(ERGO) – Shan boqol oo qoys oo ah beeraleyda tuulada Baar-sanguuni ayaa wajahaya xaalad cunno xumo tan iyo bishii Juun ee sanadkan, markii dalag u saarnaa beerahooda ay ka qaadday fatahaadda webiga Jubba.
Waxay si lama filaan ah u la kulmeen biyaha webiga iyaga oo ku foogan guridda dalagga. Faysal Daahir Muuse oo leh beer 5 hiktar ah ayaa ka mid ah. Qoyskiisa oo 12 ah ayaa la dhibaatoonaya cunno yari.
Wuxuu ku qasbanaaday in webiga uu ka jillaabto kalluun qabashadiisa uusan xirfad u lahayn. 48 saacba mar ayuu sheegay in uu helo hal xabbo oo qoyskiisa uu dabka u saaro, marar qaarna uu ku hungoobo.
Wuxuu xusay in uusan haysan qalab uu ku soo dabto, caqabado badana uu ku qabo qabashadiisa. Wuxuu rajo xumo ka muujiyay hubanti la’aanta cunno ee haysa qoyskiisa oo aan haysan il-dhaqaale.
“Malayga markaad soo wayso Lulubo ayaad raadinaysaa. Labadaas middaad soo hesho ilmahaa lagu maareeyaa. Wax kale oo loo helayo malahan. Hal waqti weeye meel kale oo aad u dhaafayso ma jirto.”
“Haddii la waayo ilmaha Caleen baa loo karinaa. Caleentaas bay cabayaan. Shaax xitaa maahan. Caleenta oo qaraar ah ayaa la siiyaa.”
Wuxuu tilmaamay in uusan ku sii tiirsanaan karin kalluunka uu ka jillaabto webiga, kaas oo la wayn karo haddii heerka biyaha webiga uu hoos u dhaco, maaddama uusan haysan agab uu ku galo webiga.
Qoysaska ku nool deegaankiisa oo beeraley ah ayuu xusay in ay isku duruuf yihiin haddii ay is caawin lahaayeen, taas oo xaaladda ku sii adkaysay qoyskiisa iyo kuwa la midka ah oo kaalmo kale aan haysan.
In ka badan 300 oo geed oo moos ah ayay biyuhu ka jareen, halka ay qaadeen dalag u badnaa galley, digir, sisin iyo noocyo kala duwan oo khudaar ah, kuwaas oo bishii Abriil ee sanadkan oo uu dayn ku helay abuurkooda.
Wuxuu qorshaynayay in uu iskaga gudo $2,000 oo qayb ka ahayd lacagtii uu galiyay beertiisa, taas oo uu ku bixiyay falidda, abuurka iyo shaqaalaha beerta oo 3 ah, kuwaas oo shaqo la’aan noqday.
Hase ahaate, beddekeed wuxuu la kulmay qasaare uu ka soo kaban la’yahay. Biyaha galay beertiisa waxaa fududeeyay kanaallo fatahaad horay u dhacday ay furtay, kuwaas dhulka la simay beertiisa.
“Fatahaadda aad ayey noo halaagtay. Faraha qaar fataahaddii hore ee waynayd (2023) ayaa toddobbo far jaray. Toddobada far waxaa ugu daran 4 far oo biyo yar haddii ay yimaadaan beeraha ayay shab soo siinayaan. Farahaas awood aan iskaga xirno mahayno.”
Fatahaadaha ku soo laalaabta deegaankiisa ayuu sheegay in nolosha qoyskiisa ay cuuryaamiyeen. Dabayaaqadii sanadkii 2023 waxay ka dumiyeen guri ka koobnaa 4 qol oo hoy u ahaa.
Wuxuu awood u waayay dib u dhiska guriga, waxaana dhulkii uu ku yaallay uu ka dhistay aqal cooshad ah oo gabaad u noqda, balse fatahaaddii u danbeysay ayaa dumisay, inkasta oo uu dib u yagleelay.
Beeraleyda Baar-sanguuni waxay cabayanaan kanaallo waawayn oo beerahooda ku xira webiga. Waxay nugulyihiin beerahooda fatahaadda oo dhacda xilli kasta oo webigu uu biyo keeno.
Kanaallada waxaa la sameeyay xilligii dowladdii dhexe ee dalka, balse dayac ku yimid burburkii dalka kadib, waxay isku beddeleen halka saldhigga u ah qasaaraha gaara beeraha tuulada Baar-sanguuni.
Timiro Cabdullaahi Maxamed oo 70 jir ah waa waayo arag u soo joogtay isbeddeladii ku yimid kanaalladan, kuwaas oo beeraleydii hore ay ku tiirsanaayeen waraabkooda.
Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in hadda ay noqdeen musiibo sida joogta ah u burburisa beeraha iyo guryaha, taas oo awood dowladeed oo xakamaysa aysan jirin.
Nolosheeda oo dhan waxay ku qaadatay beero falashada. Hadda se waxay quus ka joogtaa ku tiirsanaanta beerta. Waxay xustay in sanad walba mar ama labo uu ku fataho webiga Jubba.
Arrinta waxay ku qasabtay in ay hoos u dhigto dhaqaalihii badnaa ee ay galin jirtay beerta si ay uga fogaato qasaare wayn oo soo gaaray. Fathaaddii u danbeeyay waxay saamaysay bishii hore.
“Beerta $150 ayaa iga gashay. Waxii kale walaal ayaan tuugay. Waa la iigu kaalmeeyay. Waxaa la igu caawiyey xoog. Dhalinyaro ayaan tuugtuugay way ii imaadeen. Beerta qashin bay lahayd. Way iga qaadeen.”
“Waxna lacagtii aan gashaday bay ahayd, waxna iyaga (dhallinyarada) igu kaalmeeyay. Hadda waxba gacan kuma hayo. Dalaggii wuu iga go’ay. Waan iska fadhiyaa.”
Beerteeda oo 2 hiktar ah waxaa ku beernaa dalag iskugu jira raashin iyo khudaar, kuwaas oo u badnaa kuwa ku baxa dhowrka bil, sida qaraha, digirta, galleyda, basbaaska, banbanooniga iyo qaar kale.
Dalagga ka qaasaray wuxuu ka hor istaagay raashin dayn ah oo ay dukaamada uga qaadi jirtay qoyskeeda oo shan qof ah, maaddama dalaggii ay ku tashanaysay si ay daynta u gudo uu qasaray.
Waxay dantu bidday in ay ka jillaabato webiga, halkaas oo ay kala soo baxdo kalluun aan joogto ahayn. Waxay xustay ay fariisto webiga jiinkiisa iyadoo sugta kalluunka u soo baxay qararka webiga.
“Maalintii oo dhan ayaan biyaha ku jirnaa annaga oo raadinaynayna malaay ama Dhoomaal. Hadii aad hesho nasiibkaa haddii aad waydo nasiibkaa. Waxii aan soo helno Dhoomaalkii xoogaa ayaa laga cunaa, waxana waa la reebanaa.”
Fatahaadda waxay sidoo kale ku waysay guri saddex qol ka koobnaa oo ku agyaallay beerteeda. Qoyskeeda waxaa hoy u ah geedaha hoostooda inkastoo dhibaato ay ku hayso biyo baxada.
Guddoomiyaha deegaanka Baar-sanguuni Maslax Cali Saalax ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in fatahaadda joogtada noqotay ay niyad jabisay beeraleyda ku tiirsanaa dalagga ay tacbadaan.
Wuxuu tilmaamay in wax ka qabashada kanaallada biyaha ku sii daayay beeraha ay awooddooda ka wayn tahay, isla markaana Jubbaland ay la wadaageen howlaha hortabinta leh ee lagu xiro karo.
Wuxuu intaas ku daray wajiga koobaad ee xiridda kanaallada ay ku qiimeeyeen lacagta ku bixi karta $3500 iyo qalab gaar ah oo loo adeegsado duugista faraha biyaha soo daaya xilliga roobka.
Wuxuu xusay in beeraleyda qaar ay ka tageen beerahooda si ay u samaystaan ilo kale oo dhaqaale, maaddama ay ka soo kaban waayeen fatahaadda joogtada ah.
“Qoysas badan waxaa ay go’aansadeen in ay ka tagaan beerahooda oo ay galaan magaalooyinka waawayn oo ay meelaha ka xamaashan, maaddama fatahada soo noq noqday la maarayn waayey oo beeraha tacabka ay galiyaanba ay ka baabi’inaysa. Waxay goosteen in magaalooyinka galaan iska xamaashan oo gaadhi gacankooda iska qaatan.”
Beeraley badan ayaa aaminsan in haddii ay helaan gacan ka taageerta xiridda kanaallada ay soo maraan biyaha ku fataha in ay ka soo kaban karaan caqabadaha dib u dhigay, kuwaas oo u nugleeyay duruufta.









