(ERGO) – Qoyska Aweys Maye Maxamed oo afar qof ka kooban waxaa ku adag in ay helaan cunno hal waqti ah ilaa dhamaadkii bishii Luulyo ee sanadkaan. Waxaa ka joogsatay shaqo farsamada biraha ahayd oo uu kaga shaqaysan jiray magalada Muqdisho.
Wuxuu ka mid yahay boqolaal farsamo-yaqaano ah oo shaqo la’aan noqday, markii uu kordhay macdanka laga dhoofinayo Muqdisho ee loo iib gaynayo dalka dibadiisa. Aways ayaa sheegay in shaqada uu waayay ay qoyskiisa ka saamaaysay dhankasta oo nolosha ah, taas oo u horseeday in ay xaaladaan galaan.
Waxay hadda ku tiirsan yihiin $30 oo aan joogto ahayn oo mar mar uu ka helo walalkiis oo isaguba aan dhaqaale fiican ku dhaamin.
“Biraha waxaan ka samayn jirnay agabyada la istcmaalo sida birta doolshada, tan muufada waxyaabo badan ayaan ka samayn jirnay. Nolol maalmeedkeena ayaan ku kala deberan jirnay.”
Aways ayaa sheegay in uu subaxdii gurigiisa ka baxo si uu shaqo u soo radiyo, balse uu dib ugu soo laabto isagoo daalan oo wax shaqo ah aan soo helin. Ninkan ayaa xusay in xitaa baqaaradii uu macaamilka ka ahaa, markii uu shaqaynayay ay hadda u diideen deyn in ay siiyaan, taas oo niyad jab hor leh ku noqotay, marka uu arko qoyskiisa oo dabku ka damsan yahay.
Wuxuu tilmaamay in dadka uu mararka qaar wax waydiisto ay ku dhibsadeen isagana ay dantu ku qasbayso oo marna uusan jeclaysteen baryo binu aadam, taas oo ay u sii dheer tahay walbahaarka uu ka qabo marxalada ay joogaan.
Ninkaan ayaa sheegay in ka hor shaqo la’aanta ay xaalad wanaagsan ku sugnayeen. Maalinkii ayuu tilmaamay in ay si joogto ah saddex mar dabka u shidan jireen. Wuxuu sharaxayaa sababta shaqo la’aanta u keentay iyo dhaqaale maalinle ah oo farsamada uu ka heli jiray, kaas oo maaraynta qoyska igu filnaan.
“Markii hore shaqadeenu waa noo fiicnayd oo waa noo toosnayd. Waxaan ka mid ahay kuwa shqada biraha la dhoofinayo ay caqabadda ku keentay oo shaqo la’anta hadda aan la fadhino. Horay maalinkii waxan ka heli jirnay $10 ilaa $15.”
Wuxuu tilmaamay in uusan jirin wax urur ah oo ay ku midaysan yihiin dadka ay isku xirfada yihiin, taas oo keentay inaysan cod yeelan.
Dadka wali ku sii fara adaygaya shaqooyinkii farsamada biraha ee sanooyinka badan ay noloshooda ku maaraynayeen, balse hadda inta badan albaabada la isugu dhuftay waxaa ka mid ah Aweys Cabdullaahi Shiikhaaloow oo muddo 15 sanno ah howshan ku soo jiray.
Ninkan oo ah qofka kali ah ee u shaqeeya qoyskiisa 14 qof ka kooban ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in saddexdii bil ee la soo dhafay uusan shaqada ka helin dhaqaale qoyska u goyn kara nolol maalmeedkooda.
Wuxuu xusay in xaalada hadda taagan ka hor uu ahaa qof maalinkii ku xisaabtama lacag u dhexaysa $25 ilaa $30, dhaqaalahaas wuxuu waayay, markii ay magaalada Muqdisho ku soo bateen shirkado dibada u dhoofiyo biraha iyo macdanka laga sameeyay qaar ka mid ah maacuunka cuntada lagu karsado.
“Hadda maalin waa la shaqeeyaa, maalina lama shaqeeyo, bishii waxaa laga yaaba 20 bari in aanan shaqayn, waayo suuqa haddaad aado macdan ma helaysid waana qaali. Birtii anaga raqiis ayaan ku bixinaynaa oo wixii isma keenayso. Awal nimanka macdanka ayaan 2 kun kiilo ama 3 kun kiilo kaga soo qaadan jirnay dadka lacagtooda waa u cadayn jiray waa siin jiray, hadda dadkii shalay ii baahnaa maba ii baahna. Dhaqaalihii hore ee na soo galayay iyo dhaqaalaha hadda isma lahan.”
Awaysa ayaa tilmaamay in culayska dhaqaale ee haysta uu u horseeday in waxbarashada uu ka joojiyo 5 carruurtiisa ka mid ah, markii uu bixin waayay qarashka dugsiga oo min $5 ahaa bishii. Ninkan ayaa sheegay in lagu wargaliyay inaysan sii dhigan karin haddii uusan bixin $75 oo saddex bil lagu yeeshay.
Dhaqaale xumida waxaa u dheer in dadka goobtiis ganacsi dariska la ah uu dhibaato ku qabo oo marar badan ay dacweeyeen sida uu Raadiyow Ergo u sheegay.
“Xaafadii waa la iga soo raray duurkaan ayaan u soo guuray oo badda ah nin ayaa iska leh dhulkaan. Bishii $40 ayaan dhiibaa. Hadda ninkii waa dhintay ilmihiisa ayaa iska leh xiligii ka bax la i dhaho ayaan sugayaa, wixii ilaahay keenana khayr waaye, markii hore shan bil ayaan guri raadinayay.”
Aways ayaaa sheegay in uu garan la’yaahy qaabkii uu ku bixin lahaa lacag garaysa $3,000 oo isagu jirta qayb uu biro ku soo daynsaday iyo wax carruurta uu raashin ugu qaatay dhowr mar intii ay shaqadiisa hoos u dhacday. Dadkii ku lahaa ayuu tilmaamay in uu kala kulmo waydiin joogto ah.
Ninkan ayaa xusay in 7 qof oo goobtiisa kala shaqayn jiray ay isaga tageen bilihii la soo dhaafay, markii ay ka waayeen wax dhaqaale ah. Isaga iyo 4 kale oo hadda ku soo hartay ayuu sheegay in ay maalmo badan ka hoydaan iyagoo faro maran. Dadkan ayuu sheegay in badankooda uu isagu wax soo baray oo muddo dheer ay la soo shaqaynayeen.
Aways ayaa sheegay in farsamada biro tumida uu ka soo bartay magaalada Marka oo yaraantiisa uu ku noolaan, kadibna uu Muqdisho u soo wareegay 15 sano ka hor, maaddaama ay ka dhaqdhaqaag fiican taahy.
Ciise Cabdulaahi Nuur oo 8 sano oo noloshiisa ka mid ah ku tiirsanaa shaqada biraha laga sameeyo weelasha ayaa sheegay in ilaa bishii July ee sanadkaan uu awoodi wayay in cunto joogto ah u helo qoyskiisa oo shan qof ah. Waxaa u raacday in uusan saddex bil bixin kirada labo qol oo jiingad ah oo uu ka degan yahay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Mulkiilaha guriga ayuu sheegay in uu hadda ku leeyahay $120 oo kiro ah. Wuxuu xusay in dhowr mar loo sheegay haddii uusan bixin lacagta in guriga laga saarayo. Wuxuu la murugaysan yahay haddii banaanka loo soo saaro carruurtiisa oo kan ugu weyn uu afar sano jiro meesha uu gabaad uga raadin doono.
Ninkan ayaa sheegay in marka dhowr maalin uu shaqo soo wayo reerkuna ay sugayaan uu ku qasbanaado in waalidkiis oo danyar ah uu waydiisto wax ay hal mar dabka saartaan. Ciise ayaa xusay in marar badan waxa yar ee uu qaraabashada ku helo ay ka gasho biraha.
“Macadankii waa qaaliyoobay wuxuu noqday $1.8. Horay waxaan ku soo qaadan jirnay 15 kun ama 13 kun. Birta Canjeelada $5 ayaa la gadi jiray. Saan haddii ay ku sii socoto waxay noqonaysaa in nin walba uu gurigiisa iska fariisto.”
Ciise ayaa sheegay in markii hore uu maalinle u qaadan jiray lacag u dhexaysa $5-8, halka uu hadda toddobaadka dhan marna waayo marna uu helin $5. Wuxuu sheegay in marar badan uu isku dayay raadinta shaqo xoogsi ah, maaddaama uusan xirfad kale lahayn. Muqdisho oo dadka shaqo la’aanta ah ay ku badan yihiin ayuu xusay in ay sababtay in uusan wali helin wax shaqo ah.
Sanooyinkii ugu danbeeyy waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ku soo batay ganacsato wadanka dibadiisa u dhoofinaya biraha iyo macdanka oo ka mid ah waxyaabaha boqollaal qoysas danyar ah ay noloshoodu ku tiirsanayd muddo dheer.
Talaabadaas waxay xaalad hubaanti la’aan ah u horseeday dad badan oo markii hor nolol maalmeed joogtya ah ka heli jiray, kuwaas oo hadda ku sugan marxalad ah cidna kuuma maqna ceelna kuuma qodna.