Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Haween ku hungoobay hal-abuur ganacsi markii ay u waayeen maalgalin

Jibril Osman by Jibril Osman
November 12, 2024
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Haween ku hungoobay hal-abuur ganacsi markii ay u waayeen maalgalin

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Markii labaad ayaa hal-abuurkeeda ganacsi uu ku dhow yahay burbur maal-galin la’aan darteed, Faadumo Xasan Maxamed oo ku nool Muqdisho. Xarunteeda oo qaabilsan qurxinta dumarka waxaa ka tagay shaqaalihii ka howl-galayay, waxaana laga jartay korontada bartamihii bishii Oktoobar.

Daymo lagu yeeshay iyo bixinta mushaharka shaqaalaha oo ku adkaaday ayaa cuuryaamiyay shaqada xarunteeda. Waxay sheegtay in ay dhib badan u martay yagleelidda ganacsigan oo ay aasaastay bishii Janaayo ee sanadkan.

Waxay naawilaysay in ay maal-galin u hesho, balse diidmo ay kala kulantay bangiyada bixiya ayaa sababtay in uu isbixin waayo ganacsigeeda. Waxay rajo xumo ka muujisay soo kabashada meheraddeeda.

Labo gabdhood oo ay barto xirfadda cillaan-saarka, qurxinta jirka iyo timaha ayaa ka haray shaqaalihii goobteeda ganacsi, kuwaas oo aysan siin lacag mushahar ah tan iyo markii ay ka tageen howl-wadeennadii kale bishii Sebteembar.

“Ilaa 12 gabdhood bay ahaayeen, haddana 2 gabdhood bas baa ku soo haray. Walwalka ihaya boqolkiiba 90 weeye, sababtoo ah haddii kirada aad iska bixiso gabdhaha kuu shaqaynaya oo dadka wax u marinaya, iyadana lacag bay rabaan, labo lacagna ma samayn karo.”

Horusocod la’aanta meheraddda ayay u sababeysay lacagta ay ku hirgalisay oo yarayd. Waxay sheegtay in ay ku billowday $1000 oo $500 ka mid ah ay ka amaahatay qof ka mid ehelladeeda, taas oo weli lagu leeyahay.

Billowgii ganacsigan waxay ka dabbri jirtay qoyskeeda oo 6 qof ah, balse lix bil kaddib, waxaa laga waayay faa’iido iyo lafihii lagu maarayn lahaa kharashaadka ku soo laabta. Arrintan ayaa horseedday in lagu yeesho $800 oo aysan xal u hayn bixinteeda.

Macaamiisheeda ayay xustay in ay doorbideen xarumo kale oo adeeggeeda oo kale bixiya, maaddama ay la kulantay caqabado saameyn ku yeeshay shaqada.

“Dadkii oo ii jooga ayaa korontadii la iga goostay. Labo bil oo koronto ah baa laygu lahaa. Dadkii waxaa ugu dhamaystirnay shaqada in aan tooshahkeenna daarno.”

Gabdhan waa aqoon-yahanad cilmiga caafimaadka ka baratay jaamacadda Muqdisho 4 sano ka hor. Waxay sheegtay in jaceylka ay u qabto ganacsiga iyo aqoonteeda oo shaqo fiican ay ku waysay ay ku riixday in ay u weecato dhinaca hal-abuurka ganacsi,.

Hase ahaatee, waxay la kulantay guul-darrooyin hor istaagay dadaalladeeda. Sanadkii 2019 waxay hurmuud u noqotay koox gabdho ah oo hirgaliyay shirkad dalxiis, sidoo kalana qaabil sanayd qurxinta aroosyada iyo munaasabadaha kale.

Labo sano oo ay u soo dhabar-adaygayeen kaddib, mashruucaas wuxuu u istaagay maal-galin la’aan. Waxay Radio Ergo sharraxaysaa fursadahii iyo caqabadihii isbarbar-yaallay ee ku xeernaa hirgalinta ganacsigooda iyo sida ay ugu niyad-jabtay markii lagu cidleeyay.

“Barnaamij kasta marka la keeno maal-galin haddii uusan lahayn horay uma soconayo, anigana waxaan jeclahay business women in aan noqdo. Qofka haddii uu lacag haysto ganacsi uu furan karaa oo lacagtiisa ayuu isku maamullaa. Anniga lacag la’aan awgeed ayuu buu barnaamijkaygu u socon la’yahay, wax i taageerana ma arkin. Dadka qaar, laakiin waxay ku dhahayaan ganacsi maxaa ku falee gurigaaga maad iska joogtid.”

Qoyskeeda oo danyar ah ayay sheegtay in aysan u awooddin buuxinta booska maal-galinta ee ay ka waysay bangiyada iyo shirkadaha hal-abuurrada amaahiya lacago ay ku socodsiiyaan ganacsigooda.

Dadka ku taqasusay cilmiga dhaqaale ayaa baraarug la’aan iyo dib dhac u arka taageero la’aanta haysa dumarka da’da yar ee ku fooggan hal-abuurka ganacsi.

Warsame Maxamed Xasan oo jaamacadda Muqdisho ka dhiga cilmiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dumarku ay ka nugul yihiin ragga marka ay timaaddo helidda fursadaha maal-galinta.

Intaas wuxuu ku daray in lacagaha ay amaahda u bixiyaan bangiyada iyo shirkadaha ay inta badan fursad u helaan ragga. Wuxuu sheegay in lagu doorto dadka damiinanaya oo iskugu jira odayaal-dhaqmeed, ganacsato iyo xitaa masuuliyiin.

Wuxuu xusay in kaalintaas aysan helin haween badan oo wax-soo-saar wayn oo ganacsi sameyn lahaa caadooyin aan wanaagsanayn oo jira dartood.

“Caadooyinka bulshada oo laga yaabo in dad badan ay aaminsan yihiin in dumarka aysan awoodin in ay ka shaqeeyaan ganacsi ama ay ka keenaan wax lagu qanci kara ama faa’iido ka sameeyaan. Waa caadooyin dadku ay aaminsan yihiin, taas waxay sababaysaa in ay waayaan ama ay ku adkaato wax damaanad u noqon kara ama aysan haysan hanti maguurto ah oo rahan ahaan ay u dhigan karaan.”

Waxaa jira haween badan oo garab rarato noqday, markii ganacsigooda ay u waayeen qalab iyo goob ay ku shaqeeyaan. Waxaa ka mid ah Maryan Cabduqaadir Cismaan oo 26 jir ah.

Gabadhan oo ganacsigeedu yahay saliida laga sameeyay miragaha qumaha iyo lowska waxaa haysta qalab la’aan ragaadisay horumarka ganacsigeeda. Tan iyo 2022 waxay codsi u la tagaysay bangiyada amaahda bixiya si ay u siiyaan lacag ay ku iibsato qalabka ay ku soo saarto saliidda.

Waxay sheegtay in ganacsigeedu uu si gaabsis ah ayuu u shaqaynayo, faa’iido badana aysan ka helin. Marka ay diyaariso qumaha iyo lowska ay isku shiiddo si saliid ay uga soo saarto waxay u qaadda makiinad gurigeeda u jirta 1 km.

‘‘Haddaad maal-gelin heshid meel waad furan kartaa. Labo, mashiin waad keensan kartaa. Dadka mararka qaar marka ay Online-kan oo kale ama lagu soo waco ama qof nambarkaaga la sii siiyo su’aasha ugu horreysa oo uu na weydiiyo jawaabtana aanan u heyn waxaa waaye xaruntiina xagey ku taallaa?.’’

Saliidda ay soo saarto waxay ku iibisaa gurigeeda iyadoo ku xayaysiisa baraha bulshadu ku xariirto. Waxaa ku xiran macaamiil kooban oo xaafaddeeda la deggan iyo dad ka soo raaca aaladda internetka.

Maryan oo lagu fursay saddex carruur ah waxay la daalaa-dhacaysa helidda nolol-maalmeedka iyo waxbarashadooda oo ay ka soo saarto ganacsigeeda. Waxay rajaynaysaa in ay hesho caawin ama maal-galin, taasi oo ka caawin karta in ay heer ka gaarto hal-abuurkeeda.

“Qof isagoon mashiin iyo maal-galin haysan shaqaynaya oo wixii raba in uu ka miro dhaliyo. Haddii uu intaas hello waa guul-wayn oo aan sugayn.”

Maryan waa aqoon yahanad heerka koobaad ee jaamacadda dhamaysay. Waxay baratay maamulka iyo maaraynta, balse shaqo kuma helin. Duruufaha isbiirsaday ayaa ku riixaya in ay maskaxdeeda maasho, isla markaana muruqeeda ay kula soo baxdo nolol-maalmeedka.

Inkastoo Maryan au hiigsanayso in ay ka gudubto caqabadaha haysta ganacsigeeda waxaa jira haween iskaga baxay ganacsiga, markii ay la soo gudboonaadeen marxalad ay ka gudbi waayeen.

Haweenka halganka ganacsi ku jira ayaa isugu jira kuwo waxbartay oo shaqo la’aantu ku kaliftay in ay hal-abuurkooda ay ku caano maalaan iyo in kale oo aan helin fursad waxbarasho, balse dadaal ugu jira in naftooda ay waxtaraan, kana qayb qaataan kobaca dhaqaale ee dalka.

Previous Post

Muqdisho: Daraasad lagu oggaaday in 6000 oo carruur ah ay waxbarasho la’aan wajahayaan

Next Post

Mashruuc lagu dhisayo boqollaal guri oo il-dhaqaale u noqday qoysas barakac ku ah Cadaado

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
blank

Mashruuc lagu dhisayo boqollaal guri oo il-dhaqaale u noqday qoysas barakac ku ah Cadaado

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo