(ERGO) – Kumanaan qoys oo ku nool deegaanada Xaafuun, foocaar, Qorraxaad iyo Baargaal ee gobolka Bari ayaa wajahaya xaalad nolol-xumo ah, markii ay roobab dabayla wata ka burburiyeen geedaha maydiga, xijiga iyo beeyada oo ay ku tiirsanaayen bishii Juulaay ee sanadkan.
Yaasiin Cali Maxamed oo ka mid ah waxaa ku adag in uu qoyskiisa oo siddeed qof ah u helo cunno iyo hoy ku filan. Waxaa ka joogsatay shaqo xijiyaysi ahayd, markiii dabayshu ay ka jajabisay soddon geed oo uu ku lahaa duleedka deegaanka Qorraxaad oo 80 km koofur ka xega magaalada Baargaal.
Wuxuu sheegay in ay ku qasbanaadeen in ay ka dawarsadaan dadka dariska la ah iyaga oo hal waqti karsada hadba waxay ka helaan. Wuxuu intaas raaciyay in saamaynta ka soo gaartay shaqo la’aanta ku dhacday ay qoyskiisa u horseeday nolol xumo aysan weligood mudan.
“Hadda wax dadka islaanka ah iyo dadka tuulada ay noosoo ururiyeen maahee wax kale oo aan hadda haysano iyo cid noo timid ma jirto.”
Yaasiin ayaa sheegay in shaqada jixiga oo uu ku soo jiray muddo 15 sano ah ay u ahayd halka meel ee qoyskiisa uu dhaqaale ka soo galo. Wuxuu xusay in sanadkii uu labo mar goosan jiray isaga oo ka heli jiray faa’iido ku sii filneed inta laga gaarayo xilli goosiga kale.
Wuxuu xusay in markii ay ka joogsato shaqada xijiga uu u weecan jiray 50 ari ah oo uu dhaqdo laakin, sanadkan uusan isaguna lahayn neef suuq gala. Waxaa saamaysay roob yari deegaanka ka jirtay labadii xilli roobaad ee ugu danbaysay.
Ninkan ayaa intaas ku daray in cunno xumada ay u dheer tahay qoyskiisa hoy la’aan. Waxay gabaadsadaan geed aan har iyo dugaal toona lahayn oo ku yaalla duleedka deegaankiisa. Dabaysha ayuu tilmamay in ay ka dumisay guri labo qol ahaa oo ay lahaayeen.
“Guriga burburay raashinka ayaa u yaallay waa seexan jireen dabaydha kulul oo dhacaysa ayay ka geli jireen roobka ayay ka geli jireen agabkooda ayaa u yaallay, hadda wixii oo dhan qorraxda yay daadsan yihiin.?
Yaasiin wuxuu sheegay in qasaaraha gaaray dhirtiisa ay u dheer tahay dayn dhan $360 oo ay ku leeyihiin ganacsato deegaanka ku nool. Wuxuu kaga qaatay raashin ay isticmaalayeen saddex bil oo ay xabagta sugayeen. Lacagtaas ayuu tilmamay in qorshegeedu ahayd in uu bixiyo xilligaan oo ay ku aadaneed goosigeeda awalow aysan suuraabin
Dadkii dayntaas ku lahaa ayuu tilmamay in ay ku cadaadiyaan in uu iska gudo, maaddaama la joogo mudadii uu qabsaday. Waxaa sidoo kale laga joojiyay dayn cusub in uu qaato taas, oo xaaladda ku sii adkaysay. Wuxuu xusay in uusan hayn qorshe uu ku xaliyo oo uu quus ka joogo.
Wuxuu xusay in hadda uu qorshaynayo in qoyskiisa uu u raro magaalada Boosaso si uu uga raadsado shaqooyin xamaal ah oo u beddeli kara xijiga si uu u maareeyo nolosha qoyska. Wuxuu iska bixin la’ yahay qarashka gaariga oo ka raba ugu yaraan $50.
Dhamaan xijiyaysatada deegaanadan ayaa ka siman saamaynta ka dhalatay dabaylaha. Axmed Siciid Ducaale waxay ka galaafatay soddon ka mid ah afartan geed oo uu ku soo dhaqmayay muddo soddon sano ah.
Dabaysha baabi’isay ayuu tilmamay in ay la socotay roob yar oo ay filayeen in ay kaga soo kabsadaan saamayntii ka soo gaartay roob yarida. Geedaha oo ka baxa dusha sare ee buuraha ayuu sheegay in dabayshu ay si sahlan ku jajabisay maaddaama ay saarnaayeen meel u nugul.
