimiintooda.
Iskuulka ayaa irdaha loolaabay, markii qurbo-joog deegaanka ka soo jeeda ay lix bil ka joojiyeen mushaarka macalimiinta oo ay bixin jireen. Arrintaas ayay u sababeeyeen in ay ka dhalatay burbur ku yimid urur ay ku midaysnaayeen sida ay u sheegeen maamulka iskuulka.
Saciido Cali Xirsi waxaa waxbarasho la’aan ka noqday lix carruurteeda ah oo kala dhiganayay fasalada hoose iyo dhexe. Waxay sheegtay in ay noqdeen guri jog, markii ay beesha ka baxday waxbarashada oo ay bilaash ku helayeen. Haweenaydan ayaa sheegtay in ay dareemayso welwel dheeraad ah oo ku aaddan hakadka ku yimid daruusta carruurteeda.
“Niyad fiican ayaa ka lahaa markay wax ii baranayeen haddana niyadaydii hoos ayay u dhacday. Wax weyn ayay ku kala duwan yihiin ilma aan wax kuu soo baranayn oo guriga kuu jooga iyo ilmo wax kuu soo baranayey iskuma eka isku midna ma noqon karaan.”
Siciido waxay sheegtay in waalidiinta saddex xero oo deris ah oo carruurtooda ay iskuulka wax ka baran jireen ay isku dayeen in ay ka shaqeeyaan sidii ay iskaga aruurin lahaayeen mushaarka macalimiinta is iskuulku u sii shaqeeyo, balse ay ku guul daraysteen, markii ay awoodi waayeen.
Qoyskeeda oo barakac ku ah xerada Doonyaale ee duleedka magaalada Gaalkacyo ayay sheegtay in ay horay ugu adkayd helidda biyaha, cuntada iyo hoyga ay arrintan u raacday. Waxa keliya ee ay xerada ku haysteen ayaa ahaa in ay ilmahu u helayaan waxbarasho bilaash ah iyadiina ay ka istaagtay.
Saciido oo kaligeed korisa carruurta oo agoon ah waxay hal waqti u karisaa waxay ka soo hesho dhar-dhaqis ay magaalada u aaddo iyo kaalmo aan joogto ahayn oo ay ku caawiyaan dad ay qaraabo yihiin. faro-marnaanta dhaqaale darteed waxay sheegtay in ay kari waysay in ay carruurta ku darto iskuulada lacagta ah oo kan ugu dhaw u jiro 3 km.
“Waxbarashadii lacagta ahayd ma awoodno sodon doolar bay ku tagayaan 3 ilmood weeye hadhow markay guriga yimaadaana waxay iga raadinayaan cunadii mana awoodo gurigey ii jiifaan, dantaa kugu qasbaysa inay guriga jiifaan, markii horana dee agoonbay ahaayeen, anigaa u dhaqdhaqaaqi jiray anigana xanuunley baa noqday, dabshidashadoodu waa deyn iyo maanta dabka iishid, waxaa ku noolnahay oo ku joognaa hal wakhti hadii la helo.”
Qoyska Siciido ayaa xerada ku soo biiray sanadkii 2021 xiligaas oo abaar jirtay ay ku dhaafeen 130 ari ah oo ay ku dhaqanayeen miyiga deegaanka Saaxo ee ee gobolka Mudug. Ujeedkooda ayaa ahaa in ay xerada ka hesho gargaarka hay’adaha, balse waxay waxbarashada ku dartay carruurteeda sanad ka hor markii macalimiinta ay ku baraarujiyeen muhiimadda wax barashada.
Haweenayda ayaa tilmaamtay in ay hami weyn ka lahayd waxbarashada caruurteeda iyada oo naawinaysay in ay dib ka anfici doonaan, balse rajadaas ayaa go’day markii lagu wargeliyay in iskuulka la xiray. Waxa ay hadda raadinaysaa xero kale oo ay waxbarasho uga heli karto carruurta walow aysan ogayn waxay kala kulmi doonto.
Dhanka kale haweenaydan waxaa ka burburayy ganacsi khudaarta ahaa oo ay la fariisan jirtay gudaha xerada markii ay xanuun aysan aqoon ay la jiiftay muddo labo bil ah sanadkii hore. Inta ay jiraneed oo aysn shaqayn jirin ayay sheegtay in ay isticmaaleen wixii saarnaa iyada oo awoodi waysay in ay dib u soo billowdo.
