Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Soomaaliland: Qoysas beeraley ah oo dalagyadii ay ka qasaariyeen cudur iyo cayayaan galay

Jibril Osman by Jibril Osman
October 21, 2024
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Mohamud Xabiib oo sahan ku wada beertiisa baradhada soo saartay, taas oo cayayaan uu galay/Abdiaziz Aidid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamuud Abiib Maxamuud, waxaa welwel ku haya sidii uu cunno ugu heli lahaa carruurtiisa oo shan ah iyo xaaskiisa. Waxaa dhimatay rajo uu ka lahaa beer labo hektar ah oo uu filanayay inuu goosto bartamaha bishan. 

Qoyska Maxamuud wuxuu ka mid yahay in ka badan konton qoys oo ah beeralayda deegaanada Ceel-baxay, Xalimaale iyo Cabase ee degmadda Boon ee gobolka Salal ee Somaliland, kuwaas oo quus taagan markii dallagyadii u beernaa ay baabi’iyeen cudurro iyo cayayaan ay u tamar waayeen.

Ninkan ayaa tilmaamay in noloshooda ay ku tiirsanayd wax soo saarka beertiisa oo ay u uga beernaayeen basal, xabuub iyo cambe babay, balse hadda waxa ay wajahayaan hubanti la’aan cunno. Waxaa ku adag in ay hal ama laba waqti cunno helaan.

Maxamuud waxaa murugada masruufka waxaa u dheer culeys ka haysta dayn lagaga yeeshay dukaan uu raashin qaaday qoyska labadii bilood ee tagtay, dawooyin uu beerta u isticmaalay iyo shiidaal uu u adeegsaday mishiinada beerta falada iyo matoorrada waraabiya.

“Dadka badankooda niyo-jab ayay taagan yihiin. Xanuunnadan aad ayay dadka u kadeedeen. Imika xaaladda aad ayay isaga cakiran tahay bilahan danbe oo dhan. Biilka oo keliya waxaa la igu leeyahay kun iyo saddex boqol oo doolar. Alle ayaan talo saarannay.”

Maxamuud ayaa sheegtay in culeyska quud u helidda qoyskiisa uu u weheliyo inuu gacanta ku hayo labadiisa waalid, kuwaas oo uga baahan daryeel caafimaad iyo cunnooyinka gaar ah. Sidoo kale waxaa biil ka sugaya carruurta walaalkii oo lix ah.

Ninkan ayaa sheegay inay isku biir-sadeen xaalado adag oo dhan nolosha ah, kuwaas oo ay ugu horreyso dhaqaale la’aan. Dadka deegaanka ayuu xusay in aysan waxba dhaamin maaddaama ay la qabaan khasaaraha ka gaadhay dalagyada beeraha.  

Maxamuud ayaa tilmaamay inuu raadinayay dad aqoon u leh cayayaanka iyo cudurrada saameeya beeraha. Wuxuu xusay in loo sheegay dawooyin dhawr ah oo uu adeegsaday balse aanay waxba ka tarin cayayaanka, beertiisa ayuu sheegay in dhibaatadani ay saamaysay inteeda badan.

Cudurada iyo cayayaanada uu ka cabanayo ayuu ku sheegay Girise iyo Daba-madoobeeye dilaya xabuubta, halka basasha iyo khudaarta kala uu caddeeyey in ay ku dhacayaan cudur uu ku sheegay qalajiye kaas oo engejinaya dhammaanba geedka.

“Wuxuu gaadhay heer aan lala tacaali karin deegaankii ayuu la qabsaday. Dhirtii iyo dawooyinkii annaga aan isticmaalaynay ayuu la qabsaday ayaanu maskax ahaan aanu is nidhi markii aan isku geygeynay.”

Maxamuud ayaa sheegay in shan neef oo uu horay uga iibsaday dhaqaalihii ka soo galay beertiisa sannadkii hore uu laba ka mid ah dib u iibiyey, markii uu ka fursan waayay si uu ugu deyn baxo, laba neef ee uu saylada geeyey ayaa isku darkooda laga siistay $180. Lacagtaas ayuu sheegay inay hadda ka go’day.

Dalagyadda ninkan ka khasaaray waxa uu beeray bishii lixaad ee sanadkan. Wuxuu sheegay inaysan lahayn il dhaqaale oo ay ka maarayn karaan noloshooda maaddaama tacabkii uu ka ba’ay.

“Dee dad beerahaas ku nool oo waxa aan iska ahayn aan xoolo dhaqato ahayn oo beero falato ah. Markaan beerta faa’iido ka helno ayaan iibsan jirtay shan neef ama toban neef. Hadda markii wax soo saarkii yaraaday, waxba waan iibsan kari waynay.”

Maxamuud ayaa sheegay in ay u joogaan saddex ka mid ah carruurtiiisa, kuwaas markii uu awoodi waayay inuu bishii ka bixiyo 15 doolar laga soo eryay dugsi ay dhigan jireen 10 bishii sitembar. Ninkan ayaa tilmaamay in ay saddex culeys haystaan. Cunno yarida qoyskiisa tacliin la’aanta carruurtiisa la soo deristay iyo daymihii ay biisheen bilihii la soo dhaafay oo loo haysto.

Qoysaska ku khasaaray wax soo-saarkii ay ku tashanayeen waxa ka mid ah qoyska, Ayaan Salaymaan Cabdi oo hadda la-daalaa-dhacaysa helidda nolol maalmeedka. Haweeneydan ayaa sheegtay in aanay waxba uga badbaadin dallagyo isugu jiray basal iyo xabuub, kuwaas oo uga baxayay beer hal hektar ah oo ay ku lahayd deegaanka Xalimaale.

Ayaan oo weli ka samri la’ tacabkii ay kharashka galisay ayaa sheegtay in qoyskeedu ay yihiin danyar aan lahayn il dhaqaale oo kale. Hadda waxa ay taagan yihiin xaalad quus ah. Labadii bilood ee la soo dhaafay waxa ay ku noolaayeen kayd balse hadda waxa ay xustay inay faro-maran yihiin.

Hab nololeedka qoyskeeda ayaa si weyn isku beddeshay. Ayaan ayaa sheegtay in ka soo kabashada dhibka gaaray uusan ahayn mid fudud. Waxay sawiraysaa culeyska ay dareemayaan xilligan ka qoys ahaan.

“Wixii sidii aan dawo iyo shidaal ugu soo gadaynay ula xarbinaynay. Hadda wixii ka horreeyay wixii yaraa ee aan haysanay ayaan isticmaalaynay. Haddase laakiin wixii Alle qoray ayaa qoran.”

Beeralayda deegaanka ayaa sheegay inay dedaal ku bixiyeen badbaadin dallagyada balse kuma aanay guulaysan isku daygoodii. Sumo kala duwan oo ay adeegsadeen ayay sheegeen inaysan wax natiijo ah ka helin.

Cabdinaasir Abiib Maxamuud oo ah Maamulaha Wasaaradda Beeraha ee Somaliland ee degmada Boon ayaa sheegay in ay soo gaadhay cabashada beeralayda deegaannada ku xeeran Boon, kuwaas oo uu xusay in ay isku biirsadeen caqabado dhawr ah oo ka saameeyey dhinaca beeraha.

“Jid la’aan way jirtaa. Aqoon darri way jirtaa oo dadka aanay kala garanaynin. Iyadoo beerta cudur ama bakteeriya kaga dhacay ayay cayayaan dile isticmaalayaan.”

Cabdinaasir ayaa sheegay inay dhibaatadan saamaysay beero gaaraya konton beerood oo ku yaalla deegaanada Ceel-baxay, Xalimaale iyo Cabase. Wuxuu sheegay inay deegaannada qaar ay adag tahay in la gaaro sababo la xiriira jid xumo, taas oo kalifta in beeralayda qaarkood marka ay la soo wacaan ay ka codsadaan inay u soo sawiraan cayayaannada ay ku arkaan dallagyada. Markaas oo ay siiyaan talooyinka ay u arkaan in ay xal u yihiin dhibka haysta.

Cabdinaasir ayaa tilmaamay in qaladaadka ay sameeyaan beeralaydu ay kaalin ka qaataan in maaro loo waayo xakamaynta cudurka iyo cayayaannada oo xilli roobaadkan uu sheegay in ay aad u faafayaan.

“Beertii oo aan haramihii laga gurayn baad arkaysaa, lana buufinayo. Markaas dawadii waa khasaaro, saraciina waa khasaaro. Goosashada dallagyada xilliga ay goosadanayaan in ay kala saaraan. Tan xanuunsanaya in aanay ku dhex dhoofin. Imika tamaandhadii(Yaanyo) oo jirkaankii ay ku dhex cabbanayaan baad arkaysaa.”

Cabdinaasir ayaa aaminsan in xalka ugu fudud ee beeralayda ay samayn karaan ay tahay in ay ku dedaalaan sidii ay u kala ilaalin lahaayeen dallagyada kuwa xannuunka qaba iyo kuwa kale si aanay isu saamayn.

Qoysaska ay dallagyada ka khasaareen ayaa ku han weynaa inay ka soo kabtaan abaaro saameeyay sanadihii la soo dhaafay balse hadda waxay ku hungoobeen filashadii ay ka lahaayeen inay faa’iido ka helaan beeraha.

Previous Post

Baydhabo: Qoysas ku hungoobay dalagga beerahooda oo maciin biday xeryo barakac

Next Post

Muqdisho: Qiimo koror ku yimid birta macdanka ah oo shaqo xumo bidday farsamo yaqaanno

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
blank

Muqdisho: Qiimo koror ku yimid birta macdanka ah oo shaqo xumo bidday farsamo yaqaanno

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo