Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas ka barakacay colaad oo Muqdisho ku wajahaya cunno xumo

Jibril Osman by Jibril Osman
September 27, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Ibrahim Osman oo yimid Kaxda, markii uu ka soo barakacay colaadda/Mohamed Khadar/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaliimo Xasan Cali oo 39 sano jir ah iya da, iyo seygeeda waxay carruurtooda oo saddex ah u awoodi la’yihiin cunno hal waqti ah. Waxay ka mid yihiin boqollaal qoys oo ka soo barakacay colaado ka jira deegaanno ka tirsan  gobollada Shabeellooyinka.

Haweeneydan ayaa xustay inay duruufo is-biirsaday ku wajahayaan xerada Gurbaan oo ku taalla degmada Kaxda, taas oo ay ku soo biireen 20 bishii hore. Cunno xumada waxaa u dheer inay dibad-yaal u yihiin qorraxda iyo roobka xagaaga oo xilligan ka da’aya magaalada.

Xaliimo waxay sheegtay inay noloshoodu ku tiirsan tahay deriska oo ay u dan sheegato marka ay ka joogi waydo gaajada carruurteeda.

“Waan iska gaajaysannahay. Qalab ma wadanno. Dhar aan guntanno ma wadanno. Xagaayada haddii ay timaado halkan ayay nagu dhabaysaa. Qorraxdan ayaan iska fadhinaa,”

Xaliimo ayaa xustay inay ku sugan yihiin xaalad hubanti la’aan ah. Culeysyada ku xeeran ayaa seygeeda ku qasbay inuu god qodid ka raadiyo quudka reerka. Balse waxay sheegtay inay shaqadan tahay mid aan dhaqaale ku filan lahayn isla markaanna ay ku adag tahay inuu helo maaddaama rag badan ay u xoogsi tagaan.

Sidoo kale shaqadan ayaa hoos u dhacday shantii sanno ee tagtay sabab la xiriirta in xaafadaha magaalada ay qashinka ka qaadaan gawaari ay shirkado leeyihiin.

“Haddii habeenkii aan wax helno subaxii waan iska qadaynaa. Haddana cawadii ayaan rubac bariis ah ama madaal  bukuray ah. Gaajo way na haysaa, wixii dhibaato ah.”

Xaliimo iyo qoyskeeda ayaa uga soo barakacay deegaanka Yaaq Bari-weyne ee gobolka Shabeelaha hoose dagaal u dhaxeeya kooxo hubaysan. Waxay ka fursan waayeen inay ka soo tagaan deegaankoodii iyo wixii hanti ah oo ay ku lahaayeen si ay naftooda ugu badbaado.

Waxay tilmaamtay inay lacagta gaari raaca ku caawiyeen qoysas kale oo ay isla soo barakaceen. Qoyska Xaliimo ayaa ka soo barakacay beer shan hektar ah oo ay ugu abuurnaayeen galey, moordi iyo Salbuko. Waxay isku diyaarinayeen inay goostaan bartamaha bishan.

Dadka xeryaha magaalada Muqdisho soo maciin biday ayaa u badan haween iyo carruur balse waxaa jira qoysas ay rag weheliyaan. Ibrahim Cismaan Cali oo 52 jir ah isaga, xaaskiisa iyo afar carruur ah waxay cunno yari ku wajahayaan xerada Hadhaawe ee degmada Kaxda oo ay soo gaareen 19 bishii Agoosto.

Wuxuu sheegay in uusan garaneyn meel uu u shaqo tago si uu u maareeyo nolosha qoyskiisa. Ninkan ayaa tilmaamay inay quud la’aanta u dheer tahay hoy xumo.

 “Labo Xabbad laba dhexdooda laguma jiri karo. Waan iska cabsanay intii carruurta meesha lagu rafaadin lahaa. Sidaas ayana ku soo orodnay. Inta raashin ma haysanno, beledkanna waan ku cusubnnahay. Biyo ma haysanno. Musqul ma haysanno. Subaxaan waa sidii aan u soo kacday, wax shidan miyaa u jeedaa?. Eber ayaan ku joogtaa.”

Ibraahim ayaa sheegay inay lug uga soo baxeen deegaankooda, markii ay soo gaareen  degmada Afgooye ayay wadayaasha gawaari u soo socotay Muqdisho ka codsadeen inay qaadaan.

Ninkan ayaa nolosha qoyskiisa ku filnaa inta aysan ka soo barakicin degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose, markii colaad soo noqnoqday ay saameyn ku yeelatay.

Wuxuu sheegay in colaadaha dartood uusan sannadkan tacban beer labo hektar ah oo uu ku lahaa deegaankiisa, taas beddelkeeda wuxuu nolosha qoyskiisa ka soo saari jiray gaari gacan uu dadka adeegooda ugu qaadi jiray. Wuxuu maalinle uga heli jiray shan dollar, taas oo ku filneyd nolosha qoyskiisa.  

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay inuu ka soo tagay shan foosto oo galay ah oo bakhaaro ugu kaydsanaa. Sababta ay dadkan barakaca ah u soo beegsadeen Muqdisho ayaa ah inay filashadooda ahayd inay gargaar iyo shaqooyin ka helayaan Magaalada.

Qadro Cabdi Cali oo 36 jir ah iyada iyo carruurteeda oo saddex ah waxay cunno yari iyo hoy la’aan ku wajahayaan xerada Bursaliid ee degmada Garasbaaleey. Haweeneydan ayaa sheegtay in tan iyo markii ay soo degeen xerada kowdii bishii Agoosto ee sannadkan aysan helin wax deeq ah .

Qadro ayaa la daalaa-dhacaysa quud u helidda carruurteeda oo agoon ah, kuwaas oo iyada kaligeed ka sugaya daryeel, korin iyo barbaarin. Waxay tilmaamtay inay dantu ku riixday inay u bareerto shaqooyin aysan horay u qaban. Waxay maalin walba u  xoogsi tagtaa xaafadaha magaalada oo aysan kala aqoon.

“Waa isku daynay, laakiin ma laha meel laga shaqaynayo ma laha. Dhar-dhaqow meelaha wana u wareegnay. Meel aan kasayno xitaa ma laha. Welwel badan ayaan dareemayaa.”

Nolosha Qadro iyo carruurteeda ayaa ku tiirsaneyd inta aysan soo barakicin beer ay ku lahaayeen deegaankooda, taas oo ay ku tacbadeen Galey, Masago, Digir, Yaanyo iyo abuur kale.

Noloshooda ayaa aheyd mid isku dheeli tiran, maaddaama ay dhaqaale kaafiya ka heli jireen wax soo saarka beertooda, balse hadda waxaa ku adag inay cunno helaan hal waqti.

Tuulada Jameeco ee hoos tagta deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayay uga soo barakaceen dagaal ku dhex maray Ciidamada dowladda iyo Al shababaab.

Qadro ayaa sheegtay inay iyada iyo carruurteeda dhowr saacadood oo lugayn ah kaddib inay waddaa u istaageen gawaarida xamuulka ah ee Muqdisho soo aada. Ugu danbayn waxay heleen darawal ka oggolaaday inuu si lacag la’aan ah ku soo qaado.

Dadka ka soo barakacaya colaadaha ayaa si maalinle ah u soo gaaraya xeryaha, kuwaas oo ay ka muuqato dan iyo duruuf isku beersatay.

Saddex kun saddex boqol iyo afartan qoys ayaa ku soo barakacay afar xero oo ku kala yaalla degmooyinka Garas-baallay iyo Kaxda tan iyo bishii Luulyo ee sannadkan sida uu sheegay Maxamed Cismaan Muumin oo u qaabilsan xeryahaas diiwaan gelinta qoysaska cusub.

Ninkan ayaa tilmaamay markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada heysata darteed qoysaskan inay olole wax aruurin ah u sameeyeen, balse aysan u helin wax ku filan oo baahiyahooda daboola. 

“Dadkaan inta u badan waxay joogaan 20 cisho. Inta kalana waxay joogaan saddex maalmood. Dadkaas hoyna ma haystaan, waxay cunaanna ma haystaan. Maalihii hore waxay seexanayayn sentarka dhexdiisa. Ulo ayana u soo gadnay. Dadka ayaan ka codsanay in maryo dhamaad ah la siiyo. Alaabtaas ayay wax ku dhisteen.”

Qoysaskan ayaa dhibane u ah colaado ka jira deegaannadooda, kuwaas oo u horseeday inay naftooda kala soo cararaan. Noloshooda ayaa isbeddeshay markii ay ku qasbanaadeen inay u soo nolol doontaan xeryaha, kuwaas oo dadkii horay u degganaa ay la ka-caa-ku-fayaan nolosha maalinla ah.

Previous Post

Mudug: Dhallinyaro ku shaqeeya xirfado la baray oo caawiya qoysaskooda oo reer guuraa ah

Next Post

Shaqo la’aan ka jirta Barbara oo saameysay Muruq-maal ku tiirsanaa

Related Posts

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Next Post
Shaqo la’aan ka jirta Barbara oo saameysay Muruq-maal ku tiirsanaa

Shaqo la’aan ka jirta Barbara oo saameysay Muruq-maal ku tiirsanaa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-APR-2026

IDAACADDA 24-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo