(ERGO) – Nasteexo Maxamuud Xaashi waxay awoodi la’dahay in ay cunno iyo hoy ku filan u hesho sagaal carruur ah oo ay dhashay. Waxaa ka joogsaday Biishiin Juune ee sanadkan lacag $85 ahayd oo ay si bille ah u siin jirtay Hay’adda WFP oo ay ku tiisanaayeen.
Nasteexo ayaa markii gargaarku ka go’ay si ay carruurteeda cunto ugu hesho billowday in ay xaabo ka soo gurto miyiga magaalada dhuusamareen iyada oo todobaadkiiba saddex maalim suuqa gaysa. Waxaa ka soo gala lacag u dhaxaysa $2 ilaa $3, taas oo aan raashin ku filan u goyn qoyskeeda balaaran.
Waxay ka mid yihiin 270 qoys oo xerada Hilaac ku biiray labadii sano ee la soo dhaafay markii ay colaado iyo abaar uga soo barakaceen deegaanadoodii. Nasteexo ayaa sheegtay in xilligaan ay ku jiraan xaaladdii ugu liidatay intay barakaca ahaayeen.
“Waxaan wajahaynaa oo noogu daran cunto nagu filan mahelno. Ilmihii iyagoo saaka quraacan ayaa anigii subaxii aan duurka aadasaa oo aan xaabo doonaa. Xaabadii waa fogaatay. Duruufahaas ayaan wajahaynaa.”
Nasteexo ayaa sheegtay in mararka qaar ee ay soo wayso xaabada ay ku qasbanaato in ay dayn uga soo qaaddo cuntada maqaayad ay macaamiil la tahay. Waxaa lagu yeeshay lacag isku gaartay oo dhan $200 taas oo hadda la waydiiyo maalin kasta iyaduna aysan hayn qorshe ay ku guddo.
Qoyska haweenaydan waxaa intaas u dheer hoy xumo. Waxay tilmaantay in ay gabaadsadaan buush yar oo calalo iyo baco ka samaysan.
“Waa buush iska cooshad ah oo labaatan bariba ka bacdiba in aad dayac-tir ku samayso kaa raabaa. Waa wax qorraxdu ka adag tahay qar qaryaa dareemaysaa. Cabsi badan waa la iska dareemaa oo habeenkii waxbaa iska socda,waa bush iska nuucaasa roobka ma celiyo.”
Qoyska Nasteexo ayaa xerada soo gaaray sanadkii 2023 xilligaas oo colaad u dhaxaysay labo qabiil ay uga soo barakacday deegaanka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud. Waxay ka soo tageen 45 neef oo ari ah oo ay dhaqanayeen iyo guri labo qol ah iyo agabkii yaallay iyaga oo naftooda la soo baxday.
Dhamaan qoysaska ku nool xeradaan ayaa ka siman nolol-xumada tan iyo markii gargaarku ka istaagay. Cayni Xuseen Cabdullaahi oo ka mid ah todobo carruur ah oo agoon ah oo ay dhashay waxay u ladahay wax ay hal waqti cunaan. Waxaa bishii Juun ka go’ay kaar ay hay’adda WFP siisay oo ay bishii ka heli jirtay $110.
Lacagtaas oo ay ku iibsan jireen raashin ku filnaa ayay xustay in markii laga jaray ay noloshoodu gashay xaalad aad u liidata. Muddo afar bil ah oo aysan gargaar qaadan ayay sheegtay in ay ku yeelatay saamayn aad u wayn.
“Dad wax shinsanaayoo lacag meel ka qaadanaayoo,biil qaadanaayoo saddexda waqti wax cunaayaa ayaan ahayn, iyo qof hal mar dabka shidanaaya hal maalin ma isku midaa?, isku mid maahan. Waqtigii horaa aad noogu wanaagsanaa.”
Cayni markii gargaarku ka istaagay waxay ku qasbanaatay in maalin kasta ay magaalada u aaddo dhar dhaqis aysan u helin si joogto ah. Maalinta ay hesho waxay tilmaantay in ay ka soo gasho $2 ilaa $3 taas oo ay ku soo iibsadaan raashin aan iidaan lahayn oo ay mar cunaan.
Intaas waxay raacisay in carruurteeda ay dhibaato iyo dayac kala kulman inta ay maqan tahay, taas oo ku sii abuurta welwel dheerad ah. waxay sheegtay in maalinta dhan ay qatooyo ku joogaan ilaa ay ka imaanayso taas oo aysan ku adkaysan karin balse dantiu ku qasbayso. Waxay xustay in markay shaqo wayso ay ku qasbanaato in ay dayn soo qaado si ayaysan gaajo ugu seexan.
“Dariska noodhaw ayaan dayn ka soo qaadanaynaa sidaasaa lagu karinaa. Ilmo yicisaa laga tagtay ilmaas maxamili karaan saaka inta qaadaan cawada qatooyo laguuma dari karo, Waxaan isdhahaa waagii danbe oo aad shaqo hesho markaas aad iska siibixinee dayntaas.”
Cayni waxay sheegtay in qoysaska ay raashinka ka soo qaadatay ay ku yeesheen 20 kiilo oo bariis iyo sonkor iskugu jira taas oo dadkii lahaa ka sugayaan, balse aysan hayn qaab ay iskaga bixiso. Waxay intaas raacisay in hadda aysan xitaa dadka ka daynsan karin raashin ilaa ay bixiso kan hore.
Qoyska haweenaydan ayaa ka soo barakacay bishii koobaad ee sanadkaan deegaanka Far-libaax e gobolka Hiiraan, markii colaad u dhaxaysa Al-dhabaab iyo dawladda ay qabsatay. Waxay xustay in ay ka soo tageen beer saddex hegtay ah oo ay nololshooodu ku tiirsaneed.
Cayni si ay qoyskeeda uga sarto nolol xumadan ayay sheegtay in ay subax kasta magaalada shaqo ka raadiso. Waxay dadka warsataa in ay adeegto u noqoto maddaama aysan xirfad kale lahay,n walow aysan weli ku guulaysan.
Gudoomiayaha ayaa sheegay inay cunno yarida ka sokow jiraan baahiyo kale oo qoysaskaan ku hor gudban. Hoy xumada iyo musqulo la’aan ayuu sheegay in ay yihiin dhibaatada ugu wayn ee dadkan haysata, wuxuu cabsi ka muujiyay in ay ka qaadaan caafimaad darro saamayn xun u gaysan karta.
qoysaskan oo markay xerada oo galayeen ku haminayay inay ka helayaan nolol dhaanta tii ay ka soo barakaceen ayaa ku hungoobay damacii dheeraa ee ay maalamaha u soo safrayeen.
Waxay hadda awoodi la’yihiin inay xerada ka baxaan maddaama deegaanadoodii ayan weli nabad ahayn aysanna hayn qorshe ay magaalada ugu guuri karaan. Arrintaan ayaa u muuqata mid ka sii dari karta haddii aysan helin caawin degdeg ah.