(ERGO) – Cabdiftaax Amiin Khaliif oo ka shaqo billaabay beeraha casriga ah ee Green house ayaa ka saaray qoyskiisa oo ku nool miyiga dagmada Galdogob xaalad cunno xumo, taasi oo la soo daristay markii abaartu ay bidday xoolo yari.
Waxaa u suurto galiyay shaqadan, markii uu bartay xirfadda farsamaynta tuubooyinka lagu waraabiyo beeraha iyo guridda miraha ka soo go’a dalagga beeraha. Howshan wuxuu ka qabtaa labo beer oo uu ka howl-galo galinka hore iyo kan danbe ee maalintii.
Wuxuu joogto uga helaa $30. Lacagtan ayaa ka caawisay in qoyskiisa oo lix qof ka kooban uu u diro cunno ku filan iyo lacag bille ah labadii bil ee u danbeeyay oo shaqadan uu hayay, taasi oo ka saartay duruuftii dhaqaale xumo ee haystay.
“Way iga badan tahay lacagtan, waxaana rajaynayaa in ay ii sii socoto. Xaafadda oo aan biil u diro kolba $100 ama $200 siday u badan tahay. Waxyaalo badan bay ka dabaraysaa sida arad-baxa oo kale adeega (Cuntada) oo kale waxyaalo badan bay ka deberaysaa.”
Wuxuu tilmaamay in uu u soo dhabar-adayga barashada xirfaddan ku shaqaynteeda uu ku naaloonayo. Bishii Febraayo ee sanadkan ayuu tagay Galdogob oo ka tirsan Mudug, markii uu u adkaysan waayay nolosha adag ee qoyskiisu ay ku jireen.
Wuxuu ka soo tagay 30 neef oo ari ah oo abaarta uga badbaaday qoyskiisa, kuwaas oo uu raaci-jiray si uu u samata-bixiyo qoyskiisa iyo xoolahaha ay dhaqdaan. Wuxuu sheegay in magaalada ay ku soo dhawaysay nolol ka xanuun badan tii miyiga.
Habeenno ay bannaan-yaalnimo iyo cunno xumo isku biirsadeen, kaddib wuxuu go’aansaday in uu maciin bido qoys ay qaraabo yihiin oo deggan Galgadogob. Waxay ka caawiyeen cunno hal wati ah iyo meel uu jiifto xilliga habeenkii.
Muddo uu ku howlanaa helidda fursad shaqo waxaa u suurto gashay Cabdifitaax in ka mid noqdo shaqaalaha waraabiya beeraha. Wuxuu ka shaqaynayay lacag kooban, balse wuxuu saaxiib dhow la noqday Injineer dhallinyarada si bilaasha u tababara.
Muuddo saddex bil ah oo uu baray 20 dhallinyaro ah oo uu ka mid yahay sida loo hirgaliyo tuubooyinka lagu waraabiyo beeraha Green house-ka iyo habka waxbeerashada waxaa u suurto gashay in uu gaaro isku filnaado dhaqaale iyo mid xirfad.
“Waxay iiga dhigan tahay inaan hada anigu aan naftayda ugu shaqaysan karo igu filan tahay oo familka wixii noloshooda u baahan tahay oo kale aan ku filanahay iyo wixii ku adkaada oo iyaga la soo darsa. Noloshaydii hore waxay ahayd nin familka wax weydiiya oo aan isaga waxa uu awoodo aan jirin. Qof kale in uu wax ka suga maahane aan isaga naftiisa waxba laga qaadayn oo aan heli karinba.”
Wuxuu sheegay in toddobaadkii uu ka shaqeeyo beeraha shan maalin oo ka mid ah, halka maalmaha kale uu uga faa’iideysto shaqooyin u gaar ah sida xirista tuubooyinka oo uu ka la shaqeeyo beeraha kale ee sida casriga ah loo beerto, kuwaas oo ku sii badanaya Galdogob.
Arrintan wuxuu uga golleeyahay si uu daqkhliga soo gala uu u kordhiyo, taasi oo uu rajaynayo in mustaqbalka ay ka caawiso in uu beer isaga u gaar ah uu yeesho.
“Beero kala duwan baan ka soo shaqeeyey oo soo maray. Abuuciiba beer baan ka shaqayn karaa isbuuc markaan beer dhameeyo isbuuca dambe beerbaa lagaa wacayaa oo ka shaqayn karaa bishii ugu yaraan saddex beer isku noqon karaan.”
Cabdifitaax wuxuu qorshaynayaa marka uu dhamaado sanadkan 2024 in uu Magaalada u soo raro qoyskiisa. Wuxuu xusay in miyiga aysan rajo badan ka lahayn, maaddama inta badan xoolohoodii ay abaartu galaafatay.
Waxaa la mid ah Aadan Cabdi Deerow oo xirfadda beeraha ee la barayay kaga shaqaysta beeraha Galdogob. Wuxuu sheegay in horay u ahaa shaqaalaha ka shaqeeya beeraha isagoo qaban jiray diyaarinta dhulka iyo falida beeraha. Hadda se si madax-bannaan ayuu u howl-galaa.
Wuxuu leeyahay macaamiil oo u farsameeyo tuubooyinka beeraha, kuwaas oo uu ka helo maalin $15-$20. Wuxuu xusay in noloshii ay isbeddeshay labadii bil ee u danbeeyay oo xirfaddan uu ku shaqaysanayay.
Wuxuu tilmaamay in uu ka tagay shaqo beer falis ah oo 10 saac ka mid ah maalintii uu qaban jiray. Waxaa lagu siin jiray $5 oo joornaati ah. Lacagtan ma soo dhaafi jirin qutulyoomkiisa. Hadda wuxuu awood u yeeshay in uu dhaqaale bille ah u diro qoyskiisa oo deggan Baydhabo.
“Nolosha si xayi ah baan ugu noolahay dhaqaalahii waxbaa iska bedelay. Mararka qaar waxaa dhici jirta in shaqada istaagto waxyaraadaan oo saxiibbaday aan shaxaado, quutul yowmka waayo, Haddana maashaa allaah anigaa isku filan oo dadka wax taraya noloshii hore iyo tan way kala fiican yihiin.”
Wuxuu xusay in bishii ay u soo xarooto $450. $150 ka mid ah ayuu u diraa qoyskiisa oo 11 ah. Lacagta soo hartay $70 uu waxbarashada uga bixiyo 4 wiil oo la dhashay oo mid uu jaamacadda ku jiro, halka inta kalana uu uu dhiggaal-sado.
“Lacag meel waan dhigtaa oo kayd baan leeyahay, waxaana iiga qorshaysan qof weyn baan ahay oo mustaqbal raba inaan ku guursado waa iiga qorshaysan tahay ilaa $50 waan keydiyaa.”
Eng. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamuud waxa uu cilmiga beeraha kaga baxay heerka koowaad Jaamacada Zamzam University waxa uu labadii sano u dambeeyey ku sugnaa magaalada Galdogob. Injineerka ayaa sheegay in markii uu yimid uu arkay baahida loo qabo dad xirfadan yaqaan ah oo kala shaqeeya waxbeerashada casriga ah, sidoo kalana naftooda uga faa’iideeya.
Wuxuu xusay in dadka uu waxbaray ay ka soo dhalaaleen kaalintooda, isla markaana ay naftooda iyo qoysaskooda waxtareen. Wuxuu tilmaamay in kaalinta uu ka gaystay aqoontooda in ay ahayd sidii uu bulshada Soomaaliyeed ugu soo kordhin lahaa xirfadlayaal beer-falidda iyo farsamadaba ku fiican.
“Awal xirfadooda qaar waxay ku tiiranayd beeraha oo kale inay si caadi waraabka hore kanaalka ku waraabin jiray iyo qaar kale oo xoogsato iska ahaa magaalada ku noolaa. Intaba way iskugu jiraan, kaddib markay noo yimaadaan waxay naga baxaan iyagoo xirfada yaqaana, kana faa’iideysan kara berri ka maalin haday meel kale tagaan iyagu shaqo abuur samaysan kara. Iyagoo ah dad dhiiran oo wax qabsan kara oo wax soo saarka dalkana wax u soo kordhin kara ayey naga tagaan.”
Sanaddihii u danbeeyay waxaa kordhay tirada beeraha sida casriga ah loo fasho gaar ahaan Green house-yada, kuwaas oo fursado shaqo ay ka heleen dhallinyaro waxbartay, xoogsato iyo xirfadlayaal ku wanaagsan waxbeeridda iyo farsadamaynta agabka beeraha.