Waalidiinta ay saamaynta ku yeeshay carruurtooda xiritaanka iskuuka waxaa ka mid ah Sacdiyo Cabdi Faarax oo ay waxbarasho la’aan ku dhacday lix ka mid ah carruurteeda.Waxbarasho la’aanta ka jirta xerada ayay sheegtay in ay u dheer tahay nolol-xumo kale. Waxa ugu liita ee aysan awoodin ayaa ah cuntada. Waxay hadda ku tiirsan yihiin wuxuu soo helo aabbaha reerka oo dhagax ka shaqeeya. Wuxuu maalinta ugu badan soo helaa $5 taas oo aan ku filayn qoyska oo ka kooban 10 qof.
“Waan awoodi waayey inaan lixda caruur ah ka wada bixiyo oo geysto Hala-bookhad (Dugsi kale) waayo quutul daruuriga iyo cuntadoodii ayaanba u waayee marka iskoolka ma wada bixin karo.”
Sacdiyo waxay sheegtay in ay filaysay in carruurteedu ay sanadkan u gudbaan gudsiga dhexe, balse ay meesha ka baxday rajadaas markii maamuluhu uu u sheegay in aysan jirin waddo ay waxku sii bari karaan duruufaha ku gadaaman darteed.
Haweenaydan ayaa sheegtay in arrintaas ay ku reebtay welwel joogto ah iyada oo u aragta in ay caqabad ku tahay mustaqbalka ubadkeeda, Muddo labo sano ah oo ay wax u baranayeen carruurta ayay sheegtay in ay dareemaysay farxad dheeraad ah.
“Waxaan ku farxi jiray iyagoo dareyska ardaynimo qaba oo qalbiga u dhisan yahay oo qof walba timekiisa ku xisaabtamayo inuusan daqiiqad dib dhicin hadana way niyad jabsan yihiin ilmahii inay waxbartaan oo noloshaada horay usii qaadaan bay jeclaayeen mase noqon.”
Qoyska Sacdiyo ayaa xerada soo degay sanadkii 2022 markaas oo ay gudaha magaalada Gaalkacyo ka guureen. Waxay ku adkaatay in ay iska bixiyaan nololsha magaalada oo qaali ah. waxaa laga saaray guri ay deganaayeen oo looga yeeshay lacag dhan $200 oo ah kiro ah.
Xerada yay xustay in ay ku doorteen nololsheeda oo jaban iyo in ay carruurtu ka helayeen waxbarasho bilaash ah. waxay sheegtay in hadda aysan ku haysan nolol wanaagsan iyo waxbarasho toona taas oo ku abuurtay walaac joogto ah.
Saamaynta ka dhalatay xirnaanshaha iskulka ayaa ah mid wada taabatay dadka ay carruurtooda wax uga baran jireen.Xirsi Cali Axmed oo ah maamulaha iskuulka Danwadaag ayaa sheegay in ay wadaan dedaal ay dib ugu hawl gelinayaan iskuulka walow aysan weli helin wax lagu tashan karo. Wuxuu sheegay in ay xogtiisa u gudbiyeen hay’adaha samafalka jaaliyaddii horay u taakulayn jirtay iyo dawladda.
Iskuulka ayuu sheegay in ay xirnaanshaha u dheertahay burbur ka soo gaaray roobab dhawaan ka da’ay magaalada Gaalkacyo. Iskuulka oo ka koobnaa saddex qol oo jiingad ah ayuu sheegay in uu dumay qol ka mid ah halka labo kalana uu dadka ka qaadmay. Wuxuu intaas ku daray in ay ka baqayaan in ay wada dumaan aysanna hayn dhaqaale ay ku dayac tiraan.
“Iskuulkii waxqabad buu u baahan yahay mid dowladeed ha noqdo mid hay’adeed ha noqdo mid jaaliyadeed dibada jira noqdo wax qabad iyo dib u habayn iyo ilmahii lagu soo celiyo iskuulkii dib loo furo macalimiinta mushaar loogu qoro macalimiintii ay yimaadaan iskuulka markaa deyr iyo fasalo dhagax ah loo dhiso quudintiina loo sameeyo intaas buu iskuulka u baahan yahay.”
Dhanka kale ayuu xusay in aysan marna ka daalayn sidii ay waxbarashada ugu sii wadi lahaayeen carruurta xitaa haddii ay sanado ku qaadato. Iskuulka oo furnaa muddo 3 sano ah ayuu sheegay in ujeedka loo aasaasay uu ahaa in carruurta ka soo jeeda qoysaska barakacay ay heleen waxbarasho la mid ah kuwa ay asaagood helaan.
Dhamaan carruurta ku nool xeryaha Danwadaagta, Doonyaale iyo Ciid-Guduud oo iskuulkan uu u ahaa halka meel oo ay wax ka bartaan ayaa u muuqda in arrintan ay ku yeelan doonto saamayn aad u daran haddii ay hir geliwaayaan dedaalada la doonayo in dib loogu furo.