(ERGO) – Xaalado cunno yari, biyo yari iyo hoy xumo ah ayay wajahayaan ku dhowaad saddex kun oo qoys oo ah beeraley iyo xoolo dhaqato soo maciin biday horraanta bishii October degmada Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha dhaxe.
Waxay ka soo barakaceen dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo isku hor fadhiya deegaanada Yaaqle, Dhagaxoow, Shanlow, Kooteeye, Jameeco, Busle, iyo Banaaney oo Shabeelaha Dhexe ah.
Qoysaskan ayaa ah kuwo faro maran oo aan haysan waxay ku maareeyaan noloshooda. Dagaalka ayaa ku qasbay inay ka soo cararaan dalagyo beeraha uga soo go’ay. Dhaqaale burburka ku dhacay waxaa u dheer caqabadaha barakacu dhaxalsiiyay oo aysan maaro u hayn.
Qoyska Cabdullaahi isaaq Nuuur waxay degeen xerada kulmis oo ku taalla duleedka degmada Xawaadley. Cabdullaahi ayaa sheegay in shaqo la’aanta iyo dhaqaale darradu bidday in qaraabo joogta Xamar iyo jowhar ay hal waqti dabka u shidaan maalinkii.
“Meeshii aan ka nimid waxba kama soo qaadan, sababtoo ah xabado iyo madaafiic ayaa si kedis ah noogu billowday, nafteena iyo carruurta ayaan si dirqi ah ku soo badbaadinay. Wax kasta oo nolosha bani’aadamka muhiim ah u ahaa gacanta ku hayno.”
Ninkan oo ah aabbaha lix carruur ah ayaa tilmaamay in nolosha qoyskiisu ku tiirsaneyd beer saddex hektar ah oo ku taalla deegaanka Yaaqle oo ay uga yimaadeen safar lug ah oo qaatay labo saac iyo bar.
Dagaalka ayuu xusay inuu ku soo beegmay xilli ay u soo go’een dalagyo kala ah galley, digir, salbuko iyo yaanyo ay hadda ka baahan yihiin.
“Manta beerteyda haddii aan dhax joogi lahaa digirta ayaan ka dhargi laheyn. Waa xiligii digirta wax fiican laga heli jiray. Hadda baahida na hayso galeyda iyo digirta ayaa naga bi’in lahaa oo nooga filnaa. Yaanyada halka tanag haddii caruurrta geeystaan suuqa waxay ka heli lahaayeen 50 illaa 60 kun oo shilling Soomali ah.”
Cabdullaahi ayaa sheegay in beerta uu ka filayay faa’ido ka badan $2500, balse amni darradu ay rajadaas u badashay inuu hadda ka warwaro siduu ku bixin lahaa qaraashaad beerta ka galay oo deyn loogu leeyahay.
Wuxuu xusay inaysan taleefoon ka deyn oo ay toddobaad kasta soo wacaan dad ku leh deyn $373 ah oo uu ku bixiyay abuur, shidaal, falitaan iyo shaqaale.
Cabdullaahi ayaa tilmaamay inay ku cusub tahay nolosha barakaca oo ah mid adag. Wuxuu sheegay inuusan u baran ku tiirsanaanta gacan bani’aadam oo aan xal u noqon karin caqabadaha haysta.
Wuxuu intaas ku daray in xaaladda ammni ee la soo gudboonaatay aysan saameyn oo kaliya noloshii uu haystay, balse ay caqabad ku tahay siduu ku soo kaban lahaa, maadaama uusan hadda dib u tacban karin beertiisa si uu uga faa’ideysto xilli roobaadka lagu jiro ee Deyrta.
“Halkaan aan joogno dhibaato ayaan ku qabnaa, halkaasna kuma noqon karno. Noloshu way nagu adag tahay ee ilaahay ha inoo soo jilciiyo.”
Xerada uu deggan yahay Cabdullaahi malahan xarumo waxbarasho iyo goobo caafimaad. Waxaa horay ugu nolaa lix boqol oo qoys oo ay saameeyeen colaad iyo abaaro.
Xasan Maxamed Aweys wuxuu 10 carruur ah iyo hooyadood dajiyay xerada Jiinoow. Waxa ugu adag waa helitaanka cuntada. Tan iyo shantii October ayay halkan ku nool yihiin.
Wuxuu sheegay inuu ka dhammaaday raashiin toban kiilo ah oo ay isticmaalayeen tobankii beri ee ugu horeeyay, kaas oo uu ku caawiyay maamulka degmada Xawaadley. Wixii intaas ka dambeeyay ayuu tilmaamay inaysan dab shidan, balse darisku ku caawiyaan raashiin bisil oo hal waqti ay helaan maalinkii.
“Aniga iyo ilmaheyga waan rafaadsanahay, ileen carruurteyda waxaan u awoodo oo ilaahay abuurtay malahan. Sidaas wax ku helno ayaan cunnaa ee hadda wax guriga noogu jiro malahan, waa eber.”
Xasan ayaa sheegay inuu ka soo cararay beer labo hektar ah oo uu leeyahay, taas oo ay ku beer-naayeen Moos, Qasab iyo Qudaar. Wuxuu tilmaamay inuu galiyay qarash $566 oo wali deyn loogu leeyahay. Quus ayuu ka joogaa dalagyadii uu amaahda ka gudi lahaa.
Xasan ayaa ka soo barakacay deegaanka Dhagaxoow oo 108 km u jira Xawaadley. Saddex beri oo lug ah ayay ku qaadatay si halkan ay u soo gaaraan. Safarku wuxuu ahaa qarsoodi, maadaama sida uu xusay Al-shabaab oo deegaanka gacanta ku haysa ay dadka u diiday inay baxaan markii uu dagaalku bilowday.
“Waxaan sameyn karo maleh dhibaatooyinkaas ayaan ku suganahay. Meesha iigu dhow ee aan tagi karay waa halkan, ileen Muqdisho lug kuma gaaro, lacag aan gaari ku raacana ma haysto.”
Xasan ayaa sheegay inuusan shaqo helin toddobaadyada uu joogo. Nin deegaanka ayuu xusay inuu ka kireystay beer hal hektar ah. Waxay ku heshiiyeen in marka ay dalagyo u soo go’aan uu siiyo $100.Ujeedadiisa ayaa ah inuu ka faa’ideysto xilliga Deyrta ee lagu jiro.
Wuxuu tilmaamay in hadda ku howlan yahay hagaajinta beerta, balse uusan haysan dhaqaale uu abuur ku gato. Wuxuu sheegay in rajadiisu ku xirantahay $30 oo uu ka sugayo gabar 14 Jir ah oo aabbo u yahay, taas oo qoys Muqdisho deggan oo ay u shaqo bilowday bartamihii October u qabata nadaafadda guriga iyo dhar-dhaqista.
Carruurta Xasan waxba bartaan, qoyskiisana waxaa hoy u ah aqal cooshad ah oo ay dhisteen. Biyaha waxay ka soo dhaansadaan webiga Shabeelle oo hal km u jira.
Maamulka degmada Xawaadley ayaa sheegay in qoysaska soo gaaray ay yihiin kuwo nugul, maamulka iyo dadka deegaanka oo is kaashadayna ay awoodi waayeen wax ka badan raashiin min toban kiilo ah oo qoys kasta lasiiyay markii uu yimid.
Maxamed Cali Iidoor oo ahguddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada ayaa xusay in dadkan oo ku kala biiray siddeed xero oo horay loo deganaa aysan wadan hu’ iyo gogol ay ku seexdaan. Wuxuu intaas ku daray in hoy xumo darteed aysan u adkeysan karin roobka, qabowga iyo qoraxda maalinkii.
“Dadkaan lagu soo dul dagay awood ay dadkan ku sii haayaan malahan. Dadkan deegaanadooda ayaa lagu celin lahaa, laakiin waxay ku xirantahay in xoreynta ay soo idlaato oo meeshii ay amni noqoto, ileen hadda lama celin karo iyadoo meeshii ay xabbad ka socoto.”
Saameynta dhaqaale ee barakicinta dadkan ka dhalata ayuu Maxamed sheegay inaysan kaligood ku ekaan doonin haddii ay xaaladoodu daba dheeraato, madaama dalagyada ay soo saareen ku tiirsanaayeen dadka magaalooyinka iyo xoolo dhaqatada gobolka.