(ERGO) – Qoyska Maxamed Siciid Daahir 12 qof ka kooban waxay muddo saddex bil ah wajahayaan cunno xumo, markii roob yari is xig-xigtay oo deegaankiisa ka jirtay afartii xilli roobaad ee la soo dhaafay ay nacfi tirtay saddex beer oo nolosha qoyskiisa ay ku tiirsanayd.
Wuxuu ka mid yahay ku dhawaad 150 qoys oo beeraley ah oo ku nool deegaanka Middigale ee gobolka Sanaag oo abaar iyo cudurro ay ka galaafteen wax soo saarkoodii. Waxay hadda ku tiirsan yihiin raashin min 15 kiilo oo Bur, bariis iyo sonkor isugu jira oo 2 bishaan uu deyn uga soo qaatay dukaan deegaanka ku yaalla oo ay macaamiil yihiin.
Maxamed ayaa sheegay in raashinkaas yar ay karsadaan hal waqti si ay u beeqaamiyaan waqti dheer. Wuxuu intaas raaciyay in culayskan uu la kulmay xilli ay beerihiisa horay u waxyeeleeyeen saamayn ka soo gaartay daadad deegaanka ka dhacay labo sano ka hore.
“Saamayn xooggan ayaay ku samaysay qoyska dhicinii cuntadiisa iyo dhinicii waxbarashadiisa iyo dhinicii noloshiisaba. Xagii cuntada iyo ku tiirsaanaantii ay bulshadu ku tiirsanayd dhib aan wada qabno weeye, awoodna waan u weynay in aan wax ka qabano.”
Maxamed ayaa sheegay in sanadkan iyo kii horeba uusan wax roob ah ka da’in deegaanka, taasina ay keentay in ay guraan labo ceel gacmeed oo beeraha uu ku waraabsan jiray. Wuxuu tilmaamay in ceelasha ay ku tiirsanaayeen ay gabi ahaanba qalaleen, markii jiilaalku ku dheeraaday.
Ninkan ayaa tilmaamay in markii ugu danbaysay bishii sagaalaad ee sanadkii hore uu beerihiisa galiyay $3,000. Lacagtaas oo ka qasaartay wuxuu ku abuurtay dalagyo isugu jiray, masago, galeey, digir iyo khudaarta.
Maxamed ayaa sheegay in hadda welwelka ugu badan ee uu qabo uu yahay in uusan garanayn qaab uu ku bixiyo lacag deyn ah oo lagu yeeshay, maaddaama ay joogsatay ishii dhaqaale ee uu faa’iidada ka heli jiray, sidoo kalena uu tabaca beeraha galiyay deymo badan.
“Aniga waxaa la igu leeyahay lacag $6,000 ilaa $7,000 ah. Beerta intaas waxay ku gashay in aan ceel ku qodno, in aan matoor ku soo gadno. Waxyaabahaas ayaan ku galnay.”
Maxamed ayaa sheeegay in uusan lahayn il kale oo dhaqaale uu ka soo galo, taas oo qoyskiisa u horseeday in ay galaan xaalad hubaanti la’aan ah. Wuxuu tilmaamay in shan carruurtiisa ka mid ah oo kala dhiganayay iskuulada hoose, dhexee iyo sare ee degmada Badhan oo bishii isku geyntooda uu ka bixinayay $150 uu hadda awoodi la’yahay.
Labadii bil ee u danbeysay ayuu tilmaamay in uusan bixin qarashkaas, sidoo kalena macalimiintu ay ku wargaliyeen in uu si deg deg ah ku bixiyo haddii kale loo soo eryi doono carruurtiisa. Ninkan aya xusay in sidoo kale lagu leeyahay $180 oo ah kirada labo bil guri 3 qol ah oo uu dagan yahay.
Maxamed oo ka mid ah dadkii ku xoolo beelay abaarihii wadanka saameeyay sanadkii 2017, waxay abaartu ka laysay sideetan ari ah oo uu ku dhaqan jiray miyiga gobolka Sanaag, markaas ayuu go’aansaday in uu dadaal u galo qaabkii uu nolosha qoyskiisa ku maarayn lahaa, taas oo ku dhalisay fikrada ah in beeraley uu noqdo.
Wuxuu iibiyay dhul iyo guri uu wax hanti ah ka lahaa oo deegaanka middigale ugu yaallay, kuwaas oo uu ka bixiyay $8,000. Lacagtaas ayuu ku gaday dhulka uu beeraha ka dhigay sidoo kalena tacab ayuu ku galiyay dhamaadkii sanadkii 2018.
Boqolaal qoys oo ku tiirsanaa wax soosaarka beeraha deegaankan ayaa xiligan wajahaya cunto yari ka dhalatay wax soo saar la’aanta. Qoysaska qaar ayay xaaladan ku qasabtay in ay ka quustaan tabcashada, markii dhowr mar ay deymo galiyeen kuna qasaareen.
Dadkaas waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Maxamed Faarax oo hadda qoyskiisu ay hal waqti dabka ku shitaan raashiin kiilooyin ah oo uu ka helay dad ay ehel yihiin. Wuxuu tilmaamay in beertii uu nolosha qoyska ka maareyn jiray uu ka rajo dhigay, markii uu xal u waayay waraab la’aanta soo wajahday.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in qoyskiisa 10 qof ah ay isku raacday beertii oo ka abaarsatay iyo 30 ari ah oo ay dhaqanayeen oo ka nacfi beelay. Wuxuu xusay in uusan lahayn xirfad kale oo uu ku shaqaysto, taas oo xaalada ku sii adkaysay.
Ninkan ayaa sheegay in isaga oo aan wax aqoon ah u lahayn arimaha beeraha uu ku qasbanaaday in uu beeraley noqdo si uu nolol maalmeedka uga raadiyo.
“Cid tababar beereed noo siisayna ma aysan jirin. Waxay keenta in beerihii cudurka ku jira aan fahmi weyno, daawada aan u baahanahay in aan u weyno, maaddaama aanan tababar beereed helin. Biyihii oo naga fogaaday iyo in aan waynay wax naga caawiya.”
Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay ka qalaleen dalagyo kala ah yaanyo, basal, barbarooni, kabsar caleen iyo batiiq. Beertiisa oo labo hektar iyo bar ah ayuu xusay in sanadkiiba labo jeer uu beeran jiray, halkii marna $500 ilaa 1,000 lacag u dhexaysa uu ka faa’idi jiray.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hadda qoyskiisa uu ku maareeyo shaqo xamaal ah oo magaalada uu ka qabto. Maalinka uu soo shaqeeyo wuxuu helaa lacag u dhexaysa $2 ilaa $3.5, taas oo aan ugu filnayn cunto joogto ah.
Cabdiraxmaan wuxuu la daalaa dhacayaa sidii uu qoyskiisa ugu heli lahaa wax ay cunaan, maaddama uu isagu yahay qofka kali ah ee nolosha reerku ku tiirsan tahay. Ninkan oo muddo 6 sano ah beeraley ahaa ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee xaaladaan oo kale uu la kulmo.
Gudomiye ku xigeenka deegaanka Middigale oo degmada Baran 60 km dhanka bari kaga began Ibraahim Axmed Ducaale ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ka maamul ahaan ay ku baraarugsan yihiin duruufaha haysta beeraleyda iyo khasaaraha soo gaaray.
Gobolka sanaag oo ka mid ah gobolada ay ku yaallaan dhul beereedka ugu baaxada weyn deeganada maamulka Puntland ayuu sheegay in ay lagama maarmaan u tahay in caqabadaha haysta xal loo helo.
Wuxuu tilmaamay in ku dhawaad boqol iyo konton beer oo deegaanka iyo tuulooyinka u dhow ku yaallay ay biyo yaraantu saamaysay. Boqolaal qoys oo beeraley iyo kuwo beeraha ka shaqayn jiray isugu jira ayuu xusay in hadda dhamaantooda ay xaalad adag oo isku mid ah ku sugan yihiin.
“Beeraha deegaankaan ka jiray waxay ahaayeen 140 beerood. Dad ayaa ka shaqayn jiray oo ka faa’iidaysan jiray. Waxay ahaayeen 500 qof oo ay ku jireen dad xoolihii ka dhamaadeen. Waa halkii laga yiri: cidna uma maqna ceelna uma qodna dadkaasi.”
Beeralayda gobolka Sanaag oo horay ula daalaa dhacayay wax soo saar la’aan dhowr sano ah ayaa waxaa xaaladooda sii adkeeyay isbadalada cimilada oo abaarta ku raagtay ay ka mid tahay, taas oo gaarsiisay in ay ka quus dhigaan tacbashada beerha.