Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Qoysas ku hungoobay dalagga beerahooda oo maciin biday xeryo barakac

Jibril Osman by Jibril Osman
October 18, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Jinay Isxaaq Xasan oo ah hooyo kaligeed korinaysa 11 carruur ah oo agoon ah waxay dhib kala kulantaa helitaanka wax ay hal mar cunaan iyo hoy ay gabbaadsadaan. Qoyskaan ayaa deggan meel banaan oo duleedka ka ah magaalada Baydhabo oo ay soo gaareen 10 bishii June.

Waxay ka mid yihiin boqol iyo labaatan qoys oo ka soo barakacay deegaanka Mintaanyo oo 20 km dhanka koonfureed ka xiga Baydhabo. Waxaa ka qasaaray dalag iskugu jiray khudaar iyo raashin oo ay abuurteen bishii Maarso ee sanadkan, markii uu u bixi waayay roobka gu’ga oo deegaanka ku yaraa dartiis.

Jinay oo 57 jir ah si ay u deberto nolosha carruurteeda waxay subax kasta shaqo ka raadisaa beero ku yaalla duleedka magaalada oo ay ka dalbato in ay u gurto dallagga. Shaqadaas oo ku qaadata maalin dhan waxaa ka soo gasha 40 kun oo shilin Soomaali ah maalinka ugu badan. 

Lacagtaas ayay sheegtay in qoyskeeda oo badan aysan hal mar ugu filnayn wax ay cunaan.

“Nolol mahaysano waxa aan dadka soo waydiisto ayaan carruurta hungurigooda ku deberaa. Rafaad ayaan ku nool nahay. Biyo mahayno baad mahayno, beertana waa naga abaarsatay.”

Jinay ayaa carruurteeda la soo gashay safar lug ah oo ku qaatay labo maalin, markay qalaleen wixii u saarnaa beer lix hektar ah oo ay filayeen in ay goosan doonaan dhamaadkii bishii June ee na dhaaftay. 

Haweenaydan ayaa xustay in ay beeratay dalagyo kala ahaa qare, sisin, yaanyo, masaggo, geley iyo digir, kuwaas oo ay filaysay in ay ka faa’iidi doonto lacag dhan $350 ilaa $500, balse meesha ka baxay, markii uu qalalay isaga oo aan gaarin xilligii la goosan lahaa.

Jinay ayaa sheegtay in sanadkan uu yahay markii ugu horraysay ee ay deegaankooda ka barakacaan muddo 30 sano ah. Waxay Tilmaamtay in ka guuritaanka deegaankooda uu sidoo kale samayn ku yeeshay waxbarashada qaar carruurteeda ah.

“Markii baadiyaha aan joognay carruurteyda dugsi ayay iigu jireen. Hadda dugsigii waan weyney. Carruurta wax barasho la’aan ayay iga yihiin. Lix ayaa wax iibaraneysay baadiyaha.’’

Qoysaskan oo horay ay u saameeyeen abaarihii dalka soo maray ayaa hadda ku qasbanaaday inay soo barakacaan markii ay u raacday qasaaraha ka soo gaaray dalaggii ay sanadkan filayeen in ay ku baxsadaan.

Cabdiqadar Maxamed Cali qoyskiisa oo shan qof ah oo barakac aan qorshe lahayn ku yimid duleedka Baydhabo wuxuu sheegay in aysan waxba iska beddelin duruuftii ku kaliftay in uu soo guuro. Waxay maalinkii hal mar cunaan raashin bisil oo ay ku caawiyaan dad daris la ah oo iyagu dhaama.

Ninkan ayaa sheegay in uu ku hungoobay rajadiisii ahayd in uu meeshan ka heli doono nolol dhaanta tii uu ka soo tagay. Wuxuu xusay in halkan markuu yimid ay isku raacday isaga oo aan magaalada kala aqoon iyo faro marnaanta haysay, waxaana ku adkaatay helitaanka wax kasta oo nolosha looga baahan yahay oo cuntadu ugu horrayso.

“Nolol xanuun ah waaye wax lagu qiyaaso ma leh. Maanta haddii aan helno  berri ma helayno. Haddii aan berri helnana maalinka ka danbeeya ma helayno. Saas ayaa lagu nool yahay.”

Cabdiqadar ayaa sheegay inay meesha ka baxeen dalag u badnaa khudaar oo u saarnaa beer afar hektar ah oo uu ku lahaa deegaanka Mintaanyo, markii waraab yari ay saamaysay.

Ninkan ayaa tilmaamay in markii uu yimid duleedka magaalada uu isku dayay sidii uu ku maarayn lahaa nolosha qoyskiisa. Wuxuu  marar badan ku dedaalay inuu shaqo ka helo Baydhabo oo 4 km u jirta, balse kuma guuleysan. Wuxuu u sababayeey inuusan lahayn xirfad ka caawisa fursadaha suuqa ka bannaan.

Ninkan ayaa ku sheegay sababta keentay in uu qasaro dalaggiisa inay tahay roobkii gu’ga oo ka yaraa intii la filayay iyo cimilada oo sanadkan oo kululayd. Wuxuu intaas ku daray in beertu aysan lahayn waraab u beddela biyaha roobka, taas oo keentay inuu muddo kooban uu isbeddel ku arko dallagyadii u abuurnaa.

“Beerihii oo qoraxdu ay qabatey, biyihiina ku yaraadeen, waaba ka sii dareen sidaan isku lahayn berri ayay fiicnaan doonaa. Kowdii beeraha waxaan ka filanaynay dalag fiican inuu ka baxo oo qofkasta noloshiisa ku maarayn karo, laakiin hadda hal wax oo ka muuqdo maleh iyaga dhan waa isla halaabeen.”

Wuxuu tilmaamay in ay cabaan biyo aan nadiif ahayn oo ay ka soo dhaansadaan ceel 2 km u jira. Waxaa laga siiyaa halkii jirgaan 2 kun oo shilin Soomaali ah. Lacagtaas oo aysan awoodin ayuu xusay inay markii dhowr maalin lagu yeesho loo diido biyaha oo ay maalinkaas  oon ku joogaan.

Mustaf Maxamed Xasan oo ah guddoomiye ku xigeenka gudi ay samaysteen dadka soo barakacay ayaa sheegay in maalin walba ay soo gaaraan dad cusub. Wuxuu xusay in dadku ay imanayaan iyaga oo xaaladdooda ay aad u liidato, maaddama ay saad la’aan uga soo baxeen deegaanadoodii.

Wuxuu intaas ku daray in dadkan dhamaantood ay ku jiraan xaalad isku mid ah isagoo ka dayriyay sida uu noqon karo xaalkooda haddii aysan helin cid caawisa.

Sanad walba waxaa deegaannada Koonfur-galbeed ka barakaca kumannaan qoys oo iskugu jira beeralay iyo xoolo-dhaqato oo ay saameeyaan abaaraha iyo colaadaha soo laalaabta, taas oo u horseeda inay biiraan xeryaha barakaca. Xaaladdaan waxay dhaxal-siisaa inaysan helin nolol wanaagsan iyo dhaqaale u suuragaliya inay dib ugu laabtaan deegaannadii ay ka soo barakaceen.

Previous Post

Gaalkacyo: Haween danyar ah oo helay shaqo ku habboon taas oo waxtartay qoysaskooda

Next Post

Soomaaliland: Qoysas beeraley ah oo dalagyadii ay ka qasaariyeen cudur iyo cayayaan galay

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
blank

Soomaaliland: Qoysas beeraley ah oo dalagyadii ay ka qasaariyeen cudur iyo cayayaan galay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo