Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Qoysas colaad uga barakacay deegaannadooda oo nolol xumo wajahaya

Jibril Osman by Jibril Osman
October 31, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Galgaduud: Qoysas colaad uga barakacay deegaannadooda oo nolol xumo wajahaya

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoys oo dhammaadka bishii Siteembar ka barakacay dagaal qabiil ayaa cunno yari, biyo la’aan iyo hoy xumo ku wajahaya deegaanka Mirjiicley oo ay maciin bideen. Qoysaskan ayaa iskugu jira xoolo dhaqato iyo tuulo joog colaaddu ay ku qasabtay inay ka soo cararaan ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen, hadday tahay xoolo iyo goobo ganacsi.

Waxay ka barakaceen tuulooyinka Jabsiile, Qalaanqale iyo Laandheer oo hoos taga degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud. Badi waa qoysas faro maran oo aan haysan waxay ku maareeyaan nolosha. Deeqo Maxamed Ibraahim waxay ka mid tahay dadka uu dagaalku saameeyay.

Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in hal waqti ay ku shitaan dabka waxay ku caawiyaan dadka ku nool deegaanka Mirjiicley oo ay ku barakacday 22 bishii Siteembar.

“Wax yar oo kiilooyin ah markii nalagu caawiyo waan dhaqaaleysanaa. Marka aan ugu fiicanahay waxaan dabka shidanaa habeenkii oo kaliya, taasina dhib weyn ayay ku tahay carruurta oo aan gaajo u adkeysan karin. Dadka na caawinayay xataa hadda tabar ma hayaan. Ilaahay ayaan leenahay wixii hadda ka dambeeya.”

Deeqo ayaa tilmaantay in waxa keliya ee ay ku tiirsan yihiin ay tahay kaalmada dadka deegaanka oo ay sheegtay inaysan ku filneyn, waqti dheerna sii socon karin. Waxay intaas ku dartay inay ka soo carareen hoygii ay daganaayeen oo ahaa aqal Soomaali, agabkii jiifka, iyo wixii hu’ (dhar) ahaa marka laga reebo inta ay xiran yihiin.

Deeqo oo ah hooyada siddeed carruur ah ayaa xustay in harka geedaha ay qorraxda ka galaan. Waxaa warwar joogta ah ku haya muddada ay ku sii jirayaan xaaladan oo aan cadeyn.

“Waxaan ku dhisano hoy maba qabno, xataa bac ma haysano, mana gadan karno. Waxaan isku xir-xirnay calalo iyo geedo. Qorraxda oo keliya ayuu naga celiyaa, balse nagama celin karo qabowga iyo roobka.”

Haweeneydan ayaa sheegtay inay carruurta la soo gashay safar lug ah oo 12 saacadood ku qaatay, maaddaama aysan haysan dhaqaale ay gaari ku soo raacaan.

Meel kuma oga 10 ari ah oo ay tuulada uga soo carareen. Waxaa il dhaqaale u ahaa xoolahaas iyo ninkeeda oo ka shaqeyn jiray dhagaxa dhismaha oo shaqadiisu aysan badneyn, deegeenka oo dhaqdhaqaaq badan uusan ka jirin darteed.

Waxay sheegtay inay ku argagaxeen dagaalka oo kedis ku noqday, welina uusan ka go’in maskax deeda.

“Xabbadihii badnaa jawiga ayay naga qaldeen oo xataa dhinac aan u cararno ayaan garan waynay. Markii dambe baadiye ayaan u cararnay, anaga waxaaba naga darnaa dad ayaa jira kala lumay oo ilmahooda iyo iyagu kala lumeen.”

Deegaanka Mirjiicley oo dadkiisu xoolo dhaqato yihiin waxaa ku barakacay in ka badan toddobo boqol oo qoys, sida uu sheegay maamulka tuulada.

Dadka deegaanka ayaa ku caawiyay kaalmo kooban oo raashin iyo weelal u badan, balse wax intaas ka baxsan meysan helin, sida ay sheegtay Nasteexo Cali Ciise oo qoyskeeda oo fara maran uu halkan soo gaaray.

Waxay dabka ku shitaan toddobaadyada ay halkan joogaan 36 kiilo oo ah raashin loo uruuriyay oo ka kooban bur, bariis iyo sonkor. Waxay sheegtay in raashinkaas ay badi isticmaaleen, xaaladda u xigi doontana aysan u qiyaasneyn.

“Gurigii aan ka soo barakacnay waxba kama soo qaadan raashin ah, markii horana wax dhigna nooma oolin oo wixii la helo dabka ayaa lagu shidan jiray.”

Nasteexo oo ah hooyada toban carruur ah ayaa tilmaantay in hoy xumo ay u dheer tahay xaaladaas. Waxaa u dhisan buul ka sameysan geedo iyo maryo leysku xiray. Xilliga deyrta ayaa lagu jiraa, roobse kama xajin karo sida ay xustay.

Waxay intaas ku dartay inaysan dareemeyn xasilooni amni, sabab la xiriirta halka ay joogto oo 12 km u jirta meeshii ay ka soo barakacday.

Mirjiicley ayay tilmaantay inay u soo sodeen in ka badan 16 saacadood oo lug ah. Labada deegaan ma kala foga, hasa yeeshee si naftooda halis ay uga ilaaliso ayay ka soo wareegteen masaafo fog.

Afar carruur ah oo dugsi Qur’aan u dhigan jiray ayay xustay inaysan waxbarasho aadin tan iyo markii ay soo barakaceen.

Nasteexo ayaa sheegtay in helitaanka biyaha aysan caqabad ka haysan, marka laga reebo maalin kasta oo ay jiirkaano dusheeda uga soo dhaamiso ceel ay mashquul ka dhigeen qoysaska soo barakacay, waloow ay bilaash uga cabaan.

“Hal maalin naguma filna biyahaas. Xaaladeeno dhinac kasta waa mid liidata ee Ilaahay ha inoo gargaaro. Deegaankeenii haddii nabad noqdo dhaqso ayaan ugu noqon lahaa, ileen meeshan waxaan ku joogo maba haysto.”

Nasteexo ayaa 2021 soo degtay deegaanka Laandheer, markaas oo ay ka soo barakacday miyiga oo ay ku dhaqanayeen tiro iyo bar ari ah oo abaar uga la’day sanadkaas.

Sanooyinka ay degganaayeen tuulada Laandheer waxay noloshoodu ku tiirsaneyd ninkeeda oo ah xoogsade dhagaxa oo uu jabiyo dib uga iibin jiray dadka guryaha dhisanaya, balse hadda ma shaqeeyo.

Dagaalka ay dadkan ku barakaceen ayaa ka bilowday dhul daaq simeed leysku qabsaday, sida uu tilmaamay Mursal Xirsi Cabdi oo ah guddoomiyaha arrimaha bulshada deegaanka Mirjiicleey.

Xilli adag oo jiilaal ah ayuu sheegay inay ku soo beegantay colaadan oo aan weli xal laga gaarin. Maamul ahaan ayuu xusay inaysan hayn waxay uga jawaabaan baahida ugu badan ee ay qabaan dadka soo barakacay oo ah raashii iyo hoy.

“Wax kasta oo qof bani’aadam ah u baahan yahay sida hoy, cunto, caafimaad, waxbarasho intaasba mid ka mid ah aan haysan. Waa xaalad adag oo aan ku tilmaami karo inay gaar siisan tahay boqolkiiba boqol.”

Mursal ayaa sheegay in dhulku ballaaran yahay oo ay dadku wadaagi karaan, balse qabyaaladdu ay tahay waxa isku diraya dadka markasta.

Hubka qabiilada gacanta ugu jira ayuu tilmaamay in xasilooni darrada uu qeyb ka qaato, maamulka deegaankana ay ku adag tahay inuu awood ku wajaho ama uu xakameeyo.

“Markasta dadku waxay ku diriraan waa dhulka sida baraagaha, ceelasha iyo daaqa. Dad badan naftooda iyo maalkooda ku waayay in la xakameeyo way adagtahay oo qabiilada ayaaba ka awood badan nidaamka.”

Xal waara looma helin dagaalada qabiilka oo ah kuwo soo noq-noqday oo muddo dheer taagan, taasi waxay ka dhigantahay in dhimashada iyo barakaca ka dhasha ay dhibbane u noqdaan dad badan.

Previous Post

Sanaag: Cururro iyo biyo yari isbiirsaday oo dalag la’aan dhigay qoysas beeraley ah

Next Post

Hiiraan: Beeraley dalag la’aan iyo go’doon wajahaya markii fatahaad ay saameysay

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 8, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
Next Post
Hiiraan: Beeraley dalag la’aan iyo go’doon wajahaya markii fatahaad ay saameysay

Hiiraan: Beeraley dalag la’aan iyo go’doon wajahaya markii fatahaad ay saameysay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-DEC-2025

IDAACADDA 10-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 10-DEC-2025
December 10, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-DEC-2025
December 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-DEC-2025
December 6, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo