(ERGO) – In ka badan 400 oo qoys oo danyar iyo beeralay isugu jira ayaa muddo bil ah xaalad nolol xumo ah ku wajahaya deegaanka Iji ee hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Waxaa fatahaada wabiga shabeelle kaga baaba’ay beerihii ay ku tiirsanayeen iyo guryihii ay deganaayeen.
Qoyska Ruqiya Cali Cismaan oo 10 qof ka kooban waxay hadda awoodi la’yihiin in ay joogto u helaan cunto ku filan. Labo toddodobad ka hor ayuu ka dhamaaday raashin isugu jiray min 20 kiilo oo digir, bur iyo sonkor ahaa oo bilowgii bishii hore ay deyn uga soo qaadatay dukaan deegaanka ku yaalla oo macaamiil ay ka ahayd.
Waxay ku tiirsan yihiin gargaar aan joogto ahayn oo ay ku caawiyaan dad ay qaraabo yihiin oo ku nool magaalada muqdisho iyo qoysas ay daris yihiin. Waxa ay ka hesho ayay sheegtay in ay karsadaan hal waqti oo habeenkii ah.
“Carruurtii xitaa wax aan caano ugu soo gadano ma leh. Wareer iyo dhibaato ayaa la isaga jiraa. Wixii la cuni lahaa oo lagu noolaan lahaa ayaan gacan noogu jirin. Wax la cuno ayaaba reerka ka maqan.”
Ruqiya oo kaligeed korsanaysa carruurta ayaa sheegtay in haddii ay ka soo xamaalan lahayd magaalooyinka Ceel-baraf iyo Jalalaqsi aysan jirin wado loo maro oo dhan kasta magaalada ay biyihi ka fadhiyaan, sidoo kalena ay wada jareen wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa.
Haweenaydaan ayaa intaasi ku dartay in geedo ay sariir ahaan u dhistay habeenkii iyo maalinkiiba ay carruurteeda ku dul hayso, maaddama dhulka ay biyuhu buux dhaafiyeen.
Qoyskeeda ayay sheegtay in noloshoodu ay ku tiirsnayd beer afar hektar ah oo deegaanka Iji ay ku lahaayeen. Waxay ku tacban jireen dalagyo iskugu jiray khudaar iyo raashin oo ay ka heli jireen dhaqaale ku filan noloshooda.
“Beertaan markii hore beer ay biyo galeen ayay ahayd. Markii ay digirtu laanta soo saartayna buqdii ayaa ku soo baxday. Haddii wax iiga badbaadi lahaayeen nimco ayaanba joogi lahayn. Waxba kama badbaadin.”
Ruqiya ayaa sheegtay in hadda ay ka welwelsan tahay qaabkii ay ku bixin lahayd lacag $1,300 oo ay galisay abuurka beerta oo hadda wada qasaaray. Waxay xustay in dadkii ay abuurka iyo shidaalka ka soo qaadatay ay maalin-kasta soo wacayaan iyagoo waydiinaya in ay bixiso lacagta lagu leeyahay.
Ruqiya iyo qoyskeeda oo ah beeraley deegaankan waligood ku noolaa ayaa dhibaatadan la kulmay iyagoo wali aan ka soo kabsan burbur hantiyeed oo bishii saddexaad ee sanadkaan ka soo gaary colaad qabiil oo deegaanka ka dhacday iyo fatahad ku xigtay oo saamaysay dhamaadkii bishii shanaad.
Waxaa colaada looga gubay guri saddex qol ah oo ay ku noolaayeen, taas oo ku qasabtay in ay u barakacaan deegaanka Wadajir oo hoos taga degmada Jalalaqsi si ay ammaan uga helaan. Saddex bil oo ay barakac ku jireen kadib, ayay soo laabateen bishii toddobaad ee sanadkan.
Waxay markaas isku howshay inay beerta tacbato si ay uga raadsato masruufka reerka, dibna ay ugu dhisato guryihii laga gubay. Rajadaas ayay ku hungoowday, markii xilli habeen ah uu webigu kaga fatahay saddex jiho ayna awoodi waysay in ay wax ka qabato.
Dhaqaale la’aanta waxay xustay in ay u raacday niyad jab ay ka qaaday dhacdooyinkaan is xigxigay ee saameeyay, kuwaas oo meesha ka saray damicii ay ka qabtay in ay mar kale dib u howl-geliso beerteeda oo ahayd halka meel ee qoyskeeda uu ku tiirsanaa.
Dadka kale ee arintaan ay saamaynta ku yeelatay waxaa ka mid ah Cismaan Aadan Ibraahim oo ah Aabbaha sideed carruur ah. Ninka ayaa sheegay in habeen kasta uu carruurtiisa u geeyo qoysas ay ehel yihiin si ay ula seexdaan, markii guri labo qol ah oo deganaayeen ay biyuhu gudaha u galeen shantii bishan.
Wuxuu sheegay in ay ku sugan yihiin nolol middii ugu adkayd ee waligiis soo marta, taas oo uusan garanayn qaabkii uu ugu saari lahaa qoyskiisa. Go’doonka deegaanka ka jira iyo shaqo la’aanta ayaa sabababay in ay galaan xaalad hubaanti la’aana ah.
“Meeshaan dhibaato ayaa k jirta. Waxaan xitaa go’aansaday in aan ka guuro oo shaqo raadsdo oo ilmaha aan ka rarto, haddana waa ii suuragali waysay. Marka saamayn weyn ayay igu yeelatay biyahaan iyo fatahaadahaan.”
Wuxuu tilmaamay in aysan jirin wax baabuur ah oo magaalada ka baxaya ama galaya midkoodna, taas oo keentay in uu raaco doomo macmal ah oo fuustooyin laga sameeyay oo saacado badan biyaha kula sii dhex jira.
Ninkan ayaa xusay in labo ama saddex beri ay ku qaadato in uu qoyskiisa dib ugu soo laabto gaadiid la’aanta darteed. Cismaan ayaa sheegay in deegaanka ay joogaan oo dhul godan ah ay sababtay in fatahadaadu ay si isku mid ah u saamaysay beerihii iyo guryihii la deganaa.
Dadka ayuu sheegay in ay hadda ka baxeen guryaha oo ay iskugu tageen meel taag ah oo aan wada qaadin. Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale ay dhibaato ku qabaan bahalo dadka cunaya oo biyah la socda. Masas iyo yaxaas ayuu xusay in ay ugu soo galayaan meelaha ay joogaan, kuwaas oo khatar amni ay kala kulmayaan.
Cismaan ayaa sheegay in ay ka qasaartay sisin ku dhawayd xiliga soo goosashada oo uu filayay in uu ka faa’iidi doono lacag u dhexaysa $1,800 ilaa $2,000. Wuxuu sheegay in 23 maalin ka hor ay biyuhu galeen beertiisa haddana aysan jirin wax rajo ah oo uu ka qabo in ay dhawaan ka baxaan.
“Aniga 145 abbaal oo sisin ah ayaan beertyada ku tacbaday intaas fatahaada ayaa iga baabi’isay. Hal loor wax aan dhamayn biyaha dhexdooda laga soo saaray. Guryahayga sidaas oo kale biyaha waa ku jiraan.”
Cisman ayaa sheegay in lagu leeyahy $850 oo $650 ka mid ah uu 3 bil ee la soo dhaafay reerka raashin uga soo qaaday bakhaaro uu macaamiil ka ahaa iyo $180 uu markii ugu danbaysay beerta galiyay. Wuxuu tilmaamay in ay hadda tahay markii labaad ee fatahaadu ay beertiisa waxyeelaysay sanadkaan gudihiisa.
Dadka ku nool deegaanka Iji oo 60 km dhanka koonfureed kaga beegan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa ka siman saamaynta fatahaadu gaarsiiyay, waxaana uga horaysay colaad qabiil oo deegaanka dhacday bilowgii sanadkan, taas oo lagu gubay inta badan guryaha magaalada, sidoo kalena ay ku barakaceen in ka badan 700 oo qoys oo ku noolaa sida uu sheegay maamulka deegaanka.
Gudoomiyaha deegaanka Iji Ciise Cumar Yuunis ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in 3 kanaal oo kala duwan ay saddex jiho uga soo fataheen deegaanka, taas oo keentay in ay go’doon noqdaan dhamaan wadooyinka. Wuxuu tilmaamay in dadkan ay haysato xaalad adag oo nololshooda halis galin karta.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in fatahaadaan iyo kuwo ka horeeyayba ay saamayn balaadhan oo dhanka nolosha iyo dhaqalaha ah gaarsiiyeen dadka deegaankaa. Wuxuu sheegay in cuntada iyo huga ay ugu daran yihiin.
“Dadkaas waxa ugu daran waxa ay cunaan iyo wax ay guntadan. Wax raashin la yiraahdo oo maanta dabka la saarayo ma jiro. Bahal la yiraahdo jowley oo biyaha laga soo saaray bahashaas ayaa laga soo faagtaa meesha biyaha ma ahanae wax kale oo dab la saarto ma jiran.”
Fatahaada ay sanad kasta sameeyan wabiyada Soomaaliya ee Shabeelle iyo Juba ayaa sababta dhaqaale burbur soo gaara beeraleyd ku nool gobolada ay maraan, taas ayaa keentay in ay dhaqaale ahaan dadkaasi u soo kaban waayaan sanooyin badan.