Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gaalkacyo: Haween danyar ah oo helay shaqo ku habboon taas oo waxtartay qoysaskooda

Jibril Osman by Jibril Osman
October 17, 2024
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Deeqo oo ku fooggan shaqada nadaafadda ee ay ka qabato Shifo hosbital/Mohamed Abdikadir/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Farxiya Cumar Warsame waxay awood u yeelatay inay qoyskeeda u hesho cunno ku filan. Waxaa u suuragalisay faa’iido dhaqaale oo ka soo gasha shaqo nadaafad ah oo ay billowday 19 bishii May ee sanadkan.

Waxay ka mid tahay labo boqol oo haween ah oo u badan danyar iyo barakac oo shirkada deegaan-dhowr ay geysay shaqooyinka nafaadada isbitaalada, xafiisyada, maqaayadaha iyo guryaha la degan yahay ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Farxiya ayaa sheegay in shaqadan oo ay si maalinle ah u qabato ay bishii ka hesho lacag u dhexaysa $200 ilaa $250. Qoyskeed oo ka kooban 8 qof ayay xustay in dhaqaalaha soo gala uu u horseeday in ay ka baxaan nolol xumo ay muddo wajahayeen.

“Haddii lagu dhaho halkaa ka shaqee adigoo xoog leh caafimaadna qaba hooyana aad tahay. Waa dareemi kartaa shaqadaan waxay iiga dhigan tahay inaan ku qanacsanahay.”

Farxiya ayaa sheegtay in nafaadada ay qabato ay u dheer tahay inay hogaamiye u tahay koox dumar ah oo 10 qof ka kooban oo shirkadu ay shaqooyin geysay, kuwaas oo ay masuul tahay inay howlaha u kala dirto kuna ogaato waxkasta oo ay qabanayaan. Maamulka shirkada oo arkay dedaalkeeda ayaa masuuliyadaan u dhiibay iyagoo sidoo kalena mushaarka ugu daray $20.

Haweenaydan ayaa tilmaamtay inay shaqadaan heshay iyadoo muddo shan sano ah shaqo raadin ku jirtay. Waxay xustay inay mararka qaar toddobaadka dhan soo heli jirtay $3 ilaa $5, taas oo aan ku filnayn qoyskeeda.

Waxay sheegtay inay sanadkii 2021 ay lacag deyn ah oo $150 ah ku billowday ganacsi yar oo ah dhar ay xaafada u geyso si ay uga sii iibiso, sidoo kale cunto bisil ayay galabkii banaan ka la fariisan jirtay, kuwaas oo markii deymo badan lagu yeeshay ay awoodi waysay inay sii wado.

Dhamaan dadka arrintaan ay shaqo abuurka u noqotay ayaa ka siman faa’iidada dhaxalsiisay isbeddelka nololeed. Deeqo Cabdullaahi Shire waxay si welwel la’aan ah u debertaa nolosha qoyskiisa oo 4 qof ah muddo Saddex bil ah oo ay shaqo nadaafad ah u qabanayso isbitaal ku yalla magaalada Gaalkacyo.

Haweenaydan ayaa carruurteeda kala soo guurtay magaalada Muqdisho billowgii sanadkii 2021, xilligaas oo ay iska bixin waysay nololsha magaalada oo qaali ah. Waxaa ku adkaatay in carruurteeda ay u hesho guri ay degto, maddaama kirada laga rabay lacag aad u badan oo aysan awoodin.

 “Qof shaqeeya ayaan ahay hadda. Sidii markii hore iyo sida aan hadda nahay waxa isku dhow maahan. Labo sano waxaan ahaa baagamuudo intaanan shaqada helin.’’

Deeqo ayaa sheegtay inay shaqadan ogaatay markii ay ku soo wargaliyeen dumar kale oo shirkadu shaqo geysay sidoo kalena ka war hayay wax la’aanta qoyskeeda iyo inay shaqo raadinayso. Waxay xustay inay xaafadaha ku wareegi jirtay si ay uga hesho shaqo nadaafad ah, maadaama aysan xirfad kale lahayn.

Haweenaydan ayaa xustay inay reeraha ka soo qaban jirtay shaqooyin adag oo aan u dhigmin lacagta ay soo siinayaan. Mararka qaar ayay aadi jirtay dadka ay is garanayaan si ay ugu soo shaqayso ugana soo hesho wax ay carruurta ku quudiso.

‘’Noloshii hore nolol adag ayay ahayd. Waxay ahayd iska noolow, dabku wuxuu iska ahaa habeenkii haddii aan karsano subixii way noo goyn jirtay (waan waayi jirnay) qof aad is taqaanan markaa guryaha u nadiifisid oo kale waxaa laga yaabaa lacag $30 ama $35 in lagu siiyo. Mar mar ayaan heli jirnay marna waan wayn jirnay.’’

Deeqo ayaa sheegtay in xilligi ay shaqo la’aanta ahayd lagu yeeshay afar boqol oo doolar oo deyn ah. Waxay hadda iska bixisay $150 oo ka mid ah halka $250 ee hartayna ay ku dadaalayso inay iska gudo bilaha soo aadan, maaddaama ay shaqadeeda ka hesho dhaqaale joogto ah.

Waxay sheegtay in bishii June ay saddex ka mid ah carruurteeda ay dib ugu dartay waxbarashada oo hakad ka gashay markii ay kala tageen sadgeeda oo ka bixin jiray qarashka ku baxaya. Waxay hadda bil kasta ka dhiibtaa $43. Waxay kala dhigtaan duqsi Qur’aan iyo iskuul.

“Iskuulka waxbarashada ilmaha ayaan uga dhiibaa. Qur’aanka sidoo kale, iskoolka mid iima dhigto dugsi bas ayuu dhigtaa. Labaa iskuul dhigata mid hadda galaaska saddexaad ee dugsiga sare ayuu ka baxay, waa $20 iskuulka uu dhigto, gabadhana waxaa weeyaan $13 toddobaad ayay ka bxii rabtaa.’’

Haweenaydan oo ah qofka kali ah ee nolosha qoysku ku tiirsan tahay ayaa sheegtay inay rajaynayso in haddi bilaha soo socda loo kordhiyo mushaarka ay lacag aruusato si ay u dhisato guri ay leedahay oo kirada ay kaga maaranto.

Yuusuf Maxamed Ibraahin oo ah Agaasimaha shirkadda Deegaan-dhowr ee dadkaan ka caawisay helitaanka shaqooyinka ayaa Ergo u sheegay inay si gaara u beegsadaan dadka danyarta ah ee ka soo jeeda qoysaska dhaqaalahoodu hooseeyo.

Wuxuu xusay inay tan uga faa’iidaystaan labo dhinac oo kale ah inay ka shaqeeyaan arimaha nadaafada iyo ilaalinta deegaanka iyo fursado shaqo oo ay u helaan haween badan oo qaarkood ay maaraynta  qoysaskooda ku kali yihiin.

 “Waa dad carruur lagu dayacay oo cid shaqo geynaysa, cid u qareemaysa iyo cid ay wax ka helayaan aysan jirin, markay yimaadaanna bulsho badan oo shaqo doon ah ayay wada imaanaysa. Waxaan u kala fiirinaa sida ay ugu kala haboon yihiin shaqada oo ugu kala dhibaataysan yihiin.’’

Waxay noqonaysaa markii ugu horaysay oo magaalada Gaalkacyo laga hirgaliyo shirkad dadka danyarta ah shaqooyinka u fududaysa. Waxay masuul uga tahay inay isku xirto shaqo doonka iyo loo shaqeeyaha.

Previous Post

Maandooriyaal ku dhex faafaya reer miyiga Galgaduud oo sababay dhaqaale burbur

Next Post

Baydhabo: Qoysas ku hungoobay dalagga beerahooda oo maciin biday xeryo barakac

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
blank

Baydhabo: Qoysas ku hungoobay dalagga beerahooda oo maciin biday xeryo barakac

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo