(ERGO) – Qoyska Cabdiraxmaan Ibraahim Maxamed oo toban qof ka kooban waxaa ku adag inay helaan cunto hal waqti ah ilaa bartamihii bishii June ee sanadkan. Waxaa ka istaagay shaqo dhismaha guryaha ahayd oo uu kaga shaqaysan jiray magaalada Berbera.
Wuxuu ka mid yahay boqolaal xoogsato ah oo shaqo la’aan noqday, markii shirkado ka shaqeeya dhismaha guryaha oo ay ka hawl geli jireen ay qaateen dad ajaaniib ah oo beddelay boosas koodii shaqada.
Wuxuu sheegay in shaqada uu waayay ay qoyskiisa ka saamaaysay dhankasta oo nolosha ah, taas oo u horseeday xaalada hubaanti la’aan ah. Waxay hadda ku tiirsan yihiin $50 oo aan joogto ahayn oo uu mar mar ka helo dad ehelkiisa ah oo dalka dibbadiisa ku nool, taas oo aan ku filnaynd.
“Saddex bilood toban maalmood ayaan ka shaqo tagnay. Tobankaa maalmood wixii aan ku maareyn karayna waa ku maarayay, wixii kalana si farsamo aan ku doono ama cid aan ka amaahano ama si aan u doono, laakiin waxaas waxaa u sabab ah camal la’aanta. waa arkaysaa sida ay xaaladu tahay iminka.”
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uusan hayn qorshe kale oo uu ku badddelo shaqada xoogsiga ahayd oo uu ka shaqaynayey muddo 24 sanno ah. Lacag u dhexaysa $300 ilaa $450 oo ka soo galaysay ayuu ku maarayn jiray nolosha qoyskiisa.
Ninkan oo ahaa qofka kali ee reerka u shaqayn jiray ayaa sheegay in hadda uu dareemayo welwel dheeraad ah. Wuxuu xusay in subax kasta uu tago goobaha dhismeyaasha iyo meeshii uu u arko in ay shaqo muruq-maal ah ka socoto.
Wuxuu waydiistaa inuu howl u qabto, balse inta badan ayuu sheegay in uu soo laabto isaga oo aan waxba soo helin. Xaaladdan cusub ayuu tilmaamay in uu la qabsan la’ahay.
“Farqiga u dhaxeeya habeen iyo maalin ayay isu yihiin. Annaga iyo umaddaba waa nagu filnayd markii aanu shaqo tagaynay. Iminka cidna waxba ma siino oo kuwii aanu masuulka ka ahayn-baaba hadal ku jiraa.”
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu sidoo kale awoodi waayay lacagta waxbarashada toddobo ka mid ah carruurtiisa oo kala dhiganaya dugsiyada dhexe iyo sare. Wuxuu sheegay inuu isku darkooda ka bixin jiray bil walba $80. Aabbihiis oo ka war helay xaaladdiisa ayuu xusay in uu hadda dhiibo qarashaadka ku baxa carruurta.
Ninkan ayaa tilmaamay in ajaanibta la wareegtay shaqooyinkii ay qaban jireen ay ka yimaadeen dalalka Kenya, Uganda iyo Bangaladesh. Wuxuu aaminsan yahay inay iyagu dabooli karaan shaqooyinka ay qabtaan. balse milkiile-yaasha shirkadaha ay kaga door-bidaan qarashaadka ay ku shaqeeyaan oo hooseeya.
Cabdiraxmaan ayaa ka hor inta uusan xoogsiga ka bilaabin magaalada ahaa xoolo dhaqato ku nool miyiga gobolka Togdheer. Wuxuu Berbera u soo wareegay 33 sano ka hor markii ay abaaro iyo cuduro xoolihii ay dhaqan jireen qoyskoodu.
Xoolo la’aanta ku dhacay ayaa ku sababay inuu shaqo xoogsi ah raadiyo si nolosha qoyskiisa uu u maareeyo, maaddaama uusan xirfad kale lahayn.
Diiriye Cabdi Jaamac waxay qoyskiisu saddexdii bil ee la soo dhaafay ku sugnaayeen xaalad cunto la’aan ah. Xaalada hadda taagan ka hor waxa uu ahaa qof bishii ku xisaabtama celcelis ahaan lacag u dhaxaysa $300 ilaa $400 oo reerka noloshooda wax weyn ka tari jirtay.
“Ninka haysta iyo hooyadood ee kiro ku jira. Waliba taangigii biyaha ahaa toddobaatan kun ayuu marayaa. Carruurta waxa la iga qaadaa $80, gurigu waa $60. Waxay ii saamaysay cirro aan barigii hore iga soo bixin.”
Diiriye ayaa tilmaamay inay sanadkan oo kali ah 4 mar dowlada arintooda u gudbiyeen, balse aysan wax jawaab ah ka helin. Wuxuu sheegay in markii hore uu bishii shaqo heli jiray in ka badan 20 maalin, halka hadda uu labo ama saddex maalin soo shaqeeyo bil dhan.
Diiriye ayaa xusay inuu la murugoodo faro marnaantiisa iyo baahida qoyskiisa, taas oo ku qasabtay inuu wixii uu helo ugu iibiyo cunno ka beec jaban tii ay markii hore cuni jireen.
“Hadda mar haaf ama rubac sonkor ah ayaan u soo iibiyaa. Mar haaf bariis ah ayaan u soo iibiyaa wixii ayaa isgaari waayay. Bariigii hore waan isa soo raacin jiray maantana waxay maraysa rubac.”
Diiriye ayaa ka cabsi qaba in guriga laga saaro, maaddaama dhowr bil uusan kiradiisa bixin. Waxay isku gaartay $300, waxaana lagu wargaliyay inaan la sii sugi doonin haddii uusan lacagtaas bixin bishaan.
Ninkan ayaa sheegay inuu noloshiisa inta badan ku qaatay magaalada Berbera oo shaqada dhismaha uu ka bilaabay, markii uu miyiga gobolka Saaxil kaga soo tagay reerkooda oo beeraleey ahaa.
Wuxuu dhanka kale xusay in shirkadaha loo shaqeeyo iyo dadka macaamiisha la ah ay daneeyaan dadka banaanka laga keenay maaddaama qaarkood ay aaminsan yihiin inay leeyihiin aqoon iyo xirfado ka wanaagsan tooda.
Injineer Mubaarak Caydiid oo ka mid ah masuuliyiinta shirkada dhismaha ee Daar ayaa sheegay in markasta dhanka shaqo siinta ay ku hor mariyaan dadka muwaadiniinta ah, balse inta badan shaqooyinka aysan uga soo bixin sida lagula heshiiyo, taas oo ku qasbaysa inay keensadaan ajaanibta.
Wuxuu xusay inaysan shaqada u diidayn dadka muwaadiniinta ah, balse markasta ay door-bidayaan qofka shaqada heeganka u ah ee sida ugu wanaagsan u qabanaya. Waxa uu sharaxaya sababta ay ajaanibta u qaataan.
“Inanka halkaa ka imanaya isagoo aqoon leh ayuu kuu imaanaya oo ugu yaraan 3 ama 2 farsamo leh oo maalinba farsamada taagan ka shaqaynaya., shaqaalehena culayska ugu weyn ee maanta ku dhacay waxaa weeyaan qaadka iyo balwada oo waqtigii oo dhan ka qaadatay, laakiin ninka ajaanibka ah wuxuu kuu imaanayaa isagoo agabkiisa oo dhamaystiran wata aqoonta ayaana keenaysa.”
Agaasimaha wasaaradda shaqo galinta Soomaaliland ee gobolka Saaxil Farxaan Maxamed Xasan ayaa sheegay in 3,200 oo ajaanib ah ay ka shaqeeyaan dhismeyaasha Berbera. Muwaadiniinta ayuu tilmaamay inaysan la hayn diiwaan sax ah, balse uu rumaysan yahay inay gaarayaan 10,000 ilaa 12,000 qof.
Shaqo yaraanta ayuu sheegay inay keentay shirkadaha dhismaha oo kooban iyo si guud maal-galin caalami ah oo aan ka jirin Somaliland, taas oo kordhisay in markasta boqolaal muruq-maal ah ay shaqo la’aan noqdaan. Wuxuu intaasi raaciyay inay ku howlan yihiin xalinta arintaas.
“Berbera waxaa ka socda mashaariic aad u balaaran waxayna u baahdeen dad farsamo yaqaan oo xirfad sare leh, taas waxay sababtay in markaa la keeno ajaanib shaqadaa garanaysa. Dadkaas wadanka sharci ayay ku soo galaan. Waxaa la eegaa xirfada ay wadanka ku imaanayaan ma tahay mid loo baahan yahay mise waa mid wadanka taal, markaas ayaa la soo daayaa. Wasaaradu cabashadaas runtii way ka war-haysaa dadka muwaadiniinta ahna xaq waxay u leeyihiin shaqo kasta oo ay qaban karaan inay qabtaan sida xeerka shaqalaha uu sheegayo iyo dastuurkeenuba.”
Shaqo la’aanta ragan ayaa ku soo aaday iyada oo ay Soomaaliland ay ka jiraan xaalado dhaqaalo xumo ah oo saameeyay kumannaan dad ah oo horay u haystay shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda iyo tan qoysaskooda.