(ERGO) – Ibraahim Maxamed Xuseen wuxuu markii ugu horraysay ku filnaaday nolosha qoyskiisa oo 11 qof ah. Waxaa u sahlay dhaqaale uu ka helo miis ay u saaran yihiin nuucyada khudaar oo uu subax kasta ku wareejiyo Baydhabo.
Wuxuu ka mid yahay boqollaal rag ah oo ka soo jeeda qoysas barakac ah oo si ay nolosha qoysaskooda u maareeyaan samaystay ganacsiyo yaryar. Waxay u noqotay il dhaqaale oo is beddel u horseedday.
Ibraahim oo shaqadan bilaabay bishii May ee sanadkan ayaa sheegay in uu si maalinle ah uga helo lacag u dhaxaysa $4 ilaa shan dollar oo faa’iido ah, taas oo reerkiisa ka saartay nolol xumo ay muddo ku jireen.
“Markii hore waqtiga ugu badan ee aan wax karsano hal mar ayay ahayd maalintii oo qado ama casho ah ayaan wax karsan jirnay, laakiin hadda saddex waqti ayaan wax karsanaa. Carruurta hadda qado waa loo karinaa cashada sidaas oo kale quraacda sidaas noloshooda aad ayay u fiican tahay.”
Ibraahim ayaa sheegay in ka hor inta uusan shaqadaan billaabin uu reerkiisu tiirsanaa dawarsi ay xaaskiisu u aadi jirtay dadka la deggan xerada Daryeel ee ay ku nool yihiin. Wuxuu tilmaamay in ay ka soo heli jirtay raashin bisil oo ay hal mar cunaan halka markay soo waydana ay qatooyo ku seexan jireen.
Cunno yaridaas waxaa u dheeraa hoy xumo. Waxay gabaadsan jireen buush aan ka celin karin qoraxda iyo dabaysha. Hadda ayuu sheegay in ay iibsadeen bac ay maryo ku tosheen oo dugsi fiican u noqotay.
Bilaabista ganacsiga ayuu tilmaamay in ay kula taliyeen rag ay saaxiibo yihiin oo ay wada shaqeeyaan hadda. Wuxuu ku maalgeliyay lacag $100 ahayd oo uu daymiyay nin ay qaraabo yihiin.
Wuxuu xusay in uu iska dhameeyay dayntaas labadii bil ee ugu horraysay isaga oo iska yaryareeyay. Wuxuu tilmaamay in faa’iidada uu ka helay uusan horay ugu tashayn balse, ay ku abuurtay farxad dheeraad ah oo uu kaga nastay rajaxumadii ka haysay dhanka nolosha..
“Welwel xun ayaan dareemayay caawa xaafadda sidee ku taktaa, sidee carruurta wax ku siisanaysaa, xaaskaaga halkee wax uga heshaa, ayaan ka murgi jirey, laakiin markaan ganacsigan billaabay oo aan shaqaystay caadi wax kasta waxa aan ka murgoodo malahan. Welwel majiro nolosheena hadda ayay fiican tahay.”
Ibraahim maaraynta nolosha reerka waxaa u dheer in uu markii ugu horraysay waxbarashada ku daray bishii Agoosto saddex ka mid ah carruurtiisa oo horay guri joog u ahaa. Wuxuu geeyay dugsi hoose oo bishii ka dhiibo isku dar $25.
Ninkan ayaa qoyskiisa xerada barakaca keenay sanadkii 2021 xilligaas oo abaar jirtay darteed ay ka nacfi beeshay beer saddex hektar ah oo uu ku lahaa deeganka Caliyow-muumin ee gobolka Bay. Xerada oo ay filayeen in ay ka heli doonaan nolol dhaanta tii ay ka soo barakaceen ayuu sheegay in ay ku adkaatay in ay ka soo qabsadaan ayna, ka laaban waayee dhaqaale la’aan darteed.
Wuxuu intaas ku daray in dhamaadka sanadka uu qorshaynayo in uu qoyskiisa ka saaro xerada barakaca. Wuxuu aaminsan yahay in uu ku filnaan karo noloshooda maaddaama uu yeeshay il dhaqaale. Wuxuu u arkaa in magaalada ay wax badan uga roontahay reerkiisa xerada.
Dhamaan ragga ganacsiyadan samaystay ayaa ka siman faa’iidada dhaxal siisay is beddelka dhaqaale. Arrintaan oo intooda badan ay iskaga daysadeen ayaa ku dhalisay markii ay ku adkaatay in ay magaalada ka helaan shaqooyin ay maaddaama aysan lahayn xirfad ay ku shaqaystaan.
Dukaanada iyo gawaarida khudaarta keena magaalada ayay si jumlo ah uga qaataan taas oo ay markii ay tafaariiq gadeeyaan ay sartaan faa’iido aan badnayn. Nuur Daa’uud Cali wuxuu si welwel la’aan ah ku maareeyaa nolosha qoyskiisa oo sagaal ah, markii bishii Juun uu bilaabay in uu miis bagaash ku iibiyo.
Nin ayaa sheegay in tan iyo markii uu shaqadaan billaabay ay meesha ka baxday nolol xumo uu qoyskiisu ku wajahayay xerada Barakaad ee duleedka magaalada Baydhabo oo ay ku nool yihiin muddo saddex sano ah.
Nuur wuxuu sheegay in ganacsigaan uu kaga nastay shaqo dhismaha guryaha ahayd oo uu dhib badan ka mari jiray dhaqaale ku filanna uusan ka heli jirin. Shaqada dhismaha oo magaalada ku yar iyo isaga oo aan dadka kala aqoon darteed ayuu xusay in todobaadkii ugu badnaan labo maalin uu shaqayn jiray.
Maalmaha uu shaqada haleeelo ayuu sheegay in uu ka heli jiray lacag aan ka badnayn $3 ilaa $4, taas oo aan reerka ku sii filayn muddada uu baaga-muudada yahay. Ninkan Dhaqaale xumadaas ayuu sheegay in ay saamayn wayn ku yeelatay qoyskiisa isaguna uu ku qabay dhibaato dheeraad ah.
“Carruurteyda hada qadadooda quracdooda iyo cashadooda wey helayaan anigana hadda magaalada ayaa la igu bartey qofkii aan utgo deynta waan ka soo qaadan karaa ama aan weydiisto dhaqaale waan ka soo heli karaa .,,
Nuur ayaa sheegay in ganacsigan uu ku maalgashaday lacag boqol iyo $50 oo ay ku caawiyeen dad ay qaraabo yihiin oo uu ka codsaday markii uu hal abuurkan helay. Wuxuu sheegay in uu kula taliyay nin ay xerada wada deggan yihiin oo kaga horreeyay.
Ninkan lacagta uu ka helo ayuu sheegay in uu u kala qaybiyo in uu ku debaro baahiyaha reerka, in uu meel u dhigo maalgalinta miiska iyo in uu waxbarasho uga bixiyo qaar ka mid ah carruurtiisa oo horrantii bishii hore uu iskuul ku daray.
“Hadda lix carruur ayaa wax ii baraneysa. Markii hore oo shaqada dhegaxa ah aan ka shaqeynayay carruurtayda macalinka lacag la’aan darteeda ayuu usoo ceyriyey. Hadda iskuulka iyo dugsigaba wey aadaan.”
Nuur ayaa sheegay in xilligaan ay qoyskiisu ku jiraan noloshii ugu wanaagsaneed muddo dhawr sano ah oo ay xerada deggan yihiin. Wuxuu xusay in hadda uusan ka welwelin nolol maalmeedka walow aan wax wayn soo gelin.
Qoyska ninkan ayaa xerada soo galay sanadkiii 2021 xilligaas oo abaar jirtay ay ka dhamaysay 90 ari ah oo ay ku dhaqanayeen deegaanka shawka oo hoos taga magaalada Baydhabo. Tan iyo markaas ayuu sheegay in uu awoodi waayay in reerka uu ka saaro xerada faro marnaanta dhaqaale darteed.
Ragga barakaca ah ee ganacsiyadan billaabay ayaa si degdeg ah u la qabsaday suuqa markiii ay heleen macaamiil aad u badan oo ku xirmay muddo kooban.
Mayow Cismaan Cabdulle wuxuu macaamil joogta ah u yahay miisaska raggan. wuxuu sheegay in uu ku qancay qaabka ay ugu adeegaan oo ay ka mid tahay in ay dalabkiisa ugu geeyaan gurigiisa maaddaama ay wareejinayaan. Wuxuu aaminsan yahay in marka laga yimaado in ay shaqo abuur ka heleen ay sidoo kale xallinayaan baahi taagneed.
“Dadkan miisleyda ah waxan ku doortey, maaddaama beecoodu uu raqiis yahay. Dadka ayaga ka sareeya oo ganacsiga waaweyn Ku jira haddii aan u tago lacag laban-laab ah ayaa la iga siiyaa sidaas darteeda ayaan iyaga ku doortey.”
Dadka ku nool xeryaha barakaca inta badan kuma dhiiradaan in ay la yimaadaan qorshe ay kaga bixi karaan nolosha hoosaysa ee xeryaha. Waxay iska sugtaan kaalmada hay’adaha oo aan ku filnayn, haddii aysan helin cid caawisa. Arrintaan ayaa u muuqata mid dhabe cusub u jeexaysa oo ay kaga dayan karaan kumanaan kale oo kala joog gobolada dalka.