Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Suuq xumo soo wajahday sayladda Garowe oo cunno yari bidday qoysas ku tiirsanaa

Jibril Osman by Jibril Osman
November 14, 2024
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dad ka shaqaysan jiray hilibka iyo dallaalnimada xoolaha oo ku nool magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayay shaqadii ka joogsatay 3 bil ee u danbeeyay, markii ay yareedeen xoolihii la keeni jiray sayladda iyo dhaqaale xumo ka jirta suuqa.

Xaawo Cabdiqaadir Warsame iyo qoyskeeda oo ka kooban 7 carruur ah ayaa wajahaya daruufo adag oo dhinaca nolasha ah oo sababtay in ay maalintii halmar dabka shitaan.

Waxay xaaladdaan la kulantay markii dallaalada xoolaha ku iibiya Sayladda Garowe ay dhawaan ka joojiyeen inay dayn ku siiyaan arigooda, sababa la xiriira deymo badan oo lagu yeeshay.

Xaawa oo maalintii 2 neef qali jirtay, kana heli jirtay dakhli $7 oo faa’iido ah oo ay ku maarayn jirtay nolasha qoyskeeda. Hadda waxay ku sugan tahay xaalad shaqo la’aan ah.

“Maalinna dabkaan shidanaa, maalinna ma shidano. Kiradaa la igu yeeshay , korontadaa la igu yeeshay, biyihiibaa la igu yeeshay. Anaguna waxaanu nahay hooyooyin aan ilmaha lala korin. Gabdhaa guriga iigu yimid waxay igu dhaheen.”

Haweeneydaan waxay xustay inay noloshooda ku tiirsan tahay dad deriskeeda ah oo ku taageeray raashin min 20 kiilo ah oo isugu jiray bur, bariis, sonkor iyo 20 litir oo saliid ah oo aan dhaafsiin karin bishaan, maaddama ay gabaabsi ka yihiin. Waxay welwel aad u weyn ka qabtaa kirada guriga ay deggen tahay oo ah labo qol oo sar ah oo lacagtooda lagu leeyahay.

Labadii bil ee la soo dhaafay ayay tilmaantay inaysan bixin lacagta kirada oo ah $260. Waxaa loo sheegay haddii aysan sida ugu dhaqsiyaha badan u bixin lacagtaas in laga saari doono guriga oo iyada iyo carruurteeda ay hoy la’aan noqon doonaan.

Xaawo Cabdiqaadir waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in 3 maalin ka hor carruurteeda ah laga soo eryay iskuulka, markii lagu yeeshay $72 oo ah lacagta waxabarshada labadii bil ee la soo dhaafay.

Suuq xumada ayaa ka dhalatay xoolo-dhaqatada oo roob raacay iyo dhaqaale xumo ka jirta Sayladda. Xoolaha oo ku yar suuqa waxay dhalisay is qab-qabsiga dallaaliinta iyo kawaanleyda magaalada, markii ay isku fahmi waayeen sida loo bixinayo lacagta neefka.

Xaawo Yuusuf Abshir waa hooyada shan carruur oo ay dhaleen ilmaheeda, waxay ka mid tahay dadka shaqo la’aanta noqday. Xaaladdan hadda taagan ka hor waxay maalintii celcelis ahaan heli jirtay $6 oo faa’iido ah. Lacagtaas ayay xusay in ay ku filnayd qoyskeeda.

Waxay sheegtay in dhaqaale xumo awgeed bishii la soo dhaafay looga saaray labo qol oo kiro ah oo ay degganayd, markii ay awoodi weysay inay bixiso lacagta kirada oo ahayd $90.  Xaawo waxay tilmaantay inay taasi ku qasabtay inay maciin biddo xerada Jillab one oo ay ka dhistay buush hoy u ah iyada iyo carruurteeda.

“Tan iyo sidii aan kaashka u weynay war wareeg, waalli iyo wax la’aan baanu ku jirnay. Gurigii aaan saaka kasoo kacay dab lagama shidin. Waxa wejiga na loo siin waayay ee xoolaha naloo siin waayay, waa lacagta aan qabno.”  

Xaawo waxay sheegtay dadkii xoolaha ka qaadan jirtay inay u diideen xoolihii, maaddaama ay sheegtay in dallaaliinta ay dalbadeen in hal maalin ay ku bixiso lacagta neefka ay daynta ku qaadato, halkii awal hore ay 5 maalin ku bixin jirtay. 

Dhaqaale xumida ay wajahayso waxay sheegtay in maalmaha qaarkood aysan dab shidan. Waxay haweeneydaan waqtigan ku nooshay raashin isugu dhowr 25 kilo oo bur, bariis, sonkor iyo saliid ay u soo iibiyeen dad samafalayaal oo ku arkay xerada ay degen tahay, si ay u beekhaamsato raashiinka ayay ugu yaraan maalinkii hal waqti wax karsadaan.

Ka sokow duruufahaan is biirsaday waxay Xaawo sheegtay inay u sii dheertahay daryeelka seygeeda oo waayeel ah oo sariirta aan ka soo kici karin una baahan in laga war qabo xaaladdiisa caafimaad.

Kellinimada ay ku tahay maaraynta carruurta ay ayeeyada u tahay oo ay sheegtay inay ku dayaceen ilmaheeda, ayay sheegtay inay marar qaarkood ku fekerto inay iska dayso shaqo. Waxay sheegtay in ay maalin kaste 3 km usoo lugayso si ay carruurteeda iyo saygeeda ugu hesho wax ay nolashooda ku maarayso.

Culayska maaraynta qoyskeeda waxaa usii wehliya lacag dayn ah oo gaaraysa 4 kun dollar oo lagu leeyahay. Waxay Radio Ergo u sheegtay in 7 jeer maxkamad lasoo taagay, loona qabsaday daynta lagu leeyahay.

“Ragga in hilibka Geella laga gadgato waa suuragal, laakiin naagihii hilibka qali jiray laga dhugan mayo. Gabdhahihii waa  iska wada oynayaan oo waa iska wada carareen, kulli guryahay fadhiyaan.”

Haweeneydaan waxay sheegtay inaysan xaaladdaan adag ee haysta u haynin wax xal ah, balse ay raadineyso xeelado ay uga tabaabusheysan karto duruufahaan. Waxay ku qorsheyneysaa inay tagto masaajidda si daynta looga bixiyo. Inkasta oo uu arigu qaali ahaa in dhowaale, haddana Xaawo waxay markii hore ahayd qof  ku qanacsan ganacsiga hilibka, maaddaama ay joogto uga heli jireen nolol-maalmeedkooda.

Cabdirashiid Cali Caggub wuxuu kamid yahay guddiga dallaaliinta xoolaha ee seyladda magaalada Garowe. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay inay caqabad kala kulmeen dadka reer miyiga ah oo doonaya in xoolaha kaash looga iibsado, si ay raashin iyo biyo ugu iibsadaan.

Wuxuu kale uu  sheegay in haween badan oo xoolo qaatay lagu yeeshay deymo badan oo laga soo saari waayay, taasina ay noqotay dhibaato suuqa ka saartay haween badan oo nolasha qoysaskooda ka musruufi jiray neefafka ay qalaan.

“Dhaqaalihii dalka soo gali jiray baa xirmay. Xoolaha seembari dulllaaliin baa gada. Dullaaliintiin markii ay dhibaha la kulmeen dhaqaale la’aanta waxay sababtay inaanu labo beri ka dhigno si wixii loo helo oo aan u xakamayno, maxaa yeelay dad hantidiisa ayaanu wakiil ka nahay haddii aanu nahay dullaaliin.”

Dhibaatooyinka dhaqaale ee soo foodsaara dad badan oo ka shaqeeya seyladaha xoolaha iyo kawaannada hilibka waxay saameyn taban ku yeelataa nolosha qoysas badan oo danyar ah, kuwaas oo markii horeba shaqooyinkooda u nuglaa abaaraha iyo isku-guurguurka xoolo-dhaqatada hayaan-raaca ah.

Previous Post

Mashruuc lagu dhisayo boqollaal guri oo il-dhaqaale u noqday qoysas barakac ku ah Cadaado

Next Post

Qoysas ka barakacay colaad ka jirta Shabeellaha dhexe oo wajahaya nolol xumo

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
blank

Qoysas ka barakacay colaad ka jirta Shabeellaha dhexe oo wajahaya nolol xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-MAY-2026

IDAACADDA 06-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo