(ERGO) – Reer miyiga oo ah dad dhaqanka ku adag waxaa ku sii dhex faafaya maan-dooriyaal sababay dhaqaale burbur, khilaaf gacan ka hadal keenay iyo masuuliyad darro. Xaaladahaas waa kuwo ka dhashay maan-dooriyaal ay ka mid yihiin qaadka, tubaakada, sigaarka iyo kaniinka xanuun baabi’iyaha ah ee Tramadol.
Dad ku talax tagay ayaa gobolka Galgaduud ka geystay dilal iyo dhac, sida Raadiyow Ergo u xaqiijiyeen dhibanayaal, Booliska Guriceel iyo isbitaalka Shifa oo magaalada ku yaalla.
Dadka balwadan qabatima waa kuwo aan badi laheyn masuuliyad iyo ammaano, sida Raadiyow Ergo uu u sheegay Cabdinaasir Cali Cabdulle oo arintan darteed u xoolo yareeyay, qoysna uga burburay sanadkii 2022
“Sidii aad xayiga u aheyd ma noqoneysid oo waa kala dhan taalan tahay. Markii uu aniga igu cusbaa waxaan maalintii cuni jiray 1 ama 2, heer markii dambe waxaan gaaray aan maalintii cuno 20 xabo. Marba marka ka sii dambeysa awoodiisu way isii wiiqeysay.”
Cabdinaasir ayaa joojiyay bishii Juun ee 2023 balwaddii uu isticmaalayay muddo saddex sano ah, balse dib uma dhismin reerkii ka burburay. Xaaskiisa ayuu sheegay inay waanisay marar badan, kuna dhibsatay maqnaasho badan iyo ballan ka bax.
Wuxuu xusay inay uga digi jirtay xaaladda uu ku sugan yahay, balse uusan maqal waanadeeda oo uu garowsaday goor dambe. Cabdinaasir ayaa tilmaamay inuu maan-dooriye u gatay 65 neef oo ari ah, xilligana ay u joogaan 15 neef oo uu ku dhaqdo Labi-boor oo Guriceel u jira 30km
Wuxuu xusay in dhaqaalahaas uu sidoo kale uga baxay maqaayad, hotel iyo asxaab ay wax wada cuni jireen. Ninkan oo 34 jir ah ayaa sheegay in qofka qabatima balwadan ay adag tahay in lagu aamino xoolo iyo masuuliyad.
Wuxuu intaas ku daray in qofku xiiseynayo tuulo joogga, uuna nacayo ilaalinta xoolaha iyo howsha kale ee miyiga, una baahan yahay mar walba dhaqaale joogta ah oo haddii uu waayo uu ku fakarayo inuu wax dhaco, waloow isagu uusan geysan wax dhibaato ah sida uu xusay.
“Go’aanka aan iskaga daayay wuxuu igu dhashay, markii aan laamiga dhexdiisa ku suuxay intaan wax badan ka cunay, sidoo kalana aan soo jeeday labo maalin oo maalin ka mid ah aanan waxba cunin. Madaxii aan laamiga ku dhuftay waxaa gaaray dhaawac weyn.”
Xallinta kiisaska ka dhashay maan-dooriyaha waa kuwo ku soo noq-noqday odoyaasha dhaqanka sida uu xusay Jaamac Cali Maxamuud oo ku nool degaanka Ceel-qorax oo Guriceel koonfur ka xiga 55 km. Dhacdooyin is daba joog ah ayay garsoor ka noqdeen isaga iyo odoyaal kale.
“qaladaadka ay galeen wax la soo koobi karo ma ahan. Ninbaa aroosay. Kuwo kaniiniga cuna ayaa horay gabadha u shukaansan jiray. Gabadhii oo xaas ah ayaa habeenimo waxaa u yimid ragg shan ah. Ninkii arooska ahaa way garaceen. Arin fool xun ayay tagtay waa la iskugu baabi’i tagay, kaddib arrintii waa la xaliyay.”
Jaamac ayaa sheegay in balwadan dhalan rogta dadka uu uga walaacsan yahay inay ka saameyso carruurtiisa, maaddama ay fududahay inay ku daydaan dhallinyarada dhigooda ah ee caadeystay.
Wuxuu sheegay in si gaar ah uu u ilaaliyo labo wiil oo da’doodu tahay 14 iyo 16, kuwaas oo hadda dhigta Qur’aanka oo gabogabo u maraya.
“Ciyaalku waxaan hadey bartaan ma ixtiraamayaan aabbo, hooyo iyo waalid kale. Waxaan arkay rag isticmaala oo aabayaalkood aysan wax u dirsan karinba.”
Jaamac ayaa tilmaamay in maan-dooriyuhu uu si awood leh ugu baahiyo dadka xoolo dhaqatada ah ee miyiga ku nool. Wuxuu ku tilmaamay aafo xallinteedu adkaan doonto haddii aysan hadda wadajir u wajahin dowladda iyo qeybaha bulshada.
Xoolo dhaqatada ayuu sheegay inay u nugul yihiin balwadan, qofka bartana ay u fududahay inuu waqti badan u helo, mashquul badan oo aan baadiyaha ka jirin darteed. Degaanada iyo miyiga hoostaga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa tan iyo bartamihii sanadkan wacyi galin ka wada dhallinyaro aqoonyahano ah, culimo iyo sarakiil amni.
Kooxdaas waxaa ka mid ah Cabdullaahi Macallin Xasan oo ka soo kabtay dhaawac ay gaar siiyeen horraantii sanadkan dhallinyaro maan-kooda dooriyay.
“Barnaamijka wuxuu ku bilowday dhacdo aniga shaqsiyan igu dhacday. Toddobo bil ka hor xaafadeyda anigoo sii galaya xilli habeen ah abaaro 5 saac waxaa weerar igu soo qaaday ragg hubeysan oo wata baangado, midiyo iyo biro intaba. Raggaas oo markii dib loo baaray waxaa la ogaday in ay yihiin kuwo isticmaalay kaniiniga taramadoolka. Dhib badan oo ay ii geysteen waxaa la ii qaaday Xamar. Muddo bilooyin ah ayaan ku maqnaa waan soo bogsaday. Isbitaalka markaan kasoo baxay waxaa igu dhalatay in aan ka shaqeyo barnaamijkaas sidii lagu dabar goyn lahaa ama ugu yaraan loo yareyn lahaa.”
Wacyi galinta ayuu xusay in toddobaadkiiba ay hal maalin sameeyaan iyagoo abbaaraya deegaan lasii war galiyay dadka. Wuxuu xusay inay jiraan dad ay badaleen oo go’aansaday inay iska daayaan balwadan xun, kuwaas oo hadda ku biiray kooxdooda dadka waaniya.
“Dadka degaanka waxaan ka codsanaa in leysku keeno dad badan si qof walba uga faa’iideysto wacyi galintaas. Waxaa la soo kulmiyaa dhallinyarada, haweenka iyo odayaasha. Meshaas waxaa kula hadla oo aan geynaa dhaqaatiirta oo kala hadlaya dhibatooyinka caafimaad ee daraagiska iyo culimada oo dhanka diinta kala hadleysa. Inta goobta lagula hadlayo waxaa laga yabaa in tiro dad ah ay uga labtaan.”
Cabdullaahi ayaa xusay in Booliska Guriceel ay u xaqiijiyeen inay xireen 45 qof oo jirkooda laga helay maan-dooriye, kuwaas oo ku eedeysan dhac, dil, dhaawac iyo amar diido waalid.
Dr Kaahiye Cismaan Cumar oo bartay cudurada guud ayaa sheegay in isbitaalka Shifa oo uu ka shaqeeyo la leenay tan iyo bishii May 80 bukaan ah oo dhibane u noqday maan-dooriyaal ay isticmaaleen.
“Nin dhalinyaraa da’diisu tahay 29 ayaa maalin la igu keenay. Naqaska ayaa ku dheganaa. Waxyaabihii igu yaabka badnaa waxay ahayeen in kalyihiisa ay gareen heerkii ugu hooseeyay. Markaan waalidkii ku noqonay oo aan niri sidaan goormaa loo qabtay. Hooyadii waxay ii sheegtay inuu isticmaali jiray Taramadoolka. Hal saac ka yar wiilkii wuu dhintay.”
Xoolo dhaqatadu kaalin muhiim ah oo dhaqaale ayay ugu jiraan Soomaalida. Badi waxay ku tiirsan yihiin naqa roobka ku baxa, taas ayaana ka dhigtay inay u nuglaadaan abaaraha iyo roob yarida, maadaama aysan beeran calafka xoolaha.