Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Nin la nool Albiinada oo noloshiisu ay isbeddeshay markii aan baahinay sheekadiisa

Jibril Osman by Jibril Osman
September 22, 2024
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Nin la nool Albiinada oo noloshiisu ay isbeddeshay markii aan baahinay sheekadiisa

Cilmi oo la nool cudurka Albiinada, kaasoo shaqo ka helay hay'adda IOM/Rijaal Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cilmi Bile Maxamed oo ah 26 jir la nool xannuunka Albiinada, noloshiisu way ka fiican tahay sida ay ahayd sanad ka hor. Wuxuu shaqo joogto ah ka helay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka.

Ninkan oo nolosha ka rajo dhigay ayay Raadiyow Ergo baahisay sheekadiisa 31 bishii May 2023. Tani waxay sahashay in bishii Juun ee sanadkan laga dhigo shaqaale rasmi ah oo ka tirsan xafiiska IOM ee Soomaaliya.

Cilmi wuxuu bille u qaadaa mushaar gaaraya $600. Wuxuu ka soo kabtay noloshii adkayd ee shaqo la’aanta. Wuxuu hadda hay’adda u xil-saaran yahay wacyi-gelinya dadka la nool xaaladdiisa oo kale. Wuxuu u sameeyaa dhiiri-galin.

Wuxuu hadda deggan yahay guri kiro ah oo bishii uu ka bixiyo $ 80 doolar. Ninkan ayaa ka baxay dhibaatadii ka haystay hoy xumada. Wuxuu sheegay in shaqadan sidoo kale ay suurtagalisay inuu helo cunno saddex waqti h.

“Shaqadaan wax weyn ayay ii soo kordhisay. Waxaan arkaa farqi weyn oo u dhexeeya shalay iyo maanta. Shalay meeshii aan joogay iyo maanta meesha aan joogo waxaa jira isbeddel muuqda. Maanta waxaan ahay nin awood u leh inuu qoyskiisa biilo oo ku filan. Xaaskeyguna lacag ayaan u diraa. Nolosheyda hadda waa ku filanahay.”

Cilmi wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in fursaddan cusub ay u abuurtay yididiilo caafimaadka, islamarkaana bil walba uu soo gato kareemo ka caawiya in jirkiisa aysan waxyeelo u gaysan cadceeda qorraxda. 

Ninkan ayaa sidoo kale bille ugu iibiya dawooyinka aysan ka maarmin saddex carruur ah oo ka yar oo ku sugan gobolka Hiiraan, kuwaas oo la nool xaaladda Albiinada.

Cilmi waxaa uu awooda in walaalihii uu maanta ka bixiyo waxbarashada, balse ma jiro iskuul u gaar ah dadka qaba Albiinada. Haddii iskuulada la geeyo waxa ay la kulmayaan takoor, taasoo keentay in aysan guriga ka soo bixin.

Sida uu sheegay Cilmi, hooyadiis iyo aabbihiis oo ah danyar ayuu ka caawiyaa in aysan ka welwelin cunnada, kirada guriga, daawada iyo kareemada carruurta oo bishii gaaraya $200 doolar.

Xaaskiisa oo markii hore uu ka biili jiray dawarsiga ayaa hadda ku nool nolol wanaagsan bil walba wuxuu biil ugu diraa Beledweyne. Cilmi wuxuu qorshaynaya inuu dib ula midoobo. Wuxuu xusay in hadda uu doonayo in shaqada uu la qabsado oo uu sal dhigto.

“Horta, intii aanan shaqada haysan, waxyaabo badan oo aan u baahnaa balse aanan iibsan karin ayaa jiray, sida kareemada qoraxda ama cadceeda oo aan bil walba u baahnaa. Hadda, waan soo iibsaday, waan marsadaa, sababtoo ah cadceeda ayaa i dhibaysa. Xilliyada aan rabo ayaan shaqo tagi karaa, balse markii hore, ma bixin karin xilliyada qoraxda jirto, hadda,kareemanka ayaan marsanayay markaasaa shaqo tagayaa.”

Si uu uga faa’iidaysto fursadan cilmi waxaa uu billaabay waxbarasho uu ku tiigsanayo in uu noloshiisa ku horumariyo. Maalin walba markii uu shaqada ka soo baxo waxaa uu waqti badan galiyaa dhageysiga koorso inglish ah oo ku barto hab online ah, bishii waxaa uu ku bixiyaa lacag dhan $15.

Marka fahmo luuqadda ayuu qorshaynaya inuu iska diiwaan galiyo iskuulada nadaamiga ah ee magaalada, maaddaama aan looga maarmin waxbarashada. Wuxuu ka hadlayaa tiigsigiisa mustaqbaleed ee tacliineed.

“Dhanka waxbarashada, horta waxaan ahay nin shaqeeya. Haddana, waxaan bartaa luqadda Ingiriisiga si online ah, maadaama markii hore aanan awoodin dhinaca dhaqaallaha. Waxaan rajeynayaa markii aan luqadda si fiican u barto in aan u sii gudbo qeybaha kale ee waxbarashada, maadaama hadda luqadda ay muhiim noqotay. Waxaan rajeynayaa in aan shaqada wado, isla markaana gaadho ilaa heer jaamacadeed.”

Wuxuu sheegay in dad badan ay aamineen markii ay arkeen in uu shaqeyn karo si la mid ah dadka. Wuxuu xusay inay dadla qaarkood kasoo laabteen fikirkii qaldanaa ee laga haystay muuqaalkiisa cad.

“Aragtidii markii hore ee dadka iga heysteen ayaa si weyn isu beddeshay. Markii ay arkaan anigoo shaqeynaya, waxa ay garwaaqsadeen isbeddel weyn. Hore, marka ay arkaan anigoo meel istaagan oo aan shaqeynin, waxa ay u maleyn jireen in aan waxba ka qaban karin ama xanuunsanahay. Laakiin hadda, waxa ay leeyihiin: ‘Ninkaan dadka ayuu la mid yahay, wuxuu shaqeynayaa, faraha ha laga qaado.”

Cilmi waxa uu xusay in dadka ku dhashay Albiinada ay shaqo walba qaban karaan, sidoo kale ay wax baran karaan balse waxaa uu walaac ka muujiyay fasallada goobaha waxbarashada oo looga kala cararayo haddii ay isku dayaan inay xaadiraan.

Wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa in marka hore niyad ahaan ay noqdaan kuwo isku kalsoon. sidoo kalena ay noqdaan kuwo shaqo abuurta oo loo soo shaqo tago si meesha looga saaro dhibaatada u gaar ah. 

“Waxaan ugu baaqayaa dadka ila midka ah in ay niyadda dhistaan. Marka koowaad, qofka meesha uu ka dhintaa waa niyadda. Niyadda dhiso, qofka kuu sheegaya sidaan ayaad u taallaa, Ilaah baa abuuray, adna Ilaah baa ku abuuray. Kaliya waxa aad ku kala duwan tihiin waa midabka jirka, laakiin caafimaadka isku mid ayaad ka tihiin. Dhibaato aan asaga heysan adiga kuma heysato. Waa muhiim in ay shaqeystaan haddii ay shaqo heli karaan; haddii ay shaqo la’aan yihiin, waa in ay iska sugaan ilaa ay shaqo ka helayaan.”

Ninkan oo ah xaasle ayaa sanadkii 2018 soo galay magaalada Muqdisho, markii ay ku adkaatay nolosha magaalada Beledweyne oo ay deggan yihiin labadiisa waalid iyo saddex walaalihii ah oo sidiisa oo kale la nool Albiinada iyo xaaskiisa.

Weli xal looma helin caqabadaha nolosha ee ay wajahayaan dadka ku dhasha xanuunka Albiinada. Meelo badan oo dhulka Soomaaliya ka mid ah ayaa weli laga aaminsan yahay sheekooyin been abuur ah oo ku saabsan dadkan taasoo adkeysay xaalkooda.

Albiinada waa xaalad lagu dhasho oo ku jirto qeyb ama gebi ahaanba ooggada qof. Waa xaalad naadir ah oo la iska dhaxlo, taas oo ay carruurtu ku qaadi karaan haddii labada waalid ay qabaan. Waa mid aan la kala qaadin, taasoo la macno ah in qofka qaba uusan u gudbin karin qof kale.

Previous Post

Gargaarka laga jaray qaxootiga Dhadhaab oo haween xoogsato ah ka dhigay shaqo la’aan

Next Post

Mudug: Dhallinyaro ku shaqeeya xirfado la baray oo caawiya qoysaskooda oo reer guuraa ah

Related Posts

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Mudug: Dhallinyaro ku shaqeeya xirfado la baray oo caawiya qoysaskooda oo reer guuraa ah

Mudug: Dhallinyaro ku shaqeeya xirfado la baray oo caawiya qoysaskooda oo reer guuraa ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo