(ERGO) – Lix kun oo carruur ah oo ka soo jeeda qoysas barakac iyo danyar isugu jira oo ku nool degmooyinka Kaxda, Dayniile iyo Garasbaaley ee gobolka Banaadir ayaa waxbarasho la’aan wajahaya sida lagu sheegay xog aruurin ay sameeyeen ururka macalimiinta BAR.
Daraasada ayaa muujisay in sababta ugu weyn ee carruurtan ay wax u baran la’yihiin ay tahay waalidkood oo aan dhaqaale haysan iyo xeryaha oo aysan ka jirin iskuullo lacag la’aan ah. Farxiyo Maxamed Cali oo haysata 8 carruur ah oo gaaray da’ada waxbarshada ayaa sheegtay in aysan waxba dhigan.
Xaaladaan waxay kala siman yihiin 590 qoys oo kula nool xerada barakaca Bil-iyo-xidig ee degmada Kaxda oo aan lahayn wax iskuul ah. Haweenaydan ayaa sheegtay in ay murug ku hayso jahliga carruurteedu ay ku sugan yihiin, balse aysan u hayn wadadii ay uga saari lahayd.
“Lacag uma awoodno. Dad marna hela marna waaya ayaan nahay. Hadda waxaan rabnaa in dadka Soomaaliyeed ay nagu caawiyaan sidii carruurteena ay ku heli lahaayeen waxbarasho lacag la’aan ah. Wax walba waxaa nooga daran waxbarashada ilmaha. Wax la’aanna waa na haysaa wax aan awoono ma leh.”
Farxiya ayaa sheegtay in ay kaligeed korinaysa carruurteeda oo agoon ah. Waxay ka shaqeysaa qodida godadka xaafaduhu ay qashinka isaga aasan. Shaqadaan oo aan joogto ahayn ayay xustay in maalinkii ay ka hesho lacag u dhexaysa $3 ilaa $5, taas oo aan ugu filnayn cunto saddex waqti ah.
Farxiyo ayaa tilmaamtay in carruurteeday ay xaafadaha dariska ah ay uga soo dacwoodeen, arintaas oo ku khasabtay in ay guriga ku celiso, iyadoo marka ay shaqada god qodida ah aado ka welwesha waxa ay samayn karaan inta ay ka maqan tahay.
“Ilmaha inta ay guriga jooggaan dhibaato xooggan ayaan ku qabnaa. Maanta dhan waxay ku jiraan dagaal iyo celcelis illeen waxbarasho ma aadayaane maskax xanuun. Deegaankii aan ka soo barakacnay waa noo dhiganayeen dugsi, waa iska dhiibaynay dugsiga iyo iskuulka waxaan isaga dhiibaynay beeraha laakiin hadda waa naga baaba’een ilmaha dugsigii iyo iskuulkii dhammaan waa kala go’een.”
Farxiyo ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in ay tagtay in ka badan 10 iskuul oo ah kuwa gaarka loo leeyahay. Dhammaan waxay u sheegeen in bishii halkii cunug looga baahan yahay lacag garaysa $10.
Qoyska haweenaydan ayaa bishii koobaad ee sanadkan ka soo barakacay deegaanka Mubaarak ee gobolka shabeelada hoose, halkaas oo ay ku lahaayeen beer 4 hektar ah oo ay uga bixi jireen dalagyo khudaar iyo raashin isugu jira oo noloshooda kaafinayay.
Markii dhowr fasal oo is xigay ay fatahada webigu saamaysay ayay sheegtay in ay soo maciin bideen magaalada Muqdisho oo aysan ku helin nolol dhaanta middii ay ka soo barakaceen.
Waalidiinta ku nool xerada Bil-iyo-xidig ee waxbarsha la’aanta carruurtoodu ay caqabada ku tahay waxaa ka mid ah Aadan Cabdi Maxamed oo ay u joogaan lix carruur ah oo ku wada jira da’dii ay wax baran lahaayeen.
Wuxuu sheegay in muddo hal sano iyo bar ah oo uu ku nool yahay xeradan uu raadinayay iskuul aan lacag ahayn oo carruurta uu gaysto, maaddama uusan awoodin qarashka tacliinta ku baxaya.
Ninkan ayaa xusay in ay isku biirsadeen nolosha adag ee barakaca iyo carruurtiisa oo aan heli karin fursad ay aqoon iyo xirfado ku kororsadaan. Wuxuu sheegay in meesha ugu dhow ee iskuul lacag la’aan ah laga heli karo ay tahay degmooyinka Hodan, Wadajir iyo Dharkeenley oo aad uga durugsan. Waxaa ka hor istaagay in uu geeyo, markii uu bixin waayay gaari raaca maalinlaha ah.
“Hadda waa iska dhooban yihiin buushashka ayay ku jiraan. Ilmo aan waxbarasho haysan rafaad waa lagu qabaa. Joogitaankooda wuu batay waalidkiina wax ma haysto.”
Aadan ayaa sheegay in degmooyinkas aysan lahayn xeryo barakac oo uu ku biiri karo, sidoo kalena uusan bixin karin kirada guryaha oo qaali ah. Ninkan oo ah qofka kali ah ee qoysku ku tiirsan yahay, wuxuu ka mid yahay xoogsatada gawaarida waa weyn ka dajiya raashinka. Wuxu tilmaamay in halkii toddobaad uu hal ama labo mar ka shaqeeyo inta kalen uu soo waayo.
Lacagta ugu badan ee soo gasha ayuu sheegay in ay tahay $5. Wuxuu ku celceliyaa nolol maalmeedka qoyskiisa oo 8 qof ah. Aadan ayaa bishii Febraaye ee sanadkii 2023 ka soo barakacay deegaanka Iji ee gobolka Shabeellaha dhexe, markii ay u adkaysan waayeen colaado qabiil oo dhowr mar ka dhacay.
Ninkan ayaa sheegay in noloshiisa ay wanaagsanayd markii uu halkaas joogay. Wuxuu qoyskiisa ku deberi jiray beer labo hektar ah, taas oo hadda ay abaartu nacfi tirtay.
Carruurta ay waxbrashadu ka joogsatay waxaa ka mid ah Cumar Cali Saciid oo 11 sano jir ah. Ilaa bishii Luulyo ee sanadkaan wax daruus ah ma uusan qaadan. Waxaa dhaqaale la’aan u xirmay iskuulka Baraarug oo ku yaallay degmada Garasbaaley oo si bilaash ah uu wax uga baran jiray.
Cumar oo ka soo jeedaa qoys barkac ah oo ku nool xerada Bil-iyo-xidig, wuxuu u weyn yahay 7 carruur ah oo hooyadood kali ah ku tiirsan. Wuxuu sheegay in markii hore uu ku hanweynaa in waxbarashada uu heer sare ka gaaro, balse rajadaas ayaa baaba’day isagoo fasalka saddexad ee dugsiga hoose isu diyaarinayay.
“Anigana ma awoodo in aan iska bixiyo. Marka waxaan go’aansaday in aan guriga iska joogo.”
Cumar iskuulka uu dhiganayay waxaa gacanta ku hayay urur dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Baraarug. Lacago ay iska aruuriyaan ayay waxbarashada uga bixin jireen in ka badan 200 oo carruur ah, kuwaas oo isugu jira barakac iyo kuwo ka soo jeeda qoysas dhaqalahoodu hooseeyo.
Cumar hooyadiis waxay noloshooda ku maaraysa shaqo dhar dhaqid ah oo aan joogto ahayn. Maalinkii ay soo shaqayso waxay la soo hoyataa $3- 5 oo markaas ay dabka ugu shubto. Qoyska Cumar ayaa bishii May ee sanadkii 2021 dagaalo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo Al-shabaab uga soo barakacay deegaanka Bariirre ee gobolka shabeelada hoose.
Waxay noloshoodu ku tiirsanayd shaqo beer falid ah oo ay ka qaban jirtay beeraha deegaanka iyo 20 ari ah oo ay dhaqanayeen. Arigii waxay uga soo tagen deegaankii, markii duqaymo xiriir ah oo diyaaradeed laga fuliyay ayay naftooda kala soo baxsadeen. Lacag u dhexaysa $5-8 oo maalinkii ay ka heli jirtay shaqada beer falida ayay ku xalin jirtay baahiyaha qoyska.
Abuukar Macalin Yuusuf oo ah Xoghayaha Guud ee ururka macalimiinta BAR oo ay ku midaysan yihiin in ka badan 100 macalimiin ah ayaa sheegay in xog aruurinta ay sameeyeen intii u dhexaysay bilihii Ogoosto iyo Sebteembar. Waxay ku ogadeen in muddo hal sano ah ay xirmeen 17 iskuul oo ku yeellay 11 xero barakac oo ka tirsan degmooyinka Dayniile, Kaxda iyo Garasbaaleey.
Ninkan ayaa sheegay in ay waraysteen 8,000 oo qof oo isugu jira waalidiin iyo dad kale oo xog-ogaal ah. Wuxuuxusay in waxbarasho la’aantu ay boqolal carruur ah u horseeday in ay ku dhiirdaan falal xun oo mustaqbalkooda mugdi ka dhigay.
“Iskuullo hore waa jireen oo Hay’ddo ay maal-galin jireen, laakiin hadda 93% waa xirmeen, taasi waxay keentay in ilmihii ay noqdaan habsaan, kadibna ay isku bedelaan daroogaysteyaal ama in ay ciyaal weero ku biiraan.”
Caqabadaan waxay ka jirtaa deegaano badan oo wadanka ah, maaddama ay kooban yihiin iskuulada bilaashka lagu dhigto, dadka aan awoodin kuwa lacagta ahna ay tiradoodu mar-kasta sii kordhayso.