Wuxuu xusay in qoyskiisa tan iyo markaas uu wajahayo xaalad aad u liidata oo dhanka nololsha ah. Waxay hadda ku tiirsan yihiin raashin min 10 kiilo oo bur iyo bariis ah oo ay horraantii bishan ku caawiyeen dad ay qaraabo yihiin oo ku nool deegaanka Baargaal oo ka war helay xaaladdooda. Si ay u beeqaamiyaan ayay karsadaan hal waqti, taas oo ku adag carruurta yar yar in ay sugtaan.
“Nin xabad taraq ah iibsan kara naguma jiro. Awal nafac ayaa la heli jiray dhulka ayaa lagu dhaqdhaqaaqi jiray waxbaa kala socon jiray. Hadda nolosha qoyska waxay ku taagan tahay waa eber eber.”
Axmed ayaa sheegay in qoyskiisa cunno xumada ay u dheertahay biyo yari. Wuxuu tilmamay in biyaha deegaanka Foocaar ee ay ku nool yihiin halkii fuusto ay ka marayso qiima dhan $6.
Axmed ayaa tilmamay in 10 geed oo kaga badbaaday dabaysha ay sidoo kale daanyeero ka cuneen diirka iyo xabagta, taas oo meesh ka saartay dhamaan wax soo saarkiisa. Ninkan oo ah nin waayeel ah oo isagu aan ka shaqayn karin xijiga ayaa ka kiraysan jiray dadka xoogsatada ah geedihiisa isaga oo qaadan jiray bishii lacag gaaraysay $300 oo ku filneed nolosha qoyskiisa oo toban qof ah.
Wuxuu xusay in sidoo kale qoyskiisa ay abaarihii dalka soo maray ay ka laayeen ari tiro ah oo uu dhaqanayay. Waxaa kaga hadrsan 20 neef oo ah caato aan cad iyo caano midna lahayn. Wuxuu intaas raaciyay in ay iyaguna hadda dhimasho bilaabeen uusanna lahayn awood uu raashin ugu iibsho.
“Dadku waa xijiley iyo ari ayaa lagu noolaa labadaba waa naga dhamaaday waxaa naga saamaysay abaar dhulkii oo qalalay roob la’aan. Nafaqo darro waa jirtaa dadku xoolo ayaa la quudan jiray, maydigana waa laga shaqaysan jira,”
Axmed saamaynta ka soo gaartay shaqo la’aanta kuma eka dhanka nololsha ee waxaa u dheer in waxbarashada laga soo eryay bishii Agoosto shan ka mid ah carruurtiisa oo dhiganayay iskuulka deegaanka ku yaalla. Wuxuu tilmaamamy in uu bixin waayay qarashka waxbarashada oo isku dar bishii ahaa $60.
Hadda ayuu tilmmay in uusan rajo ka qabin in uu ku celin doono maaddaama ay qoyskiisa ka dhamaadeen dhamaan ilihii dhaqaale ee ay ku tiisanaayen. Wuxuu sheegay in uu ka samray dhigay in uu heli karo meel u bedesha shaqadiiisi hore maaddaama uusan lahayn xoola iyo xoog uu ku shaqaysto.
Gudomiyaha magaalada Gumbax Maxamed Saalax Cumar oo deeganada intooda badan ay hoos tagaan ayaa sheegay in xaaladda haysata xijiyaysatada ay saamayn ku yeelatay dhamaan gobolka. Wuxuu xusay in dhaqaalaha ugu badan ee magaalooyinkaas uu ka soo xaroon jiray xabagta oo la dhoofiyo dalka debeddiisa, balse arrintaan ay aad hoos ugu dhigtay ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Magaalada Gunbux ayuu sheegay in laga dareemay dhaqaale xumo ka dhalatay maaddaama ganacsiga iyo dhaqaalaha dhan ee magaalada ay ku tiirsaneed xijiga. Wuxuu xusay in ka maamul ahan ay isku hawleen arrintan balse ay ay kax ka qaban waayeen.
“Caqabado xun baa haysta qof sanad geed wax ka sugaya weeye kharash baa kaga baxaya abaar baa jirta in aan wixii hore ka soo bixin baa dhici karta oo dayn lagu yeesho. Marka caqabaadkisa waa badan yihiin iyaguna guud ahaan waa dad kaalmo u baahan”
Xiliyaysatada gobolka waxay muddoouin la dhibtoonayeen saamaynta ka dhalata abaaraha iyo isbeddelka cimilada walow aysan weligood gaarin heerka ay sanadkan marayaan.
Arrintaan ayaa u muuqata mid soo gaban gabangabayn karta shaqadoodii ay muddu ku soo dhaqmayeen maaddaama ay meesha ka baxday dhirtii in la beerana aysan sahlanayn.