(ERGO) – Kumannaan qoys oo xoolo-dhaqato iyo beeralay isugu jira oo ku nool gobolka Hiiraan ayaa nolol xumo wajahaya, markii kooxo hubaysan ay isbaarooyin dhigteen waddada laamiga ah ee xariirisa koofurta iyo waqooyiga dalka. Kooxaha oo degay ilaa soddon goobood oo wadada u dhexaysa Beledweyne iyo Gurceel ah ayaa gaadiidka ka qaadaya lacago baad ah, taas oo hakad galisay isku socodka gaadiidka.
Dadka xoolaha iyo khudaarka ka safrin jiray gobolka Hiiraan ee gaynayay gobolada Galgaduud, Mudug, Nugaal, Bari iyo Waqooyi-galbeed ayaa sheegay inaysan waxba u gadmin ilaa 17 bishii hore, markaas oo gaadiidleydu ay bilaabeen shaqo joojin ay kaga cabanayaan isbaarooyinka.
Faarax Cali Galeyr oo ah Aabbaha qoys 11 qof ka kooban. Muddadii jidku xirnaa waxaa ka khasaaray dalagyo khudaar u badan oo uu rajo ka qabay in uu faa’iido wanaagsan ka helo. Wuxuu sheegay in uu waayay gaadiid uu ku soo qaado, taas oo sababatay in ay beerta ku dhex hallaabaan.
Ninkan ayaa tilmaamay in hadda qoyskiisa ay hal mar oo habeenkii ah dabka saartaan galley beertiisa ka soo go’day oo suuq la’aantu ay saamaysy, maaddama dhamaan khudaartii kale ee u soo go’day ay baaba’day muddo bil ku dhow oo wadooyinku xirnaayeen.
“Dalaga markii uu wado leeyahay ayaa wax lag fa’iidaa, laakiin haddiiba aysan waddo lahayn waa qasaare.”
Ninkan ayaa tilmaamay in xitaa wadooyinka yar yar ee u dhexeeya Beledweyne iyo deegaanada hoose yimaada ay isbaarooyin yaallaan, kuwaas oo marka ay khudaarta ku soo qaadi damcaan gaari dameerada jidka dhex u gala oo lacago aysan awoodin laga dalbado.
Faarax ayaa sheegay in markii gabi ahaanba uu joogsaday isku socodka wadooyinka gobolka Hiiraan ay kooxaha isbaarooyinka dhigta guryaha ugu soo galeen iyagoo ka dhacaya wax-ksta oo ay haystaan. Wuxuu xusay in ay xitaa naftooda u cabsanayaan, maaddama ay tuukada qaarkood hub wataan.
”Wadadaan xiran saamayn badan ayay noo gaysatay ganacsigii suuqii ma keensan karno. Shaygii aad maanto dhahado magaaladaan geynaya baabuurkii meel uu marana ma leh.”
Faarax waxay qoyskiisu ku nool yihiin deegaanka Deefow oo Beledweyne u jira 45 km. Waxay halkaas ku leeyihiin beer saddex hektar oo markii hore maaraynta qoyska ugu filnady. Wuxuu sheegay in markii uu qasaaray dalagii uu ku tashanayay uu ku qasbanaaday in magaalada Beledweyne uu soo aado si uu uga raadsado shaqooyin xoogsi ah.
Muddo hal toddobaad ah ayuu sheegay in subax-kasta uu raadiyo shaqo muruq-maal ah si uu dhaqaale uga helo, balse wali aysan waxba u suuragalin, taas oo welwelkii uu qabay u sii kordhisay.
Ninkan ayaa sheegay in uusan lahayn wax keyd dhaqaale ah oo noloshoodu ay ka tiirsan tahay hadba wixii beerta uga soo go’a oo ay suuqa gaystaan si ay raashin iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga u ah ugu soo gataan.
Dadka ay xaaladaan saamaysay waxaa ka mid ah Cismaan Daahir Cilmi oo miyiga deegaanka Taraado ee gobolka Hiiran billowgii bishaan ka soo safarsaday 7 need ari ah. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in aysan waxba uga gadmin muddo dhowr beri ahna uu subaxda hore suuqa keeno galabkiina uu dib uga celiyo.
Ninkan ayaa sheegay in qoyskiisa oo 12 qof ah uu ka soo tagay iyagoo uu ka dhamaaday raashinkii ay karsan lahaayeen, sidoo kalena tiro ari ah oo u joogta aysan wax nacfi ah lahayn oo xilli jiilaal ah lagu jiro. Wuxuu tilmaamay in qorshihiisu ahaa marka ay u gadmaan neefafka uu keenay in uu reerka ugu iibsado raashin ay labo bil isticmaali karaan waxa u soo harana uu ari kale siisto.
“Qof xoolo dhaqato ah oo baadiye carruur uga soo tagay ayaan ahay, hadana suuqa wixii uu keenay laga gadan waayay waa dareemaysaa dhibatada uu leeyahay.”
Cismaan ayaa sheegay in deeganka uu ka yimid oo 90 km u jira magaalada Beledweyne uu gaari uga soo raacay $18 oo ah isaga iyo neefafka uu watay. Marka ay xooluhu u gadmaan ayuu kula heshiiyay in uu lacagtiisa siin doono. Ninkii gaariga ayuu xusay in maalin-kasta uu soo waco isagoo ka dalbanaya in uu lacagtiisa u soo diro, balse uu garan la’yahay si uu ku bixiyo, maaddaama aysan waxba u gadmin.
Cismaan ayaa xusay in haddii uu ogaan lahaa xirnaanshaa dhaqdhaqaaqa suuqa uusan marna soo galeen masaafada dheer ee qarashku uga baxay. Ninkan oo labadii bil hal mar xoolaha u soo safarsan jiray Beledweyne ayaa is barbar dhig ku samaynaya sida uu xaalku hadda yahay iyo sidii uu ahaa markii hore.
“Hadda markaan imaanayay wada xirkii dhacay ayaa ilaa hadda jira, wax badan oo saamayn ah ayuu ngu yeeshay.”
Cismaan ayaa sheegay in lagu leeyahay $250 oo reerka iyo xoolaha u jooga uu saddex mar biyo ugu dhaansaday. Lacagtaas ayuu qorshihu ahaa in uu bixiyo inta u dhexays 1 ilaa 5 bishaan, taas oo aan u suuraabin.
Dhibaatada ka dhalatay wadooyinka xiran waxay noqotay mid dhan-kasta oo nolosha ah ka saamaysay dadka deegaannadan. Maamulka gobolka oo kaashanaya wax-garadka iyo culimada ayaa billaabay dadaallo lagu doonayo in raga isbaarooyinka dhigtay lagu qanciyo in ay wadooyinka bananeeyaan.
Gudoomiye ku xigeenk arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan Cabdiwaaxid sheikh Nuuriyow ayaa sheegay in dhul gaaraya 120 km oo u dhexeey Hiiraan iyo Galgaduud ay yaallaan jidgooyooyin lacago looga qaado baabuurta. Maamulka ayaa dhamaadkii bishii hore isku dayay inay meesha ka saaraan isbarooyinka, balse kuma aysan guulaysan.
“Anagu in aan is dhibaatayno marna xal ma ahan, dowladnimo ma ahan, siyaasadna ma ahan, diina ma ahan, in aan is dagaalno dan nooma ahan. Caqabadaas xal deg deg ah ayaa ka imaanaya, ugaaskana wuu ku baxay.”
Beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada oo ka soo kabanayay fatahaado, abaaro iyo colaado qaybo gobolka ka mid ah ku soo lalaabanayay sanooyinkii ugu danbeeyay ayaa markale caqabadaan wajahaya, taas oo saamayn ku yeelatay noloshooda hoosena u dhigtay dhaqaalahooda.