(ERGO) – Labo boqol oo qof oo isugu jira danyar iyo barakac ayaa fursado shaqo ka helay xaafad cusub oo laga dhisayo bariga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Dadkan oo ay iskugu darsameen shaqo la’aan iyo nolol xumo ayay fursadan ka caawisay inay ku filnaadaan baahiyaha aasaasiga ah ee qoysaskooda.
Maxamed Xassan Faarax wuxuu maalinkii ka helaa $25. Dhaqaalahan ayuu sheegay inay ku iibsadaan cunto ku filan oo saddex waqti ah. Wuxuu intaas ku daray in shaqadan ay tahay tii ugu horeysay oo uu helo muddo 8 bilood ah oo uu ku noolyahay xerada Xarar-dheere.
“Haddii aan is barbardhig kuugu sameeyo nolosha aan hadda ku jiro, maaddama aan shaqo helay waxaan joogto u helaa. Cunno, caano iyo khudaar muhiim noo ah.”
Maxamed oo 29 jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in tan iyo markii uu qoyskiisa yimid xerada ay ku tiirsanaayeen raashiin hal waqti ah oo ay ku taageeri jireen dad qaraabadiisa ah oo deegaanka ku nool.
Maxamed Xassan oo ah aabbaha 6 carruur ah ayaa xusay in kaalmadan ay ugu filnaan weyday inay ka caawiso cunno joogta ah, taasina ay ku dhalisay inuu raadiyo shaqadan oo uu billaabay saddexda bishii Julay ee sannadkaan.
Waa xirfadle fuundi ah oo qabta isa-saarka bulukeetiga iyo shamiitada. Wuxuu tilmaamay in xirfaddaan uu bartay mar uu Cadaado yimid 2019, taas oo hadda ka caawisay in markii ugu horreysay uu shaqo ku helo.
Maxamed ayaa xusay inuu ku shaqeeyo cimilla kulul oo heer keedu yahay maalinkii 31 illaa 34 digrii. Wuxuu shaqada u tagaa xaafad cusub oo Har-wanaag la dhaho oo Cadaado u jirta 3km.
$15 ayaan maalin kasta meel ku xaraystaa. Lacagtaas oo hadda $900 maraysa ayaa ii xaraysan. Waxaana rejeynayaa bil kaddib inay kun iyo dhaadhac ii noqoto. Waxaan rabaa in gabadha reerka u dhiibo iraahdo noogu shaqee oo ilmaha biilkooda qayb ka qaado aniguna aan dhinaca kale magaalada ka gallo”
Maxamed Xassan ayaa tilmaamay in carruurtiisa aysan gaarin iskuulka oo ay hadda u dhigtaan labo ka mid ah dugsi Qur’aan. Isku-darkooda ayuu sheegay in laga qaado $16. Qoyskiisa ayaa bishii Febraayo 2024 ka soo barakacay deegaanka Caad ee koonfurta gobolka Mudug.
Waxay noloshoodu ku tiirsaneyd tabcashada beer 1 hiktar ah iyo soddon neef oo ari ah, balse dagaal u dhaxeeyay ciidmada dowladda iyo Al-Shabaab oo u horseeday amni xumo ayaa ku qasbay inay soo maciin biddaan xeryaha barakaca ee magaalada Cadaado.
Mashruuca dhismaha xaafaddaan cusub oo laga hirgalinayo bariga Cadaado waxaa si wadajir ah u fulinaya Hay’adaha UNHCR, NRC, Directi Aid iyo maamulka Galmudug, taas oo loogu talogalay inay deegaan rasmi ah u noqoto qaar ka mid ah dadka barakaca ah ee deegaanka yimid dhowrkii sano ee u dambeysay.
Jamaal Faahin Xusseen ayaa sheegay in tan iyo bishii Julay oo uu dhismaha ka shaqeynayo ay u suurta gashay qoyskiisa inay dabka shitaan saddex waqti maalinkii, halka markii hore ay hal waqti wax karsan jireen, taas oo ay ku taageeri jireen dad qaraabadiisa ah oo horay deegaanka u degganaa.
Wuxuu tilmaamay in dhaqaalaha soo gala maalinkii oo ah $10 uu noloshooda wax ka beddelay, kuna soo beegmay isagoo aan shaqeyn muddo shan bil.
Ninkaan ayaa sheegay in markii uu xerada ku soo biiray inay ahayd mar ay colaadda deegaankiisa ka soo barakicisay ay dhaafisay wax walba oo uu qoyskiisa haystay, noloshoodana ay ku tiirsanayd.
“Fursaddaan shaqo wax badan ayay noloshayda ka beddeshay. Waa dareemi kartaa qoys barakac ahaa oo hantidii, guryihii iyo wixii ay lahaayeen ka soo tagay. Deegaan ku cusub yimid. Qoyskeyga maanta aad bey u ladan yihiin marka loo fiiriyo markii aan deegaanka imaaday iyo duruuftii aan ku sugnaa.”
Wuxuu tilmaamay in shaqo la’aantu walwal ku haysay tan iyo bishii May ee sannadkaan 2024 oo uusan helin wax shaqo ah.
Wixii intaas ka dambeeyay ma helin il dhaqaale oo kabta reerkiisa, maadaama aysan jirin kaalmo uu cid kale ka helo. Wuxuu xusay in duruuftaan ay u horseeday daryeel xumo qoyskiisa oo ka kooban sagaal qof.
Wuxuu sheegay in shaqada uu qabto inay tahay diyaarinta dhagaxa iyo dhoobada, markaas kaddib oo uu geynayo meesha ay ka socoto shaqada dhismaha, taas oo uu xusay inuu si wanaagsan ula qabsaday intii uu ka shaqaynayay.
“Dad barakac ah waxa hoy u noqon kara waa dareemi kartaa. Waxaa hadda hoy noo ah wax laga dhisay buushash oo ka dhisan qoryo iyo baco la isa saaray oo xoogaa gabbaadkaas qoraxda difaac uga noqon kara qofka oo qabowna aan celin karin. Roob iyo waxa la mid ahna kuwaas is kaba daa warkooda aan waxba ka qaban Karin.”
Saddex ka mid ah carruurtiisa ayaa dhigta iskuulka hoose dhexe iyo sare ee Suldaan Axmed-nuur oo ah mid bilaash ah oo ay dowladdu leedahay. Labo ka mid ah ayaa dhigta fasalka lixaad ee dugisa dhexe, halka midka kale uu dhigto fasalka afaraad ee dugsiga hoose.
Wuxuu barakac ahaa tan iyo bishii Febraayo ee sannadkaan 2024, markaas oo uu amni darro uga soo barakacay deegaanka Camaara oo xilligaas uu ka socday dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo dowladda.
Wuxuu ahaa dukaanle ka shaqeeya deegaankiisa oo uu maalinkii ka heli jiray $12 oo ku filnayd nolol maalmeedka qoyskiisa. Jamaal ayaa tilmaamay inuu jecelyahay in Camaara uu dib ugu noqdo, balse uusan haysan dhaqaale uu nolol cusub ku billaabo.
Dhismaha mashruucaan ayaa saddexda bishii Julay ee sannadkaan ka bilowday duleedka bari ee magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Shaafici Cilmi Xassan oo maamulka degmada u qaabilsan dadka barakaca ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in nolosha xeryaha ay tahay mid adag oo dadka intooda badan aysan haysan ilo dhaqaale oo ay ka maareeyaan noloshooda.
Helitaanka shaqadaan ayuu sheegay inay ku soo beegantay xili dadku ay wajahayeen duruufo adag oo isugu darsamay, balse qoysas badan ay ku naaloonayaan isbeddel nololeed oo ay u horseeday shaqadaan dhismaha ah.
“Maamulku wuxuu awoodda saaraa marka kasta inay dadku helaan fursado ay ku maareeyaan noloshooda. Sida in hay’adaha iyo dowladda gaarsiiyo fariimaha wax ka qabashada xaaladda dadka oo ay helaan xirfado iyo in loo abuuro ganacsi.”
Qoysaska ku nool xeryaha barakaca ayaa badi ku tiirsan kaalmada kooban oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka. Taakuladaas oo aan ku filneyn darteed waxay dadku raadiyaan shaqooyin xoogsi ah, si ay uga helaan dhaqaale kaba nolol-maalmeedkooda.